Dagaalkii lagu madh-dhay ee dhex maray jabhadaha iyo Maxamed Siyaad Barre waxaa uu waqooyiga Soomaaliya ka soo afjarmay 1991-kii, waxa markaasi soo if-baxay saameyntii uu dagaalku ku yeeshay noloshii bulshada, xilligaa dadka intii ka carartay dagaalka oo u badan dumar iyo carruur, waxa ay weli ku jireen xeryihii qaxoontiga, oo xabashida iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa sidii xoolaha ku hayay.
Intii ay dadku ku xeraysnaayeen xeryahaasi, waxa ay qabatimeen nolol aad u adag, oo dulliga iyo darxumadu is-biirsadeen, waxa ay dadkii ka soo barteen dhaqamo aad u xun-xun, oo aanay hore u aqoonin, oo uu waayihii adkaaday u horseeday barashadooda, sidii uu AHN Abwaan Gaariye lahaa
Wixii ay na badeen, waxa nagaga daran, waxa ay na bareen…
Markii ay dadkii waayeen nadaafad iyo daryeel joogto ah, waxa ku dhashay jidhkoodii iyo dharkoodiiba injir, takfi, qindhicil, buulalkii iyo bacihii ay ku hoos jireenna waxa ku asqeeyay roobab, dabaylo iyo dhaxan daran, iyaga oo khaati ka taagan boorashkii iyo caano-boodhihii ay UNHCR-tu u soo walaaqayeen, ayay maqleen in dalkii laga saaray ciidankii Maxamed Siyaad Bare, oo jabhadii SNM qabsatay, kadibna waxa ay ku soo guryo noqdeen magaalooyinkoodii oo aad u burbursan.
Waxa ay dadkii magaalooyinkii ugu yimaadeen, dagaalyahanadii jabhada intii ka nooleyd, oo uu mid waliba isu haysto, in uu isagu yahay libaaxii cunay dawladii Maxamed Siyaad Bare.
Jabhada oo ciidankii u dagaalamayay u badnaayeen dhallinyar iyo dadkii reer miyiga ahaa, ayaa waxa koox waliba fadhiisin ka dhigteen, goob ka mid ah deegaanadii ay yaqaaneen, kadibna waxa adkaaday isu-socodkii dadka.
SHEEKO: waxa uu yidhi: Markii dalka dagaaladu ka dhaceen, ee nidaamkii iyo kala-dambeyntii ay lumeen, waxa meelihii muhiimka u ahaa isu-socodka dalka qabsaday Dayday, daydaygaasi waxay ahaayeen niman hubaysan, oo dadka u gala wadooyinka, waxa ku jira daydayga mid Kuleyliye la yidhaahdo, marka u horeysaba inta uu qoriga dhowr goor rido ayaa uu aad u hanjabayaa, kadib marka ay dadku baqdaan, waxa hadana hadlaya mid kale oo isna kooxda ka mid ah oo la yidhaahdo Qaboojiye, waxa uu Kuleyliye ku odhanayaa: “Hebeloow… ka daa ha inagu laynine, dadkani waa dad wanaagsan oo way bixinayaane, waar dhiga halkaa wixii aad sidaan… yaanu ninkan waalani idin layne…”, markaas ayaa uu qof waliba faraqiisa furayaa, oo wixii uu hayay dhiibayaa.
SHEEKO: Waxay tidhi: Raaqiya ayaa lagaga dhacay gaadhi ay lahayd meel Hargeysa ka baxsan, daydaygu gaadhigii inta ay kurka ka gooyeen ayay qori saarteen, in muddo ah kadib maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxa casuumad ku qabsaday Hargeysa, reer ay isku qabiil ahaayeen daydaygii gaadhiga dhacay, daydaygii doqoniimadooda iyagoo gaadhigii ay dhaceen wata, ayaa ay casuumadii ka soo qayb-galeen, aqalka casuumadu ka dhacaysay jaar ayaanu ahayn, sidii ay u sugayeen casuumada ee aqalka hareerihiisa loogu kaftamayay, ayaa uunbaa waxa ku soo dhex dhacay Cago-Damdamle oo isna dayday wata, wuu ku daba jiray show, waxa ay isku qabiil ahaayeen, inantii Raaqiya ee gaadhiga laga dhacay, rasaastu dhawaaq badanaa, oo noocyo badanaa Bac! Bac! Bac! Wiif! Wiif! Dam! Dam! Daydaygii sugayay casuumadu, gurguurad iyo daba-ku-siq ayaa ay kaga baxeen halkii, Caga-damdamle oo jiidaya gaadhigii uu soo dhiciyay, ayaa aqalka noogu soo galay, anagoo is-leh Toloow! Muxuu doonaya? Waa ka galay madbakhii, kadibna midi yar oo laxooxda lagu dubi jiray, oo gaabatay-gaabatay sidii loo lisayay, ayaa uu kala soo baxay, Ayeeyo ayaa u baxday, waata ku dhagtay; Waar ii Dhig Midida Waryaa! Waar ii Dhig Afka-Gooso’e… Ayeeyo itixaansanaa, nin dhiig in uu daadiyo doonaya, ayaa ay midi madhatay ii dhig ku leedahay, inta uu ayeeyo iska gundhiyay, oo uu iska fur-furay, oo uu sii dam-damleeyay, ayaa isaga oo ku hadlaya hadalo cadho leh uu yidhi: “… Inantii ayay gaadhi ka dhaceeeeeeeen…” kadibna wuu la baxay mididii, malaha xadhko ayuu ku goo-goosanayay, ileyn wax kale umay jareyne!
SHEEKO: Waxa maalin maalmaha ka mid ah dagaal dhex maray, laba kooxood oo kala wata gawaadhi uu ku rakiban yahay qoriga baroonku, sidii naloo sheegay labada kooxood midkood ayaa soo boobtay jaad, kuwa kalena waxa ay ahaayeen, kuwii lahaa koleygii jaadka laga soo dhacay, kadibna in cabaar ah ayaa xabadu is-weydaaraneysay, oo ay dadkii cabsi badani la soo deristay… …
Waxa bedelmay aragtidii ay geerida hore uga haysteen qaar ka mid ah dagaalyahanadii dagaalka ka qaybqaatay, hadii markii hore ay qof meyd ah, oo la sharfayo, oo la leeyahay Salaatu-Jinaaso ha lagu tukado, oo geeridiisa laga tiiraanyoonayo, oo aqal laga soo saarayo ay arki jireen, imika waxay intooda badani daadiyeen dhiig dad, wuxuu mid kastaa ka dul talaabsaday ama uu indhihiisa ku arkay, dad hebel iyo hebel loo garanayay, oo sidii neef bakhtiyay banaanka wadhan, waxa is-bedelay dareenkii iyo damiirkii ay lahaayeen.
Waxa intaa kadib dhacay arrinkii laga filan lahaa jabhad, waxaa markiiba xaalkii magaalooyinka iyo tuulooyinku noqday mid cabsi leh, oo aanay jirin kala-dambeyn iyo xeerar lagu dhaqmayaa toona.
Waxa hubkii dawladii kacaanku ay ururinaysay 21-kii sanno ee ay talada haysay gacanta u galay, rag aan lahayn habdhaqankii loogu ogolaanayay qofku in uu qori qaato, waxa hubkaa ku jira gacanta daydayga iyo dibjirtu galaaftay dad badan oo aan wax dhibba geysan, waxa batay isku dhacii.
Waxa uu hubkii galay guri iyo goob kasta, qofkii cadhoodaaba wuxuu ku ciil-baxay qorigiisa, qof kasta oo dan lihiba wuxuu adeegsaday qorigiisa, qof kasta oo xumaan in uu sameeyo rabaa ba wuxuu adeegsaday qorigiisa, waxa dadkii ku dhacay jihawareer, waxa daydaygii iyo dibjirtii maalmahaasi ku kaftameen dilkii, budhcadnimadii iyo xatooyadii, naftiina waxa ay la qiima noqotay mijin ama caqaar jaad ah, waxa gabal madaw u soo galay bulshadii ku soo guryo noqotay dalka.
Intaa dadku la daalaa-dhacayeen dhibaatooyinkii ay ka dhaxleen dagaalka, hormuudkii jabhaduna waxay ku mashquulsanaayeen in ay u tartamaan, oo ay u kala horbadiyaan taladii dalka, waxa ay noqdeen dad wada siman, oo aanu midi mid wax dheerayn, midina mid wax u ogolayn, inkasta oo ay kala aqoon roonaayeen, hadana waxa ay ka sinmeen cawaandada iyo libaaxeynta, iyo weliba kooxdii bidixda fog oo gacan-togaaleynaysay dadaal kasta oo uu ka muuqdo ifafaale wanaagsan iyo yididiilo toolmooni, waxa mid kastaa deegaankiisii la tagey, ciidan ka mid ah jabhada, waxaa uu ku gorgortamay dano gaar ah, waa kan Abwaan Gaariye oo ka waramaya xaaladaasi iyo sidii uu waayuhu ahaa xilligaasi:
SHALAY DAALIMKAAN RIDAY,
DALBAA BU XUKUMAYEE,
QAAR DAAQII XOOLAHA,
DEKEDIYO MADAARKII,
IYO DAWLADNIMADII,
SARIFTAY BAA KADABA YIMID,
OO SIDA DAWAARLAHA,
NIMBA DHAN U DILAACSADAY,
DEGMADII CIDIISA’ OO, KELIGII KA DIIG YAHAY,
DABNA WUU KU HAYSTAA,
IYO DEYDEY TABABARAN,
DAKHLI BAA KA SOO GALA,
DERISKANA WAX KUMA FALO,
DHEGO MA LEH, WAR KAMA DEGO,
INDHO MA LEH, WAX LAGU DAYO,
NABADANA DAN KAMA LAHA,
EREYADA: “GAARIYE”
Horjoogayaashii jabhada waxa ku adkaatay in ay nidaam dhisaan, hadii ay dhisaan-na waa mid fadhiid ah, oo aan sidii habooneyd waxba u qabaneyn, maxaa yeelay; cida wadaysa ee xafiisyada fadhiisanaysa, ee markaa dadka ka dhex muuqatay, waa dad aan ehel u ahayn shaqada loo dirayo, oo ay u badan yihiin dibjirtii bidixda fog, oo meel hadii maamul looga dhigo, waxa ay awoodii meeshaasi u adeegsanayaan danahooda gaarka ah.
Waxay taladii dalku kufaa-kacdaba, waxa yimid Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxa uu ninkani ahaa mid waayo aragnimo u leh nidaamka dawlad-dhiska iyo habka loo hirgelin karo, waxa jirta aragti ama xikmad odhanaysa: –
“Hogaamiyenimadu maaha wax loo dhasho ama lagu dhasho, ee waa hadba sida qofku u fahmo xaaladda bulshada iyo hab-dhaqanka dadka uu hogaaminayo…”
Wuxuu Cigaal soo dhex galay taladii dalka, waxa uu ku guuleystay in uu hogaamiyo noqdo, in kasta oo dhibaatooyin laxaad leh uu la kulmay, hadana isaga oo waayo aragnimadiisa maamul la kaashanaya, waxa uu dhisay qaabdhismeed dawladeed oo shaqaynaya, waxa kala nastay nimankii jabhada ku wada jiray ee xafiiltanku soo kala dhexgalay, intaa kadib waxa u bilaabmay hab-maamulkii dadka iyo dalkaba waa’a cusub.
SHEEKO: Mid ka mid ah jabhadii SNM, oo aad ula yaaban, qaabkii uu Cigaal daydayga uga soo xareeyay Hubka ayaa wuxuu yidhi: “Waxaanu haysanay 24 gaadhi oo tikniko ah, dadku cashuurta way nagala hor iman jireen, iyaga oo naga baqanaya, dawladaha la sheego waxba umaanu ogeyn, cid naga awood badani inay jirtoba maanu moodeynin, waxa noo yeedhay Marxuum Cigaal, intii aanu dhexda ku soo jirnay waxa aanu ka sii fikiraynay lacagta aanu ka soo qaadan doonaa in ay gaadhi doonto $500000, markii aanu ugu galnay madaxtooyada, waxaanu u wakiilanay wada hadalka, ninkii na hogaaminayay oo isagu ahaa ma-dhaleys aan carruur lahayn, inta uu nagu soo noqday ayuun buu nagu yidhi: Waar hubka inaga soo xareeya!!!, Cigaal Caruur buu iigu soo duceeyaye… Bal Adba! Cajiib! …”
Marka uu xaalku halkaas marayo, waxa bulshadii dalka ku nooleyd soo waajahday, xaalad nololeed oo aad u adag, gaar ahaan; hadii aan sawir kooban ka bixiyo dadkii magaalada Hargeysa ku soo guryo noqday.
Waxa ay noloshii dadkani noqotay mid ku tiirsan Maxaysato (Maxaan Qabtaa – Maxaad I Siin) iyo Xoogsato, waxa guryaha ka soo baxay oo suuqa u bariis doontay dumarkii, gaar ahaan kuwii uu dagaalku ka saameeyay raggii xooga ahaa ee u soo shaqayn lahaa, oo aan qiyaas ahaan filayo inay ahaayeen dadka magaalada boqolkiiba inta badan.
