Nabadda iyo Kala Dambeynta,
Marka lagu akeekimo, Marka lagu ormeeyee,
Falan lagu af-duubee, Marba eelku gororee,
Hirashadu asqowdee, Ulashadu hungowdee,
Asalkeedu guuree, Ambisadu xidhxidhatee,
Babbisadu ku orisee, Is-ahaanta kelinnimo,
Dadka wada amaantee, Odeygedu waashee,
Ina-belo ka taliyee,
Lagu amarro-qooqee,
La Illaahyo sheegtee,
La awoodo-beenshee,
Lays wada bireeyo,
Adiguba caqli baad leedahaye,
Carar maxaa dhaama
Markii ay noloshii adkaatay xumaantii iyo xadgudubyadiina bateen, wax-ka-qabashadoodiina yaraatay, waxa dadka in badan oo ka mid ahi u diyaar garoobeen, in ay iskaga qaxaan dalka, oo ay nolol ka raadsadaan caalamka kale.
Sheeko: Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ka qaybgalay xaflad, markii la wada diyaariyay qalabkii ay ku hadlayeen madaxdu, sida; makarafoonadii iyo sameecadihiiba, sidii loo sugayay madaxdii khudbadeynaysay, waxa dadkii ka soo dhex baxay nin da’diisa aan ku qiyaasi karo 35-jir ilaa 45-jir, inta uu iska soo socday, ayaa uu hor istaagay Makarafoon lagu diyaariyay banaanka, oo loogu talagalay in ay ku hadlaan kooxaha suugaanta iyo madadaaladu, ninkii inta uu makarafoonkii qabsaday, ayaa uu yidhi: “Aniga oo ah Hebel… Hebel… waan ka baxay Diintii Islaamka(نعود بلله)…” kadibna qoladii hawsha kala waday ee borotokoolka qaabilsaneyd ayaa ku soo cararay, sidii nin waalan oo kale ayaa ay ula dhaqmeen, oo inta ay dib u kala tuureen, ayaa ay askarta u dhiibeen, askartiina in woxogaa ah markii ay jiid-jiideen, waxa ay ku soo dhex celiyeen dadka dhexdoodii, kadibna isaga oo aad u cadheysan ayaa uu dadka iska dhex joogay, wixii uu yidhi ninkaasi lamaba sii weyneynin, waayo hawsha la waday ayaa cusleyd, oo rabshaddo ayaa laga sii baqayay.
Sheeko: Wuxu yidhi: wuxuu ahaa miskiin af-gaaban, oo aan cidna dhib u lahayn, waxa u tashaday laba shaydaan, markii ay ogaadeen in uu miskiin yahay, shirqool ayaa ay u soo dageen, hanti uu laha ayay ku qabsadeen, waliba waxay ku yidhaahdeen inagee maxkamada-na, labadan shaydaan waa af-miishaaro, oo waa niman hadal-yaqaan ah, ninkii miskiinka ahaa markii ay dhinac kasta kaga yimaadeen, oo ay arrinkii ku soo oodeen, isna hadalkiiba isugu beegmi waayay, oo uu gama’a-gama’a leeyay, gartayna in nimankaa khiyaamadoodii ay u shaqaysay, oo ay sida kaga qaadayaan hantidiisa, wuxu yidhi: “Illaahayna waxaan ku nacay Aamusnaanta!” waa hadal la moodi karo in uu ninkaasi gaal noqday, laakiin waxa muuqata in uu Alle-Yaqaan ahaa, oo uu Illaahay Weynaa Oo Wanaaganaaye ku kalsoonaa awoodiisa iyo sida adag ee uu u qabto Illaahay daalimiinta.
مَن كَانَ يَظُنُّ أَن لَّن يَنصُرَهُ اللَّهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ فَلْيَمْدُدْ بِسَبَبٍ إِلَى السَّمَاءِ ثُمَّ لْيَقْطَعْ فَلْيَنظُرْ هَلْ يُذْهِبَنَّ كَيْدُهُ مَا يَغِيظُ
Waxyaabaha keenay in dad badani ay go’aansadaan hijradaasi, waxa ugu waaweyn, oo aan ka xusi karaa:
- Qaabdhismeedkii dalka oo noqday Daalim-Koriye iyo magaalooyinkii oo iyaguna noqday Xerooyin-Xaasid.
- Nolol xumo ka timid; hayntii oo yaraatay iyo deegaankii oo laga waayay tabantaabo.
- Garsoor-xumo iyo Nabadgelyo-xumo.
- Xadgudubyo qorsheysan oo la huwiyay magacyada qabiillada, maamullada iyo aqoonta.
- Hidiiyooy Hidiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii
- Farxadda Waan Kala Didnaa
- Waxaan Gashadaa Direys
- Maryaha Duugee Aad Qubtaan
- Dux iyo Iidaan Ma Cuno
- Dugaag Waxaan Qaybsannaa
- Hambada Aad Daadisaan
- Badh Baa Daacuun U Go’ay
- Markay Waayeen Dabiib
- Badh Bay Dhaxamuhu Dileen
- Duufaankiyo Qabawga Daran
- BadhBaa Daad Soo Rogmaday
- Habeen Dumay Uu La Tagay
- Naftooda Badh Baa Daldalay
- Markay Noloshii Naceen
- Aqoonyahan Nama Darsaan
- Xaalada Darbi-Jiifku Yaal
- Digriga Culimadaa Wadaa
- Daleel Nooguma Hadlaan
- Dastuurkuna Wuu Na Gabay
- Qoraaguna Wuu Na Dagay
- Dadweynaha Uma Bandhigo
- Ciilkiyo Dacaskaa Na Dhibay!
