Wuxuu yidhi: nin tuug ah, oo marar badan lagu soo xidhay xabsiga, ayaa ay askartii wareysteen, waxay weydiyeen Goorma ayaa ay kuugu naxdin badneyd?
Waxa uu yidhi: “maalin ayaa aan soo dabagalay odey miyi ka yimid, oo xoolo wata, waxa uu xoolihii u iib geeyay saylada, ilaa duhurkii ayaa laga wada iibsadey, kadib waxa uu galay hudheel si uu uga soo qadeeyo, lacagtii oo uu ku sito bac ilo-qabo ahna waxa uu dhigay cagihiisa hoostooda, inta aan soo ag-fadhiistay, ayaa aan si farsameysan uga hoos qaaday bacdii, inta aan la baxay, ayaa aan soo istaagay meel aan ka fogeyn hudheelka, wax yar kadib waxa soo baxay odeygii, oo aad u dhididsan, kolba gees ayuu eegayaa, afka wuu dhaqdhaqaajinayaa, oo in uu cid la hadlayo ayaad moodaa, hadana cidi uma dhawa, hoosba ma eegayo’e indhihiisu kor ayay u jeedaan, markaas ayuu kolba turaanturoonayaa, marna kufayaa, dadka kama leexanayo wuu jiidhayaa, waxa uu dhex galay laamidii ay gawaadhidu marayeen, kolba gaadhi ayaa dirqi kaga qabta, markii dambe gaadhi aad u ordayay ayaa jiidhay, oo nafba looguma tegine bartii ayuu ku dhintay odeygii,
hadaba maalinkaasi ayaan yar naxay, oo aan is-weydiiyay: Bal Eeg! odeygaa aad xoolihiisiina qaadatay, naftiisiina aad galaafatay …… …”