Waxa dadka badankoodii bilaabeen in ay ka shaqeeyaan shaqooyin aanay hore u qaban ama ku adag ama aad u liita, waxa dadkii wada galeen diiqad iyo dulli, waxaa ay aroortii ku kalahaan cadho, isla markaana waxa ay ku soo caraabaan ciil, maxaa yeelay; waxa suuqii ka jirta nolol aad u foolxun, oo cayda iyo aflagaadadu tahay wax lagu kaftamo, oo hadii qof wax iska kiin galaan aanad helayn cid idiin garqaada.
In mudo ah markii bulshadii xaaladaasi ku sugnaayeen, waxa dhacday in mar kale ay dadka intii garashadoodu nooleyd ee islahaa waxbaa hagaaji, ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinkaa baahay, waxa dhagaha dadka xilligaa ku badnaa ereyada: Hebel wuu dhoofay, Vise ayaa u soo baxay, Khad bixitaan ayuu sugayaa, iyo qaar kale… waxay dadkii u kala baxeen:
• Dadka in u adkeysan kari waayay, oo go’aansaday in ay raadiyaan xal kale, sida qax ama baro-kac.
• Iyo dadka in dhibaatooyinkaasi iyo noloshaasi adag la qabsatay, oo miciinsaday adkeysi iyo xeelado ay kaga gaashaantaan.
Waxa markaasi xoogeysatay, oo aad loogu biiray Qixii iyo Hijradii ay dadkii dalka lahaa ku cidleynayeen dhulkoodii hooyo, dadka intii awood u lahayd in ay dalka ka baxaan way iskaga baxeen, intii uu waayuhu cagta ka xidhayna, waxay ku negaadeen dhibkaasi, iyaga oo la kulmay nolol adag, waxa hadaba xilligaasi dadkii dalka ku noolaa ay gudagaleen maalmo daran, oo dadku aanay haysanin garsoor xaq ah iyo nabadgelyo dhameystiran.
Waxa magaalooyinkii waaweynaa soo camiray, oo degay meel kasta oo dan guud ahayd, dadkii tuulooyinka iyo miyiga ku noolaan jiray, kuwaas oo wixii mood iyo nool ay haysteen ku baaba’een dagaaladii dhacay.
Waxay dadkani la kulmeen nolol tii u adkeyd, waxa isugu biiray hayntoodii oo yar iyo hab-nololeedkii magaalada oo aanay garaneynin.
Waxaa badatay baahidii, waxa dad badan soo waajahday xaalad adag, oo ay faro-madhnaani kaw ka tahay iyo iyaga oo la kulma duruufo kala duwan oo noloshooda dhallan-rogay, waxay taasi keentay in dadkaasi weheshadaan ciil iyo cadho joogto ah, hadaba fara-madhnaantaasi waxaa ay aad u saameysay raggii, oo doorkii raganimo ee ay ku lahaayeen aqallada iyo xaafadaha ayay halkaasi ku waayeen, waxaanay noqdeen dad aan la tixgelin.
Markii raggii xoogga ahaa ay dabooli kari waayeen baahiyihii guryahooda iyo carruurtooda, oo ay noqdeen kuwo ku dul nool xaynka dumarkooda, waxaa ay raggii waayahaa xumaaday isku illowsiiyeen, oo ay kaga dhuunteen mijin ama caqaar jaad ah, oo ay la galaan buul qudhmuun ama sandaqad kulul, waxaa ay qabatimeen oo joogto u noqotay ragga intoodii badnaa shaxaadka iyo gacan-hoorsiga, waxa qof walba soo baxay oo dibada yimid ceebihiisii iyo wixii u asturnaa, ee ay nabadda ku hoos qarin jireen, waxa kale oo raggii ka lumay milgihii iyo sharaftii la dhowran jiray, oo waxa mid waliba isku arkay in uu gumoobay, oo aanay waxbaba u hadhsanayn, kadibna NIN QOYANI BIYO ISKAMA DHOWRO ayay in badan oo ka mid ah iska dhaadhiciyeen, kadibna waxa ay ku kaceen fal kasta oo dantu ku kaliftay mid xun iyo mid sanba.
Waxa isna yaraaday guurkii, oo ragii waxa ka luntay dhiiranaantii iyo fikirkii reer-sameynta, kadibna waxa dumar badan ku dhacday reer la’aan, dhaqankeena marka la eego, dumarka wanaagoodu wuxuu ku jiraa reer ay yeeshaan, oo ay ku asturnaadaan, laakiin markii taasi dhici weyday, waxa meel kasta soo kambadhuudhsaday dumar aad u dayacan oo wixii ay cuni lahaayeen raadsanaya, markaas ayaa ay qaarkood ku ilaaween noloshaasi asturnaantii iyo xishoodkii, qaarkood waxa ay galeen ganacsi dadnimadooda aan u fiicnayn, oo ceeb iyo dheg-xumo joogto ah ay kala kulmaan, qaarkood inta ay dhexda xidheen ayay ku biireen siyaasada, qaar kalena guryaha ayaa ay yaab iyo amakaag la dhex kuududsadeen.
Waxa batay bahdilaadii iyo tuugadii, waxa ragga badankoodii sameysteen fara-laab ama hub ay naftooda ku illaaliyaan, oo ay sii qaataan mar kasta oo ay aqalka ka baxayaan, sida; Bud, Toori, Hangool ama Bakoorad, iyada oo qaarkood qoriga iyo bistooladuna ay diyaar ugu yihiin aqalka, hadii dagaalku intaa ka sii xumaado si uu ula soo baxo.
Waxa maalmahaa furmay, oo dhaawac weyni soo gaadhay, dabarkii isku hayn jiray qabiilka iyo dadka tolka ah, maxaa yeelay; dadka intii wax haysatay ayaa qof kasta oo baahani eedeeyay, oo loo arkay dad aan naxariis lahayn, waxaase isweydiin mudan; qofka wax haystaa imisa qof ayuu wax siin karaa? waxa kala batay baahidii taalay iyo dhaqaalihii dalka.
Dadkii ayaa isku wada fiir-fiirsaday, oo midiba midka kale camal ka dhigtay, waxa batay is-qab-qabsiga iyo gacan-ka-hadalka xaafadaha ka dhex dhacca, waxa ay jaararkii ka nasan waayeen khilaafyo soo kala dhex gala, oo reerba reerka uu ka rag iyo raasba weyn yahay, ayaa uu ku tijaabiyay awoodiisa.
Dadkii ayaa badi asqoobay, waxa dadka qaarkii isku qabsadaan dagaalna ku dhex maraa wax aad u yar, sida; Midho geed ka soo daatay, oo ay carruuri kala boobeen iyo waxaan dhaamin, oo waad I soo eegtay iyo maxaa lagaa soo eegi ayaa maalmaha qaarkood maryo dhiig leh lagu kala furtay.
Dadkii miisaanka lahaa ee hadalka toosnaa, ayaa qaarkood noqdeen dad garashadoodu liidato, oo arrimuhu sida ay yihiin aan uga fal-celinin, maxaa yeelay; noloshii ayaa suququl u muuqatay, oo wax kastaa waxaa uu noqday mid la boobayo, oo loo kala hor-dheeraynayo.
Dadkii u arkayay in ay dawladihii hore ku dulmanaayeen, kuwaasi oo u badna reer miyi iyo juhalo, ayaa iyaga oo maqiiqan, oo ka ordayay noloshii hore ee ay la soo noolaayeen, uu dhaqankoodii noqday is-waalid iyo indho-cadeyn.
Dadkii ka tirsanaa ciidankii nabadgelyada iyo hawlwadeenadii dawlada badankoodii waxay noqdeen “Ina hebel hebel”, waa mid ay ku sii talo-galaan dadka inta ay isku qolada yihiin, iyaga oo odhanaya “Yarkii Ina Hebel ayaa halkaasi inoo jooga”, waxa ay noqdeen kuwo aan xilkii loo igmaday uga soo bixin sidii la rabay, baahidii badneyd iyo waayihii nolosha oo ka xoog batay awgeed, waxa dad badani meesha iyo xafiiska ay joogaan u adeegsadeen, in ay ku illaashadaan danahooda gaarka ah, iyo weliba kooxdii bidixda fog oo aad ugu dhex jirta gebi ahaanba qaybaha kala duwan ee nidaamkii dawlada, iyaga oo dhagarihii u qorsheysnaa halkaasi ka fushanaya.
Hadaba markii hawlmaalmeedkii-shaqo ee badi hawlwadeenadii qaranka, uu hoos-u-dhacaasi weyni ku yimid, waxa ay saameyn taban ku yeelatay noloshii bulshada, oo waxa batay oo aad loo qabatimay musuqmaasuqii, laaluushkii, wax-is-dabamarintii iyo xatooyadii hantida qaranka, taasi oo ay ku kacayeen dadkii lugta kula jiray, noocyada kala duwan ee maamulkii dalka u dhisnaa.
Waxa hoos-u-dhaccii ugu weynaa ku yimid, laba waaxood oo aad muhiim ugu ah xasilloonida iyo degenaanshaha bulshada, waa labada waaxood ee kala ah Garsoorka iyo Ciidankii Illaalada Nabadgelyada.
Go’aanadii garsoorka waxa ka awood roonaaday odayadii qabaa’ilka ama madaxdii qabaa’ilka, hadii garsoorku soo saaro go’aan ka soo horjeeda rabitaanka reeraha, waa laysku madhanayaa, oo waxaa suurto gal ah in dhibkii la bakhtiinayay, ee gartiisa lagu jiray uu mid ka xumi dhaco.
Dadka reer waliba wuxuu haystaa hub, markaa hadii qof uu ku xadgudbo qof kale, mid waliba wuxuu dhabarka saarayaa, oo uu u yeedhanayaa tolkii, kadibna labadii reer mid waliba wuxuu soo bandhigayaa, wixii taariikh ah ee ka dhexeeyay reerkan kale, inta goor ee ay isku dhaceen iyo sidii ay u xalin jireen, kolkaa dhibkaasi dhacay xalkiisuba wuxuu ku xidhan yahay, qofka wax loo geystay miisaanka uu ku leeyahay reerkiisa iyo hadba dareenka ay ka qaataan tolkiisu, Abwaan Gaariyaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi:
NIN KASTOO DAKANO GALAY,
QOLO AYUU DABADA GELIYOO,
DEMBI DHACAY MAS’UUL MA LEH,
MARKAAD HEBEL DUQAYSAA,
REER HEBEL DAMQANAYAAN,
Waxa ciidankii nabadgelyada iyo hawlwadeenadii maamulkii dalku bilaabeen, in ay dhib kasta oo dhacca u raadiyaan xal iyaga oo aan xaqii fulinayn, waxa dhacday goobaha garsoorka, in xalku mararka qaarkood noqon karo, in la dulmiyo dhibanihii, oo gardaradii lagu sameeyay ee loola yimid, loo raaciyo sasabaad iyo aamusiin.
NIN KU YIDHI I DAW MARI,
DUUDSIGUU TIRSANAYOO,
LAGA DAAYO MOOYEE,
WIXII KALE BA DOOG IYO,
DACAR BAY KU HURIYAAN.
EREYADII: MAXAMED XAASHI DHAMAC “GAARRIYE”
GOORTAAD MAXKAMAD TAGTAAD TACAJABAYSAAYE,
TABNIGEEDA XAAJADA NINKII TAABI KARI WAAYA,
INKASTOO AAD XAQ TAABUDA WADO IYO MARAG CAD OO TAAGAN,
AMA AAD XUJADA TOOSISOO LOOYARKU ISTIILO,
GARTU HADALKA KUUGUMA TAGTEE TAAGTU WAA LACAGE,
IYANA WAA TABAALAHA WAQTIGA TAA AYNU ARAGNAA.
EREYADII: XAAJI AADAN AXMED “AF-QALOOC”
Waxa sameysmay dad aad u bartay qaababka kala duwan, ee loo khiyaameyn karo maxkamadihii dalka iyo garsoorayaashii joogayba, waxay dadkani khiyaamo iyo gar-daro kula wareegeen hanti badan oo aanay laheyn, oo ay ka mid ahaayeen; Dhul beereed, Dhul dhismeed, Guryo dhisan, Iwm…
Marka uu xaalku halkaasi marayo, iyada oo ay maxkamadihii dawladu jiraan oo ay shaqaynayaan, ayaa hadana badi dadweynihii ka aammin-baxeen, waxaana sameysmay xarumo garsoor, oo gaar loo leeyahay, oo ay furteen culimadii lagu tuhmayay fahamka diinta qaarkood, Maxaa yeelay; waxay culimadii ka shaqeysan kari waayeen dad is-khilaafsan, oo inta ay guryaha ama goobaha ay culimadu ka shaqeystaan ugu tagaan odhanaya: sheekh maxay diintu ka qabtaa khilaafkayaga.
