Dal dhismihiisa ama dumintiisu, waa sida Guri la dhisayo ama la duminayo oo kale, guri marka la doonayo in la dhiso, qof kastaa ma dhisi karo, si kasta oo aad labanka iyo dhagaxa isku dul saarto, hadii aanad xisaab iyo aqoon ku dhisin, marka aad laba laban is-dul saartaba wuu soo dumi, oo aqalkaasi noqon maayo mid loo hoyan karo, markaa dhisida guriga waxa loo baahan yahay Ingineero kala duwan, oo mid kastaa aqoon u leeyahay dhismaha guriga qayb ka mid ah, laakiin marka la duminayo way ka duwan tahay dhismaha, waxa guri dumin kara, qof kasta oo diyaarsada waxa ugu fudud ee guri lagu dumin karo, oo uu xoogu ugu horeeyo, qofku kelidii hadii uu kolba laban iyo qori ka mid ah guriga fujiyo, aakhirka gurigaasi wuu duminayaa.
Hadaba jabhadihii tirada badnaa dalkii si fudud ayaa ay u dumiyeen, laakiin ma noqdeen Injineero garanaya dhismihii?
Markii ay dagaalladu dhaceen dadkii damiirkoodu noollaa badankoodii dalka way ka qaxeen, waxay u kala yaaceen dunida dacaladeeda, markay dagaaladii qaboobeenna, waxa dalkii isugu soo hadhay bulsho ay u badan yihiin dad aan lahayn hab-dhaqan nolosha badbaadin kara, waxa ay taasi keentay in ay meel kasta dadkaasi fadhiistaan, kadibna ay kharibaan meel kasta oo ay galaan, dalka badankiisii gacanta ayay ku dhigeen.
Dadkii dalka ka cararay, waxay caalamka iskaga kala gooshaan, oo ay kolba dal dadkii laha u fikireen, oo ay hagaajisteen ku soo raaxaystaanba, aakhirkii qaarkood waxa ay dib ugu soo noqdeen dalkii, iyaga oo wata qoysas fiican, oo dhaqan iyo xadaarad leh, laakiin badankoodu waxa ay la kulmeen dhirbaaxooyin aad u daran, oo kaga timid dadkii xumaa, ee ay uga yaaceen dalka.
Sheeko: Xaaji Cusmaan waa odey taajir ah, bakhaaro ayuu ku leeyahay suuqa, waxa uu bagaash ka keenaa carabta, kadibna jumlad iyo tafaariiq-ba wuu ku sii iibiyaa, waxa uu ahaa odey deeqsi ah, oo gacan-furan, xaafada uu degan yahay dadka ku nool wuu u roonaa, oo sakada iyo sadaqada-ba wuu siin jiray, iyaguna way ixtiraami jireen, waliba xaafada garsoorahooda kaliya ayaa uu ahaa, oo marka laba reer khilaaf ka dhex dhaco, isaga ayaa ay isula iman jireen, “Naa! Ha yimaado xaajigii!!! Isagaa ayaa ina kala saari doona…“ kadibna go’aanka uu rido cidi kamay hor iman jirin, oo reerka uu ka xukumo gartu sidaa ayaa ay ku qaadan jireen, maxaa yeelay; Xaajiga way ixtiraamayaan, dhalinyartu hadii iyaga oo wax shiidaya uu halkaa ka soo baxo, way kala yaacaan, oo Alla Waryaa Waa Xaajigii! Inta ay isku yidhaahdaan, ayay dhuuntaan, markaas ayaa uu isna ku yidhaa: “Waar! Hooy! Waxa aad wadaan waan idin arkayaa! Adeer iska daaya shiidkaa…” Haye! Adeer kuwaa baxsadey ayaa ay ahaayeen, anagaa u sheegi, Xaajigu shiidka daaya ayuu idin yidhi ayaanu ku odhani, sidii uu Xaajigu sharaftaa isaga iyo qoyskiisu ugu jireen, dagaaladii sokeeye iyo dhibaatooyinkii badnaa ee socday ayaa ay u adkeysan kari waayeen, kadibna waxay go’aansadeen in ay ka guuraan dalka, Xaajiga saaxiibkii oo ay jaar ahaayeen, lana odhan jiray Cali ayaa aad ula taliyay Xaajiga, Adeer Ha Naga Guurinee… Xaafadu dan weyn ayay idinku qabtaa oo arrin iyo aduunba lehe… gartaa aad u naqayso, ee marka aad rido, sidaa dumar iyo rag ba ay ku ogolaanayaan, ayaan cid u buuxisa aanay helaynin, Adeer iska jooga ama ugu yaraan Adigu nala joog, Xaajigu in kasta oo uu jeclaa, in uu iska joogo, hadana qoyskiisa ayaa ka diiday kadibna sidii ayaa ay ku dhoofeen, aqalkoodiina way sii kireeyeen.
