Maalin maalmaha ka mid ah, aniga oo ku tukanaya salaadii duhur masaajid aanu jaar ahayn, ayaa waxa aan raacay culimadii iyo odeyadii masaajidka oo isu diyaariyay, in ay soo booqdaan qoys aad u dhiban, oo deganaa xaafada, oo jaarku u soo sheegeen masaajidka, waxaanu tagnay guri xidhan, oo ay dhib badani ka muuqato, markii la garaacay aqalkii, in badan waa la furi waayay, mar dambe ayaa ay inan da’deed aan ku qiyaasi karo 20 ilaa 25-jir ay furtay, waxa hareeraha albaabka qoorta kala soo jeeday, caruur iyada ka yaryar, oo inamo iyo hablaba isugu jira, iyada ayaa ugu weynayd, waxaan arkay aqalka gudihisa qayb ka mid ah ayaa dunsan, oo guriga waxaad moodaa qabyo, jiingada uun baa saaran, gudaha waa ka qabyo,
waxa dadkii jaarkoodu sheegeen, in qoyskani aabahood aqalka ku dhex dhintay muddo hore, oo uu diif iyo gaajo u dhintay, hooyadoodna ay iyana maalmo yar ka hor iyana sidii oo kale u dhimatay, oo in muddo ah iyada oo aqalka meyd ahaan u dhex taalay, aanay carruurtu cidna u soo sheegin, balse dhowr cisho kadib la ogaaday, oo sidaasi lagu soo aasay, waxay jaarku sheegeen in carruurtu caadi ahaan jireen, oo ay la ciyaari jireen caruuraha kale, waxna baran jireen, balse markii dhibtaasi ku dhacday, ay aqalkaba ka soo bixi waayeen, oo muddo badan ay aqalka ku dhex jiraan,
waxa ay u muuqataa in ay carruurtaasi go’aansadeen, in ay iyaguna sida waalidkood oo kale ay ku wada dhintaan aqalka, waxa carruurtaasi wajigooda ka muuqatay cadho aad u badan, oo ay dadka oo dhan u qabaan, markii ay albaabka fureen may hadlaynin, dibadana umay soo bixin, lacag loo soo ururiyay ayay odayadii ugu dhex tuureen aqalka,
kadibna inantii albaabkii qab ayay ka soo siisay, oo hoosta ayay ka soo xidheen, culimadii iyo odayadii way iskaga yimaadeen, markii ay carruurtii hadli waayeen, ee ay waxba sheegan waayeen, qoyskani waxa ay ka dhasheen, oo ay la qabiil ahaayeen reeraha ugu lacagta badan magaalada, se taasi kumay helin daryeel.
Bal ka waran! Carruurtaa hadii dad-xunkii inta ay helaan, ay soo hubeeyaan, kol ay sixirka baraan-na, kadibna lagu soo kiciyo dadka, dhib badan ayaa ay dadka u geysan karaan.