Waxa sida oo kale kharibmay illaaladii nabadgelyada, waxa ciidanka is-qoray rag badan oo miyiga ku soo caydhoobay ama iskood uga yimid, waxa kale oo is-qoray, rag aan u gelin askarinimada in ay u adeegaan bulshada, balse ku-biiritaanka ay ciidamada ku biireen sal u tahay masruufka iyo sidii ay biilka reerahooda ugala soo bixi lahaayeen.
Waxyaabihii iigu la yaabka badnaa ee aan ku arko ciidamada, weliba kuwii u xil-saarnaa illaalinta nabadgelyada bulshada, waxaa ka mid ah:
SHEEKO: Waa nin dhallinyar ah, oo ka dhashay qoys dan-yar ah, ninkani waxa uu la nool yahay, nolol aad u adag, maxaa yeelay; hadh iyo habeen khilaaf ayaa ka dhex jiray waalidkii, wuxuu isku illowsiiyaa duruufahaasi ku gedaaman, adeegsiga daroogooyinka gaar ahaan XABAGTA KABAHA, weligii lama arag ninkaasi oo wejigiisa farxadi ka muuqato, wuxuu samestay bud iyo tooray, waxaanu noqday budhcad, wuxuu habeenkii fadhiista meelaha mad-madaw, inta qof ee uu waxyeelay ama uu hantidooda dhacay tiro ma leh, waxa noloshiisa inta badan uu ku qaataa xabsiga, mar kasta oo xabsiga laga soo daayo, wuxuu sameeyaa dembi, kadibna waa la xidhaa, ninkii lagu ogaa budhcadaasi, dadkii yaqaanay ay aadka isaga illaalin jireen, ayaa waxa la arkay maalin maalmaha ka mid ah, isaga oo sita qori AK-47 ah, oo xidhan dharkii ciidamada iyo koofiyad uu goodirkii ku sawiran yahay, ninkii wax la qoray askarta, weliba wuxuu ka mid noqday; kuwa u xilsaaran illaalinta nabadgelyada bulshada… bal adba…
Waxaan is-weydiiyay ninkii budkiisa iyo tooridiisa dadku khaatiga ka taagnaayeen, sidee loogu aaminay qori AK-47, yaase damaanad qaadaya, in uu daacad ugu adeegi doono, dadkii uu budhcadnimada ku dhibbay?
SHEEKO: Meeshu waa miyi, oo waa cidla’a, qofka dhawaaqiisa ama hadalkiisa waxa aad ka soo maqlaysaa meel fog, aroor ayaa waxay maqleen qaylo, way soo baxeen, waa Islaan ka mid ah dadkii miyigaa deganaa, oo ordaysa, markii ay soo gaadhay, waxay tidhi: “Kaalaya oo ka qabta, Inankii Cabdi ayaa Odeygii dilaya’e…” markii ay tageen halkii ay sheegaysay, waaba Cabdi oo hangool la dhacaya Aabihii, oo aad u da’a weyn, Cabdi waa nin xoog ah, wuxuu ku dilayo miyay garanayaan! Kolba inta uu ka muruxsado, ayuu isku maqiiqaa markaasay iyaguna isku maraan, oo ay dib u jiidaan, intaa Cabdi wax buu sheeg-sheegayaa uu ka dhigayo wixii uu ka cadhooday, waxayse u muuqatay khilaaf soo jiitamayay, oo hore uga dhex jiray, Cabdi laga kaxee odeygii, markii gabalku dhacay, ragga tuulada jooga mid beer ka shaqeeya iyo mid xoolo raacaba badankoodu way qayilaan, tuuladaasi hadii aad maalin soo dhex marto, moodi maysid in cidi ku nooshahay, marka gabalku dhacana way siraadataa, oo waxa toosh iyo faynuus is-weydaaranaya malayni maysid! Markii ay mirqaameen, ee uu qadhaadhkii qaadku is-gaadhay, ayay bilaabeen in ay la taliyaan ninkii Cabdi ee maanta Aabihii dilayay, waxa ay ku leeyihiin: “… Waar mid yeel… Odeygani anaga ayaa dhowr neef kaaga sasabi, inta aad kaxeysato la tag Hargeysa… Iibi! Badhna masruuf ka dhigo… badhna ku iibso qori… oo ninkii Hebel ee kolayga ku haystay meeshii Heblaayo ayaaba yidhi anigaa iibinaya kaygiiye, kadibna ciidamada booliska is-qor, oo meeshan cidlada ah iskaga tag…” Wuu ka guraya isaguna, oo wuxu u muuqdaa mid la dhacay taladan la siiyay, waxay sawirteen cabdi oo dad mudaharaadaya inta loo soo diray, sidii uu Aabihii u dilayay oo kale, qoriga iyo budka ula dhacaya, Waaryaadhaheen! Dee ma wax baa idinka si’I ah, xageed askarta u qoraysaan, ninkani waxa ka nabadgeli waayay Aabihii, ma cid kale ayuu hadh u jiidayaa? Kuye! Waar odeygani wuu dhibay! Maraa Waaxid! wasiirada iyo hay’adaha ha ilaaliyo, oo iyaga budka ha la dhacee naga daa! Odeygani ha ka nasto, oo meelahaa ha ugala kaco dhibkiisa…
Ciidamadii illaalinta nabadgelyada bulshadu waxa ay u bateen, dad aanay garashadoodu fiicnayn, oo jahliga iyo aqoonyaridu ay isugu biirtay, waxa taasi ka dhashay; in ay noqdeen rag si fudud loogu adeegsan karo dano gaar ah, oo kolba mas’uulka xafiiska fadhiyaa ku kicisto awrkiisa, oo uu ku fushado wuxuu u baahan yahay, sida; in la iska xidho qof markan la qabanayo, wax dembi ah aan faraha kula jirin, isla markaa warqad maxkamadeed oo sheegaysa xidhitaankiisana aan loo dhiibin, waliba marka la qabanayo ay askartu ula dhaqmaan si aad u foolxun, oo aan qof bini-aadmi ahi u dulqaadan karin, oo bahdilaad iyo sharaf-dilba leh, hadhawna marka uu muddo xidhnaado, la iska soo daayo, waa wax aan loo adkeysan karin, qofkaa la xidhay wuu ka samri karaa cidii xidhitaankiisa lahayd, hadii uu ogaado iyo hadii uu ogaan waayaba, laakiin kama samri karo askarta sidii ay ula dhaqmeen markii ay qabanayeen, waxa yaraaday kalsoonidii lagu qabay askarta iyo dadkii lagu xadgudbay ee cabashadooda u gudbin lahaa.
Waxa tiro batay dadkii qabay cabashooyinka iyo tabashooyinka ama lagu xadgudbay, ee waayay cid u hiilisa iyo sharci ka dhiciya dulmiga, waxay dadkaasi qabatimeen nolol uu hal-ku-dhigeedu yahay “WAAYAHAAGA LAABTA KU HAYSO…”
SHEEKO: Agaasimaha Shuro Net, Mubaarik Ibraahim Aar.
Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi: “Hadda annagu xaqaa’iqa aanu hayno waxaa ka mid ah, 143 qof oo ku xidhan jeelka Mandheera, 143-kaa qof haba yaraatee wax Maxkamada oo la geeyay ma jirto, intaba waxa xukumay oo jeelasha u taxaabay Guddiga nabadgelyada. Iyada oo aan wax Maxkamada la horkeenin, oo distoorkii laga talaabsanayo, markaa runtii maanta kiiskaa waanu furnay, Looyarkayaga ayaa kiiskaa Maxkamadda geeyay, isaga ayaa hor-dhigay Gudoomiyaha Maxkamadda.”
Tixraac: http://www.somalilandlaw.com/SC_refuses_to_accept_case_120507.htm
SHEEKO: Suuqa badhtankiisa ayaa koox budhcad ah oo ku hubaysani af-tahamo iyo bakoorado, waxa ay ku qabsadeen nin miskiin ah, dadkii na way ka qaban kari waayeen, budhcadu waxa ay isku qaybiyeen laba, oo badhna ninka ayay baadhanayeen, intii kale na waxay iska dhigayaan kuwo aan la socon, markaas ayay kolba qofka ku soo leexda, ee is-yidhaahda ka qabo miskiinka, ayay ku odhanayaan, “bal doqonkan eeg, adiga maxaa kaa galay, waar anaguba waanu kala qaban kari waynaye kala bax faraha, ha isku soo jiidin eed aanad ka bixi karayne”, dadkii way ku adkaatay in ay ninkaasi ka dhiciyaan budhcada, kadibna waxa meel gaaban ka soo baxay, askari xidhan dharkii ciidamada oo sita qori, dadkii waa kuwa wada farxay, ee is-yidhi imika ayuu ninkii miskiinka ahaa badbaaday, budhcada laftoodii way baqdeen, hadii uu kalmad askarigaasi odhan lahaa, ninkaasi wuu badbaadi lahaa, se askarigii isaga oo arkaya waxa dhacaya, ayuu sidii nin indho la’a iska garab maray, kadibna dadkii way wada yaabeen, markii uu meel dhexda ah marayo askarigii, oo uu ka soo fogaaday halkii budhcadu ninka ku haysteen, ayay dadkii qaar ka mid ah oo daba socday, oo weli yaabani askarigii waydiiyeen, “Askari maxaad miskiinka budhcada uga qaban weyday? Mise maad arkaynin?”, wuxuu ugu jawaabay “Waan arkayay wixii dhacayay, laakiin hadaanu askarta nahay waxaa nu ku shaqaynaa sharci, marka nala amro ayaanu hawlgalnaa, anagu isma dirno, ee waa nala diraa…
Waa runtii, waxa askarigaasi cadeeyay in aan ujeedada uu ciidanka isku qoray, aanay ahayn in uu dulmiga dadka ka dhex saaro, oo aanay garshadiisu heerkaasi taagneyn, wuxuuse diyaar u yahay, in uu u adeego daneystayaasha u tartamaya xafiisyada dawlada.
SHEEKO: Waxa uu yidhi: Nin dhallinyar ah oo shaqo fiican haystay, mushaharkiisuna aad u badan yahay, ayaa wuxuu ninkii iskaga tagay shaqadiisii fiicneyd, waxaanu u soo wareegay shaqo xaga dawlada ah, oo uu qaadanayo mushahar aad u yar, ma laha sharaftii iyo wanaagii ay laheyd shaqadiisii hore, waxaa la weydiiyay ninkii “Maxaa kugu dhacay? shaqadii lacagta fiicnayd maxaad ugu doorsatay shaqadan? wuxuu ku jawaabay: “Waan ogahay in shaqadii hore ka fiicnayd tan aan imika hayo dhinac kasta, waxaad se ogaataa, maanta dalkan aynu ku nool nahay, hadii aanad sirta noloshiisa fahmin, in aanad nolol fiican ku noolaanaynin, hal Askari ama hal Xildhibaan ama Wasiir aad is-barataan, oo berito marka aad u baahato aad adeegsan karto, isaga na aad u fuliso hadba wixii uu kaaga baahdo, oo aad wada shaqaysataan, ayaan wax loo dhigaa jirin, oo noloshaada wax weyn ka tari kara!!!
SHEEKO: Hargeysa(Waaheen) Waxa xalay saaka magalada Hargeysa lagu waa bariistay dhacdooyin isku mid ah oo walaac iyo layaab ku noqday dadwaynaha magalada Hargeysa, Dhacdooyinkaasi oo ahaa in ay laba nin oo dhalinyaro ah isku dal-daleen xaafado ka mid ah magalada Hargeysa Gaar ahaan sheedaha iyo Siinay, In kasta oo aan u jeedada ay isu dal daleen la garanahayn, ayaa waxa ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi, in dadkani ay ahaayeen dad marka hore caqligooda qabay, balse ilaa hada aan la garanahayn ujeedada ay isu daldaleen ee ay u soo afmeereen noloshoodii ifka, Maaha markii ugu horeysay ee la arko qof is dila magaalada Hargeysa, balse waxa yaab noqotay iyadoo aan in dhawayd la arag in hal mar ay laba dhalinyar ahi isku dal dalaan meelo kala gadhisan.
Tixraac: http://waaheen.com/2014/08/18/laba-dhalinyaro-ah-oo-xalay-isku-del-elay-xaafado-ka-mid-ah-hargeysa/
Waxa arrimahaasi sabab u noqdeen, in dadka badankiisu noqdaan siyaasiyiin oo 10jir illaa 80jir rag iyo dumar ay ka sheekeeyaan siyaasada, xafiisyadii dawladuna waxa ay noqdeen, meesha keliya ee qof kastaa filayo, in uu ka heli doono mansab iyo maamuus ama dhac-dhac iyo dhuuni.