Hadaba maalinkii uu Xaajigu guuray, xaafadii way qasantay, meel carruur iyo dumar ay ku nool yihiin, in khilaaf soo dhex galaa, waa wax la filan karo, carruurtaa wada ciyaaraysaa, marka ay isku xanaaqaan, dumarkuna way la soo kala saftaan, mid waliba keeda ayay u hiilinaysaa, odayadii ku noolaa xaafadu way u waayeen xal khilaafyadaasi.
Shiid iyo Dagaal joogto ah ayay ka bixi waayeen, dadkii xaafada ku wada noola ayaa is nacay, oo kala dhintay, aqal kasta waxa jiingadiisa ka buuxa dhagax lagu soo shiiday, qoys waliba dabino iyo shirqoolo ayaa uu u maleegayaa xaafada inteeda kale, reero badan ayaa kadibna ka qaxay xaafadii, oo u guuray xaafadihii kale, reero cusub-na way soo degeen, dhulkii banaanaa waa la wada dhisay, xaafadii way is-badashay.
Muddo dhowr iyo labaatan sanno ah kadib ayaa ay soo noqdeen Xaaji Cusmaan iyo qoyskiisii, aqalkoodii ayaa ay dadkii deganaa ka rareen, oo ay rinji cusub iyo dib-u-habeyn ku sameeyeen, markii uu soo baxay Xaaji Cusmaan, dadkii xaafada hore wuu u garan waayay, dad badan oo aanu garaneyn iyaguna aan garaneynin ayaa uu ku arkay.
Aqalkiisa dhinaca bidix waxaa ku ooli jirtay jago banaan, imika aqal ayaa ka dhisan, isaga oo aqalkaasi ag-maraya, waxa qaaday qudhmuun, hareeraha ayaa uu eeg-eegay, waxa uu arkay bulaacadii aqalkani oo banaanka ku soo shubmaysa, bartani uu ku soo dhacayo uskaga aqalka ka soo baxaa, waxa ay noqotay madaw, waxa ay u eeg tahay in ugu yaraan toban sanno aan uskaga laga hagaajinin, Xaajigii isaga oo afka ku haya cumaamadiisa ayaa uu kolba gees ka maray bulaacadii, oo uu eeg-eegay, kadib aqalkii ayaa uu garaacay.
In door ah ayaa laga furi waayay, isagu wuu maqlayaa hadalka dadka ku jira aqalka, oo codka iyo shanqadha uu maqlayaa wax yar ayay u jirtaa luuqa albaabka, waxa ay u eeg tahay in lagu dhageysanayo, mar dambe ayay furtay gabadhi, markaas ayaa uu hadalkii ku kuleyliyay: “Naa! Maxaad nooga furi weydeen, … noogu dhageysaneysaan” Kute! Oo xageed ka kulushahay! Aqalka miyaad nala leedahay! Xaajigii yaab! Waa hadal aanu hore u maqal, Naa! Waanu kula leenahaye bal soo bax, soo soco… bal eeg halkani, yaa! Iyada oo yaaban ayay tidhi:” Dee maxaa yaal!” Naa! halkani eeg baan ku idhi? Miyaanad indhaha kala haynin?
Xaajigu afka ayaa uu weli cumaamada ku hayaa, oo naqaska ayaa uu isku celinayaa, waxa ay fahamtay in uu ka hadlayo bulaacada, waxa ay tidhi: Ma Bulaacada! Xaajigii ayaa yidhi “Adeer miyaydaan bini-aadmi aheyn, bal sida ay meeshu noqotay eeg, waliba waxa ay ku hoos taalaa daaqadii, miyaan qudhmuunkani daaqada idiinka soo galaynin, miyaan aqalka carruur jirin, maxaad waxan isaga hagaajin weyden” waxay tidhi: “Adeer qudhmuunkani aad sheegaysaa horta anaga nooma uro, dee mooyaan ma sankaa na xidhmay, mise waanu la qabsanay… ma reerkani aqalkani soo degay ayaa aad tahay…” Xaajigii ayaa yidhi: “imika maanu soo degine hortiin baanu deganeyn…” Haye! Waanu kaa hagaajini! markii uu ka dhaqaaqay ayaa waxa daaqada ka soo hadashay qof kale oo dumar ah, waxa ay tidhi: “Naa! Cajuusku muxuu ku yidhi… Naa! Ma Qurbe-Joogbaa…” wuu maqlayaa Xaajigiina, inta uu yaabay ayaa uu is-taagay, tii kale ayaa ku tidhi: “Adeer iska soco, waa tu yar oo edeb darane…”
Waxa uu maalintii dambe soo maray wadadii u dhaxeysay aqallada, waxa ku ciyaaraya carruur, way is-shiidayaan, mid ayaa inta uu dhagax fujistay ku dhuftay kii kale, kadibna Xaajigii ayuu ku soo daba dhuuntay, oo uu kolba dhinaca ka maray, kii dhagaxa lagu dhuftay, oo isna dhagax weyn sita, ayaa kolba la tiigsanaya kii kale, Xaajigii qaylo ayaa ka dhamaatay, ka daa! Ha ku dhufanin! Ka daa! Waar ha dakhrin! Kala qabay xaajigii carruurtii, isaga oo dhowr dhagax ku dhaceen, dhowr goorna kufay.