Sheeko: Waxa aan eegay dhinacayga bidix, kursigii uu ku fadhiyay aad ayaa uu uga durkay, oo xageeda ayuu kolba ku sii durkayaa, wuu dhididsan yahay, oo labadiisa indhood sida ay u shaqeynayaan ma qiyaasi kareysid, waxa aan u malaynayaa in gacantiisa bidixna uu meel kaga hayay, iyaduna way argagaxsan tahay, wejigeeda waxa ka muuqda cabsi badan oo xad-dhaaf ah, afkii ayaa juuqda gabay, hadalba ma karayso, markii aan xagooda eegay wuu ka soo yar durkay, kadibna inta ay nafistay ayay cod cabsi leh, oo aad u hooseeya ku tidhi: “Ii jooji! Ii jooji!” waxaan u malaynayaa in ay ooyaysay, inkasta oo indhaheeda aanay ilmo ka muuqanin, dirawalkii baska waday wuu maqli waayay, kadibna aniga ayaa codkeyga u raaciyay, oo ku idhi: “Waar! U jooji inanta!” waxa aan u maleynayaa bartaa ay kaga degtay in aanay ahayn halkii ay dooneysay, laakiin waraabahan cuni gaadhay ayay ka baxsaneysay, dadkii baska saarnaa warba uma hayaan, qaarkood waxay moodayaan inay wada socdaan, qaarna xagoodaba ma eegayaan, iyaduna may ahayn qof odhan kareysa I Daa! iyo Isii Daa! midna, waxay aheyd inan da’a yar, oo akhlaaq iyo xishood badani ka muuqdo, waxa ay u muuqatay qof lagu soo tabcay, oo waalid wanaagsani soo tarbiyeeyay, laakiin yaa waraabayaasha yur ka odhani? Waraabahaasi kolkii uu baska soo fuulay ee uu ag-fadhiistay iyo kolkan aan ku baraarugay dhaqdhaqaaqooda, ee aan xagooda eegay, waxa u dhaxeysay muddo badan, intaasi oo dhan wuu silcinayay, oo diiqad iyo ciil ayuu ku hayay! wuu dhibay maraa waaxid…
Dhacdadani may ahayn markii iigu horeysay ee aan la kulmo, marar kale ayaan dhacdo sidan oo kale ah kula kulmay basaska magaalada Hargeysa ka dhex baxa, weliba tani hadh cad ayaa aan la kulmaye, waxa aad arkeysaa habeenkii bacda makhrib ilaa iyo 11ka habeenimo dumar kaligood basaska raacaya, oo ay qaarkood yihiin hablo da’a yar oo waxbarasho xiligaasi tagaya ama ka imanaya, cajiib! way daggan yihiin, oo way dayacan yihiin, maxaa yeelay; habeenkii marka gabalku dhaco, waxa soo kaakaca saaqidiintii iyo dibjirtii soo sikhraamay, waxa ay u soo dareeraan suuqyada, si ay uga soo helaan hadba wixii xumaan ah ee ay rabaan inay fuliyaan, waxa dhaca xumaan badan, oo maanta innaga inaga qarsoon, laakiin Rabbi Weyn Oo Wanaagsan oo aan waxba ka qarsoomeynin ayaa jira, kaasi oo dhacdooyin badan oo argagax leh maanta se inaga qarsoon soo bandhigi doona, kolka ay xilligeedii gaadho, markii xeerarkii wanaagsanaa ee badbaadada u ahaa bulshadeen rag iyo dumar, mid jilicsan iyo mid awood lehba laga tagey, isla markaana diintii ceebo iyo xajiin loo sameeyay, waxa ka dhashay dulmigaasi iyo xumaan badan oo kale, oo aan la qiyaasi kareynin.
Dhibaatooyinkaasi iyo qaar kale oo bulshada dhexdeeda ka jiraaba, waxa ay bilaw iyo sabab u noqdeen hijradaasi, sidaasi oo ay tahay, hadana hijradaasi waxa sii xoojiyay, oo in halista tahriibka loo badheedho dhiirigaliyay warbaahinta reer-galbeedka, taasi oo ay ku soo bandhigaan masrixiyado iyo aflaam ay ka matalaan, nolol isku beeg-beegan, oo nidaam iyo kala-dambeyn leh, taasi oo laab-qaaday tahriibayaasha.
Mar kasta oo ay balaayooyinku bataan, dadka aanu Iimaankoodu xooganeyn, waxa ka xumaata caqiidada, oo waxa suurtagal ah; marka uu qofku dhibta xajisan kari waayo, in uu dembaabo ama uu ku dhawaaqo hadalo aan u habooneyn, sida isaga oo yidhaa; “Muxuu Illaahay sidan iigu galay? ”
Hijradan ama qaxaa ay dadkaasi go’aansadeen, waxa uu yahay mid xaq ah, oo ay gar u leeyihiin, waxaa se isweydiin mudan! qaxaasi ma noqday mid ka dhib yar, dhibaatooyinkii ku kelifay in ay ka soo cararaan dhulkoodii? Jawaabtu waa Maya! Waxaabu dadka qaarkood ku noqday mid kaga daran xaga diihaalka iyo rafaadka, kana dareen xun dhibaatooyinkii ay ka soo carareen.
