Waxay tidhi: suuqa marka la joogo, tuugu hadii uu wax xadayo, kuma dhici kartid in aad dhig ku tidhaahdid, ama markaasi ayuu wax ku yeelayaa ama maalin kale oo aanad iska filayn, ayuu dhib kuu geysanayaa,
maalin ayaa meherad agtayda ah allaab taala, la igaga sii tagey, kadibna ku timo duuduuban, oo indho-cas, ayaa intuu iska soo socday, is-dul taagay alaabtii, waaba ka iska qaatay, ana waaniga ku qaylyay, Waar dhig dee alaabta xageed geynaysaa, waar noo dhig! Inta uu dabinta soo qaniinay, waa ka toori dheer, oo aan is-idhi ilaa lugta ayaa ay dherersaneyd, inta uu iska soo gooyay, waa ka igula soo cararay, dirqi ayaan ku badbaaday maalinkaasi, Alxamdu lilaah!