Habeenkii marka ay gaadho, makhribka waxa bilaabma shiid, oo dhalinyar is-eryanaysa, ayaa sidaa u dhex yaacaya xaafada, habeen ayuu u baxay, oo yidhi Waar yaa na shiidayaa? Isaga oo aan hadalkiiba dhameynin ayaa dhagax lala soo eegtay, dirqi ayaa uu ku sigtay, dhagaxii wuu ag-maray, kadibna qoyskiisii ayaa kula taliyay, in uu ka soo xeroodo shiidka, isna markii uu nafta u yaabay ayuu aqalka orod ku soo galay.
Duhurkii marka ay tahay ee uu salaada soo tukado, waxa uu soo maraa halkii maalinkii hore carruurta uu ku kala qabtay, dhowr cisho ayaa uu carruurtii kala eryay, maalinkii dambe ayaa uu ku soo baxay kuyar oo kolba ku dhufanaya aqalada albaabkooda dhagax, aad ayaa uu uga cadhooday, kii yaraa ayuu dhab siiyay tunka, wuu gilgilay, isaga oo ku leh “Waar!!! Miyaanad xishooneyn? Waar!!! maxaad sameynaysaa? Maxaad aqallada ula dhacaysaa dhagaxa?”
Kii yaraa waxa uu ka cadhooday sida uu u qabtay tunka, oo horeba umuu arag cid sidaa ku sameysa, inta uu iska furfuray Xaajigii, oo uu dhagax qaatay, ayaa uu ku sii daayay, wuu ku dhuftay, hadana ku kale ayaa uu qaatay Car! Car! Cajuusyahay! Ma Aabahay baad tahay! Maxaa kaa galay waxa aan sameynayo? Xaajigii isaga oo xanuunkii dhagaxa ku dhacay la il-daran, wax uu sameeyana garan la’a, ayaa hadana waxa uu arkay gabadh soo ordeysa, oo madax qaawan! oo cagaagan! oo soo hagaajisaneysa shalmada.
Markii ay soo gaadhay kii yaraa, ayay tidhi: “Waar Axmed maxaa dhacay?” kii yaraa ayaa inta uu iska oohiyay yidhi: “Dee halkaasaanu ku ciyaaraynay… oo cajuuskan ayaa qoorta na kala siibay…” Xaajigii ayaa yidhi “…Oo ma shiidka iyo dhagaxa aad albaabada ku dhufaneyso ayaa ciyaar ah…” waa ta gabadhii tidhi “Eee! dee maalin walba halkaasi ayaanu kaa soo aragnaaye… … caruurtu maxay kuu geysteen, Dee ha kaa ciyaaraane iskaga tag, waa maxay qaladan naloo soo diray…” Xaajigii waa ka yidhi: “Waar! waa maxay tan doqonta ahi… Naa! Ma dhagaxa ay isku-dakhrayaan ayaa ciyaar ah…” iyana waa ta tidhi:” Eee Doqon iyo Dameer ba adigaa ahe carruurta iskaga tag… Walaahi in aanu buurtaa afka kaa saariye… Caruurtii uun baa lagu diray… bal inkaartan naloo soo diray eeg…”
Xaajigii isaga oo yaaban ayaa uu ka soo dhaqaaqay, waxa uu leeyahay: “Waar! Dadkani maxay ahaayeen, oo xagey ka yimaadeen? Sidani ma nolol baa, Habeen iyo Maalinba ma shiid baa lagu noolaan karayaa…”
Wax yar markii uu xagii aqalkiisa u soo socday, ayaa uu arkay odeygii Cali ee ay saaxiibka ahaan jireen hablihiisa mid ka mid ah, oo kaabada soo taagan, oo iyana qaylada ku soo baxday, way soo daawanaysaa, markii ay aragtay isaga oo xageeda u soo socda, ayay aqalka gashay, oo ay albaabkii hoosta ka soo xidhay.