BULSHO WADA SIYAASI AH, RIYO IYO KU NOOL BEEN, ISKU HAYSTA BEEL BEEL,
BOQOLKII MID MOOYEE, INTA KALE WAX SOO BARAN, GIDDI BOROFISOORO AH,
NINBA BEESHA UU YAHAY, BOQORNIMO LA JECELYAHAY, NINKA BADANI UU RABO,
BAAQIGU INUU QADO, KII LAGA BADNAA YAHAY, ISAGUNA MID AAN BAQAN,
OON KALA BADBAADAYN, NIN BUKAANA WEEYOO, BOQOL RUUX U TALISOO,
BAANTOODA LAMA HELO.
Ereyadii: Maxammed Ibraahim Warsame “Hadraawi “
HORTA ANIGU YAABAYE, DAWLADNIMO MA BAASTAA, MA QURAAC LA DUBAYAA,
MAYSKA QALIN DARAALAA, HABARTUNA MA GEYDAA, MUSLINYOHOW ISLAAMEED,
KURSIGANI MA DOONBAA, MA BAS BUU KU YAALLAA, KIRO IYO MA LACAGBAA,
MIYAA LAYSKA KORAYAA?
Ereyadii: Maxammed Ibraahim Warsame “Hadraawi”
Waxa ka faa’iideystay dayacnaantii dadka ee xaga nabadgelyada dibjirtii jaad-cunka aheyd, oo dhallinyartii ku welfay cunitaanka jaadku waxa ay ku heshiiyeen, in ay iyagu daboolaan booskii ay dayaceen ciidankii illaalada nabadgelyadu, waxa ay samaysteen magacyo ay ka mid yihiin ”Gaadh… Illaalada xaafada… iwm…”, waxa ay dhallinyartaasi iniba meel ka samaysteen fadhiisin, waxa ay dadka u sheegeen in ay habeenkii tuugta ka illaalinayaan, dadkuna waa in ay bixiyaan jaadka ay ku qayilayaan, hadii aad u diido lacagtaasi, iyagaa kuu soo dhacaya oo ku xadaya, khasab ayaanay kugu tahay, in aad bixiso wixii ay kugu xukumaan, meelaha ay inta badan fadhiisinka ka samaystaanna, waa goobaha ay ku tuhmayaan dhaqaale fiican, sida; goobaha ganacsiga iyo xaafadaha ay ku nool yihiin dadka ladani.
Waxa hawlwadeenadii kale ee dawlada ku batay xaraan-cunkii iyo boobkii hantida umadda, iyada oo waliba lagu faanayo, oo loo arko qofka hantida umadda magac dawladeed ku dhacaa, in uu yahay xariif, dadka qaarkood oo waxaad arkaysaa odhanaya “Ninkaa hebel waa khaatiyaan… Wuu kaarteeyay…! Indhuhuu u jeexay…!”
Dadka intii wanaagsanayd ayaa noqday dad ceebaysan, oo aan lahayn maamuus iyo qadarin midna, se laga maadsado, waxa loo sameeyay hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin “Hebel waa doqon… Hadaad ku joogsato iga kac ku odhan maayo… Waa caano ma daadshe… iyo Qaar kale oo badan”.
Waxa bulshada tusaale iyo muunad lagu hirto u noqday dadka intii xumayd, ee yaqaanay xeeladaha wax loo khiyaameeyo, maxaa yeelay; iyaga ayaa ay magaaladu u shidan tahay, oo hormuud ka ah.
Waxaa dhashay carruur badan oo hanti xaaraanna lagu dhalay iyo dhallinyar lagu koriyay xaaraan, waxaa ay taasi keentay in ay soo baxaan da’yar aan afkooda iyo addinkooda midna laga nabadgelaynin.
Waxa dhallinyartii afkooda ku batay, oo ay ka sheekeeyaan hadh iyo habeen, raggii jabhadda ahaa iyo dagaaladii ay soo galeen, waxay ka sheekayntaasi badanni keentay, in ay u arkaan in ragganimadu ku jirto dilka iyo dagaalka, oo waxa badalmay dareenkii ay ka qabeen nabadgelyadu waxa ay tahay iyo faa’iidada ay ka heli karaan.
Waxa sida oo kale dhallinyartii qabatimeen, oo ay isugu faaneen adeegsiga balwadaha iyo samaynta dhaqan-xumada, maxaa yeelay; waxay arkayaan niman magacyo waaweyn ku yeeshay dagaaladii ama dawlada, oo sigaarka, qaadka iyo khamrigu yihiin saaxiibkooda koobaad.
Waxa samaysmay kooxo dhallinyaro ah oo ku hubaysan budad iyo bakoorado, mararka qaarkoodna wata Ey u carbisan, oo loo bixiyay ciyaalo-xaafad ama ciyaalo-ey, waxaa ay koox kasta samaysteen fadhiisin ku dhaw aqallada ay ku nool yihiin, waxay weeraraan xaafad kale oo ay ka jirto koox kale, iyadoo ay sabab u tahay isku-dhacaasi; dibjirtii bidixda fog, dagaal-jaceyl, ciyaaraha kubadda, Iwm… waxaa ay sidoo kale habeenkiina jidgoyn iyo budhcadnimo ka geystaan kooxahaasi qaarkood wadooyin badan, oo muhiim u ah isu-socodka iyo baahiyaha bulshada.
SHEEKO: waa habeen gudcur ah, waxaa ay fadhiyeen meel deyr ah dhinaciisa, tiradoodu waa ilaa iyo 8 ama 10, way isku urursan yihiin, waxaa ay u muuqdeen in ay tashanayaan, markii aan dhaafay wax yar, waxa aan ku baraarugay guuxa iyo xiinka dhagax aad u weyn oo dhegtayda meel aad ugu dhaw maray, waxa iigu xigtay dhowr dhagax oo kale, oo ay iigu soo tuureen si axmaqnimo ah, Alxamdu lilaah wixii dhagax ay igu soo tuureen ILLAAHAY WEYNAA OO WANAAGSANAAYE wuu I dhaafiyay, midna iguma dhicin, waxaan miciinsaday orod, si aan uga fogaado, markii ay I soo shiidayeen way qos-qoslayeen “Kkk… Madaxa fuji… Nac*** Hhh hh… Hoo bariiska… Kkk…” bal ka waran habeenkaa madaw qofka ay la dhacaan dhagaxaasi, qofkii ma arkayo dhagaxu meesha uu kaga soo dhacayo iyo halka u kaga beegan yahay, waa ciyaalo xaafad, dhamaantood waxa ay ka soo baxeen aqallada ku hareeraysan halka ay fadh-fadhiyaan, qofkii ay dhib u geystaan waa nin dameer dilay, hadii reerahooda laga soo ashkateeyo, mid kasta hooyadii, aabihii iyo tolkii ayaa difaacaya “Inankaygu madarasada ayuu dhigtaa! Xalay mabuu soo bixine! wuxuu diyaarinayay casharkii dugsiga!” hadii la xidho waxay ku soo baxayaan cafis madaxweyne ama cudur-daar kale sida; “Waa caruur ay caruurnimo qaadaye inaga soo daaya!”
SHEEKO: Waa nin dhalinyar ah, waxa uu ka yimid qurbaha, waxa uu u yimid ayeeydii oo magaalada degan, si uu woxogaa ula jooga, iyaduna ay ugu indho-doogsato inanka ay ayeeyda u tahay, dhowr cisho oo keliya markii uu joogay, ayaa habeen habeenada ka mid ah isaga oo maraya aqalkooda meel u dhaw, waxa qabtay budhcad tiradoodu gaadheyso dhowr iyo toban, budhcadaasi dhamaantood waxa ay degan yihiin ama ay jaar la yihiin inankan ay qabteen aqalkooda, inankii way dileen, waxa ay nafta kaga gooyeen feedh, laag iyo loox masaabiiri ka soo jeed-jeedo, inanka intii aanay naftu ka bixin ayaa uu sheegay qaarkood tilmaamo ay lahaayeen, budhcadii waa la soo wada qabtay, markii u horeysayba budhcada intii cid u hadasha lahayd sida; wasiir ama suldaan ama mas’uul tixgelin leh, waa loo cudurdaaray, oo waa la sii daayay, intii kale gaar ahaan kuwii ugu axmaqsanaa ee ay ka mid ahaayeen kuwii uu inanku intaanu dhimanin u sii sheegay, waxa lagu hayay jeelka, sidii kolba mid loo sii deynayay, aakhirkii dhamaantood waa la sii wada daayay, islaantii inanka ayeeyda u ahayd mar kasta oo aad wejigeeda aragto, waxa aad arkaysaa iyada oo ciil iyo cadho buuxda, marka aad agmarayso indhaha ayay kugu so gubaysaa, sidii oo aad tahay kuwii inankeeda dilay!
SHEEKO: wuxuu yidhi “Imika waxa aan ka imid saldhiga, sadex habeen kahor, aniga oo baska ka degay, oo aqalka gal isleh, ayaa aan arkay sadex nin oo fadhiya meel aqalka u dhaw, way igu soo kaceen, oo hareeraha ayay iga mareen, kadibna mid ayaa toori dheer oo uu sitay iga geliyay halkaasi, ILLAAHAY wuu iiga duway wadnaha, waxa ay iga qaateen laba mobil iyo laba boqol oo kun oo slshillin ah, markii ay iga dhaqaaqeen ayaan shiiday, waxa ka dhacay moobil yar oo ay siteen, mobilkii ayaan keenay saldhiga, markii la eegay simkaadhkii mobilka ku jiray magaca ku qoran, markiiba askarigii dacwada iga qorayay ayaa gartay, oo yidhi nimankani waa caan, oo waa tuug waaweyn, oo la yaqaano! Waanu soo qabanaynaa…” ILLAAHAY cilmi badanaa! Bal hadii aad garaneysaan, oo in badan ay dadka dhibtani oo kale ay u geysanayeen maxaad ugu sii deynaysaan dadka!
Waxa kale oo iyaduna layaab noqotay, mar kasta oo koox ka mid ah dhallinyartii budhcada noqotay ku dhex baaba’do waayaha nolosha iyo maalmaha kala dambeeya, waxa hab-dhaqankii kooxdaasi bartii ka sii amba-qaadaya, jiilkii ka dambeeyay ee ay isku xaafada ahaayeen, oo iyaguna sidii oo kale isku-urursanaya, oo hub iyo dagaal luuqyada lasoo istaagaya, waxa hore loo yidhi: [AWRKA DAMBE AWRKA HORE SOCODKIISA AYUU LEEYAHAY]
Waxaa batay kufsigii iyo tacadiyadii ka-dhanka ahaa dadnimada, taasi oo ay sabab u ahayd dhallinyarta oo isugu faanta sinnada iyo xumaanta, oo ninba ninka uu ka dhaqan xun yahay ama ka dagaal badan yahay, ayaa uu maalmahani ka sharaf iyo maamuus ba badan yahay.
SHEEKO: Wuxu yidhi: Tiradoodu waa ilaa toban nin, oo da’doodu u dhaxayso 20jir ilaa 30jir, waxay goor fiid ah ku qabteen gabadh tukaanka u soo doonatay gaastii faynuuska lagu shidayay, waxay la tageen meel luuq ah oo laba sakadood u dhaxaysa, oo aan ka fogeyn wadadii ay maraysay, sadex ayaa xaga hore ee luuqa u kaxeeyay iyada oo qaylinaysa, labana way xajinayaan midina wuu kufsanayaa, intii kalena albaabkii luuqa ayay istaageen, oo mid waliba sigaar ayuu shitay, kadibna marka gabadhu aad u qayliso, iyaguna qosol, sacab iyo orin ay cod dheer ku odhanayaan ayay isku daraan, si ay u qariyaan oohinta iyo qaylada gabadha, marka uu midi soo kufsadaba mid kale ayaa u weydaarta, markii ay ka wada dhamaysteen ayay sidii carruurta iyaga oo qosqoslaya is-eryadeen, oo waxaabad moodaa in aanay wax weynba sameynin, qoyskii gabadhu ka dhalatayna markiiba odeyaal DA’ KHASAARTAY ayaa u soo cumaamatay, iyaga oo odhanaya: “Hayna ceebaynina’e… waa carruur ay carruurnimo qaadaye…”, Wixii keenay in ciilku bato, oo ay dadku kala dhintaan ama ay is-nacaan weeyaan.
Ninka maalmahani ugu heer sareeyaa, waa ninka shaadhkiisu uu dildilaacsan yahay, oo shaadhkiisa badhanka u sareeya iyo daloolka u hooseeyaa isku xidhan yihiin xariifnimo iyo cawaandad darteed, isla markaana takhsiinsan oo sigaarku aanu labadiisa dabnood ka maqnayn, iyada oo aad moodo in loogu tollay dabnaha.
Waxa intaas u dheer; waa in uu aad u yaqaanno Sabbaaxada, Feedhka iyo Hidhka, oo waa inuu boodhka gal-galan yaqaanno, dhallinyarta intooda kalena isaga ayaa u ah tusaale la hiigsado, oo mid kastaa wuxuu ku hamiyaa, in uu maalin uun sidaas oo kale noqdo.
