Waxaa ay ahaayeen jaar isku dhaw, oo isku aqal xiga, way wada sheekaysan jireen, laakiin iyada imika waa la guursaday, oo waxay leedahay xaas xalaal ku qaba, oo ku filan, waxa ay dhashay ilmihii curad, kadibna inta uu habeen u soo dhukusay, ayuu sinno ama gogol-dhaaf u soo bandhigay, iyana way ka ogolaatay inkaar-qabto.
Maanta qoyskeedii waxa uu ka kooban yahay 7-qof; sadex waa Innamo, laba waa Hablo iyo Ninkeedii, waxay ku nool yihiin nolol aad u fiican, oo farxad leh.
Isagu berigiiba waxa uu ku talo-jiray dhoof, markii dhoofkii ugu suurtogeli waayay sidii toosneyd, wuu tahriibay, silic iyo saxariir badan ayaa uu kala kulmay safarkaa tahriibka, maantana waxa uu joogaa yurub, markii uu woxogaa lacag ahi isku yar gaadhay, ayaa uu damcay inuu guursado, kadibna waxa uu xasuustay gabadhii ay jaarka ahaan jireen, ee gogol-dhaafka u ogolaatay, wuu la soo xidhiidhay, waxa ay u sheegtay in hablaheeda mid ka mid ahi qaan-gaadhay, hadii uu guur diyaar u yahayna uu soo doonan karo, waxaa ay u dirtay inanta sawirkeedii, way la hadashiisay, way is-bartay, wuu la hadlay, wuu la haasaaway, wuxuu u sheegay inanta in uu guursanayo, waxyaabo badan oo kalena wuu ka wareystay, kadibna waxa uu go’aan ku gaadhay in uu dalkii yimaado, oo uu inantaasi guursado.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay xanuunsatay inantii guurka loo diyaariyay, kadibna xanuunkeedii dalka gudihiisa waxba waa lagaga qaban kari waayay, waxa loo qaaday dhakhtar ku yaalla wadamada jaarka ah, inanta xanuunkii marba marka ka sii dambeysa wuu ku sii kordhayay, inantii waxa xalkeedii noqday in qaliin ay gasho.
Waxa uu maqlay maalin dambe; in inantii uu doonayayba ay xanuunsatay, oo loo qaaday dhakhtar ku yaalla wadamada jaarka, kadibna tigidhkii ayuu u so goostay halkii uu dhakhtarku ku yaalay, waxa uu yimid dhakhtarkii, waxa uu ku soo beegmay iyada oo qaliinkii loo sii qaadayo, kadibna waxa uu tagay qol ay fadhiyeen inanta hooyadeed, aabaheed iyo walaaladeed, wuu salaamay, waanay soo fadhiisiyeen, iyaga oo u sheegay in imika uun la qaaday inantii, markii ay in cabaar ah fadhiyeen, ayaa uu soo galay dhakhtarkii, kadibna waxa uu u sheegay in loo baahan yahay aabaheed, si jidhkiisa loogaga qaado wax ay had iyo goor aabaha iyo caruurtiisu iskaga mid noqdaan, oo ay inantani u baahan tahay, odeygii inanta dhalay wuxuu raacay dhakhtarkii, markii uu dhakhtarkii jidhkii odeyga ka eegay, wixii ay inantu u baahneyd, waxa u soo baxday in odeygani aanu dhalin inantani, kadibna dib ayuu ugu soo celiyay odeygii qolkii, waxaanu si cad ugu sheegay qoyskii inanta in aanu odeygani dhalin inantani, maxaa yeelay; isku mid kama aha wixii ay aabaha iyo caruurtu ka mideysnaan jireen jidh ahaan(DNA), odeygii iyo qoyskiiba waa kuwaa yaabay, ee uu midiba mid eegay, dhakhtarkii waxa uu u sheegay qoyskii in ay soo raadiyaan dad ehelkooda ah, oo la baadho bal in la helo qof inanta ay isku mid noqdaan, oo dhiig uun u shuba, kadibna inkaar-qabihii ayaa yidhi “aniga horta I baadha, hadii aanu isku dhiig noqono, aniga ayaa u shubaya dhiiga’e”, kadib dhakhtarkii ayuu raacay, markii uu dhakhtarkii dhiigii ka qaaday, ninkii wuxuu ku soo noqday qolkii, markii uu dhakhtarkii baadhay dhiigii ninka, waxa uu ogaaday in inantani uu dhalay ninkani, isla markaa xubintii inantu u baahneydna ay iskaga mid yihiin, kadibna dhakhtarkii oo faraxsan ayaa ku soo noqday qolkii oo ay yimaadeen dad badan, oo laga soo ururiyay magaaladii, bal si loo helo qof la dhiig noqda inanta, waxa uu dhakhtarkii u yeedhay inkaar-qabihii, waxa uu dhakhtarkii yidhi isaga oo faraxsan, markii aan baadhay dhiigii ninkani, waxa noo cadaatay, in inantan xanuunsaneysa uu dhalay ninkani, kolkaa isaga ayaanu uga saareynaa xubinta, kadibna dadkii meesha joogay oo dhan ayaa naxdin midba meel ku qaboobay, odeygii marka hore inanta aabaha u ahaa, ayaa fikir iyo amakaag la gamaaray, inkaar-qabtadii inanta dhashay waxay maskaxda wareejiso, oo ay fikirtaba, waxa ay yaqiinsatay, in habeenkii ay gogol-dhaafka sameysay, ee uu inkaar-qabahani ka sineystay, ay inantani calool gashay, kadibna way suuxday naxdin darteed.