Inta uu sii yaabay, ayaa uu garaacay aqalki “Naa! Fur! fur albaabka? Maxaad noogu soo xidhaysaa… … … inaanu soo socono sowdigaa arkaya, meeyay Cali” Cali ayaa maqlay saaxiibkii Xaaji Cusmaan hadalkiisa, kac ayaa uu is-yidhi, laakiin hablihiisa tii u yareyd ayaa u diiday, iyada oo dul taagan Cali ayaa waxa ay ku leedahay:” Eeyaa!!! Aabooy Car! U kac, intii aad silcaysay, ee aanu saxarada iyo kaadida kaa hoos qaadeynay, waa kii isaguba ku soo raaxeysanayay dibadaha, maalin kaliya inta uu kula soo hadlay… miyuu ku yidhi xaaladaadu waa sidee? Car! U kac… Walaahi in aanad Albaabka ka baxeynin maanta… … …”
Cali faalig ayaa ku dhacay, oo dirqi ayaa uu ku kacayaa, waxa uu inantii ku yidhi:” Aabo Xaajigu nin xun ma ahayne I sii daa aan u tagee, kollay waxba u qaban maayo’e, dee ha I arko uun sida xaalkeygu yahay… …”, Xaaji Cusmaan markii laga furi waayay, ayaa uu iska tagay, kadib wuu ka guuray xaafadii, muddo kadibna wuu dhintay, laakiin qoyskiisii ayay dhib badani ku dhacday.
Sheeko: Sheekh maxamuud iyo qoyskiisu waxa ay ku nool yihiin sandaqad, Sheekhu waxa uu iimaam ka yahay Masaajidka xaafada, Malcaamad-na waxa uu ka sameystay geed weyn oo masaajidka ku dhow, dadka xaafadu way wada ixtiraamaan, ileyn caruurta xaafada ayaa uu diinta baraaye, Sheekh Maxamuud wuxuu noloshaasi ku jiraba, jago banaaneyd oo sandaqadiisa ku xigtay ayaa dhisme lagu bilaabay, waxa laga dhisay guri weyn oo fiilo ah, markii aqalkii farta laga qaaday, ayaa habeen habeenada ka mid ah, goor fiid ah qoyskii Sheekhu ay maqleen buuq iyo gawaadhi is-dhaaf dhaafaysa, way soo baxeen, waxa ay arkeen aqalkii cusbaa ee agtooda laga dhisay, oo la soo degay, oo shandado iyo qalab fara badan lagu sii gurayo, markii ay is-yidhaahdeen bal la caawiya reerka soo degayna, waxa ay maqleen iyaga oo ku hadlaya af aanay garaneynin, laakiin dadku dadkeena ayay ahaayeen, markii ay fahmi waayeen ayay iskaga soo noqdeen.
Markii uu waagii baryay sheekhii malcaamadiisii ayaa uu ku kalahay, goor ay barqadii tahay oo sheekha xaaskiisii iyo carruurtu ay sandaqadii horjoogaan, ayaa waxa aqalkii cusbaa ka soo baxay dhowr qof oo buur-buuran, rag iyo dumarba way leeyihiin, waxa ay wada xidhan yihiin nigisaan(shorts) iyo garamo yar-yar oo ku dhagan, raggu iyaga waxba kama muuqdaan, inkastoo short-gu uu jilbahooda ka sareeyo, hadana buurnida oo ay dharkii buuxiyeen mooyaane wax kale kama muuqdaan, laakiin dumarkii ayaa qoyskii sheekhu ku arkeen wax la yaab leh, dumarka short-yada iyo garamaantu aad ayay ugu dhagan yihiin, maadaama oo ay ka buur-buuran yihiin ragga, waliba waa dumar da’a ahaan qaan-gaadh u badan.
Xaaskii sheekha iyo carruurtii waa kuwa orod aqalka ku galay, iyaga oo marada afka ku haya, way wada yaaban yihiin, waxay leeyihiin: “Acuudu Bilaahi Mina Shaydaani Rajiim, Illaahayoow Na Astur… Naa! Ma arkaysay tii… oo Hooyo way qaawaneyde… Tii kale miyaanad arkaynin… way ka darneyde… Bal aamusa!!! waxbaynu aragnaye…” duhurkii markii uu Sheekh Maxamuud uu ka soo noqday Masaajidkii, ee qadadiisii yareyd loo keenay, ayaa markii uu dhameystay, ee uu is-yidhi yar naso, ayaa xaaskiisii u timid, iyada oo wali marada afka ku haysa, waxa ay ku tidhi: “Sheekh Maxamuud dee aqalkii jaarkeena waxa soo degay dad qaa-qaawan…” Sheekhii waa ka yaabay, markii uu arkay sida ay Islaantu u hadlayso, inta uu kor u soo fadhiistay ayaa uu yidhi: “Ma Mudh iyo Gacan!!!!!”, markaasay ku tidhi: “Dee mayee hadii aan Illaahay ka baqdo, dhar magac mooyee aan wax kale u tareynin ayay xidhnaayeen…” Aaaaa inaga daaya balaayada iyo u fiir-fiirsiga, waa qoys cusube in aynu xidhiidh wanaagsan la sameyno weeyaane, iyana tidhi: dee waayahay! Adiguba indhahaaga waad ku arki.