Illaahay Weynaa oo Wanaagsanaaye waxa uu Qur’aanka Kariimka ah kaga waramayaa aayado inoo sheegayaa; hadii qofka meel lagu dulmiyo, oo dhib iyo dulli uu kala kulmo, in uu qofku iskaga qixi karo meeshaa, oo hijradu door u tahay, si aanu if iyo aakhiro ba u khasaarin, in kasta oo furashadii magaalada Makka kadib Jihaadka la inoo baneeyay, oo aanay fiicnayn in uu qofku ka hijroodo dhulkiisa, hadana marka ay muslimiintu ku kala aragti duwanaadaan Jihaadka iyo sida loo galayo ama khilaafka muslimiintu xad-dhaafo, waxa fiican in uu qofku sameeyo sidii ay aakhiradiisu ku hagaagayso, xataa hadii ay kula noqoto in aad in badan ka fogaato dhulkaaga, oo aad sidaa ku badbaadayso, waa in aad yeesho, aayadahaasi Qur’aanka ku jira waxa ka mid ah:
Aayadan oo ka warameysa dad nafta laga soo qaaday iyaga oo xumaan iyo dulmi faraha kula jira, kadibna waxa la weydiinayaa: “Waar maxaa idinku kalifay in aad sameysaan waxani?”, waxa ay ku jawaabayaan: “Danta ayaa nagu kaliftay sidani inaanu samayno, oo waxaanu ahayn dad duleysan oo la gumaystay”, waxaa dadkaasi loogu jawaabayaa “Miyaan dhulka Illaahey idiin balaadhin, si aad uga qaxdaan meesha dhibta leh, oo aad u tagtaan meeshii aan dhib lahayn…”.
إِنَّ الَّذِينَ تَوَفَّاهُمُ الْمَلَائِكَةُ ظَالِمِي أَنفُسِهِمْ قَالُوا فِيمَ كُنتُمْ ۖ قَالُوا كُنَّا مُسْتَضْعَفِينَ فِي الْأَرْضِ ۚ قَالُوا أَلَمْ تَكُنْ أَرْضُ اللَّهِ وَاسِعَةً فَتُهَاجِرُوا فِيهَا ۚ فَأُولَٰئِكَ مَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَسَاءَتْ مَصِيرًا {سورة النساء ٩٧
Waxa kale oo ka mid ah Aayadan oo Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye inoogu sheegay; in qofku ka qixi karo halka uu ku dhiban yahay, oo meeshii kale ee uu tagaba cibaadadu ay kaga ansaxayso, Rabbina Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu ka war hayo adoomihiisa meel kasta oo ay joogaanba.
{يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّ أَرْضِي وَاسِعَةٌ فَإِيَّايَ فَاعْبُدُونِ}
Hadaba Soomaalida habqankoodii waxa uu batay markii ay dowladii dhexe ka burburtay, oo waxa ay galeen koontiinar aanay dhinacna uga bixi karaynin, maxaa yeelay; waraaqo socdaal oo caalamka laga ogol yahay ma laha, taasi waxa ka dhashay in ay naftooda ku biimeeyaan safarro aad u halis badan.
Qaxaasi wixii 1980-tamaadkii ka horeeyay waxa loo yaqaanay Tacabir, 1990-ka wixii ka dambeeyayna waxa loo bixiyay magaca Tahriib, waxaa uu u qaybsamay dhowr nooc oo kala duwan, oo uu midiba mid ka dambeeyay, waxaana nooc kasta sees u ahaa, oo qaabeynayey ku-dhiirashadiisa waxyaabahani:
- Kharashka ku baxaya safarka.
- Nabadgelyada marinka safarka.
- Iyo ku-kalsoonida guusha laga filan karo gabo-gabada safarka.
Tacabir:
Waxa xilligiisu ahaa wixii 80-ka ka horeeyay, waxa loo qixi jiray dalalka jaarka iyo kuwa ku yaala gacanka carabta, kaasi oo dad aad u tiro badani ku tageen meelahaasi, si ay nolol fiican uga raadsadaan, oo illaa imika qaarkood ku nool yihiin.
Tacabirkaasi waxa uu u badnaa dhinaca carabta, oo dadka qaarkood waxa ay doonyo kaga gudbayeen badda cas, hadii ay ka badbaadaan safarkaasi badda ay ku marayaan, waxa ay u gudbaan dalka Yemen kadibna waxaa ay u sii dhaafaan wadamada khaliijka, halkaas oo in ka mid ahi u gudubto, kana helaan shaqooyin fiican, oo ay ku sii wataan noloshooda, halka in badan oo ka mid ah dadkaasi tacabiraya aanay u suurogelin in ay gudbaan, oo inta la qabto ayaa dib loogu soo celiyaa dalalkii ay ka yimaadeen (Tarxiil).
Xidid ama xaas ku bixid:
Waxa ku xigay nooc la adeegsado xidid ama xaas, oo markii dad badani tacabireen, oo ay dunida daafaheeda u kala goosheen, ayaa waxa bilaabmay nooc cusub, oo dadkii gudaha dalka weli joogay kaga baxayeen dalka, kaasi oo ahaa sidan;
Qof baasaaboor sax ah sita, ayaa waxa uu ku kaxaynayaa qof kale xaasnimo ama xididnimo.
