Dadka qaarkood marka ay maqlaan qof leh Qolomaad tahay ama qabiilkaagu waa kee? Way la yaabaan, sidayda oo kale, se markii aan wax baadhay, waxa ii soo baxday qolomaad-tahay? in ay xilliyada qaar dadka u aheyd, habka keliya ee ay kaga badbaadi jireen dad-xunka.
Waagii hore dadku may lahayn dowlad iyo maamul u adeega, oo wixii xume-wadayaal ah ee dhex jooga ka dhex qabta, kolkaa xalku wuxuu ahaa marka meel lagu arko dad-xun waa laga ag-guuri jiray.
Marka aad qofka weydiinayso qoladiisa, waa in aad aqoon fiican u leedahay waxyaabahani:
- Abtirsiinta qolooyinka iyo sida ay isku dhal-dhaleen.
- Hab-dhaqanka ama Hab-nololeedka Qabiillada iyo Deegaamadooda.
Marka uu qofku ku yidhaahdo waxa aan ahay reer hebel, waa in aad la garanayso reer hebelkaasi iyo inta reer ee ay u sii kala baxaan, hadana waa in aad weydiiso, reer hebel yaad ka tahay?
Hadaba marka aad qofkii ogaato reerkiisa, waxa aad hadana weydiinaysa xageed ka timid, kolka uu deegaankiisa kuu sheego, waxa aad xogtaasi barbar-dhigaysaa aqoontii aad u lahayd reeraha iyo deegaamadooda, kolkaa qofkii ama qoyskii aad wareysatay waxay noqon doonaan kuwo la soo dhaweeyo, oo dun wanaagsan [oo loo guuriyo ama laga guursado] ama waxay noqoni kuwo laga cararo.
Sidii aynu horeba u soo xusnay, qofku marka aanu lahayn Iimaan xidhaya, hab-dhaqankiisa guud waxa qaabeeya oo sees u ah nolosha uu ku nool yahay iyo maalmihii kala dambeeyay ee uu soo noolaa, waa taasi ta uu Illaahay Weynaa oo Wanaagsanaaye diintan fiican inoogu soo dejiyay, si aanay dadku u sameysanin hab-dhaqan qalooca, oo noloshooda dumiya’e ay raacaan hab-dhaqankaa diinteenu ina barayso, maxaa yeelay; Rabbi Weynaa oo Wanaagsanaaye isaga ayaa inooga aqoon roon waxa aynu ku hagaagayno iyo waxa aynu ku halaagmayno-ba.
Waagii ku-dhaqanka diintu liitay, dadkuna aanay lahayn maamul adag, qof waliba waxa uu dhabarka saari jiray qoladiisa, marka degaamada qaarkood waxa ku dhex faafi jiray dhaqamo xun-xun, dhaqamadaasi meesha iyo cidda lagu ogaado, waa laga firdhan jiray, waxa dhaqamadaasi ka mid ahaa:
- Sixirka.
- Tuugnimada, Dhul-Jiifka ama Budhcadnimada.
- Xaasidnimada iyo Xinka.
Marka reer ama deegaan lagu ogaado xumaan, taasi kama dhigna in dadka reerkaasi ku jira oo dhami ama dadka degaankaasi ku nool oo dhami ay wada xun yihiin, inta badan marka dhaqanka xumi faafo, cida uu ugu hor saameeyaa waa dadka wanaagsan ee ka ag-dhow, hadii deegaan xumaado ama reer uu dhaqan-xumi ku dhex faafo, waxa dhibka badankiisu marka u horeysaba ku dhacaaa, dadka wanaagsan ee ku nool degaankaasi ama ka tirsan reerkaasi.
Hadaba hadii ay dadkaa wanaagsani waayaan hab ama xeelad ay ku joojiyaan ama ay kaga soocmaan xumaanta, waxa dhacda in iyaga iyo kuwii xumaa ee ay isku qoloda ahaayeen, ee dhibta wadayba la isku wada daro, oo xumaanta lagu wada qoro, waana taasi ta keentay in reero badan, iyaga oo isku duuban, xumaan lagu wada qoro, oo sidaa loo fogeeyo.
Illaahayna Weynaa oo Wanaagsanaaye waxa uu aayadahani hoosta ka muuqda inoogu soo bandhigayaa, umadihii uu halaagay iyo wixii halaagooda sababta u ahaa, oo ah; in ay yaraadeen dadkii xumaanta diidi lahaa, ee hor istaagi lahaa dulmiga ay dad-xunku Wadaan.
وَاصْبِرْ فَإِنَّ اللَّهَ لاَ يُضِيعُ أَجْرَ الْمُحْسِنِينَ| فَلَوْلاَ كَانَ مِنَ الْقُرُونِ مِن قَبْلِكُمْ أُوْلُواْ بَقِيَّةٍ يَنْهَوْنَ عَنِ الْفَسَادِ فِي الأَرْضِ إِلاَّ قَلِيلاً مِّمَّنْ أَنجَيْنَا مِنْهُمْ وَاتَّبَعَ الَّذِينَ ظَلَمُواْ مَا أُتْرِفُواْ فِيهِ وَكَانُواْ مُجْرِمِينَ| وَمَا كَانَ رَبُّكَ لِيُهْلِكَ الْقُرَى بِظُلْمٍ وَأَهْلُهَا مُصْلِحُونَ
Suurada Huud, Aayadaha 115-117aad