Waxa ay yihiin jaar isku dhow, waa dhowr qoys, oo xaafad wada degan, albaabadoodu way isku furan yihiin, oo qof kasta oo xaafada degani waxa uu u geli karaa qoys kasta, isaga oo aan wax dareen ah qabin, isla markaa qoyska uu u galayna aanay wax shaki ah ka qabin, waxa ay qoysaskaasi ku wada noolayeen farxad, is-jaceyl, wax-wada-lahaansho & walaalnimo, kadibna maalin maalmaha ka mid ah, ayaa tu inkaaran, oo meel kale uga timid xaafadu, ay si hoose uga xaday qoysaskii mid ka mid ah weel aqalka u hor yaalay, la raadi kadibna la waa’a weelkii, qoyskii shaki ayaa ku abuurmay,
waxa ay markiiba ka shakiyeen tu-yar, oo degan aqalka ku xiga, markii reerkii loo tegay, ee la soo weydiiyay weelkii, reerkiina waa kuwaa xanaaqay, ee yidhi: “ma tuug baad nagu ogeydeen!”, kuwii laga xadeyna waxa ay hoosta ka leeyihiin, “boodhka ayaa ay isku qarinayaan, waa beentood iyaga ayaa qaatay alaabta… dadka madiibad iyo fijaan xadey, ma dahabka ay habluhu xidhanayaan iyo alaabta kale ee aqalka taala ayay dhaafi, iska aamusa weynu siganaye…” labadii qoys sida ayay ku colobeen, oo albaabadoodii isku furnaa, qoys waliba albaabkiisii wuu soo xidhay, waliba waxa ka daran, way isku fiirfiirsanayaan, oo qoysba qoyska kale dhaqdhaqaaqooda wuu u fiirsanayaa,
hadana inkaar-qabtadii qoys kale ayay alaab ka xaday, oo qoyskii alaabta laga xaday iyo qoyskii ku xigay ama ka soo horjeeday ayaa coloobay, oo soo kala xidhay albaabadoodii, kadibna qoysaskii ku wada noola wanaaga iyo walaalnimadu, waxa ay noqdeen dad kala shakisan, oo aan qoysna qoys u wareegin, oo isku wada-fiirfiirsanaya, oo ay colaadi dhex taalo,
hada ogow; qoysaskani qoys waliba sidii uu hore u wanaagsanaa dhaqan ahaan, ayuu weli u wanaagsan yahay, qofka dhibka sameynayaa iyaga maaha, hadana qoys kasta oo wanaagsani, qoyskii kale ee wanaagsanaa, ee ay ahayd in ay is-kaashadaan, oo ay walaalnimo iyo wanaag ku wada-noolaadaan ayuu ka shakisan yahay, kadibna markii la baadhay, waxa la soo ogaaday inkaar-qabtadii tuugadda aheyd,
qaadigii ama garsoorihii ayaa u khudbadeeyay qoysaskii, oo ku yidhi: “waynu ognahay in farxadii dhexdiinu luntay, in walaalnimadiinii dhaawacantay, in aad kala shakideen, oo colaad iyo naceyb idin soo kala dhex galay, waxaanu idiin sheegaynaa, inaanu soo qabanay tuugadii sababta u ahayd, dhibaatadaa idin dhex taala, waa tan, waa heblaayo…
kadibna qoysaskii ayaa qoys waliba yaab iyo naxdin la gamaaray, iyada oo qof waliba uu dib isu xasuusinayo, dadkii wanaagsanaa ee xaafada kula noolaa, ee uu ka shakisnaa, ceebihii iyo xumaantii uu qof waliba walaalkiisii kale u sameeyay, ee uu ku eedeeyay, isaga oo aan qabin, kana mudneyn, markii qoysaskii qof kasta oo ka mid ahi, uu farta dhexda ka qaniinay, dareemayna dhibta uu tuugaasi u geystay,
waxa uu garsoorihii yidhi: [Gacantii Wax Qaadka Barata, Hadii La Gooyana Gumudkaa Dhaqdhaqaaqa] waxay u muuqataa in shakiga idin soo kala dhex galay uu yahay mid weyn, bal ka warama gacantii sababtay dhibaatada intaa le’eg, hadii aynu goyno, oo aynu ka joojino dhaqdhaqaaqa, shakigii idin soo kala dhex galay, malaga yaabaa in uu idinka baxo, oo aad walaalnimadii iyo wanaagii aad hore ugu nooleydeen, uu idiin soo noqdo, ileyn waynaga goynay gacantii wax qaadi jirtaye,
kadibna qoysaskii qof kasta oo ka mid ahi isaga oo aan is-ogeyn, ayaa uu ku qaylyay af-labadii: Inkaar-qabtada gooya gacanta!!! gooya gacanta!!!”
tuugaddii gacantii la goo, laganna nasay, intaa kadibna waxa dib u soo noqday, wanaagii iyo walaalnimadii qoysaska dhex taalay, waloow aanay sidii hore isugu dhuun daloolin, oo uu mid waliba isu arkayo inuu walaalkii ku gefay, markii uu male xun ka qaatay, hadana shakigii badnaa wuu ka dhex baxay, oo goyntii gacanta tuuga kadib, waxaa ay qaadaan, oo ku heesaan: Saxalkii Baxyoo Samaatay… Saxalkii Baxyoo Samaatay…
