Dagaaladii dhex maray Saldanadii Cadaalada iyo Boqortooyadii Xabashida, waxa ay keeneen in ay labada dhinacba ku riiqmaan, oo ay dib isu-abaabulid iyo muddo soo-kabasho ah helaan, nasiib xumo waxa burburtay saldanadii cadaalada 1672-kii oo uu soo dhex galay khilaaf qowmi ah, oo sababay dagaal sokeeye, in kasta oo xabashida laftoodu ay yeesheen qabqablayaal dagaal iyo gudoomiyeyaal gobol oo ay dhex taalo xafiiltan siyaasadeed iyo xukun-kala-ridasho, hadana maamulkii xabashidu wuu daciifaye muu dumin, hadaba taariikhdu markii ay ahayd 21-Jan-1872 ayaa ay xabashidu yeesheen boqor ay u bixiyeen boqorkii boqorrada, kaasi oo magaciisu yahay Yohanes, kadib markii uu ka adkaaday Tekle Giyoges oo ahaa qabqable dagaal oo Tigray ah, kaasi oo la xafiiltami jiray Yohanes.
Yohanes waxa uu mideeyay oo hoos yimid dhamaan qabqablayaashii iyo gudoomiye-goboleedyadii dhulkii xabashidu ka talin jireen oo dhan, waxa xilligaasi dhulka ay haysteen ka mid ahaa gobollada Wello iyo Shewa, kuwaasi oo hore u ahaa dhulkii ay Saldanada Cadaaladu ka talin jirtay.
Gobolka Shewa waxa gudoomiye gobol ka ahaa Minilik, kaasi oo magaciisa kaniisaduna u ahaa Sahle Maryam, waxa uu xilkaa qabtay sanadkii 1866-kii, markii Yohanes loo cumaamaday talada xabashida, waxa uu sanadkii 1878-kii ka dhigay Minilik boqorka Shewa.
Menelik wuxuu bilaabay inuu ku qaado dagaalo qadhaadh deegaanada bariga iyo koonfur ka xiga gobolka Shewa, waxa uu qabsaday dhul aad u balaadhan, waxaanu ku soo rogay dadkii uu qabsaday nidaam adoonsi ah, kaasi oo uu adoomo ka dhigay dhamaan qoomiyadihii aan Xabashida ahayn, ee dhulkaasi uu qabsaday ku noolaa, sida; Sidaamo, Gurage, Woleyta, Argoba, Canfar, Oromadii duulaanka ku timid iyo weliba Soomaalidii dhulkaa ku nooleyd, waxa uu Minilik sameeyay sanadkii 1881-kii inuu ka soo talaabay Webiga Dir, webigaasi oo kala qaybin jiray gobolka Shewa iyo Soomaali Galbeed, hadaba talaabada uu qaaday waxa ay cabsi weyn ku abuurtay guud ahaan Soomaali gaar ahaanna Soomaali Waqooyi, maxaa yeelay; xilligaasi muu jirin nidaam maamul, oo leh ciidan mideysan, kaasi oo difaaci kara Soomaalida iyo dhulkoodaba, waxa ay u noolaayeen qabaa’il mid weliba deegaan gaar ah ku nool yahay, oo is-ilmaadeeraysiga iyo wax-isku-ahaantu u abuurtay degenaansho iyo wada-noolaansho, iyada oo weliba ay mararka qaar ka dhex dhacayeen reeraha ood-wadaagta ah colaado ka kacay geel-dhacca & baad iyo biyo kala ceshigu.
Dhulkii ay ka talin jirtay saldanada cadaaladu gaar ahaan xeebaha bada cas sida; Berbera, Buulloxaar, Saylac ila Harar waxa joogay ciidamo badan oo ka tirsan dawladii cusmaaniyiinta, kuwaasi oo ka amar qaadan jiray Khadiif Ismaaciil oo ahaa gudoomiyihii ama waaligii Masar u joogay Cusmaaniyiinta, ciidanka joogay xeebuhu waxa ay Soomaali Waqooyi u ahaayeen gabbaad iyo difaac.
Waxa xilligaasi dhulka Suudaan ka bilaabmay kacdoon uu hogaaminayay Maxamed Axmed oo la baxay Mahdi, kacdoonkaasi oo ay suudaantu ku doonayeen in ay kaga hoos baxaan maamulka Khadiif Ismaaciil iyo kamid ahaanshihii dawlada cusmaaniyiinta, kadibna ciidamadii kacaankii mahdigu waxa ay dagaallo la galeen ciidamadii masaarida ee Cusmaaniyiinta uga wakiilka ahayd dhulka suudaan, waxaa ay ka saareen dhul balaadhan oo suudaan ah, kadibna Khadiif Ismaaciil si uu xoojin ugu helo ciidamadiisii suudaan lagu weeraray, waxa uu kala baxay guud ahaan ciidankii joogay magaalooyinka Harar, Saylac ilaa Berbera, taasi oo keentay in xabashidii ay ka war heleen, una soo ruqaansadeen dhulalkii ay ka baxeen masaaridu.