Kani wuxuu noqday kii ugu foolxumada badnaa, isla markaasna gebi ahaanba meesha ka saaray, maamuuskii iyo milgihii ay lahaayeen dadkii qaxayay, waxa lagu kalifay in ay sameeyaan waxyaabo badan, oo aad u liita, si loo xaqiijiyo arrinkooda, waxyaabihii dhacay waxa ka mid ahaa kuwani:
- Ninku waxa uu ku kaxaysan karaa xaaskiisa waraaqihiisa socdaalka, kolkaa marka nin haysta baasaaboor yurubiyaan ah, uu doonayo in uu walaashii ku dhoofiyo, oo uu walaashiisii uu jeclaa ka soo saaro, dhibka iyo rafaadka ka jira dhulka ay ku nooshahay, waa in uu u sheegaa safaarada in ay is-qabaan, oo ay xaaskiisii tahay.
Si ay safaaraduna u xaqiijiso waxan uu sheegayo, waxa la odhanayaa na tusa waraaqihii meherkiina iyo xafladii arooskiina, kolkaa inta aanay safaarada tegin ayaa loo qabanayaa ninkan iyo walaashii xaflad aroos, iyaga oo dharkii arooska xidhan, oo isgarab fadhiya, oo wada ciyaaraya, kadibna inta cajalad laga soo duubo ayaa safaaradii loo geynayaa, waa wax aad u foolxun, waxa isugu biiray dhaqan-xumo iyo been, oo iyaga oo aan isqabin ayay sheegteen in ay is-qabaan.
- Waxyaabaha kale ee dhacay waxa ka mid ah; qofka baasaaboor haysta waxa loo ogol yahay in uu ku kaxaysto carruurtiisa, hadaba qofka doonaya in uu dhoofiyo dhowr qof oo aannu dhallin, si loo xaqiijiyo in ay carruurtiisii yihiin, waa in safaaradu ka qaadaa caruurta iyo odeygaba DNA-da, DNA waa maado laga ogaado xididnimada dadka is-dhalay, waxaanay ku jirtaa dhamaan dheecaamada kala duwan ee dadka, sida; candhuufta, dhiiga, iwm…
Hadaba ninkan baasaaboor-site iyo dadkan uu rabo in uu ku kaxeeyaa is-may dhalin, markaa hadii DNA-dooda la baadho waxa la ogaanayaa in aanay is-dhalin, si ay taasi uga badbaadaan, waa in ninkan baasaaboor-site ugu deeqaa dadkani kale dheecaankiisa wax ka mid ah, kolkaa waxay sameynayaan:
Sheeko: Waa adduun iyo xaalkiiye waxa uu yidhi: Subaxii loo balansanaa tegitaanka safaarada, ayaa uu noo yimid, kadibna markii aanu u dhawaanay goobtii ay safaaradu ku taalay, ayaa uu mid walba afka ugu sii tufay candhuuftiisii, yaayaqsi iyo ishiishi ma jirto, diidmo iyo khajilaad ha sheegin, xasanoow wax kale oo aan ku idhaa garan maayo’e waa Dani Ku Badday! Ninkii gabyay waxa uu yidhi: [Dirxigaba Qudhmuunku Uma Soo Uree, Waabu Quud-sadaaye] Waxa nalagu sii dardaaray; candhuuftaasi waa in aydaan liqin, waa in aydaan ku dhex darin/milin candhuuftiina, marka aad gashaan halka candhuufta la idinkaga qaadayo, taa aad afka ku sidataan dhiga.
Kadibna sidaasi ayay labadii DNA ee baasaaboor-site iyo dadkani kale isku mid u noqonayaan. [silic iyo saxariir adduun dheh…]
Safarka baasaaboorka beenta ah:
Waxa isna dad badan ku baxeen, nooc kale oo la adeegsado baasaaboor been ah, iyaga oo ka faa’iidaysanaya isku eekaanshaha inta badan lagu arko dadka wada dhashay, ayaa uu midi u soo dirayaa baasaaboorkiisa walaalkii, kadibna waxaa uu kii kale ku raacayaa diyaarada, markaa waa nasiibkii hadii lagu fahmo oo la soo celiyo iyo hadii uu ku baxo, oo ay aad isugu eekaadaan qofkii baasaaboorka lahaa, hadii uu markaasi ku dhaafo meesha lagu baadhayo, waxaa uu markaaba isqorayaa qaxoonti.
Markii noocyadaasi hore dadkii ku baxayay bateen, ayaa safaaradihii wadamada reer galbeedku ogaadeen, kadibna waxay adkeeyeen shuruudihii lagu xidhi jiray qofka, kadibna aayar aayar ayay u joogsadeen khadadkaasi.
Khadkii UN-ta iyo Reer-Galbeedka:
Waxa hay’adda u qaabilsan qaramada midoobay arrimaha qaxoontiga UNHCR iyo dalal badan oo reer galbeed ahi shaaciyeen, in ay qaxoontinimo u furayaan dadka aadka u sii dayacan ee waayahaasi adkaaday iyo garsoor-xumadu isugu biireen.
Waxa ay dadkaasi ahaayeen kuwo inta badan lagu xadgudbo oo la yaso, kana tirsanaya hagrasho badan degaankii ay ku noolaayeen, arrimo xaga dhaqanka ahna lagu fogeeyo, fogeyntaasina waxaa ay u horseeday, in dadkaasi tiradoodu yaraato, oo marba marka ka dambeysa ay sii tafiir go’aan, waxa dadkaasi bulshadu u taqaanay “Midgo”.