Inkaar-qabtadii markii ay soo miiraabtay, waxa ay is-aragtay iyada oo sariir taala, show naxdintii faalig ayaa ku dhuftay, oo dhinac dhan ayaa qalalsan, kadibna iyada oo dhareerka qubaysa ayaa ay u yeedhay odeygeedii, waxa ay u sheegtay in ay gogol-dhaaf sameysay habeen habeenada ka mid ah, oo uu inkaar-qabahaasi ka sinaystay, iyada oo taaga isleh wax hagaaji.
Markii uu odeygii ogaaday xaqiiqda, wuxu u yimid inkaar-qabihii oo yaaban, waxaanu ku yidhi: “waar waxaad yeeshaa, waa taa inantii aad aabaha u aheyd sariirta saarane, dee dawayso, oo xubintana u bixi, sidaana ku qaado, intii aan kuu soo koriyayna waxba kuu raaci maayo, sow xaasaska la qabo habeenkii umaad oo dhukusi jirin, waa kuwaa caruurtii aad dhukusaada iyo sinada ku dhashaye kaxeyso…” inkaar-qabihii markii uu maqlay sino iyo dhukusaad, orod ayuu isa sii daayay, isna wuu xasuustay beriigii uu inkaar-qabtada ka sineystay, waxa uu dib ugu noqday halkii uu ka yimid.
Odeygii wuu ka dhaartay inantii, laakiin markii dadkii magaaladu canaanteen wuu soo kaxeystay inantii iyo hooyadeedba, waxa ay ku soo noqdeen gurigoodii, inantiina way bogsatey, laakiin qoyskii farxada badnaa, aqalkoodii wuxuu noqday guri-murugo, ogeygii shaki badan ayaa ku abuurmay, caruurtii lama hadlo, mana wareysto, mararka qaarkood wuxuu odhanayaa, “Naa Heblaayooy Kaana kumaa dhalay, iimaba eeka kaasiye! Oo Taana horta kii dhalay keebuu ahaa! Ma kan biyaha inoo shuba! Mise waashmaanka!” hadaladaasi carruurtuna aad ayaa ay u dhibsadaan, kadibna markii uu odeygii joojin waayay hadaladii, inantii sinada ku dhalatay way is-gubtay, inamadii mid isna wuu is-daldalay, labana way baxsadeen, oo meel ay tageen mooji.
Inkaar-qabtadii dhibtaasi oo dhan sababta u aheydna, iyada oo dhareerka qubaysa ayay sariir ama kursi-curyaan dul taalaa, waxa haysa oo la joogta carruurta inantii u yareyd, oo qoyskii keligeed ka soo hadhay, odeygiina gabadh kale ayuu guursadey. Inkaar-qabihii markii uu ku noqday qurbihii, ee loo sheegay sida uu u dumiyay qoyskii uu hooyadood ka sineystay, wuxuu noqday sidii wax waalan, oo werwer iyo walbahaar ayaa ku furmay, waxa maskaxdiisa qabsatay, oo ku weynaatay, inantii biyihiisa ka farcantey, ee uu isagu dhalay, ee uu hadana la haasawayay, oo uu doonayay in uu guursado, iyo qoyskii farxada badnaa ee uu sababta u noqday burburkooda…
