Cawaale waa nin muruqmaal ah, lehna oori iyo carruur, cawaale waxa caado u aheyd, in uu maalintii oo dhan shaqeeyo, habeenkiina qaad u fadhiisto, qaadka wuxuu ka kici jiray xilliyada dambe, wuxuu ag degan yahay nin mushaki ah, oo cid kasta oo waddada maraysa ka shakiya, labadan nin guryahoodu waxa ay isku hayaan dhinaca, waana laba sandaqadood, ninkan mushakiga ahi waxa uu istaagi jiray habeenkii, meel cabaar u jirta gurigiisa, cawaale oo habeenkaasi qaadkii ku badh go’ay, ayaa soo caraabay koor horeba, Cawaale marka uu qayilo hagaag waxba u ma garto, sidii uu u soo socday ayuun buu daf yidhi gurigii mushakiga, mushakigii oo halkaa ka soo qooraansanaya ayaa orod isa soo daayay, intii uu soo ordayay ayaa waxa uu naftiisii ku leeyahay: allaylehe caawuun baan qabtay ninkii gurigayga ku wareegi jiray habeenkii marka aan maqanahay, mabuu sugine handaraabkii ayuu dusha kaga xidhay, wuxuu damacsan yahay, in uu jaarka oo dhan soo kiciyo, si loola ogaado ninkan iyo waxa uu ka damacsan yahay gurigiisa, dumarkii jaarka oo dhan ayuu iskugu keenay meeshii, cawaale oo isaguna garwaaqsaday in uu galay guri kale ayaa halkan qaylinaya, oo leh: waar yaa muslim ah guriga iga fura, mushakigiina waxa uu leeyahay: adkeyso waaryaa caawa ayaa kuugu danbeysa guri aad u dhuumatide, markii gurigii laga furay ayaa dadkii aqoonsadeen wejigiisa, alla oo waa cawaale’e…, cawaale’aa, halkan bay gabadhiisii oo hadalkii ka xanaaqday ka soo booday, waxba may hubsane kolkiiba baroor bay qabsatay, Hoogi waayay!!! show habeenkii oo dhan wuxuu ku maqan yahay waa waxan, walee anaan kaa tashan, dadkiina waxay sawirteen in uu ogaan u galay guriga, habeenkii laga seexay, qoys waliba cadho iyo ciil ayay ku seexdeen, waagii markii uu baryay, ayuu cawaale odeyaashii xaafada shiriyey, isaga oo u sharaxaya sida ay wax u dhaceen, cawaale ergadii laga aqbal, xaalna bixi, xaaskiisiina waa loo soo sasabay, cawaale maalintaas ayuu go’aansaday in uu qaadka cunistiisa iska daayo.
Waxa Qoray: Maxamed Cabdulaahi Muuse
3fyuhu