Dad dhibaato iyo xumaan sameeyay in la cuna-qabateeyo, oo gaar looga sooco bulshada inteeda kale, waagii hore way fududayd, oo waayihii iyo waaqicii nolosha ee xilligaasi jiray, ayaa sahlayay in qabiil ama qolo la hayb-sooco, oo sidii bahalkii dad-cunka ahaa laga yaaco, oo dhibkooda lagu ciqaabo, hadaba hadii maanta uu waaqica noloshu saamixi lahaa in xumaan iyo xasad qabiil ama qolo lagu hayb-sooco, waxa xaqiiq ah in reero badan oo laan-dheerenimo iyo wanaag badan isku tuhmaya la fogeyn lahaa, oo si ka xun sidii kuwii hore loo midgaameeyay laga yeeli lahaa, se waxaan ogoleyn waaqica nolosha ee maanta jira, waxa jiray laba arrimood oo suuragal ka dhigi jiray, in qabiil ama qof la takooro, waxa ay ahaayeen: Dhulka iyo Dhiska.
Dhulka waagii hore lama kala lahayn, markaa hadii qofka ama qabiilku meel kala kulmaan dad dhib leh way ka ag guuri jireen, oo meel ka fog meeshaasi ayay tegi jireen, laakiin maanta taasi suurtogal maaha, oo meel kasta cid baa sheeganaysa, kolkaa meesha aad degan tahay dadka ku nool dhib kasta oo ay leeyihiin, waa in aad xamisho, ama waa in aad qori iyo hub qaadato, oo dagaal sokeeye dhaco.
Dhisku waagii hore wuxuu ahaa mid la qaadi karayo, oo aqalladu buulal ayay ahaayeen, markaa kolka qofka ama qabiilku meel ku arkaan dad dhib iyo xumaan sameynaya, aayar ayay aqalka furfuri jireen, oo ay ka guuri jireen meeshaasi, oo aqalka dhan gebigiisaba awr iyo laba awr ayaa lagu qaadi jiray, maanta se suurtogal maaha oo dhismayaashu waa sibidh iyo dhagax dhulka lagu rakibay, oo lacag iyo aduun aad u badani qofkii kaga baxay, kolkaa in la dumiyo ama laga iibiyo qof kale mooyaane lama qaadi karayo.
Markaa waaqica iyo waayaha nolosha ee maanta jira marka aynu eegno, xalku kuma jiro in dhib iyo xumaan lagu hayb-sooco qof ama qabiil, waxa keliya ee u banaan dadka dhibta sheeganaya, waa in ay hub qaataan oo ay dagaalamaan, taasina waa ta maanta soomaalida ugu wacan in ay dagaallo sokeeye ka dhex qarxaan, oo kolba laba qabiil ama laba deegaan ku dagaalamaan dhibaato uu midba midka kale u sheeganayo.
Hadaba qorshahaasi ay reer galbeedku ku qaadayeen dadkii la hayb-soocay, waxa ku baxay dad aad u tiro badan oo ka mid ah dadkii la takoori jiray, waxa ay reer galbeedkii siiyeen dadkaa magangelyo iyo nolol adduunyo oo fiican, oo dhinac walba ka dhisan, dadka intii la qaadayna way ku nasteen, oo waxa Illaahay Weynaa oo Wanaagsanaaye kaga furdaamiyay, dhibaatooyinkii ay muddada badan la soo noolaayeen.
Markii khadkaasi furmay, waxa dad badan oo aan ku jirin dadkii la rabay, u tafaxayteen sidii ay uga mid noqon lahaayeen dadkaasi la qaadayo, waxay qabatimeen oo joogto u noqotay adeegsiga beenta, waxay ceebeeyeen oo ay habaareen nafahooda si loo ogolaado, iyaga oo sheeganaya wax aanay ahayn iyo waxyaabo badan oo dhaqankooda wanaagsani aanu ogoleyn, oo aad iyo aad u xun-xun.
Safarkii Saxaraha:
Waxa hadana jeexmay jid cusub oo lagu hijrooda, gaar ahaan; mid dadka reer afrika ee qaxoontinimada yurub doonayaa ay maraan, waa wado aad u silic iyo saxariir badan.Waddadani dhowr dal oo afrikaan ah ayay ka timaadaa, waxay se isugu timaada hal meel oo ah Saxaraha Liibiya.
Tusaale: waddada ay Soomaalidu maraan waxay ka bilaabantaa, gelitaanka dhulka Xabashida, kadibna waxa loo sii dhaafayaa dalka Suudaan, waxa looga sii gudbayaa saxaraha weyn ee u dhaxeeya Suudaan iyo Liibiya Dhererkiisuna yahay 1600Km, intii ka badbaada kulaylka, gaajada iyo oonka yaala saxarahaasi ama Ma-Gafeyaasha(Waa tuug tahriibayaasha qabsada, kadibna lacag madax-furasho ah ka soo dalbada tahriibaha qoyskiisa) waxa ay ku soo gunaanadaan safarkoodaasi xeebaha dalka Liibiya.
Waxa halkaa ka sii bilaabmaya safar kale, oo la dul marayo bada cad ee u dhaxaysa afrika iyo yurub, waxa la raacayaa doonyo tayadoodu aad u liidato, oo aan loogu talogalin safarka noocaasi.
Waxay doontaasi ku fuulayaan tiro aad u badan, oo culays ku ah socodkeeda.
Kadibna tahriibayaasha intii safarkaasi ka badbaadaa, waxay u gudbaan, oo ay cabasho badan iyo oohin ku galaan xeebaha dalalka yurub, gaar ahaan; xeebaha talyaaniga iyo isbayn.
Halkaasina waxa ku soo gebo-gebooba, safarkoodii diihaalka iyo dayacnaanta badnaa, ee ay kaga soo qaxeen dhulkoodii hooyo.
