Waxa aanu istaagnay tukaan hortiisa, si aanu uga adeegano, kadibna waxa aanu la kulanay laba dumar ah, oo isku haysta kuraasta cadcad ee maqaaxiyaha lagu fadhiisto,
midbaa hadashay oo tidhi: waxa ii yimid dhallinyar, shaah ayaa ay iga dalbadeen, kadibna markii ay kaceen, ayaan is-idhi soo habee kuraasta, kadibna waxa aan arkay in kuraastii ay badh maqan yihiin, markii aan tiriyayna waxaan ogaaday, in sadex kursi la xaday, hore waxa la iiga xaday tobaneeyo kursi, kadibna waxaan go’aansadey in aanan sadexdan ka hadhine aan raadiyo, maxaa yeelay; kuraastayda meel hoose ayaa aan calaamad kaga sameystay, kadib waxa aan u soo dhaqaaqay meheradihii igu dhawaa oo dhan, in aan mid walba ka baadho kuwii iga maqnaa, kadibna gabadhan oo jaadley ah ayaan ku qabtay,
intaa markii ay tidhi ayaa ay tii kale hadashay, iyadu way yar qoslaysaa, oo waxay noqotay tuug la qabtay, waxaanay tidhi iyaduna: waxaa kuraasta ii keenay innamo dhallinyar ah, oo igu yidhi: meherad aanu lahayn ayaa naga kacday, oo kuraasteedii ayaa aanu xaraashaynaa, sidaasi ayaan kaga iibsadey, markii la waydiiyay imisa ayaad kaga iibsatey, way sheegi wayday,
kadibna waxa ay ku heshiiyeen, in kuraasta la dhigo tukaankii aanu hor taagnayn, iyaduna keento nimankii kuraasta ka iibiyay, maxaa yeelay waxay tidhi innamada waan garanayaa.
