Nin buka boqol u talisay…

  • Jamaal waxaa uu ahaa nin dhallinyar ah, oo aad u qurux badan, si fiican ayaa uu u koray, xilliyadii ay dagaaladu socdeen ayay qoyskiisu ka qaxeen dalka, oo ay u dhoofeen dibada, isagu na halkaasi ayaa uu ku dhashay.

Qoyskiisu waxaa ay ahaayeen kuwo dalkooda iyo dadkoodaba aad u jecel, kadibna markii Somaliland lagu dhawaaqay, ayay si degdeg ah dalka ugu soo laabteen, noloshoodu aad bay u heersareysaa, oo xanuun iyo xaalado cakiran oo kale midna noloshooda may arag, lacag badan oo ay soo shaqaysteen na way sitaan.

Kadibna waxay guri weyn, oo aad u qurux badan ka dhisteen, xaafadaha magaalada, iyaga oo ujeedadoodu aheyd; in ay ka ag dhawaadaan dadkooda, oo ay la sheekaystaan.

Nasiib daro; intii ay dalka ka maqnaayeen, ayaa dhaqankii dadka iyo damiirkiiba waxa badalay dagaaladii dhacay, oo waxay dadka badankoodii noqdeen Uur-Timoolayaal.

Jamaal waa nin qaangaadh ah, laakiin weli waa dhallinyar, dhowr cisho markii uu aqalka ka baxay, isaga oo caafimaad qaba, oo aad u xaragoonaya, ayaa waxa u tashaday dumarkii iyo raggii xaafada ay wada deganaayeen, kadibna habeen ayay sixreen.

Qoyskii dibada ka yimid waxay subaxii ku soo tooseen murugo, ciil iyo amakaag, maxaa yeelay; waxa subaxaasi ay arkeen Jamaal oo xaaladiisa caafimaad aad u xun tahay, jamaal faraha ayuu iskula hadlayaa, oo wuu isla sheekaysanayaa, mar wuu qoslayaa, mar wuu ooyayaa, marna dharkaba inta uu iska bixiyo ayuu cararayaa.

Qoyskii iyaga oo yaaban, oo oohin indhuhu barareen, ayaa waxa u soo galay dumarkii jaarkooda ee sixray jamaal, kadibna iyaga oo iskaga dhigaya nasteex, ayaa waxay ku yidhaahdeen “walaal inanka bal u geeya sheekh hebel…”.

Nin buka boqol u talisay reerkii waxay jamaal u geeyeen sheekhii, cajiib! Oo sheekhaniba wuxuu ka mid yahay, oo uu la shaqaystaa dumarkan sixiroolayaasha ah, kadibna markiiba wuu ogaaday in ay kuwii soo sixreen, isaguna wuxuu ku yidhi “…Inanka waa la sixray… anigaa sixirka ka rogaya’e… horta keena $??? oo aragti ah… waxaan siinayaa dawooyin qaali ah, oo uu ku bogsan doono, oo qiimahoodu yahay $???… muddo sadex bilood ah ayuu dawooyinkani qaadanayaa…”, Qoyskii jamaal lacagtii oo dhan way bixiyeen.

Ninkani sheekha iska dhigayaa, waxa uu noqday kuus xaydh ah, waa fadhi-weyne, waxa uu ka dibiray lacag aanu u soo dhididin, oo dhib yaraan iyo khuraafad uu ku qaatay, Nebi Muxamad(صلى الله عليه وسلم) waxa uu inoo sheegay in ay xaaraam tahay, faaliyuhu lacagta uu dadka kaga qaato khuraafaadka.

عن أبي مسعود الأنصاري أن رسول الله صلى الله عليه وسلم نهى عن ثمن الكلب ومهر البغي وحلوان الكاهن

Jamaal oo aan iska filayn, ayuu dhowr dhirbaaxo ka gaadhsiiyay, oo uu indhaha kaga dhuftay, hadana waaka tu kale laabta kaga dhuftay, kuye! “Waar maad ka bixi! Waar maad ka bixi! Waaka hadana cunaha ku dhagay, far yaradana waa ka maroojiyay, Ka Bax Waryaa! Ka Bax! Waryaa!”, Jamaal oo sidiisii kale-ba u dhibanaa, ayaa inta uu quustay yidhi: maxaan ka baxa? Kuye! Maxaan ka baxaa buu ku leeyahay? kani waaba ku madax adage, shaanbuug waa ka u soo qaatay, cabaadkii ka dhacay jamaal waa la yaabay, Jamaal ayaa hadal dirqi kaga soo baxay: “Alla Hooyo ninka iga qabta… Alla Iga qabta… Iga Qab!”, waa ka yidhi: “Heblaayo! waxan hadlaya ha moodin inankeenii… waa jinkii… anagaa naqaan…” waa kaa hadana feedh iyo hidh ku miisay, Ka Bax Waryaa! Bax! markii gacantii uu ku garaacayay ay daashay, ayaa uu hadana sidii oo kale yidhi: Waar maad ka bixi! Maad ka Bixi! Ma Jin Muslim ah baad tahay? Mise Gaal? Yaa Waryaa! Hadal waryaa, kolba dhirbaaxo iyo feed ayuu hoosta u galinayaa Jamaal, waxa jamaal uu waraabiyay kaadidii xayawaanka, oo kala du-duwan, tii Geela, tii-Adhiga, tii-Lo’da & tii-Dameeraha.

