Askari maxaad miskiinka budhcada uga qaban weyday?

Suuqa badhtankiisa ayaa koox budhcad ah oo ku hubaysani af-tahamo iyo bakoorado, waxa ay ku qabsadeen nin miskiin ah, dadkii na way ka qaban kari waayeen, budhcadu waxa ay isku qaybiyeen laba, oo badhna ninka ayay baadhanayeen, intii kale na waxay iska dhigayaan kuwo aan la socon, markaas ayay kolba qofka ku soo leexda, ee is-yidhaahda ka qabo miskiinka, ayay ku odhanayaan, “bal doqonkan eeg, adiga maxaa kaa galay, waar anaguba waanu kala qaban kari waynaye kala bax faraha, ha isku soo jiidin eed aanad ka bixi karayne”, dadkii way ku adkaatay in ay ninkaasi ka dhiciyaan budhcada, kadibna waxa meel gaaban ka soo baxay, askari xidhan dharkii ciidamada oo sita qori, dadkii waa kuwa wada farxay, ee is-yidhi imika ayuu ninkii miskiinka ahaa badbaaday, budhcada laftoodii way baqdeen, hadii uu kalmad askarigaasi odhan lahaa, ninkaasi wuu badbaadi lahaa, se askarigii isaga oo arkaya waxa dhacaya, ayuu sidii nin indho la’a iska garab maray, kadibna dadkii way wada yaabeen, markii uu meel dhexda ah marayo askarigii, oo uu ka soo fogaaday halkii budhcadu ninka ku haysteen, ayay dadkii qaar ka mid ah oo daba socday, oo weli yaabani askarigii waydiiyeen, “Askari maxaad miskiinka budhcada uga qaban weyday? Mise maad arkaynin?”, wuxuu ugu jawaabay “Waan arkayay wixii dhacayay, laakiin hadaanu askarta nahay waxaa nu ku shaqaynaa sharci, marka nala amro ayaanu hawlgalnaa, anagu isma dirno, ee waa nala diraa…

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?