Markii uu waxoogaa yar indha-caseeyay Sheekhii, ee uu is-yidhi Salaadii Casar way soo dhawaatay, ayaa inta uu weyseystay, oo uu cadaygii afka gashaday, ayuu baxay, markii uu albaabka ka baxay, waxa uu arkay qof dumar ah, oo aqalkii cusbaa hor-taagan, oo sii jeeda, short-gii iyo garan ayaa ay gashan tahay, sheekhii waa ka is-yidhi, malaha ugumay talo-galine biyo ay daadinayso ama wax lamid ah ayay u soo baxdaye, yay kaa nixin marka ay ku aragto’e, ka sii jeedso aayar ha gasho aqalka’e, in woxogaa ah marki uu sii jeeday, ayuu soo jeestay, wali way taagan tahay, hadana waaka xiix-xiix! Yidhi, si uu u dareensiiyo, waa ta soo jeedsatay, ee aragtay Sheekhii oo sii jeeda, qof daaqada kala soo hadlayay inta ay ku jeedsatay, ayaa waxay tidhi: “Look! Someone is coming” Sheekhii markii uu arkay in aanay uba jeedin, wuxuu gartay in ay tahay dadkeenii dibadaha ku soo koray, isaga oo isla hadlaya, ayaa wuxuu leeyahay “balaayadii dhinac walba way inaga martay, bal sida ay dadkaasi u soo dhaqan-doorsoomeen eeg!”, markii uu u soo dhawaaday, ayaa uu ku bilaabay salaantii “Asalaamu Calaykum! Iska warama!” intii aanay uba jawaabin ayuu hadalkii sii watay, isaga oo ka cabsi qaba, in Salaadii Casar uu ka gaadhi waayo, waxa uu go’aansadey in uu wax-sheega u yar guud maro, kadibna waxa uu ku yidhi: “Adeer sidani waa qaawanaan, marka aqalka dibadiisa aad u soo baxayso! xijaab soo xidho! Fariid!” waa ka iska socday, markii uu dhaqaaqay ayay tidhi: “I don’t speak Somali…”
Xaaskiisii iyo carruurtii Sheekhu iyagu wali way yaaban yihiin, oo maxay hadal isla gaadhi is-maba fahmayaane, maalinkii dambe ayaa markii ay duhurkii ahayd, ee uu sheekhii xagii aqalka uu u soo socdo, ayuu arkay aqalkii oo dhowr qof oo sidii u qaawani ku ag sheekeysanayaan, waa ka is-hayn kari waayay, xagoodii ayaa uu u kacay, markii uu la hadlay, iyaguna af-ingiriisi ayaa ay kula hadleen, kadibna waxa uu ku yidhi Hooyadiin meeday, isaga oo la hadlaya ayaa ay aqalka ka dhex maqashay Hooyadood qofka leh Hooyadiin meeday, waata soo hadashay iyaduna “Heblaayo! Who is that…” waa kuwa ugu jawaabay “Someone! Is talking to us… He is Sheikh” markii ay maqashay Sheekh ayay shalmad soo qaadatay inta kale way asturnayd, laakiin laabta iyo qoorta ayaa qaawana, markii uu Sheekhii arkay ayuu ka foorarsaday, iyana markii ay dareentay in uu Sheekhu wax diiday, ayaa ay hagoogtii hagaajisatay.
Markii uu arkay Sheekh Maxamuud gabadhii carruurta dhashay oo iyadu is-asturtay wuu farxay, kadib si fiican ayuu u salaamay, wuu u waramey, waxa uu u sheegay in uu yahay aqalkan jaarkooda, Gabadhiina waa ta si fiican salaantii uga qaaday, la is-baray, kadibna hore u soo soco ayay ku tidhi, markii uu aqalkii galay, ayaa uu u bilaabay waanadii, si fiican oo qoto-dheer ayaa uu u waaniyay “Qaawanaantu ma fiicna! Diinta barta! imika ma joogtan dhulkii gaalada, dhulkiinii ayaad joogtaan…” isaga oo tilmaamaya inan halkan joogta ayaa uu ku yidhi “bal eeg imika inantaasi sida ay tahay… sidaasi ma si fiican baa…” waata gabadhii inta ay yaab-yaabtay tidhi: “Ma inantan yar… waa tii reerka ugu yareyd…” Sheekhii waaka isna yaabay, ee yidhi: “Dee adeer hadii ay reerka u yar tahay, da’deedu ma yara… dadka intani laa-leeg, ee waaweyn marka aad carruur ku sheegto, ee aad waxaa dhegaha ugu rido, sidee ayaa ay u kori… waligood waxay isku haysan doonaan carruur…” Sheekhii waxa uu kaga yimid Gabadhii in ay hablaha u soo tosho xijaabyo.