Wuxuu u qoray dawooyin uu ka soo sameeyay, waxyaabo isugu jira qadhaadh iyo qudhmuun, inta uu biyo koob ku soo shubay, ayuu yidhi: Khaakh! Khiikh! Khkh!, kadibna iyaga oo arkaya ayuu candhuuf iyo xaako-weyn dhex dhigay biyihii, waxa uu ka dhigayaa tufkii Qur’aanka, kuye! “Imika cab jamaaloow! aniga oo ku arkaya… … …

Jamaal markii xaaladaasi uu muddo aad u badan ku jiray, oo uu caafimaadkiisiina ka sii daray, lacag gaadhaysa kumanaan doolarna lagaga cunay, ayaa ay qoyskiisii ka quusteen, hadaba maalin maalmaha ka mid ah Jamaal Hooyadii ayaa soo booqatay halkii uu ninkani sheekha iska dhigayaa ku haystay jamaal, markii ay albaabkiisa maraysay, ayaa ay maqashay cod, waa ninkii sheekha iska dhigayay oo qof kale la hadlaya, waxa uu leeyahay: “Waar Cilaaj iska furo, waad ka dhargiye! Hadaad dadkani sadaqo weydiisato way ku garab mari… … …, hadii aad masaajid ka kacdo way kaa wada bixi… … … hadaad cilaaj furato waad ka ciil-bixi, waxa laguu keenayaa wasiirada iyo tujaarta carruurtooda, mid kasta oo kibirsanaa, ayaa isaga oo lacag la daba sido laguu soo xeraynayaa, intaad 100$ ka qaadato ayaad dhirbaaxo iyo candhuuf kala daalaysaa, waar intaad miyigani iskaga timaado, aniga maad ila shaqaysani, dadkani ayaad ila qab-qaban lahayde…” Qofkii uu la hadlayay ayaa ku yidhi: “Niyaw waxaan ku weydiiyay sideed ku noqotay sheekha, ma markii aad miyigeenii ka timid ayaa lagugu soo degay? Kuye! Dee ma iyadaaba dhib-ba leh, Jinka markaad ka saareyso dadka, waad la dagaalamaysaa, marka aad xanuujiso, ee aad qiiqna ku shido, faryarada uu ka baxayana aad ka xidho, wuu qaylinayaa, oo wuxuu kugu odhanayaa waan ka baxayaa! Waan ka baxayaa!

Jamaal Hooyadii iyada oo hoos u ooyaysa, markii ay ogaatay, in Jamaal ay u keentay nin aan sheekh ahayn, ayay u soo gashay ninkii, waxa ay ku tidhi: “Meeyay Jamaal…” markaasuu ku yidh: “Alla! Saaka ayaabu ugu fiicnaa, inta uu soo kacay ayuu halkani soc-socday, bil ama laba bilood kadib waad arki doontaa, Jamaal oo adiga kaa caafimaad badan”, waxay ku tidhi: “Waar Waan kaxaysanayaaye ii keen…” kuye! Naa hoy maad iska deyni, inta aanu ka sii darin…Waar ii soo daa Inankayga…”, inta ay ka soo kaxeysatay, oo ay silsilad weyn u soo iibisay, ayaa ay aqalkeeda ku dhex xidhay.

Dumarkii sixiroolayaasha ahaa arrinkaasi way ka cadhoodeen, maxaa yeelay; waxa ay doonayeen in ay ku wiirsadaan, oo ay arkaan jamaal oo gudaafadaha fadhanaya, kadibna inta ay isa soo raaceen, ayay qoyskii jamaal aqalka ugu yimaadeen, iyaga oo isku jiibinaya, oo marka ay mid hadashaba ta kale odhanayso waa runteed, waxay ku yidhaahdeen qoyskii jamaal “…inanka hadii aad sidan aqalka ugu dhex haysaan, wuu ku sii waalanayaa, caafimaadkiisuna wuu ku sii xumaanayaa, maalintii gelinka hore ama ka dambe dibada u soo saara, ha yar mija-baxsado, oo ha jimicsado’e…”.

Nin buka boqol u talisay… way ka ogolaadeen, jamaalna inta silsiladii ay ka fureen ayay soo daayeen, isaga oo xaaladiisu aad u xun tahay, kadibna sixiroolayaashii inta ay caruurihii xaafada soo ururiyeen, ayay ku yidhaahdeen eryada, oo ku oriya “Jamaal waalane… Jamaal waalane…” Jamaal qurux Illaahay Amarkii sidaa ayay noloshiisii ku duntay, oo dumarkaasi sixiroolayaasha ahi u galaafteen caafimaadkiisii, isaga oo weli dhallinyar ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!