Waxa taasi ka dhashay in badi raggii yaryar iyo waaweynba ay noqdeen kuwo aanay ishu qabanayn, oo wada arag-xun, oo fool-xumada korkooda saaran aanad qiyaasi karayn, waxaa ay noqdeen dad naftoodii ilaaway, qaarkood iyaga oo nool ayay yeesheen ur qadhmuun, oo aanad in yar ag fadhiyi karaynin.
Qofka la arko isaga oo xaragoonaya ama isa soo nadiifiyay, waxa loo yaqaanay carab, faracas ama naagood, waxaanu qofkaasi la nool yahay nolol adag, oo bahdilaad iyo dagaal joogto ah leh.
SHEEKO: Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa koox fadhiday meel kaabad ah, waxa soo hormaray nin nadiif ah, oo dharkiisa iyo jidhkiisuba nadiif yihiin, kadibna mid ka mid ah kooxdii kaabada fadhiday ayaa yidhi: “Waaryaadha! carabkaasi waan boodhaynayaaye idinku iga qabta hadii uu I rito…”, kadibna wuu ku soo kacay, oo inta uu u hanjabay ayuu ciid, boodh iyo quruurux is-wadata ku daadiyay, way is-qabsadeen in cabaar ah ayaa ay dhulka isla galgalanayeen, qofkii ka naxa ee kala qabo is-yidhaahda waxa horjoogsanaya kooxdii kaabada fadhiday, oo waxay ku odhanayaan “Waar waanu kala kari waynaye, ha isku taaban, ha kala calaf qaadaane…” muddo ku dhow nusa-saace markii ay dhulka isla rafteen, oo ay ujeedadii ay lahaayeen u hirgashay, ayay kala qabteen, ninkii xaragoonayay in kasta oo aan dhiniciisa dhulka la dhigin, oo uu iska caabiyay, hadana waxa uu soo kacay isaga oo aad moodo, in inta xabaal la dhex galiyay, oo ciida lagu rogay, laga soo saaray, timihiisii mad-madoobaa ayaa boodh iyo ciid awgeed la arki waayay midabkoodii, dhar cad-cad oo uu xidhnaana, waxa ay noqdeen kuwo aad u madoobaaday oo boodh fuulay, jidhkiisii ayaa wada uskag noqday, kii ay dagaalameen isagu waxba ma qabo, weliba wuu qoslayaa, oo inta ay kuwii kale soo ag istaageen, ayay iyaga oo qos-qoslaya ku leeyihiin “Alla niyahow garacsanidaa, Maxaad ninka sidaa ugu gashay?” kani isagu marka hore ba hadii uu boodhka galgasho iyo hadii uu ciida dusha isaga keenaba, midna waxba uma oga, oo cawlaanka jidhkiisa iyo madawga saaran dharka uu xidhan yahay, ayaa waxay qarsanayaan boodhka, kadibna ninkii mr.nadiif markii dhowr cisho sidan oo kale lagu sameeyay, wuxuu samaystay surwaal adag iyo shaadh cawlan, oo aanu boodhku ka muuqanayn, oo uu ku baxo marka uu suuqa tagayo, hadii uu dagaal galo si aanu aqalka ugu soo noqonin, ee uu suuqiisa isaga sii joogi karo, xaragadii iyo nadaafadiina wuu ilaaway…
Suuqa marka qofku joogo waa in aanu is-miskiinin, waa in aannu hadallo wanaagsan ku hadal, hadii kale wuxuu noqonayaa bar-tilmaameed, taa bedelkeeda waa in uu u socdo sidii qof dhulka cagaha ku dilaacinaya, midha sigaarka ah marka uu afuufayo, waa in uu afka kor u taago, cankiisa waa in mar kasta caleentii qaadku ka buuxdo, waa in calyadu qawlalka kaga taalo, qofku marka uu noocaasi noqdo, waxa loo bixinayaa naanays la yidhaahdo Abu Jeerin, oo lagu soo dhici maayo, waxaanu ku noollaanayaa nabadgelyo.
Waa waxyaabihii keenay in raggu isku mid ka noqdaan xaga arag-xumada iyo samaynta xumaanta noocyadeeda, waxa taa ka daran maalmahani waxa aad u battay caydii iyo aflagaadadii, oo mararka qaarkood cayda qaarkeed, dadka qaarkii waxay u noqotay, ereyo ka mid ah hadalkii caadiga ahaa, waxa suurtogal ah in qofku isaga oo qoslaya uu ku caayo, isaga oo u arka in aannu waxbaba ku yeelin, waxa qabatimay afxumadaasi oo caadaystay da’aha 10 jir ilaa 50 jir, rag iyo dumarba.
Ilmaha akhlaaq wanaagsan kaga soo baxa aqalkoodu, waxa uu soo noqdaa isaga oo soo bartay noocyo badan oo cayda ka mid ah, markaasi ayaa hadii laga cadhaysiiyo, wuxuu ku hadaaqaya caydii iyo af-xumadii uu soo maqlay.
SHEEKO: Waxay tidhi iyada oo aad u cadheysan: “Maxaanu madarasad geynaa, afartan carruur ah, oo kala wada akhlaaq ah, ayaa ay meel isugu keenayaan, oo kuwii la kari waayay iyo kuwii laga quustay-ba ay ku jiraan, kuwii aad korinaysay, ee aad akhlaaqdooda iyo asluubtoodaba hagaajisay, ayaa kugu soo noqonaya iyaga oo nooc kale ah, oo wax aanad weligaa ka filayn sameynaya ama ku hadlaya waxaanad afka soo marin karayn…”
Waxaa ay caydii iyo afxumadii socotoba, waxay gaadhay meeshii ugu xumayd, waxa bilaabmay Illaah cay (Subxaan Allaah), Diin cay iyo Nebi cay, waxa caado noqotay in qofku marka uu xanaaqo, ee cadhadiisu gaadho bartii u saraysay, aan la garanin illaa uu caayo Diinta ama Nebiga mooyee.
Nabadgelyadii ayaa faraha ka baxday, oo xaafadaha qaarkood waxaa ka soo baxay, dadkii in laga nasan kari waayay, oo aqallada jaarka ahi khaati ka istaageen, dhibka jaarkuna u noqday caado, oo aan ka baqayn sharci ILLAAHEY iyo mid dawladeed, waxaa dhibaatooyinkaasi ka dhashay cidhiidhi badan, oo soo waajahay dadkii ku noolaa magaalada.
SHEEKO: Waa koox fadh-fadhiista kaabadaha iyo luuqyada ku yaala meelaha mad-madaw, waxa la yidhaa sil-siladoolayaal, oo waxa ay ku hubeysan yihiin silsilado buur-buuran, qofkii ay qabtaan waxa ay la dhacayaan silsiladaasi, hablaha iyaga way kufsadaan, marka ay xumaantani sameynayaan maskaxdoodu caadi maaha, qaarkood xabag bay cabsan yihiin, qaar waxa ay soo liqeen kiniinkii hurdada, qaar isbiirto, qaarna jaad ayay soo cuneen, waxa ay dadka ka qaadayaan baad, si ay daroogo ugu soo iibsadaan, mararka qaarkood iyaga oo mid eryanaya marka uu aqal ka galo, way kaga dabagalayaan, oo odeygii, waalidkii iyo caruurtii midna ma ixtiraamayaan.
SHEEKO: Wadaadka la yidha Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro) ayaa waxa uu ka sameeyay xaafada xawaadle saldhig bilays, oo uu isagu maal-galiyo kiradiisa, maalin aan tegay masaajidka uu khadiibka ka yahay, ayaa waxa uu lahaa sidani: “Waar inamadan yar yar ee khaatiga laga taagan yahay, ee wadooyinkii laga mari kari laayahay, hablihii ka doonan kari laayihiin adeegii tukaanka, ee kibirsan, marka ay askartu soo qabtaan, ee la xidh-dho, ha ka daba imanina, kii aanu soo qabanaba marka ay odayo u soo cumaamataan, ee ay soo cabasho tagaan, iyaga oo leh ha naloo sii daayo Inanka, sidee nabadgelyadii ku hagaagaysaa…” beri dambe oo aan halkii uu saldhigaasi ku yaalay aan maray, waxa aan arkay iyada oo saldhigii meeshii laga joojiyay.
SHEEKO: Waxaa aanu soconay meel xaafado dhexdooda ah, waxa naga hor yimid sadex dhalinyar ah, oo aad moodo in ay hurdo ka soo tooseen, timahoodu way duu-duubmeen, oo waxa aad moodaa in aanay muddo feedhin, indhaha wax cad-cad ayaa ka saar-saaran, urta afkooda ka soo baxaysa ma xamili kareysid, ilkihii ayaa casuus iyo mad-madaw yeeshay, shaadhadhka badhamada ayaa u wada furan, raqabaduna kor ayaa ay ugu taagan tahay, kamaba qasna! waxa ay isu haystaan rag rag dhaafay, waa ardeydii wax ka soo baratay Aflaamta Hindiga iyo Mareykanka, wixii ay daawan jireen ayay matalayaan, inta ay isku kaaya soo beegeen, ayay na hor istaageen, mid ayaa hadlay, Sigaar noo shid! Aar bal wax noo dhiib! Waar inoo baadha! Caadiba maaha, way sakhraansan yihiin, oo maskaxdoodu maba fadhido, qaarkood indhahooda waxa aad moodaa xinjir cas, laba ayaa gacanta kolba dhinaca ku qabanaya, waxaanu aragnay Tooriyo ay sitaan, intii aanaan laba hadlin, ayaa waxa ay arkeen laba hablood oo na sii hor socda, waa kuwa inta ay is-gujiyeen, xagii hablaha nooga dhaqaaqay, mid baa yidhi: Lix bilood iyo dheeraad ayaanu xidhnayne, dumar iyo … miyaanu aragnayba, goormaa noogu dambeysay, waar inoo qabta! Hadana kii kale Naayaa! Naayaa! Xagii hablaha ayay u sii degdegayaan, waanaga ku tashanay in aanu isku maqiiqno hadii ay gacan saaraan, hablihii ayaa arkay dad-xunka soo daba guclaynaya, waxa ay ka galeen masaajid.
SHEEKO: waa odey weyn, waxa uu ka kacay masaajid aan ku takanayay salaadii duhur, waxa uu yidhi: “Adeer sidani kuma noolaan karayno, ee xal hala keeno, inamadani yaryari way ka sii darayaan, xalay halkani masaajidka agtiisa ayay igu qabteen, aniga oo intaa leeg, waraaqo ay soo duuduubeen, oo mid walba ay wax ku soo qoreen, ayaa ay igu yidhaahdeen mid ka qaado, xukunkaaguna waxa uu noqonayaa, waxa warqadaasi kaaga soo baxa, tii aan la soo baxay, markii aan kala furay, waxa ku qoran: Mm… Mn… Waxaanad Afkaa Soo Marin Kareynin… Adeer ma nimanka halkaasi maraya ayaa wax la eegto ah, Waar bal inta aan le’egahay, ee aad waxaa igula hadlaysaan eeg! Waar sidan laguma noolaan karayo…”
SHEEKO: Waxa uu yidhi: ku-yar oo dhallinyar ah, oo uu dhalay, ayuu u dhiibtay bakhaarkiisii, si uu uga maarmo mid weyn oo mushahar uga baahan, kadibna kii yaraa waxa dhibay koox budhcad ah, oo ka mid ah dhallinyartii qaadka ku weleftay ee xaafada deganeyd, cidi waxba ka qaban mayso budhcadaasi iyada oo la wada og yahay in ay xumaadeen, kii yaraa inta ay kolba ugu yimaadaan bakhaarka ayaa ay doonaan in ay khasab kaga qaadaan baad ama lacag ay ku qayilaan, kii yaraa aabihii ayaa uu u sheegay, oo ku yidhi: “Aabooy budhcad ayaa aan ka amaan la’ahaye… dee maxaan sameeyaa?”, kadibna markii uu kii yaraa aabihii dhowr goor uga cawday budhcadaasi, odeygii waxa uu tagey saldhigii xaafada, wuu u sheegay arrinka jira, waxa loogu soo jawaabay, “Mar hadii aanu dembi dhicin, oo aanad lahayn hebelkaasi ayaa dhib u geystay inankeygii, anagu waxba kuu qaban kari mayno, horta dembi ha dhaco!!!!!” Cajiib! Dembi wuu dhacayaa oo waa la wada og-yahay, maxaa yeelay; dalka waxa fasax ka ah, in la isticmaali karo qaadka, oo si sharci ah ayaa dalka looga adeegsadaa, dhalinyartanina waa kuwo ku welfay qaadka, mana shaqeystaan, oo meel ay ka helayaan lacag ay ku soo iibsadaan ma jirto, kolkaa si ay qaadkii u helaan, waa in ay budhcad noqdaan, oo ay dadka xoog kaga qaadaan, waa taasi ta sababta u ah xumaanta budhcadaasi, Odeygii markii uu arkay in aanu saldhigii waxba u qaban kareynin, waxa uu diyaarsaday Baaskoolad, kadibna maalin maalmaha ka mid ah, ayaa ay budhcadii sidii caadada u aheyd u yimaadeen inankii oo bakhaarkii dhex jooga, inankiina fariin ayuu moobilka ugu diray Aabihii, waxa markiiba soo gaadhay meeshii Odeygii oo baaskooladii sita, budhcadii mid ka mid ah ayaa uu madaxa kaga dhuftay, Odeygii waa la xidhay, oo jeelka ayuu ku jiraa maanta oo aan qormadani qorayo, budhcada kii xabadu ay ku dhacdayna waxa uu ku jiraa dhakhtarka, oo weli muu dhimanine rasaastii ayaa madaxa dhex fadhiisatay, Odeygiina wuu xidhan yahay…
Waxay arrimahaasi is-biirsaday dhiirigeliyeen, dhaqankii ugu xumaa ee abid soo mara geyigeena, waa dhaqan gebi ahaanba dooriyay qaabdhismeedki bulshada, waxa bilaabmay dagaalladii qarsoonaa iyo HOOS-ISU-DILKII, maxaa yeelay; dad-xunkaasi u ban baxay waxyeelleynta wanaagga, hadii loo jilib-dhigo, oo lala dagaallamo, waxa ay odhanayaan Tollaayeey…, waxa markaa isa-soo garab taagaya, boqollaal inyar-garato ah, oo ay isku qabiil yihiin, oo qaarkood og yihiin in qofkaasi uu xumaan sameeyay, waxay se aaminsan yihiin hadii ay maalintaasi u hiilin waayaan, in iyagana aannu u hiilin doonin maalinta ay dhibaato la soo deristo, kolkaa hadalkaba waxay ka bilaabayan “Ninkani isku reer hebel ayaanu nahay…”, kan xumaanta sameeyayna in waxaa xun uu sameeyo, waxa ku dhiiri geliyay, wuxuu og-yahay in loo hiilin doono.