Ereyga Xijaab af-soomaali waxa u dhigmaya Asturnaan ama Cawrada oo la qariyo, rag iyo dumar-ba xijaabku waa ku waajib, Soomaalidu xijaabka waxay u yaqaanaan maro gaar ah, oo si gaar ah loo tolay, maro kasta oo qofka asturaysaa waa xijaab, laakiin waa in maradaasi buuxiso shuruudihii xijaabka, oo ah:
Waa in ay maradu wada qariso jidhka intii cawrada ahayd rag iyo dumar-ba.
Waa inay ku filan tahay, oo aanay ku dheganayn, si aan qofka jidhkiisii u muuqanin.
Waa in aanay ahayn mid lagu yaqaano, oo ay caan ku yihiin dadka xun-xun ama gaaladu.
In muddo ah markii ay qaawanaantoodii iska ahaayeen, gabadhiina ay aragtay in lagula yaaban yahay sidani, ayaa ay maalin maalmaha ka mid ah dawaarle u tagtay, oo ay ku tidhi hablahani xijaab u tol, waxa uu u soo tolay maradii ay dadkeenu xijaabka u yaqaaneen, markii ay aqalka yimaadeen, ayaa ay gabadhii ku tidhi xidh-dha xijaabka, markii ay gashadeen, waa kuwa jidh-diiday, maaha wax ay ku soo barbaareen, wuu ku adkaaday, markiiba tii yareyd ayaa tuurtay, Kute! It’s too Hot… No, I Can’t wear it… Hadana tii kale ayaa iyana sidii oo kale tuurtay, I Can’t… I Can’t… markii ay gabadhii ku kari wayday way iska deysay, carruurtani waxa ay u baahan yihiin in muddo dhaqan-celin loo sameeyo, oo sidii ay dharkaa gaa-gaabanba ula qabsadeen, asturnaantana loola qabadsiiyo.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Sheekhii isaga oo soo socda, uu arkay kuwii oo sidii u qaawan, laakiin waxa uu ku arkay maalintan arrin la yaab leh, waa la wada bood-boodayaa, ku nin ah isagu inta uu madaxa ku istaagay, ayaa uu war-wareegayaa, ku kale wuu ordayaa hadana halka uu joogo ma dhaafayo, mid baa iyadu gacmaha saydhinaysa, oo waxa la moodaa in shinni ku degtay, oo ay iska duulinayso, tu kale xadhig-ka-bood ayaa ay sameynaysaa, hadana xadhig meesha kama muuqdo, Sheekhii ayaa af-kala-qaad ku dhacay, oo ilkuhu dibada u soo baxeen, indhihiisu ma libiqsanayaan, waxaa uu leeyahay “Allaahuma Salim! Salim! Toloooooow! reerkii maxaa ku soo kordhay…
Waa ka tow soo yidhi, ee soo gucleeyay, dhowr goor kuf hadana kac, markii uu u soo dhawaaday, waxa uu maqlay danan aad u dalacan iyo hees baxaysa, waxa uu gartay in la ciyaarayo, oo la jaasayay, inta uu is-canaantay, oo uu dib u xasuustay dhowrkii goor ee uu kufay, ayuu yidhi: “Inkaari idinku dhici weyday… bal waxa xiin naga dhacay! iyo inta aanu soo orodnay eeg…” xaaskiisii oo cadheysan, oo arkaysay intii uu soo ordayay, ayaa ku tidhi: “Eee! maxaad la soo kufaa-kacaysay…”
Sheekhii in muddo ah ayaa uu sidii ku jiray, oo uu foorar kaga soo baxayay aqalka ilaa inta uu dhaafayo dumarkii, waxa kaga daran heesahani ay soo kordhiyeen, ee inta aadka loo dalaco, uu ka dhex maqlayo furaashka uu ku hurdo, sahwigii salaada ayaa ku sii batay marka uu tukinayo masaajidka, jamacii ayaa la wada yaaban, oo mid waliba hoosta ayuu iska weydiinayaa, Toloow Sheekh-Maxamuud maxaa ku soo kordhay.
