Wuxuu yidhi: Habeenkii marka la kala xeroodo iyo waliba xilliga duhurka ee ay dadku nasanayaan, ayaa waxa xaafada ka bilaabma shiid, kolba aqal ayaa lagu dhuftaa dhagax, aqaladu waxa ay u badan yihiin Sandaqado, oo marka dhagaxu ku dhaco, xataa qofka hurdada ugu weyn ku jira ayaa Bugta! ku soo boodaya ama shanqadha jiingadu sameynayso marka uu dhagaxu ku dhaco, dumarkii ayaa is-wada nacay, oo ay midiba mid ku eedeysay shiidka, adiga na soo shiida! Naa adigaa na soo shiida! Qaylo… iyo Buuq…
kadibna habeen ayaa inta aan qaadkaygii qaatay, ayaan la koray aqalka dushiisa, meel qarsoon oo aan la iga arkaynin, anigu se aan hoos u soo wada arkayo aqalada badankooda, sidii aan halkii u saarnaa, waxa aan arkay wax iga yaabiyay, inta ay albaabkii aayar soo furtay, ayaa ay dhagax weyn ku dhufatay aqalkeedii, waata dalam tidhi ee orod ku gashay aqalkeedii, fudeydka marka ay ordeyso iyo culeyska jidhkeedu isma laha, laba dhagax oo kale ayaa ay ka soo tuurtay aqalkeeda gudihiisa, waxay ku kala dhaceen labadii aqal ee ku xigay, sidii caadada ahayd dumarkii inta mid waliba ay aqalkii orod kaga soo baxday, ayay is-tidhi ku gaadh qofka soo tuuray, markii ay cid dibada joogta waayeen, ayay sidoodii iyagu cay iyo hanjabaad isula baxeen, Naa! Maydin naga deyni, tii kale Naa! Illaahay ka baqo oo naga daa shiidka,
markii waagii uu baryay, ayaan aqalkeedii tagay oo ku garaacay albaabka, markii ay iga furtay ayaan ka codsaday in aan gudaha galo, way iga ogolaatay, kadibna iyada oo aad ii soo eegaysa, ileyn waa shaydaamade, waxa ay is-lahayd Toloow! Muxuu soo wataa… waan u waramay: “Xalay aqalkayga dushiisa ayaan saarnaa… waxaan doonayay in aan ogaado cidan xaafadaha shiid-da, markii ay saacadu intaa maraysay, inta aad aayar soo baxday, ayaad aqalkaaga ku dhufatay dhagaxii weynaa, kuwii kalena waxa aad ku dhufatay aqaladii kale, intaaba waan kula socday, hadaba mid yeel; in aan ku asturo, oo aanan cidna u sheegin waxaad sameyn jirtay, laakiin adiguna aad sidaa ku joojiso dhibka iyo in aan ku sheego, oo aad sidaa adiga iyo odeygaaguba ku ceebowdaan…”
kadibna iyada oo madaxa foorarinaysa, oo dhidid aad moodo fataatiiro uu ka saar-saaran yahay wejiga, ayay tidhi: “…Mayee cidna ha u sheegin, waan joojinayaaye…” muddo kadibna aqalkii way ka guurtay-ba.
Waa sheeko cajiib ah