Sheeko: Ilmada dhabankayga ka socotaa waa yeelkeed, bal may xinjiro dhiig ah noqoto, danba kama lihi, sankayga duufka ka hooraya, bal muu malax noqdo, murugta I haysaa may sun noqoto, aan ku go’ee, adduunyada hal mar maan ka tago, oo la I waayo, habaar ka sii wayn kan iminka I haystaa muu igu habsado, dhulku muu ila go’o ama iga go’o, aniga oo nool maa la I aaso, waxba yaan la igu tukane, miyaa degdeg la iigu tuuro iilka, iyada oo aan la ii naxariisan miyaa sida maro xun oo calal ah ama xabbad dhagax ah la igu magoojiyo, dhulgariir miyuu dhaco oo dunidu isku dhalaasho, masiibooyin tiro beelay miyuu Illaahay darandoori u soo daayo, dhammaantood miyey aniga, kaliday oo cad oo madaw, igu dul basbeelaan, qiyaamaha la sheegaa hadda inuu kaco wacnaan lahaydee, dadka Illaahay miyuu kala xisaabo oo badhna biyaha naarta qudh-qudhsiiyo kadibna cadaabo, badhka kalena jannadiisa miyuu ku casuumo. Inta uu cadaabta ku guray miyuu aniga lambar wan iga dhigo, si aan naftayda uga aargoosto. Wax aan hore u jirin oo aan magac iyo muuq toona lahayn maan iska ahaado. Qasaaraha aan dunida la joogo, bal maan dhan uun ula dhaafo.
Magaaladii aan ku noolaa markii aan ka soo baxayey, cid i qabata ayaan waayey. Xadhig in la igu tigtigo ama jeelka la ii taxaabo ayaan ku rayn lahaa. Sidaasi haddii ay dhici lahayd sidan maanta dhacday may dhacdeen. Qofkii aan maalintaa ahaa ayaan ahaan lahaa, halka aan maanta qof kale ka ahay. Madax-adaygii aan ku socday dartii madaxaygu wuxuu istaahilaa in la iga gooyo. Kelidii inta meel loo la baxo in la rarmiyo, oo raran lagu deebiyo ayuu ku wacnaa. Sidaas ayaa abaalkiisa ah illaa laga waayo. Naciima-qallaafadii cagaha marmarootay, ee waxan oo dhan ila soo doonatay, halaag iyo hoog adduunyo Illaahay in uu hal mar u wada dhammaystiro ayey ahayd. Iyadu maanta midh ma qabto anna meeli iima noola. Toddobadii wiil ee nala socday, saddex madaxa ayaa laga toogtay, laba dhexda ayey ku soo dhinteen, midna waa la qafaashay. Kaa la qafaashay in iminka jidhkiisa la sarrifay oo la furfurtay ayaan u malaynayaa. Shantayadii hablood, mid waanu waynay, midna dhexda ayey ku soo go‘day, midna iyadoo nool ayaanu iskaga nimi markii ay socon kari wayday, aniga iyo mid kale ayaa soo hadhnay. Labadayada waa nala qaatay. Rag ayaa meel cidlo ah nala tagay oo naga soo go’ay. Sidii laga yeeli jiray ee abaalkoodu ahaa dadka is nacay, sidayada oo kale, ayey naga yeeleen. Allaylehe baga.
Keliday, habeenkii koowaad, siddeed iyo toban nin ayaa isaga kay degay. Intii wixii ka dambeeyey waan suuxay oo dunida waan iskaga dheelmaday foolxumadeeda iyo waxa ka dhacaya. Way ii wanaagsanayd sidaasi, waayo aniga oo nool ayaa la I cunaayey, oo jiidhkayga la googoosanayey. Markii aan soo baraarugay lug ayaa I jabnayd, wajigayga oo dhamina wada nabar ayuu ahaa. Dad I ma helin ee bahallo ayaa I helay. Saaxiibaddaydii kale, iyadu ka maba ay soo noqon koomadii oo sidii ayey kaga hoyatay adduunyadan uraysa. Illaahay in uu iga dabageeyo, ama iyada booskeeda igu beddelo, ayaan niyadda ka jeclaa. Waayo in aan noolaado ma doonayo. Warqaddani waxa ay ugu dambayn doontaa wax afkayga ka soo baxa. Xilligga aad akhriyeyso warqaddan, aniga indhahaygii ciid ayaa gashay, waayo waan dhintay. Gacantayda ayaan isku dilay. Warqaddan haddii aad maydkayga ka dul hesho, fadlan la xidhiidh ciddaydii. U sheeg in aanay I cafin aniguna aanan naftayda cafin doonin. Maca salaama.
