Wuxuu igu yidhi: Waaryaa! Halkan aad joogto waa maxay?

Waxaan raacay gaadhigii u baxayay magaalada Jig-Jiga, gawaadhida la raacaa waa basas, kolkaa waxa dadku kala xushaan kuraasta, oo waxa inta badan la jecel yahay kuraasta daaqada leh, markii aanu waxogaa la soconay gaadhiga, ee aannu ka baxnay magaaladii Wajaale, ayaa aanu istaagnay meel kaantarool ah, oo lagu baadhayo dadka iyo alaabtaba, dadkii oo dhan ayaa gaadhigii laga soo dejiyay, kadibna askar ayaa fuushay gaadhigii oo soo baadhay, anigu wax alaab ah waxa aan sitay wax yar oo iigu jiray shandad yar oo degta ii sudhan, intaa kadib waxa la guda galay in dadku baskii dib ugu noqdaan, waxa la galay kuyuu, oo waanu is-daba-istaagnay si xidhiidhsan, albaabkii baska waxa istaagay nin u muuqday in uu ahaa sarkaal, labadiisa garabna waxa kala istaagay laba askari oo aad u cadhaysan, oo mid waliba qoriga u haysto si feejigan, dadkii ayaa kolba qof soo hor istaagaa sarkaalka, waxa qof kasta la weydiinayaa sharcigiisa, kadib markii la soo gaadhay aniga, waxa uu sarkaalkii igu yidhi: “mee sharcigaagii…”, kadib waxa aan soo saaray mustawaqadii aan sitay, sarkaalkii inta uu kor iyo hoos ii eegay, oo uu kolna indhaha igu soo gubay, kolna mustawaqada hoos u eegay, ayaa uu I weydiiyay su’aal aad ii dareen gelisay, inta uu si quman ii soo eegay, ayaa isaga oo dhoola-cadeynaya waxa uu igu yidhi: Halkan aad joogto waa maxay? Kadibna inta aan la yaabay su’aasha ayaa waxa aan ku idhi: waa Wajaale… hadana wuu igu celiyay, isaga oo wali igu jees-jeesaya, markii dambe ayaa waxa aan dareemay waxa uu doonayo, su’aasha uu rabay waxa ay aheyd Wajaale-dani ma dhul Itoobiyaan baa, mise waa dhul Soomaali, kadib waxa aan ku qancay in uu I gartay in aanan Itoobiyaan aheyn, waxa aan ugu muuqday mid ka dhacsan oo aan ogeynba in Itoobiya xoog ku qabsatay beri beryaha ka mid ah dhulkani, oo imika dhulkaasi yahay dhul Itoobiyaan, kadibna inta aan yar foorarsaday aniga oo ay talo igu ciirtay, oo ay dhib igu tahay in aan idhaahdo Wajaale waa dhul Itoobiyaan, ayaa aan hoos u idhi Itoobiya, inta uu yar qoslay, oo uu neef-tuuray, ayaa uu I weydiiyay dhowr su’aalood oo kale, oo uu si degdeg ah iila boobay, iyada oo aad moodo in uu sii garanayay in aanan garan-doonin su’aalahaasi, oo uu rabo in aanu wakhti iskaga luminin inta aan hadalka ku mer-merganayo, waxa su’aalahaasi ka mid ahaa kuwani:

  • Jiingadu meeday…?
  • Nuskiiloo waa maxay…?

Iyo qaar kale oo aan fahmi waayay waxa uu uga jeedo, maxaa yeelay; sarkaalkani wuxuu ahaa xabashi, se af-soomaaliga wuu yar ja-jabsanayay, su’aalahaasi wax aan kaga jawaabo waan garan waayay, isaguna hadalba igamuu sugine, kolkiiba waxa uu jeebada gashaday mustawaqadii aan sitay, iyada oo ujeedadu aheyd Itoobiyaan ma tihide iska noqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!