Kadibna maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxa soo ogaaday dhibka sheekha iyo qoyskiisa haysata laba shaydaan, oo ka mid ah dumarkii xaafada la deganaa, waxa ay u yimaadeen xaaskii sheekha, mid ayaa tidhi: “Naa! Heblaayo dee waxaanu maqalnay imika Sheekh Maxamuud sara-jooga ayaa uu ku ataxiyaadsadaa, fadhigana faataxada ayuu ku akhriyaa” xaaskii sheekhu iyada oo dacartu ku kacday, oo aad u cadheysan, ayay sidaa u eegtay, oo hoosta iska tidhi: “kuwana maxaa ogeysiiyay dhibkiina…”, hadana tii kale ayaa hadal kii hore ka daran ku tidhi, in muddo ah markii ay ku akhrinayeen, ee ay xamaasadii iyo cadhadiiba ku huriyeen, ayaa ay u soo bandhigeen qorshe-shaydaan, waxa ay ku yidhaahdaan: “Naa! Qurbe-joogtani waa gaalo, Illaahay la dagaalama gaalada ayuu yidhi, Naa! Ma kuu sheegnaa si aad iskaga celiso…” lamay hadal, tii kale ayaa hadana hadalkii qaadatay, oo tidhi: “Naa! Gaaladani ma fadhiisinaa, oo ma dabiibnaa, dee dili mayno, laakiin waynu kibir-jabini…” xaaskii sheekhu mar kaliya ma hadlayso, way aamusan tahay, iyaguna intaa way ku dhurayaan qorshe-shaydaanka…
Hadana maalin kale ayay sidii oo kale inta ay u yimaaden ku akhriyeen, oo ay u xayaysiiyeen qorshahoodan xun, “Waynu sixraynaa… ma dilayno… laakiin waynu fadhiisinaynaa… ha inaga fadhiistaan…” iyadu kama gurto, iyaga uun baa dhurmaya.
Dhowr cisho markii ay ku wadeen xayaysiintii qorshaha, ayuu maalinkii dambe ku duxay, markii ay soo tuseen qaar kale oo ay sixreen, kadibna way la qaadatay, laakiin waxa ay ku tidhi sheekha ayaan u sheegayaa, waa kuwa naxay, oo maxaad ugu sheegaysaa miyuu kaa yeelayaa, Naa! sow isagu qoyskeyga mas’uul kama aha, waan u sheegayaa, labadii shaydaan oo naxsan ayaa ka tagay, markii uu sheekhii yimid xaafadii, ayay Islaantii soo ag-fadhiisatay, iyada oo wanaajinaysa, oo wax wanaagsan in ay soo wado iska dhigaysa, ayay sheekhii ku tidhi: “Sheekh qoyskani ina dhibay! Ma dabiibnaa!” waa ka sheekhii yaabay, kuye! Maxaad u jeedaa? Oo ma xanuun baa haya? Dee may! si dhibka ay inooga daayaan waynu sixri! Allaahu Akbar! Sheekhii inta uu kor u soo booday, waaka ku saxday candhuuftii, ee xiix-xiix & quxu-quxu ku waashay, biyihii haleeli waa! Cumaamadii ag-taalay inta uu isla kala jiiday, ayuu Islaantii dhowr goor si aad u kulul ugu dhuftay, tan iyo maalinkii ay is-guursadeeen, waa markii u horeysay ee Sheekhu gacan uu u qaado xaaskiisa, kadibna hal-haleel inta uu kabihii ku xidhay, ayaa uu albaabka ka booday.
Intii uu sii socday ayuu isla sii hadlayay wuxuu leeyahay: “Tolaay! Ma Gaalnimadii ayaa da’dani iigu timid… waar qofka dumar ahi maxay ku hadashay! Yaah! Wixii horeba tan ayaa igaga daran! Dee mar hadii garaadkeedu sidaa yahay! Ma leh!” sahwigii salaad tukinta ayaa ku sii batay, markii uu dhowr habeen ka soo ag-wareegi waayay, ee uu masaajidkii seexday, ayaa ay xaaskii u timid oo tidhi: “Dee Sheekh! Waan kuu soo bandhigaye… ma waan sameeyay baan ku idhi! Shaydaanka iska naar! Kuye! Aaa aduu iska naar! Oo kii u weynaa ayaa kuu yimide… towbad dhamaystiran Illaahay ula noqo… … …”
Illaahay Amarkii Qoyskii berri dambe ayaa la sixray, laakiin xaaskii sheekhu way ka dhaaratay, in ay sixirkooda sabab u tahay ama ay wax ka og tahay-ba, hablihii qoyskaasi jiman ayaa lagu diray, oo sida ay u joogaan ayaa uunbay dhacayaan Qab! Oo ay shayaadiini ka dhex qaylinayaan, waliba marka ay midi dhacdo, kuwa kalena way dhacayaan, inamadiina waxa ka soo hadhay laba indhood, oo aad caag moodid, halka la fadhiisiyo kama soo kacayaan ilaa laga soo kiciyo, xataa dhinaca ay u jeedaan kama soo jeedsanayaan, surwaalka ama guntigu hadii uu ka siibto, ma soo qabsanayaan, kadeed iyo kulayl ayaa haysta, qoyskii qurba-joogta ahaa, aqalkoodii waxa uu noqday, guri ay baroor iyo balaayo taalo, oo hadh iyo habeen qaylo iyo oohini ka socoto…