Sheekadani in ay male awaal tahay iyo in ay dhab tahay ma garan karo waxase qoray Khadar Cabdi
Sheeko: Waxay ka yimaadeen Khartuum – Sudan, waxay ku socdeen Qaahira – Masar, waxay ahaayeen 24-qof, oo u qaybsanaa laba kooxood, oo koox waliba tahay 12-qof, intii ay dhexda ku sii jireen, waxa ka dhintay 4-qof, sida ay sheegeen waxa afarta qof jidh-dilay dadka suudaanta ah ee soo tahriibinayay, inan ka mid aheyd safarkaasi tahriibka oo iyadu ka badbaaday qaahirana gaadhay ayaa sheegtay, in afarta qof ee dhintay sadex ay ahaayeen wiilal, midina ay aheyd gabadh 17-jir ah, waxa ay intaa raacisay sadexda wiil mid ka mid ahi inuu ku dhintay dhabteeda, oo uu waliba aad u dardaarmay, waxa uu ku dardaarmay in loo weydiiyo hooyadii cafis, waxa ay inantu tidhi in badan ayuu ku cel-celiyay “Hooyo I Cafi… Hooyo I Cafi… Hooyo I Cafi…”
Tixraac: Idaacada VOA-Somali
Gabay: Tahriibka
Gabaygan la magac baxay Murugo wuxuu soo baxay 17/04/2016, waxaanu ka hadlayaa masiibadii badda ku heleeshay dhalinyarada tirada badan ee Soomaaliyeed iyo sida aanay u muuqan cid wax ka qabanaysa dhibaatada tahriibka oo sannad walba Soomaali badani naftooda ku waayaan.
1. Musiibada adduun way dhacdaa maalin iyo layle
2. Muragada hayeeshee waxaan maanta ula ooyay
3. Een marada sida roob ilmada maandhow ugu qooyay
4. Ama muusanowga u cuskaday midhaha suugaanta
5. Ummad uu masiirkoodu lumay meelna wax u oollin
6. Oon mas’uuliyiinteeda iyo maamul hananaynin
7. Shacabkiina mudutuul noqdeen moogan danahooda
8. Oon cidina meel ugu maqnayn muumin iyo gaalba
9. Oon muhindisayn baynu nahay maare nololeede
10. Mooraalka daalani xaquu mahadin doonaaye
11. Allahayow miciinkooda noqo magaca Soomaali
12. Afartaa dad meeshooda gabay muqadinkoodii dhe
13. Afarkalena muudsada qadhaadh baan idiin marine
14. Musiibada tahriibtani waxay marisay qoomkeene
15. Ubaxa iyo maatida go’diyo maydka tiro beelay
16. Magafuhu markuu waxay siteen maalka ka idleystay
17. Inta doonyo mood wada noqdoo daalay lagu miisay
18. Ee badaha moolkooda wayn lagu muquursiiyay
19. Ee mowjadduhu ku halligeen malagu soo riixay
20. Geerida markay wada dhinteen tiro yar mooyaane
21. Inta gabadh muraayada baxdiyo geesi laga maago
22. Maydkiina cidi raadinayn sida mayeedhaanka
23. Markay maqasho hooyada iyana halis muquuraysa
24. Ama aabbo mooraal jabiyo maxastu ooyayso
25. Een cidina maaraynahayn maanta kuwa jooga
26. Murigiyo naxdini way jirtaa maanka dhibaysaaye
27. Malaayiin horaa laga sabroo maray dariiqaase
28. Muslimnimo allahayow intuu mowdku ku haleelay
29. MIdhihii Firdawsiyo Jannada geli maqaamkeeda
30. Ehelkana rabbow samir mug wayn kaga sug maankooda
Waxa Qoray: Cabdiraxmaan Maxamuud Yuusuf ( Xiiray )
MAANSADA GALIILYO: ABWAAN XASAN DAAHIR (WEEDHSAME)
Maansadan waxa Sammeeyey Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedh-same) oo ka mid ah Abwaanada Da’da yar ee Reer Somaliland. Abwaanku waxa uu Maansadan si Xeeldheer ugaga hadlayaa dhibaatada Tahriibka. Inta aanan Maansada idiin bilaabin aan ka horeysiiyo Sharaxaad kooban oo Abwaan Xasan Daahir kaga sheekaynayo Habkii ay ku timid Maansadani, waxaanu yidhi: dhawaan aniga oo ku sugan magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, ayaa waxan la kulmay dhacdo aad ii damaqday. waxa tahriibay dhallinyaro ilaa 20 qof gaadhaysa. qaarkood waxa lagu ambabixiyey lacago deyn ah oo la amaahday, qaarkood guryihii ayaa loo iibiyey, qaarkoodna dhul baa loo iibiyey. bal ka waran adiga oo gurigiina iibiyey ilmihiina waayey, oo tii ALLE heshay? dhacdadani waxay igu dhalisay su’aalo badan, kuwaas oo u baahan in cilmi-baadhis qoto dheer lagu sameeyo, bal kolka hore maxaa loo suudalayaa (tahriibayaa)? haddii jawaabtu tahay dhaqaale xumo, ma dadka caydha ah ayaa tahriiba mise nin wax helaya kolay noolka tahay? aniga waxan qabaa in kalsooni darro loo tahriibo, oo qofku aaminay inaanu iskii u noolaan karayn ilaa reer yurub uu hoos galo. Waxay Maansadu tidhi:
• Ifkay gogoshiisu hawl tay
• Ogow galab noolba waa shil
• Ma oge taladii u goostay
• Ma oga gurigay furayso
• Galiilyada moog dambaysa.
• Naftana hungraa gadh qaada
• Cakuye damacaa ku guura
• Haddana godobtiyo lurkeeda
• Gefkiyo ceebtiyo xunkeeda
• Ogow garashaa u qoollan.
• Wedkana gamaskii ma iisho
• Gaashaan celiyaa ma baajo
• Ishaa gabadheed ma daaho
• Qofnaba gabbalkii ma waaro
• Wax aan hubo geeri kow dheh.
