Waa galabnimo Khamiis ah oo Jimce soo galaayo, September 24, 2015ka. Waxa soo dhaw Salaaddii Maqrib. Waxaan dhex marayaa Masjid Jaamacaweyn ee magaalada Hargeysa. Wiil yar oo da’ ahaan qiyaastii ilaa Todoba jir ah oo Soomaali ah oo ka mid ah kuwa nolosha ku dhibban ee darbijiifka ah ayaa si kedis ah waxa uu ugu gardarrooday Islaan Oromo ah oo ilmo yar dhabarka ku sidata mid kale oo ilaa Lix jir ahna gacanta haysa. Gardaro carruurnimo ayay ahayd. Wiilkii Soomaaliga ahaa, waxa uu yara dhirbaaxay wiilkii yaraa ee Lix jirka ahaa ee Oromada ahaa ee Islaantu ay gacanta haysay. Wuu yara ooyay! Anigu meeshaan taaganahay. Odayaal Soomaali ah oo meesha Shax ku ciyaarayay ayaa kii yaraa ee Soomaaliga ahaa eryay oo dagaalay. Wuu iska cararay isaga oo iska sii qoslaya. Odayaashi Soomaalida ahaa, Islaantiina way raalligeliyeen. Wax weyn lagama soo qaadin markii hore.
Islaantii Oromada ahayd, kii yaraa ee Soomaaliga ahaa oo sii ordaya ayay ka sii daba tidhi “waaryaa, kan aan dhabarka ku sido ma dhirbaaxi doontid!” ka dibna way iska dhaqaaqday. Qof kasta oo meesha taagnaa yaab ayuu u go’ay. Oday waayeel ah oo meesha taagnaa ayaa hadlay. Waxa uu yidhi “waa runteed oo haddii sidan aynu nahay aan wax laga beddelin, iyagaa ina qabsan doona. Nin waloowba sidaa ogow”. Isagina wuu iska dhaqaaqay. Aniga dhacdadani way I damaqday. Aniga oo cagaha jiidaya ayaan ka soo dhaqaaqay goobtii.
Maalmahan waxaan aaminsanaa in gumaysiga Tigraygu uu samaynaayo farsamooyin kasta oo dadka Soomaaliyeed dhulkooda uu kula yeelan karo. Tuhunkaasi aad ayuu u badnaa. Waliba marka la eego, sida degdegga ah ee tirada dadka Itoobiyaanka ahi ay ugu badanayeen magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Wajaale, iyo Boosaaso. Waxa Hargeysa joogay dad badan oo marka loo eego shaqadooda iyo qaab nololeedkoodu uu kala duwanaa. Waxaa jiray xan badan oo sheegeysa in basaasiin iyo sirdoon badan oo Itoobiyaan ahi ay Hargeysa ku joogaan Timojarenimo, Waardiyenimo, Macallinimo, Farsamoyaqaannimo, Dawarsadenimo, Dawaarlenimo, Cuntokariyenimo iyo Shaadhadh kale oo badan oo wada been abuur ah. Dhammaantoodna, ama aan idhaahdo intooda ugu badani, waxay dalka ku joogeen sharcidarro.
Caawa Jimce ayaa soo galaya. Waxaan sii maray xaafad ku taallay Xiddigta Hargeysa. Waxa deggenayd gabadh ehelka ah. Way I yara dacaayadaysay oo waxay tidhi “dadkii kale markay waxbarashadii soo dhammeeyeen ee ay magaalada yimaaddeen way kala degeene, adigu sidaadiibaad u yuubantahay oo ay naftu kaaga sii baxaysaa. Gabayadan iyo Soomaaliweyntan ku wareerisay iska daa oo naftaada wax u cun!” umabaan jawaabin. Uurkayga dabka ka baxaya iyo dhacdada xanuunka badan ee aan galabta arkay midna umaan sheegin. Wakhti yar ka dib, gurigaygii oo aan goobta ka fogayn ayaan u sii luuday. Hurdo ayaan iska waayay. Sidii aan u soo jeeday ayuu wakhtigu igu gaadhay niskii dambe ee habeennimo. “Kan aan dhabarka ku sido ma dhirbaaxi doontid!” Odhaahdaas ayaa damiirkayga dhimbiilo ka shidday. Maaha inaan dulmi barakaynaayo, balse waxaan liqi waayay xaqiiqada qadhaadh ee ay arrintaasi xambaarsantahay. Inaan dhawaaqo oo dadkayga u digo ayay dani ka fursan wayday. Waana sababta uu ku curtay gabaygan Dhaygag.
Gabaygu dhammaantii waxa uu ku saabsanyahay in Soomaalidu ay dalkooda ilaashadaan, maadaama Geeska Afrika ay kula noolyihiin qoomiyado ka tiro badan, sidoo kalena uu jiro isku day badan oo shisheeyuhu ku doonaayo in uu ku qabsado Xeebaha Soomaalida oo quwado waaweyni ku gacan siinayaan.
Waxaan mar dambe dhagaystay Faysal Cabdi Rooble oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaalida dalka Maraykanka oo yidhi “dadka Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya sharcidarrada ku joogaa waxay ka badanyihiin tirada dadka ku nool Jamhuuriyadda Jabbuuti”. Taas macnaheedu waxa weeye, dad Itoobiyaan ah oo ka badan dadka ku nool dalka xorta ah ee Jabbuuti ayaa Soomaaliya sharcidarro ku jooga. Waa tiro ka badan hal million oo qof oo Itoobiyaan ah. Dhinaca kale, sida uu waraysi ku sheegey Maxamed Xaaji Ingiriis oo ka mid ah cilmibaadheyaasha Soomaalida, bilawgii qarniga 20aad, magaalada Diridhaba in ka badan 90% waxa lahaa dad Soomaali ah, haddana (sannadka 2020) Soomaalidu magaaladaas waxay ka yihiin 18%. Sidoo kale magaalada Jigjiga ayaa iyaduna qarka u saaran in lala wareego.
Markii gabaygan aan soo gudbiyay ee bulshada uu soo gaadhay, dad badan ayaa igu eedeeyey cunsurinimo iyo takoor, balse waxaan rajeeyey in dadkaa sooyaalku uu noo kala markhaati furi doono.
Gabaygiina waa kan: Dhaygag
Waxa Qoray: Nageeye Cali Khaliif