Soomaalidu waxaa ay hore ugu maahmaaheen: [Lama Huraan Waa Caws Jiilaal],Marka ay balaayo dhacdo, mar walba waxa fiican, in aanu qofku dantiisa gaarka ah eeganin, oo aanu naftiisa la cararin, laakiin waa in Rag iyo Dumar; Aqoonyahan, Wadaad iyo Waxgarad-ba loo wada guntado, oo la isku-kaashado sidii balaayadaasi wax looga qaban lahaa, waa in aan kolna xagaa loo sii qixin, kolna xagan loo soo qixine, waa in loo dagaalamo, oo nafta loo huro lama-huraanka, iyada oo mar kasta la garab istaagayo wanaaga iyo dadka ku hawlan hagaajintiisa, hadii aad nafta ku waayayso iyo hadii aad dhib weyn kala kulmaysaba, waa in qofku uu u dhabar adaygo wixii aanu ka maarmaynin, waxa kale oo iyaduna bushaaro weyn ah, in Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye inoo sheegay qofka xaqqa u hiiliyaa inuu jannada galayo, sida ku cad aayadahani:
}وَجَاءَ مِنْ أَقْصَى الْمَدِينَةِ رَجُلٌ يَسْعَىٰ قَالَ يَا قَوْمِ اتَّبِعُوا الْمُرْسَلِينَ) 20 (اتَّبِعُوا مَن لَّا يَسْأَلُكُمْ أَجْرًا وَهُم مُّهْتَدُونَ(21) وَمَا لِيَ لَا أَعْبُدُ الَّذِي فَطَرَنِي وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ (22) أَأَتَّخِذُ مِن دُونِهِ آلِهَةً إِن يُرِدْنِ الرَّحْمَٰنُ بِضُرٍّ لَّا تُغْنِ عَنِّي شَفَاعَتُهُمْ شَيْئًا وَلَا يُنقِذُونِ(23) إِنِّي إِذًا لَّفِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (24) إِنِّي آمَنتُ بِرَبِّكُمْ فَاسْمَعُونِ (25) قِيلَ ادْخُلِ الْجَنَّةَ ۖ قَالَ يَا لَيْتَ قَوْمِي يَعْلَمُونَ (26) بِمَا غَفَرَ لِي رَبِّي وَجَعَلَنِي مِنَ الْمُكْرَمِينَ {(27)سورة يس
Waxa ay aayadahaasi ka hadlayaan, nin is-garab taagay xaqqa oo u hiiliyay dadkii ku hawlanaa xaqqa iyo sheegidiisa, isaga oo meel fog jooga, ayuu maqlay in dad-xunkii ay is-hortaageen wanaagii, oo ay xaqqa diidan yihiin, kadibna orod ayuu isa soo daayay, waxa uu dhex yimid dad-xunkii xaqqa diidanaa, waxa uu si geesinimo leh uga dhex sheegay, in ay ku khaldan yihiin diidmadaasi iyo ficiladaa ay sameynayaan, waxa uu u sheegay in sida toosani ay tahay, inay xaqqa raacaan, oo aanay ka soo horjeedsanin, dad-xunkii way diideen xaqqii, laakiin isagu waxa uu ku adkeystay raacidii xaqqa, kadibna Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye waxa uu aayada 26aad inoogu soo gudbiyay, ninkii ku suntanaa Hiiliyaha-Xaqqa oo lagu yidhi Gal Jannada, ninkiina isaga oo faraxsan uu ku tiraabayo “Alla Dad-Xunkii bal yaa u sheega dambi-dhaafka iyo maamuuska Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu iigu deeqay!!!”
Hadaba Soomaalida dhibta heshay waxa ay noqotay, halkii ay ka ahayd in sida ninkaasi oo kale noqdaan Hiiliyeyaasha Xaqqa, Wanaaga iyo Horumarka, waxa ay miciin bideen qaxoonti iyo duli, kadibna way duloobeen, oo milgihii iyo maamuuskii qofnimo ayaa inbadan oo kamid ahi ay ku waayeen qaxaasi.
Qixii kolba meel loo qaxayay, waxa kale oo ka dhashay ama uu ku reebay dalka is-fahmi-waa badan, waxa aad magaalooyinka ku arkaysaa dad isku dhiig ah, oo isku qabiil ah, oo isku af ah, oo hadana midiba midka kale hab-dhaqankiisa layaaban yahay, waxa magaalo isugu imanaya dhowr qof, oo mid miyi ka yimid, mid itoobiya ka yimid, mid carabta ka yimid, midna yurub iyo ameerika ka yimid, kadibna midba midkii kale ayaa uu farta ku fiiqayaa, oo uu ku leeyahay “Bal eega kaa!!!” ama waabu ku qoslayaa.