NIN KASTO DAKANO GALAY,
QOLU DABADA GELIYOO,
DEMBI DHACAY MAS’UUL MA LEH,
MARKAAD HEBEL DUQAYSAA,
REER HEBEL DAMQANAYAAN…
EREYADII: MAXAMED XAASHI DHAMAC “GAARRIYE”
Waxa gebi ahaanba ka baxay maankii dadweynaha qaarkood, kalsoonidii ay ahayd in ay dadku ku qabaan, in shuruucda iyo xeerarka dawladu u hiilin doonaan cidii hiil u baahan, ee lagu xadgudbo.
[MASIIBADU ADDUUNYADA IYADAA U MACALIN AH] waa murti inoo cadeynaysa in dhamaan muuqaalka guud iyo hab-nololeedka qofka sida: – [HADALKA, SOCODKA, QOSOLKA, CADHADA, KAFTANKA, IWM] ay ka soo unkamaan nolosha qofku ku nool yahay, oo maalmaha kala dambeeya ee uu qofku soo maraa, waxay qaabeeyaan oo ay sees u yihiin qofka hab-nololeedkiisa.
Dabeecada ama hab-dhaqanka qofku leeyahay, waxa si toos ah looga dhex dheehan karaa, noloshii uu qofkaasi ku soo noolaa iyo maalmihii uu soo maray sidii ay ahaayeen.
NAFTA RUUXA SUDHAN BAA,
SANSAANTIISA QEEXDOO,
FAL KASTUU SAMEEYABA,
HALKA LAGA SAR GOOYAA,
SALDHIGGEEDA WEEYAAN,
RUGTEEDAY KA SOOFAAN,
SAMIHIYO XUMAANTUYE,
SEBENKIYO HA EEDAYN,
DHARAARAHA SOCDAALKA AH.
Ereyadii: Xasan “Weedhsame”
Halkaa marka xaal marayo, waxa Soomaalida Midigta Fogi heleen ciidan, waxa ay kooxdani ka faa’iideysteen dareenkii kululaa iyo dayacii bulshadu ay la daalaa-dhacayeen, waxay heleen tiro badan oo dad ah, kuwaasi oo diyaar u ah in ay nolosha ay ku jiraan ee qadhaadh ka baxaan, midigta fog waxa ay xilligaasi u ahayd miciin dadkii miciinka waayay, ee noloshii adkeyd ee dalka taalay ku tabaaloobay, dadkii ay tashkiiliyeen ee raacay waxa aan ku qiyaasi karaa 2/3 ama boqolkiiba todobaatan iyo dheeraad.
Waxa bilaabmaya markan maalmo ka saameyn xun, kuwii hore ee aynu ka soo warannay, waxa maalmahan dhibkoodu gebi ahaan ku baahay meelihii bulshada xoogeedu yaalay, waxay galaafteen badi labeentii dalka, waxa ku naf waayay dad badan oo aan wax dhiba geysanin, waxa ku silcay oo noloshu ku madoobaatay qoysas tiro badan, waxa rajo-beelay wanaagii nolosha.
Maxaa yeelay; dadkii wanaagsanaa sidii loo rifayay tiradoodii way yaraatay, dad-xunkiina (bidixda fog iyo midigta fog) way sii tiro bateen, oo awoodoodii iyo xeeladahoodiiba marba marka ka dambeysa way sii korodhay, waxa ay taasi sabab u noqotay, in laga quusto soo-noqoshada wanaaggii iyo ku dhaqankiisa ba.
Waxaa ay dad badan oo wanaagsanaa rajo la’aantaasi ku kaliftay, in ay ku biiraan midigta fog, iyaga oo u arkayay xilligaasi, in aan sii socoshada noloshooda, sidan mooyee si kale aanay xal u noqonayn, waxa aad u caan baxday maahmaahda ah “KHAYR BA HA FALIN, SHARBA KUUMA YIMAADEE…”.
Waxaa ay maalmahani noqdeen Gugii Uur-Timoolaha, sida gu’gu roobka u da’o, ayay iyaguna naxli iyo naceyb u da’ayeen, waxay heleen hub aad u halis badan, hubkaasi oo ogaanshihiisa iyo iska caabintiisuba ay aad u adag yihiin.
Waxa ay kooxaha midigta fog faafiyeen, oo ay dadkii bareen, oo ay aad u xiftisiiyeen noocyada kala duwan ee SIXIRKA MADOW, waxa ay aqoontaa xun u adeegsadeen la dagaalankii wanaaga, waxa ay ku weerareen badi dadkii wanaaga iyo horumarka lahaa, kadibna waxay laf-dhuun-gashay ku noqdeen dhaqdhaqaaqii iyo yididiiladii wanaagsaneyd ee dad-sanka.
Maalmahani Sixirku in uu dad badan galaafto, oo uu wax badan kharibo, waxa sabab u ah, dadkii oo yareeyay xidhiidhkii ay la lahaayeen ILLAAHAY WEYNAA OO WANAAGSANAAYE, in badan oo dadka ka mid ah afka waa ka Muslimiin, noloshoodana waxa hogaaminaya, oo ay dhaqan ka dhigteen rabitaankooda, taasina waxay keenaysaa, in dadkii ay maraan wadooyinkii uu Shaydaanku fadh-fadhiyay, oo ay noqdaan kuwo u faruur-xidhan, oo uu ku shaqeysto shaydaanku, kadibna xumaantii ayaa uu shaydaankii u qurxiyay, oo ay xalaashadeen, wax badan oo ILLAAHAY dadka u diidayna, waxaa uu ku kalifay in ay si fudud ugu dhacaan, dad badan guryahoodii waxa ay noqdeen xeryo shaydaan, meel aan ILLAAHAY WEYNAA OO WANAAGSANAAYE lagu xuseyn, dhallinyartii ayaa iyaguna u batay dad qaafiliin ah, oo balwad leh, oo aan daryeelkii naftooda warba u haynin, marka qofkii sidaa ugu nuglaa sixirka, shaydaan lagu soo diro, ee la sixro, shaydaankii si fudud ayaa uu u dhibayaa, oo uu u dardarayaa.
Hadaba xilligaasi dadka intii lahayd awood dhaqaale ama mid maamul ama mid kaleba intooda badani way ka nabadqabeen, oo waxa ay haysteen dhufeys ay kaga dhuunteen dhibaatooyinkii dhacayay.
Dhibkaasi ku dhacayay dadkii liitay inkasta oo aanu ahayn mid qarsoonnaa, hadana dadkii iyagu ka nabadqabay intooda badan wuxuu agtooda ka ahaa sheeko iyo war ay isku dhaafiyaan wakhtiga, oo dumarka iyo carruuraha ayaa ka sheekaysan jiray, “Xalay reerkii halkaa waa la xaday…”, “Tii yareyd ee reer hebel waa tii la kufsaday…”, “Odeygii hebel xalay tuug baa dishay…”
markii dagaalada laga soo noqday, dadku way isku dhex noolaayeen, oo qofba halkii uu awoodayay ayuu degay, xaafadahana waa la wada degannaa, iyada oo dadka ama qoysasku ku kala duwanaayeen xaga nolosha.
SHEEKO: Waxa xaafadaha wada degan qoysas reerana danyar yihiin, reeraha kalena ay ka nolol fiican yihiin.
Hadaba qoys danyar ah, oo odeyga dambaabaa uu suuqa u xoogsi tago, si uu u soo saaro wixii reerkiisu cuni lahaayeen berrito, ayaa aynu ku soo qaadanaynaa sheekadani:
Wuxuu odeygaasi suuqa ka soo rawaxaa habeen badhka, lug ayuu ku imanayaa aqalkiisa, maxaa yeelay; lacagta uu soo shaqeeyay kama soo raaci karo gaadhi aqalkiisa keena, oo hadii uu ka soo raaco, waxay ka go’an tahay bariiska berri carruurtiisa dabka loo saarayo.
Habeen badh in magaalada la dhex lugeeyaana xilligaasi aad bay u adag tahay, oo seked kasta waxa ku urursan oo fadhfadhiya kooxo dhallinyaro ah, oo qaarkood xaraabaysi iyo toocsi ay u tahay budhcadnimada iyo tuuggadu, oo intay qofka yar rukaasaan, oo wuxuu haystana ka qaadaan, ayay iska sii daayaan, iyaga oo ku qos-qoslaya, qaarkoodna waa ka naf, oo budhcadnimada iyo tuugnimada waxa ku kaliftay dan, oo waxay ka soo tooseen qoysas aan dabka waxba loo saarin, kolkaa kuwaasi iyagu hadii ay ku qabtaan, nafta waxaan ahayn kaa jari maayaan.
Hadaba odeygaasi habeen kasta waa u firxad iyo cabsi, marka uu suuqa ka soo baxo, inta uu lacagta kala qaybiyo, ayuu sii qorsheeyaa meesha uu lacagta ku kala qarinayo jidhkiisa, si hadii badh looga dhaco ini ugu soo hadho, mar kabuhuu ku ridaa, mar koofiyaduu ku hoos qariyaa, mar… mar…
Waxa uu habeen kasta aqalkiisa yimaadaa isaga oo cagaha jiidaya, oo ciil iyo cadho la caytamaya, reerkiisuna marka uu soo galo ayay iyaguna la wadaagaan murugada, oo ay aad uga xumaadaan dhibka soo qabsadey, marka uu uga sheekeeyo illaa halka ay dhallinyartaasi eryanayeen iyo inta meelood ee ay wax kaga dhufteen.
Waxa qoyskan la jaar ah qoys ladan, odeyga reerka dambaabaa wuxuu leeyahay gaadhi, aroortiina wuu ku shaqo tagaa, habeenkiina wuu ku soo rawaxaa, oo warba uma hayo dhibaatada haysata qoyskani ay jaarka yihiin, hadii ay uga sheekeeyaanna, intuu u caqli celiyo ayuu ku yidhaahdaa “iska samra ILLAAHEYBAA faraj idiin furiye”, isaga oo ay xaggiisa ka tahay wax fudud.
Waxa kale oo la jaar ah reer odeyga dambaabaa uu u shaqeeyo dawlada, arroortii waxa lagu sii qaadaa gaadiidkii dawlada, isla markaana waa lagu soo rawixiyaa, odeygan dhallinyartu way ka baqaan, maxaa yeelay; wuxuu leeyahay awood dawladeed oo hadii uu xanaaqo, wuxuu la hadlayaa saldhigii bilayska oo u dhago nugul, kadibna qofka ka xanaajiya jeelka ayaa la geynayaa, markaa cidi kuma soo dhacayso.
Qoyskan danyarta ahi hadh iyo habeen waxa ay tamaniyaan, oo in ay nolosha dhadhansadaan u diiday, sidii ay xal ugu heli lahaayeen dhibkani haysta, ee ay uga bixi lahaayeen.
