Nin ayaa saacad qaali ah, oo uu lahaa ay kaga dhex luntay beertiisa, kadibna carruurtiisii ayaa uu ku yidhi: qofkii soo hela waxa aan siinayaa abaal-gud, carruurtii waa ay yaaceen, isaga oo mid waliba rabo, in uu isagu noqdo fariidka adeerkii u soo hela saacada, si uu amaan iyo abaal-gud isugu darsado, carruurtii waxay daaqa iyo dhirta hoostooda eeg-eegaanba, waxa mid waliba soo noqday isaga oo quustay, oo soo daalay, odeygii waxa uu ku qancay in saacadaa qaaliga ahi ka luntay, mar hadii intaas oo carruur ah, uu mid waliba muddo intaa leeg soo raadiyay, oo ay soo waayeen, kadib kuyar oo carruurta kale oo dhami yasi jireen, maadaama oo aanu u firfircooneyn sidooda oo kale, dadka waaweynina ay u yaqaaneen doqon, ayaa u yimid odeygii, waxa uu ku yidhi:“Adeer anna aan soo raadiyo…” odeygii inta uu ku qoslay ayaa uu ku yidhi: “Waar doqon-yahaw sow kuwa carruurtii kaa fariidsaneyd oo dhami soo waayay… bal! Koley! Bal waayahaye orod oo soo raadi……” Inankii yaraa wuxuu tagey beertii, waa kaligii, kadibna geed ayuu hoos fadhiistay, hadii uu odeygii arki lahaa, indhaha ayaa uu kala soo bixi lahaa, ileyn hawl ayaa loo diray, isna waa kan geedka hoos fadhiistaye, kii yaraa in-yar markii uu geedkii hoos fadhiyay, wuxuu maqlay shanqadhii saacada, wareegii ay irbada saacadu sameynaysay, dhegta ayaa uu la raacay, kadibna halkii ay taalay ayaa uu ka soo qaaday, carruurtii hore marka ay beerta yimaadaan, iyaga oo is-eryanaya, oo qos-qoslaya ayay raadinayeen, kadibna waxa ku adkaaneysay in ay maqlaan shanqadha saacada, kadib kii yaraa odeygii ayuu u keenay saacadii, dadkii way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen “Doqonkii ayaa maanta saacadii soo helay…” odeygii oo la yaaban ayaa weydiiyay inankii yaraa: “Adeer sideed ku soo heshay!”, waxaa uu kii yaraa yidhi: “… … … Adeer mabaan doon-doonine, geedkaa weyn hoostiisa ayaan iska fadhiistay, kadibna shanqadheedii ayaa uun baan maqlay… … … … …”