Waa Maxay Qaran?

Qaran waa midawga ama isku-taga bulshada, ereygani qaran asalkiisu waa ulaha ama dhudaha xasiida ama hadhuudhka, marka la ururiyo, ee ay tuulmaan.

Dhudda aalaha ama xasiidu waxa ay ka mid tahay, kuwa ugu jilicsan marka la kala jebinayo midheeda kaliya, laakiin marka dhowr dhudood oo ka mid ah xasiida ama hadhuudhka la isku geeyo, aad ayay u adag tahay, in si fudud loo kala jebiyo.

Tusaale: Waxa aynu tusaale u soo qaadanaynaa, Odey dardaaran aad u qiimo badan siinaya innamadiisa:

Odey Illaahay Weynaa oo Wanaagsanaaye uu ugu deeqay xikmad, Sagaal innamood-na uu siiyay, ayaa nin weyni wedkii wuu yaqaane, markii uu ogaaday in xilligiisii soo dhawaada, wuxuu isugu yeedhay inamadiisii, wuxuu ku yidhi: “qof walba ha soo qaato laba ulood ama dhudood (oo dhudda aalaha ama xasiida ah…)”

Markii ay odeygii u yimaadeen, isaga oo mid waliba uu sito laba dhudood, waxa uu odeygii ku yidhi inamadii “Qof waliba labadiisa ulood midna dhulka ha dhigo, midna gacanta ha ku haysto”, sidii ayay sameeyeen, kadibna odeygii waxa uu hadalkii ku bilaabay inamada kii u yaraa, waxa uu ku yidhi: “Aabo waxa aad sameysaa, ulshaa aad sidato, bal kala jabi?”, inankii inta uu si fudud u qabtay, ayaa uu kala jebiyay, maxaa yeelay; dhudda aaluhu waxaa ay ka mid tahay, dhudaha ugu jilicsan geedaha, waliba marka ay qalasho, Odeygii hadana inankii da’a ahaan ku xigay ayaa uu ku yidhi: “Aabo bal adna kala jebi? Inankii kalena si fudud ayaa uu u kala jebiyay dhudiisii…”

Kadibna odeygii markii uu sagaalkii inamoodba suáashii weydiiyay, oo mid waliba dhudiisii si fudud u kala jebiyay, waxa uu odeygii hadana innamadii ku yidhi: “Qof waloowba ii keen dhuddaa dhulka kuu taala?”, kadibna innamadii mid waliba inta uu soo qaaday dhuddii dhulka uu dhigtay, ayaa uu u keenay Aabihii, Odeygii waxa soo galay gacantiisa sagaal dhuddood, sagaalkii dhuddood ayaa uu isku geeyay, kadibna hareeraha ayuu xadhig kaga soo xidhay, sagaalkii dhuddood oo imika aan kala daadaneynine isku xidhan, oo dhud weyn isku noqday, ayuu u dhiibay inamadiisa kii ugu weynaa, ee ugu xooga badnaa…

Waxa uu ku yidhi: ” Aabo bal kala jebi?”, inankii itaalkiisii oo dhan wuu iskugu geeyay, wuu kala jebin kari waayay, lagamana qaadin ilaa uu is-dhiibay, oo uu yidhi: Ma kala jebin karayo? Kii inamada ku xigay da’a ahaan ayaa loo dhiibay hadana, isna sidii oo kale ayaa uu yidhi: Ma kala jebin karayo…

Markii inamadii kari waayeen sagaalkii dhuddood, in ay hal mar kala jebiyaan sidii dhuddii kali ahayd oo kale, odeygii ayaa loo keenay dhuddii weynayd ee sagaalka dhuddood ka koobneyd, odeygii wuu kala fur-furay dhuddii weynayd, kadibna markii ay noqotay sagaal dhudood oo yar yar, inamadii ayaa uu u kala dhiibay, wuxuu amar ku siiyay in mid waliba kala jebiyo dhudiisa? Inamadii mid waliba sidii markii hore oo kale, si fudud ayaa uu u kala jebiyay dhudiisii…

Kadibna odeygii ayaa hadlay, waxa uu yidhi: “Aabo ma I maqlaysaan, hadii aad isku xidhnaan weydaan, oo mid waliba goonidiisa inta uu u noolaado, kaligii tashado, kalidii socdo, kalidii dagaalamo, sidaa uu mid waliba dhudii kali aheyd, ee uu hayay, uu u kala jebiyay, ayaa loo kala jebini, oo looga guuleysan doonaa, hadii aad isku xidhnaataan, oo marka mid hawl uu galayo, uu inta kale la tashado, arrin kasta aad wada gorfeysaan, oo aad ka wada socotaan dhinac kasta oo noloshiina ah, sida dhuddii weynayd ee sagaalka ulood ka koobneyd oo kale ayaydin noqoni, oo si fudud la idiinka guuleysan maayo, arrimuhuna way idiin fududaani, marka aad sagaalkiina maskaxood isugu geysaan Illaahay Amarkii, sidaa ayaan idinku ogahay, dardaarankaasi ayaan idinkaga tagayaa Aabo, ILLAAHAY-NA HA IDIN WAAFAJIYO!”

Sida oo kale, wuxuu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye muslimiinta ku sheegay Umad

{ان هذه امتكم امة واحده…}

Ereygaa af-carabiga ah ee Al-Umah, af-soomaali waxa uu ku noqonayaa ama ugu dhow Qaran.

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?