• Taniyo anigoo gurguurta
• Ilaa maantoo gadh leeyey
• War geediya oo I qooma
• Geddaafo wacaal xambaarsan
• Dhegtaydu maxay guddoontay
• Intaan tebay gaan la waayey
• Maxaan murugadda la goohay
• Barbaartii iga gablooshay
• Kuwaan guruxyada u belay
• Markaan godobtooda raadshay
• Gunaadiyo ciil gadhoodhay
• Miyaan gocashada ku qoomay,
• Bad gawliyo gacanka xeebta
• Miyaan gooddiyey guhaadshay
• Gartayda miyaan bilaabay
• haddaad maxastayda gawrac
• Badyahay kaga gooban weyday
• Inaad bir ma geydadayda
• Sidaa u gashaa gar maaha
• Alleylehe waad gumowday!!
• Geshaan kugu leeyey qaana
• Gar qaado ha soo gignaane
• ILAAH naaraha ku geeye
• Adaa gadhmadoobahayga
• Haweenkiyo gaaridayda
• Ku gaasira meel go’doona
• Gudhoo galabtaba abaadso
• Biyuhu gororoo ku gawdhshe
• Gawaan noqo meel garoona
• Dhul geedigu galab caraabo.
• Intay guuxday gigleysay
• Hirkiyo doobtay garaacday
• Waxay tidhi guurowgaagu
• Gefiyo waa igu geddaafo
• Ma geyo godobtaad I saartay
• Aweytida aad ganayso
• Miyaan galabsaday bal kaadso
• Adoo geyigaagu liito
• Hadduu sahankaagu gaabsho
• Hadduu samirkaagu guuro
• Qaneecaadkuna gabnoobo
• Quustoo kugu geylamaysa
• Garaad hirilaa ka seexdo
• Miyaan geerida shinkeeda
• Horteed geedigu ku geynin?
• Hablaha guday ee tahriibay
• Hir gaatamayaa idleeyey
• Geed ay cuskadaana waayey
• Markii gacal baajin waayey
• Shariidku miyuu gasiintay?
• Intuu saxaruhu go’doonshay
• Halyey lagu giirtay fiicni
• Intee xabsi lagu gumeeyey
• Gashaantimo wada quraysha
• Intee guuleed tisqaaday
• Raqdiisii haad ku goohay
• Dhashii guuluhu ku siiyey
• Dugaagu muxuu ku guusay
• Markuu huudhigu geddoomay
• Markay goglanayd barbaartu
• Kalluunku miyuu galiilyo
• Ilmadda ciil gabbax ka siiyey
• Tiiyoo xeebaha goshooda
• Meydkeenii galangalcoobay
• Miyaad garan weyday kaadso.
• Xasuuqa tahriibku geysto
• Gummaadiyo geeri foolxun
• Hooyooyinka weerka goostay
• Shilkani kugu gaaf wareegay
• Waxuunbaa laga guntaaye
• Miyeydaan kaba gaboobin?
• Gu’goo da’ay oo gadooday
• Gudgude soo gallab caraabay
• Markay galawgiyo jugleydu
• Ka yuusaan gelida kaynta
• Miyaan garashadu dhigaynin
• Dasada gibilada ku giiji?
• Geel iyo geesley lo’daada
• Halkii gelmi iyo dugaag le
• Gelgelin gawsaha hungaysa
• Miyaan garashadu dhigaynin
• Inaad waaberi ka guurto?
• Adoo gurigaagi iibshay
• Haddaad gabankiina weydo
• Adoo gebogebo u yaala
• Haddaad dhiilada guddoonto
• Wedkaad gini siisataaye
• Haddaad geerida la jaarto
• Hadduu maalkaagu gooyo
• Intuu aadmigu ka giigay
• Kolay waa galabsigaaye
• Maxaad gocashada ka toosin?
• Garwaaqsaday inan taraaray
• Guddoon xaal idhi bal qaado.
• Sareedaddu may guddeene
• Barbaartuna may go’deene
• Badweyn iskuma gureene
• Xil baan gubin kaad u dhiibtay
• Xal muu garan aayatiinle
• Xaq muu gudin aad sugaysay
• Halkaad u golleyd ma geynin
• Hayaankiyo geedigaaga
• Guubaabana wuu ka seexday
• Inuu galab nool tibaaxo.
• Guulguulka naftaa ku oogan
• Dhalaankani sii gurmaaya
• Hankaa laga wada gumaystay
• Buug guunaa yidhi ma gaadhid
• Halkuu aadmigu u guuray
• Rajada gibilbaa ka saran
• Runtana waa laga go’doonshay
• Gabnaad tahaybaa asqaysay
• Gufaacaa lagu faruuray
• Kalsoonida gabagabaysay.
• Qofbaad tahay guul abuura
• Qofbaad tahay guri yagleela
• Qofbaad tahay gaar ahaantaa
• Ku gaajo baxoo iskeena
• Gankaa kuma dheera caaro
• Aqoontaaduna ma gaabna
• Ma gaagixin aayahaagu
• Dadkaaguna kuma giriifin
• dalkaagan kama go’aysid
• Galbeed yurub kuuma yeedhin
• Giriiguna kuuma baahna
• gob baad tahay moog inteeda.
• adiga geyigaagu waa kan.
• Gargaara faray ka hoogtay
• ku eeg gabargaal hortaada
• U fiirso bal goonyahaaga
• Gadaashaadana bal dheeho
• Dhalaanbaa kugu gedaaman
• Gidaarada dhaxanta jiifa
• Garaadkaagaa u hiila
• Qabyaa kugu gaafwareegsan
• Hortaa aan cidi gufaynin
• Xilbaa guudkaaga saran
• Ka wayn goosoo dhaqaaji.