SHEEKO: Maalin maalmaha ka mid ah, aniga oo ku tukanaya salaadii duhur masaajid aanu jaar ahayn, ayaa waxa aan raacay culimadii iyo odeyadii masaajidka oo isu diyaariyay, in ay soo booqdaan qoys aad u dhiban, oo deganaa xaafada, oo jaarku u soo sheegeen masaajidka, waxaanu tagnay guri xidhan, oo ay dhib badani ka muuqato, markii la garaacay aqalkii, in badan waa la furi waayay, mar dambe ayaa ay inan da’deed aan ku qiyaasi karo 20 ilaa 25-jir ay furtay, waxa hareeraha albaabka qoorta kala soo jeeday, caruur iyada ka yaryar, oo inamo iyo hablaba isugu jira, iyada ayaa ugu weynayd, waxaan arkay aqalka gudihisa qayb ka mid ah ayaa dunsan, oo guriga waxaad moodaa qabyo, jiingada uun baa saaran, gudaha waa ka qabyo, waxa dadkii jaarkoodu sheegeen, in qoyskani aabahood aqalka ku dhex dhintay muddo hore, oo uu diif iyo gaajo u dhintay, hooyadoodna ay iyana maalmo yar ka hor iyana sidii oo kale u dhimatay, oo in muddo ah iyada oo aqalka meyd ahaan u dhex taalay, aanay carruurtu cidna u soo sheegin, balse dhowr cisho kadib la ogaaday, oo sidaasi lagu soo aasay, waxay jaarku sheegeen in carruurtu caadi ahaan jireen, oo ay la ciyaari jireen caruuraha kale, waxna baran jireen, balse markii dhibtaasi ku dhacday, ay aqalkaba ka soo bixi waayeen, oo muddo badan ay aqalka ku dhex jiraan, waxa ay u muuqataa in ay carruurtaasi go’aansadeen, in ay iyaguna sida waalidkood oo kale ay ku wada dhintaan aqalka, waxa carruurtaasi wajigooda ka muuqatay cadho aad u badan, oo ay dadka oo dhan u qabaan, markii ay albaabka fureen may hadlaynin, dibadana umay soo bixin, lacag loo soo ururiyay ayay odayadii ugu dhex tuureen aqalka, kadibna inantii albaabkii qab ayay ka soo siisay, oo hoosta ayay ka soo xidheen, culimadii iyo odayadii way iskaga yimaadeen, markii ay carruurtii hadli waayeen, ee ay waxba sheegan waayeen, qoyskani waxa ay ka dhasheen, oo ay la qabiil ahaayeen reeraha ugu lacagta badan magaalada, se taasi kumay helin daryeel.
Bal ka waran! Carruurtaa hadii dad-xunkii midigta fog ama bidixda fogi inta ay helaan, ay soo hubeeyaan, kol ay sixirka baraan-na, kadibna lagu soo kiciyo dadka, dhib badan ayaa ay dadka u geysan karaan.
SHEEKO: Waxa ay maqaaxi shaah ku haysataa suuqa, waxa agteeda ku dhacday gabadh maraysay, mooyaan! Ma suuxdin bay lahayd, mise wax kale ayaa helay, afka waxa ka dareeraya dhareer, indhaha way cadeysay, in ay dhimatay ayaabad mooda, tii maqaaxida haysatay kamaba qasna, weelka ayay xalanaysaa, waliba afka, indhaha iyo sanka ayay dhaqdhaqaajinaysaa, oo waabay cadheysan tahay, ragii wuu ka xishooday qof dumar ah in ay gacmaha ula tagaan, kadibna qof dumar ah, oo wadada maraysay ayaa ku soo leexatay, tii maqaaxida haysatay ayay ku tidhi naa kaalay ila qabo walaal, aynu kor u fadhiisinee, oo in yar oo biyo ahna sharkaankan aad ku fadhido ka soo shub, aynu ku rusheynee, Kute! Naa nac-nacda ila dhaaf… gabadhii yaabtay! Bal waayahaye biyaha uun ii soo dar, anigaa fadhiisine! Naa wax ma maqlaysaa! Ila dhaaf buuqa… gabadhii kaligeed ayay qoftii wad-waday, dad kalena way ugu yimaadeen, kabriid iyo quful iyo kolba sanka wax loo saar, mar dambe ayay soo miyirsatay, oo inta ay shaydaanka iska naartay kacday, tii maqaaxida haysatay ayaa lala wada yaabay, oo lagu yidhi: Maxaa kaa siya? Meheradaada agteeda ayay qofkani ku dhibanayde maxaad ugu naxariisan wayday? Kute! inteen anigu ba ku noolaa dhibtaa iyo wax ka sii xun, walee in aanan cidna u naxariisanaynin, marka ay hadlayso in ay ooyayso ayaad moodaa.
SHEEKO: Waa kirishbooy bas, laakiin waa nin da’da dhexe ah, kolba bas ayaa ninka lihi eryaa, oo ku yidhaa ii shaqeyn maysid, mararka qaarkood waxa uu lacagta u guraa, oo uu u maydhayaa baska, ku isaga ka da’a yar, ninkani intaa ciil ayuu bakhtiisan yahay, wax kale oo uu sameeyana ma garanayo, cid uu dhibka la kaashadana wuu waayay, oo waxa uu ka yimid meel ka fog magaalada, oo uu halkaaba uga soo cararay dhibaatooyin kale, in muddo ah markii uu ku jiray xaaladaasi, ciilkii iyo cadhadiina ay ka degi waayeen, ayuu go’aansadey in uu sameeyo, wax uu dadka qalbigooda ku soo jiito, waxa uu iska dhigay qof waalan, meelahaa laamiyada iyo xashiishka dhexdooda ayaa uu tagaa, waxa uu xumaan sameynayo ma qiyaasi kareysid, jidhkiisii iyo dharkiisii-ba waxa fuulay uskag, ur-qadhmuun ayaa uu yeeshay, waxaa uma joojinayo, weli rajo ayaa uu ka qabaa, in uu helo qof ku maro-tuura, oo dhibkiisa ka damqada, mararka qaarkood waxaan qofka xanuunkii waalida qabaa aanu sameynin ayaa uu sameynayaa, waliba waa mararka uu agtiisa ku arko ama uu bildhaansado, qof uu is-leeyahay wax buu kuu qaban kara, oo dhibkani ku haysta wuu ka damqani, ILLAAHAY AMARKII ninkii cid u jawaabta-ba waa’, cid tidhaa waar miskiinkani aynu caawino-ba wuu arki waayay, dadkii way iska ag mar-maraan, qaarkood-na waabay ku soo qos-qoslaan ama la soo yaabaan waxan uu sameynayo, dumarku sheeda marka ay ka arkaan, ayay in libaax laga ordo u jirsadaan, muddo badan ka dib, waxa uu ku qancay in aan meeshani naxariisi jirin, waxa uu go’aansadey in uu isna sida dadka oo kale noqdo, ileyn waa tii la yidhi: [MEEL HADII LAGU IL LA’ YAHAY, ADNA ISHA AYAA LA ISKA SOO RIDAA] miyir-qabkiisii ayaa uu iskaga noqday, laakiin waxa uu qaatay go’aano aad u halis badan, oo dad badan galaaftay, wax badana uu ku kharibay…
Waxa cadhadaa dadka qaarkood haysa ka faa’iidaystay kooxaha midigta fog iyo bidixda fogba, kuwaasi oo raadinayay xeeladii ay ku weerari lahaayeen wanaagga, walaalnimada iyo wada-noolaanshaha bulshada.
Midigta fogi waxay markaas si hoose u bilaabeen dagaal qarsoon, oo lagu bartilmaameedsanayo dhallinyartii magaalada kharibtay, ee budhcadda iyo dhaqan-celiska u badnaa, taasina waxa ay keentay in aan cidiba is-weydiinin sida ay wax u socdaan, sababta oo ah dadka oo dhan ayaa khaati ka taagnaa dhallinyartani dhaqankoodii xumaaday, ee aanay jirin cid wax u qabanaysa ama wax ka qabanaysa dhibkooda.
Xaafadaha waxa lagu arkaa mid ama in ka badan, oo dhallinyartii xoogga ahayd ka mid ah, oo waashay ama xannuun la garan la’ayahay ku dhacay, kadibna si fudud ayaa loo yidhaahdaa balwadda iyo daroogada ayaa waashay, wuxuu dagaalkaasi galaaftay dhallinyar aad u badan, kuwaasi oo muddo badan lasoo korinayay, qoysaskooduna ay jeclaayeen.
Mar aan tagay magaalada Diri-Dhaba, waxa aan ugu tagay dhallinyar badan oo reer Hargeysa ah, oo halkaasi jooga, intii aan joogayna in kale oo badan ayaa iigu timid, waxa ay dhamaantood isu diyaarinayeen safarkii Tahriibka, qaarkood waxa ay ahaayeen dadkii ay magaaladu u shidneyd, ee iyagu uguba roonaa xaga nolosha, kuwii majlisyada iyo koleyada ku qayili jiray ayaa ka mid ahaa, xilligaasi waan la yaabanaa, oo xog kamaan helin sida ay wax u jiraan, iyaguna intii aanu iska aragnay waxba iimay sheegin, laakiin inay wax ka soo carareen waad dareemaysay.
SHEEKO: Wuxuu yidhi “Sidii uu noola joogay, ee uu caadiga u ahaa, ayaa uun buu orod isa sii daayay, kabahii wuu tuuray, wuu qaylinayaa, waxa uu leeyahay: Hayaay! Hayaaaaaay! Waar sakadayada waa laga shiitamayaa… sakadayada waa laga shiitamayaa… inankii waanu qaban kari weynay, muuqaalka wejigiisa waxa aad mooda qof muddo aad u badan waalnaa, hada waakii imikadan yar caadiga ahaa ee nala joogay, inankii wuu waashay, maskaxdiisii khalkhal ayaa ku yimid, muddo ayaa uu sidaa ahaa, waxa la saaray Qur’aan, cilaajka ayaa la geeyay, maanta inankii waa caadi, oo miyirkiisii wuu qabaa, hadii aad soo xasuusiso wixii berigii ku dhacay, wuu kugu qoslayaa…”
Dhallinyartii la sixray, ee sida fudud nolosha loo dhaafiyay, in badan ayaa lagu soo tabcayay, oo la soo korinayay, markii ay gaadheen ama ku dhawaayeen heerkii wanaagooda la filayay, ayaa uu cadawgu jilbaha u aastay, oo noloshii iftiimaysay uga dhigay mid madaw, oo ay ku dulaysan yihiin, ILLAAHAY AMARKII…
Dagaalkan qarsoon ee ka dhashay kacdoonkay hogaaminayeen midigta fogi, wuxuu noqday mid muddo kooban ku baahay, waxa uu dagaalkaa hubkiisii gaadhay, in badan oo ka mid ah dadkii wax tabanayay ama xadgudub tirsanayay.
Waxay midigta fogi diyaariyeen dumar badan, oo sixirkii la baray, waxa loo qaybiyay xaafadihii, mid walba sakad ayaa la dhex dejiyay, marka ay midi is-tidhaahdo waa lagu ogaaday, waa laga rarayaa sakadaasi, aqalkeedana way kireynaysaa, waxa loo rarayaa sakad kale, oo dadka ku nooli aanay war ka haynin, kadibna waxaa ay mid waliba cagta marisay, aqalladii ay jaarka la ahayd, nolol qadhaadh oo oohin badan ayay abuureen ILLAAHAY AMARKII.
Waa markii iigu horeysay ee aan ogaaday, hadii ay dumarku bahaloobaan, in ay ka waxyeelo badan yihiin ragga, oo ay dumin karaan dal dhan oo dhisan, waxa kale oo aan ogaaday, in colaada dumarku ay ka saameyn xun tahay ta ragga.
• Raggu inta badan dagaalkiisa wuu muujiyaa, oo wuu ku faanaa, si uu awoodiisa u tuso cadawgiisa, balse dumarku way ka duwan yihiin, oo dagaalkooda ma muujiyaan inta hore.
• Raggu marka uu cadawgiisa ka guulaysto, dagaalka wuu joojiyaa inta badan, balse dumarku qofka ay ritaan kama dul-kacaan, naftana kama jaraan, way silciyaan.
Nebigu (صلي الله عليه وسلم) waxaa uu yidhi: “Kagamaan tegin balaayo Ragga kaga xun, ta dumarka kaga timaada…”
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم} :ما تركت بعدي فتنة أضر على الرجال من النساء {رواه البخاري في صحيحه
Markii dhallinyartii ciyaallo xaafadka ahayd lagaga takhalusay muddo yar, sida lagu yaqaanno dad-xunka, waxa ay dadkii sixirkaasi bartey ku qanceen awooda aqoontaasi ay heleen leedahay, kadibna waxay bilaabeen in ay u adeegsadaan rabitaankooda, waxay ku weerareen sixirkii cid kasta oo waxa ay rabaan ka hortimaada xumaan iyo wanaag-ba.
Waxa masaajiddadii ku batay, dadkii sixirka lagu dhibay oo doonaya in salaadaha kadib jamacu u soo duceeyo iyo biyo weel loogu soo dhiibay caruur ay masaajidka la dhex yimaadaan, oo faataxada noogu soo tufa yidhaahdaan.
