Waa ku aan wali dhadhamin macaanka iyo wanaaga ay Diinteenu leedahay, waxaa uu yidhi: “Waar Diintani dadka gacmaha iyo lugaha jaraysa, ee badhna dhagaxa ku dilaysa, badhna shaanbuuga la dhacaysa, miyaa …”,
Kadibna waxa la weydiiyay: Ma Gaal baad tahay, oo wax baad hoosta ku qarinaysaa?
Inta uu cadhooday Kuye! Mayee Muslim baan ahay, Ma adiga ayaa gaal naga dhigaya…
Hadaa miyaad sinaysataa, oo tumashada ayaad taqaannaa?
Inta uu sii cadhooday ayuu yidhi: Waar oori xalaal ah ayaanu haysanaa, maxaanu sinno uga baahan nahay…
Hadaa ma tuug baad tahay, oo wax-qaadka ayaad taqaan?
Kuye! Jaw… Illaahayba iimuu baahinin wax dad kale leeyihiin, arsaaqda uu I siiyay ayaa iga badan…
Hadaa ma khamriga iyo xashiishada ayaad cabtaa?
Kuye! Waligayba afkaygaa ma saarin…
Hadaa ma cayda iyo af-lagaadada ayaad taqaannaa?
May! qof dhib iga sheegtay wali maan arag, cayna hadalkeedaba daa’a…
Illaahay cilmigiisu badanaa, hadaa maxaad diinta uga soo horjeedaa? Islaamku waa Diintii wanaaga, horumarka, farxada iyo walaalnimada abuuraysay, qof xun oo xumaan isku og, oo is-leh xumaantaasi ayaa xeer-ciqaabeedkeedii lagugu fulini, ayaa uun baa Diintani nacaya ama ka soo hor jeedsanaya.