Maalmahaasi wixii ka horeeyay safarka tahriibku wuxuu ahaan jiray mid NOLOL-RAADIS ah, wuxuu isku badalay BALAAYO-KA-CARAR, waxa xaafadaha ku yaalla waqooyiga magaalada Hargeysa ka baxay kumanaan qof, oo isugu jira yaryar iyo waaweyn, kuwaas oo ay ehelkoodu kula taliyeen, inay iskaga fogaadaan balaayada.
Dadkii sixiroolayaashaasi waxyeeladooda ka cararay, qaarkood waxaa loo xaraashay hanti aad u badan, oo ay safarka ku galaan, lacago ilaa kumanaan dollar ah, midba sidii loo helo, dadka intii dhibaatooyinka dhacayay mooganeyd, waxa arrinkani ugu muuqday, qof naftiisa halaagaya, oo ehelkiisuna ku garab taagan yihiin, se cabsi ayaa keentay firxadkaasi, oo dadkaa badankooda, waxaa uu qof waliba indhihiisa ku arkay, dad badan oo hebel iyo hebel uu u yaqaanay, oo caafimaad qabay, oo nolol fiican ku noolaa, oo qaarkood waayeel yihiin, qaarkood dumar ahaayeen, qaarkood dhallinyar rag iyo dumarba leh ahaayeen, qaarkoodna carruur aan qaangaadhin ahaayeen, oo markii la sixray, ay xaaladoodii caafimaad noqotay mid aad u xun, rajadoodiina god dheer ay ku dhacday ILLAAHAY Amarkii… … [ISHA CALI KA LULATA…]
Waxa magaaladii Hargeysa aad looga taajiray iibintii dawooyinka gaar ahaan; kuwa xumadda jebiya, ganacsatadii dawooyinka iyo kiniinada soo dhoofin jiray, ayaa dakhligoodii aad u kordhay, waxa ganacsigaa dawooyinka ku biiray, oo farmasiiyo badan oo jumlad iyo tafaariiqba dawooyinka ku iibiya furtay, kooxdii midigta fog ee ogaa sida ay wax u dhacayeen, waxay dadkii u sameeyeen baahi (artificial demand) ay xoogoodiina ku wiiqeen xoolahoodiina ku urursadeen.
Waxa kale oo kooxdii midigta fogi ku heleen sidaasi oo ku urursadeen badi dhaqaalihii dalka, kadib markii ay sameysteen meelo dadkii la sixray caafimaadkooda lagaga ganacsanayo, waxay furteen xarumo caafimaad, oo loo bixiyay CILAAJ, waxaa ay dhibanayaasha ka qaadaan lacago adag, oo boqolaal Dollar ah, waxay ku daweeyaan waxyaabo badan oo qadhaadh iyo qudhmuunba leh, in badan oo ka mid ah dadkii la sixray, waxa goobahani u noqdeen faraj RABBI WEYNAA OO WANAAGSANAAYE uu kaga furdaamiyay dhibkii haystay.
SHEEKO: Wuxuu yidhi: “Waar ninkii sowkii cilaaj furtay! Waxa Landcruiser iyo VX hor taagan malayni maysid… 100-ka dollar, 200-da ee dollar, 400-ta la dhiibayo… Ninkii dhiilkii faqriga ayuu tuuray…”
Kooxdii midigta fogi kolba aw-dabiibe cusub ayay soo saaraan, oo aad loo amaanaa, marka uu ka xooleysto, ee uu guryo iyo gawaadhi ka iibsado, ayuu qarsoomaa, hadana mid kale ayaa soo baxa, oo ka taajira dhibkaa haysta bulshada, muddo kadibna ay wixiisii joogsadaan, mid dadka ku yidhaa Jiman baan ku raacinayaa iyo mid yidhaa waan soo tooganayaaba!
Aw-Dabiibayaashaasi waxan ay dadka ku akhriyaan dad badan way ku bogsadaan, qaarkood waxa ay yidhaahdaan Qur’aanka ayaanu dadka ku dabiibnaa, laakiin Qur’aanku maaha wax qarsoon, mana jiraan aayado Qur’aanka ku jira, oo dad gaar ahi kaligood yaqaanaan, intaa musxafka inoogu qoran ayaa Qur’aan la yidhaa, qof kale hadii uu akhriyo intii uu aw-dabiibe akhriyay, waxa suurto-gal ah in aanu ku bogsanin qofkii, Bal Adba! Waxa hore loo yidhi: [JINKA NINKII KEENAY AYAA SAARA]
Waxa aad loo dhibay, dadkii ka soo noqday qurbaha, kuwaas oo aan war ka haynin wixii dhacayay, waxa ay la kulmeen nolol tii u adkeyd, inta sixirkii waalida loo dhigo, oo caafimaadkooda geed dheer lagu laalo ILLAAHAY amarkii, ayaa arrinkooda lagu soo koobaa “Gaaladii ay dibadaha la joogeen ayaa irbad ku soo mudday…”
SHEEKO: aad ayuu ii soo eegayay, oo indhaha ayuu igu soo gubayay, kadibna waxaan ku idhi: “Dee! Maxaad iga soo eegi… Qaybi Eegmada…” kuye! Ciil baa iga kaa haya, oo sankaasi ayaa ii kaa cuncunaya, ILLAAHAY Cilmigiisu badanaa! Oo maxaan kuu geystay? Kuye! Orod adeer iska tag yaanan ku feedhine? Bal waayahaye maxaad igu feedhaysaa? Anigu kuma garanayo, oo imika ayaa wejigaaga iigu horeysa, laakiin adigu waadigan I garanaya’e, bal isku kay sheeg, I xasuusi wixii ina dhex maray? Inta uu woxogaa aamusnaa, ayuu yidhi: Qurbe-joog! Qurbe-joooooog! Intay xoogoodii iyo caqligoodiiba shisheeyaha ula tageen, oo ay ugu soo adeegeen, ayay iyaga oo wada asaasaq iyo dhaqan-celis ah, oo lasoo wada raqay nagu soo noqonayaan, bal kaa Eeg! Eeg! Waxa badhi ka baxday! Oo Afkaa uu ku hadlayaana ma ingiriisidaa… waxa uu sheegayaa mid buuran, oo meel agtiisa ah sii socda, waxaan gartay kolkaa in ciilka uu qabaa, aanu aniga igu koobnayn, laakiin uu yahay mid guud, oo uu dadka qurbe-joogta ah u qabo, waxaan is-idhi hadii aad ku tidhaa: Anigu qurbe-joog ma ihi, armuu kuu sheegi waaya waxa uu ugu cadheysan yahay qurbe-joogta, kadibna waxaan ku idhi: Horta cid kale afka ha la gelin, hadalku inaga ayuu ina dhex yaalaaye, waxa aan ku weydiiyay; maxay qurbe-joogtu kuu geysteen, ee aad ugu cadheysan tahay? Wuxuu yidhi: intaad wadankii nagaga yaacdeen, oo aad balaayooyinkii iyo dulmigii dhacay nagu kaliyeyseen, ayaa markii aanu gubanay, ee aanu shiillannay, ee RABBI WEYNAA OO WANAAGSANAAYE naga bakhtiiyay balaayadii, ayaad idinkoo soo barwaaqeystay aad dooneysaan in aad nala qaybsataan dalka, oo aad leedihiin wadanka maad naga xigtaan? Waxa taa ka sii daran, inta aad dhaqankii gaalka soo xambaarteen, ayaad noola timaadeen idinka oo gaalkii shabaha, oo qaawanaan iyo dhaqan-xumo isku darsaday, waliba iskula quman sidaasi, Waryaa! sow ma tihid kuwan yimaada meeshan mukhbaarada ah, dumar aan asturnayn iyo rag wada fadhiya, oo aan is-qabin, oo shaah iyo sharaab wada cabaya, oo wada sheekeysanaya, oo kaftamaya ilaa salaada makhrib ilaa salaada subax, cajiib! marka aanu salaada subax u soo toosno ayaanu soo ag-marnaa iyaga oo sidii aanu xalay kaga seexanay weli u qos-qoslaya, bal maxay wadaan? Sow waxaasi macsi maaha? Dhaqan-xumadaa aad sameynaysaan sow ILLAAHAY WEYNAA OO WANAAGSANAAYE noogu cadhoon maayo, hadiiba macsidaasi ay balaayo kale nagaga soo baxdo, sow hadana nagaga carari maysaan, oo imika waliba baasaabooro ayaad haysataane, oo aayar naga dhoofi maysaan… Abwaan Xasan Ganey ayaa waxaad tihiin ku sheegay gabaygiisii Duufaan, oo yidhi:
• HEBEDKAAN DIDMO AQOON
• UMA TUDHO DANAYSTEE
• NIMAAN WALIGII DIBAD-BIXIN
• DALKA MAXASTA KALA BAXAY
• LONDON DABAQYO DHEER KU LEH
• DAWLAD LAAJI UGU QORAN
• HADII AY BELO DAYAANTANA
• DUULIMAAD U GO’AN YAHAY
• OON DIYAARAD WAAYEYN
• INTUU DUUBIYADA SHILIS
• DISTIDIINA KALA BAXAY
• DIXDA DHAGAXA TAALIYO
• LAGUU KARI DAREEMADA
• DUFANKAA BASAASIYO
• DURDURKAA HARAADIYO
• BAL DIYAAFADAA EEG
• U DOONYEYSANAYSAAN
Markii uu intaa yidhi, cadhadiina ay ku sii badatay, oon is-leeyahay malaha feedhkii uu sheegayay ayuu kugu dhufani, ayaan ku idhi: horta waa runtaa, wax jirana waad ka hadashay, aniguna qurbe-joog ma ihi, laakiin waxa aad ogaataa ma wada-xuma’e in badan oo fiican ayaa ku jirta, dhismayaashaa quruxda badan, ee aynu ag-joognaba waxa soo dhistay waa qurbe-joog, oo dalka iyagaa soo dhisay, wax badan oo kale oo wanaagsanna way inoo qabteen, intaa xun ee aad sheegaysana way leeyihiin, sida kuweenaa gudaha joogaaba ay iyaguba in badan oo xun u leeyihiin… … …
Xaafado badan ayaa cidla noqday, oo dadkii deganaa ka qaxeen, reero badan ayaa u bedelay aqaladoodii malcaamad Qur’aan iyo goobo diinta lagu barto, iyaguna u guuray jiingado iyo aqalo ka tayo liita koodii hore, oo markii ay u adkeysan kari waayeen, sixirkii sida joogtada ah loogu soo ganayay, ayaa xalkii noqday in ay ka guuraan meesha lagu sixray, oo ay tagaan halkii ay u arkaan in ay ku badbaadayaan, waliba dadka inta awoodaysa in ay aqal kale dhistaan-na way yar tahay, dhismaha oo qaali ah awgii.
Sixiroolayaashaasi waxa ay dadka ku khiyaameeyeen midabka iyo dhiiga, “ABEESO DHUL U EEKI BAY KUGU DISHAA…” waxay ILLAAHAY Amarkii kala tuureen gebi ahaan noloshii, waxa ay dumiyeen kalsoonidii dhex taalay bulshada, waxa intaaba ka daran, waxa ay dhalleen, oo ay koriyeen, ubad ay ku barbaariyeen naxli iyo naceyb, oo aan tudhaale lahayn, oo badankoodu diyaar u ah, in ay bartaa ka sii wadaan dhaqan-xumadii.
WAXAY DAMIYEEN ILEYS
U DAARAN QOF MEEL LAHAA
WAXAY KALA DAADIYEEN
DAR-YEEL ISU DHEELLI TIRAN
NAF DAAHIRA BAY LEGDEEN
DOCDEEDA XUN DHIIRIYEEN
WAXAY DUMIYEEN RUNTII
MARKAY DUMIYEEN RUNTII
AYAY U DUMEEN RUNTII
NIN DAACAD HOGEEDA QODAY
MIYUU KA DAMBEYNAYAA
EREYADII: MAXAMMED IBRAAHIM WARSAME “HADRAAWI”
SHEEKO: Habeen habeenada ka mid ah, aniga oo maraya xaafadaasi dhexdeeda, ayaa waxa I soo dhinac galay laba hablood oo aad u da’a yar, mid ayaa hadashay, iyada oo ujeedadeedu ahayd in ay aniga hadalka I maqashiiso, ayaa inta ay afka iyo wejiga inta hoose, marada ku qarisay, ayay tidhi: “Naa Magaceedii… xaafadan xero-awr weynagii ragga ka dabarjarnaye laakiin imika ayaa ay ku soo badanayaan, kadib way qos-qosleen… Hhhhh… Kkkk…”
Hablahaasi iyo kooxdii nacala-qabayaasha midigta fog ee soo direyba, kuna wada jireen xumaanta iyo xasuuqa dadka xaafadaasi ku nool, waxa ay gaadheen heer sixirkii iyo xumaantii ay samaynayeen, markii ay wax dhib ah kala kulmi waayeen, ay ku dhiiradaan in ay ku faanaan, oo ay u arkaan fariidnimo.