Hadaba sanadku markii uu ahaa 1884-kii ayaa ay awawyaasheen qaateen go’aan adag oo ahaa Gaal la heshii si aad gaalka kale uga badbaado, waa xaalad aad u qadhaadh, waxa se ka daran halista u muuqata ee aan la is-diidsiin kareynin, iyo wararka dhiilada leh ee sida is-daba jooga ah uga imanaayay dhul-weynihii muslimiinta bariga afrika, gaar ahaan gobolladii Wello, Shewa iyo Soomaali-galbeed, taasi oo wararkaasi laga heli jiray safarada ganacsi ee ka yimaada caasimadii Harar iyo hareeraheeda, waxa ay awawyaasheen ku khasbanaadeen in ay ku adkeystaan go’aankaasi, taasi oo bishii Ramadaan 21-keedii sanadkii 1301 hijriyada kuna beegnayd 14-kii Julaay 1884-kii ay reer sheekh Isaxaaq gaar ahaan Subeer-Awal la galeen boqortooyadii Ingiriiska ee magaalada Cadan fadhiday heshiis ka kooban 5-qodob, oo kala ah:
- In aan dhulka Habar Awal cid la siin, laga kireynin, lana qabsan karin.
- In maraakiibta Ingiriisku ay xeebaha Habar-Awal ee Berbera iyo Buulaxaar u fasaxan yihiin, oo ay si xor ah ugu ganacsan karaan.
- In dadka Ingiriiska ah ay iman karaan dhulka Habar Awal, kana ganacsan karaan, iyada oo nabadgelyadooda la sugi doono.
- In Ingiriisku uu wakiilo u magacaabi karo dhulka Habar Awal lana ilaalin doono wakiiladaasi.
- In dhulka Habar Awal uu mamnuuc ka yahay ka ganacsiga adoomaha, lana soo dhex marin karin.
Waxa heshiiskaasi kala saxeexday odeyadii Habar-Awal hormuudka u ahaa iyo madaxii siyaasada ee Ingiriiska u fadhiyay Cadan Frederick M. Hunter
Waxa ku xigay qabiilka Gadabuursi, oo iyaguna dareemay khatarta ka soo waajahan galbeed, iyo habacsanaanta & xafiiltanka liita ee ka dhex jira qabaa’ilka soomaalida, ee diidan in ay u midoobaan sida cadawgoodu ugu mideysan yahay, iyaga oo magaalada Saylac kula saxeexday Ingiriis heshiis ka kooban isla shanti qodob ee Habar-Awal ay la saxeexdeen, oo dhulka lagu dabaqayaa yahay dhulka Gadabuursi taariikhdu markii ay ahayd 11-disambar 1884-tii, waxa heshiiskaasi kala saxeexday odeyadii Gadabuursi hormuudka u ahaa iyo madaxii siyaasada ee Ingiriiska u fadhiyay Cadan F. M. Hunter.
Waxa ku xigay reer sheikh Isaxaaq gaar ahaan Toljecle oo hogaaminayay afartii ay dhashay islaanta Hereriyada ahayd, oo iyaguna dareemay khatarta ka soo waajahan galbeed, iyo habacsanaanta & xafiiltanka liita ee ka dhex jira qabaa’ilka soomaalida, kaasi oo diidan inay soomaali u midoobaan sida ay xabashidu ugu mideysan yihiin waxyeeladooda, iyaga oo la saxeexday Ingiriis heshiis ka kooban isla shanti qodob ee Habar-Awal iyo Gadabuursi ay la saxeexdeen, qodobadaasi oo dhulka lagu dabaqayaa yahay dhulka ay degaan Habar Toljecle, taariikhdu markii ay ahayd 26-disambar 1884-tii, waxa heshiiskaasi kala saxeexday odeyadii Habar-Toljecle hormuudka u ahaa iyo madaxii siyaasada ee Ingiriiska u fadhiyay Cadan F. Mercer Hunter.
Waxa ku xigay qabiilka Ciise, oo iyaguna sida walaaladoodii soomaaliyeed ee hore u dareemay khatarta ka soo waajahan koonfur, iyo habacsanaanta & xafiiltanka liita ee ka dhex jira qabaa’ilka soomaalida, ee diidan in ay u midoobaan sida cadawgoodu ugu mideysan yahay, iyaga oo magaalada Saylac kula saxeexday Ingiriis heshiis ka kooban isla shanti qodob ee sadexdii qabiil ee hore ay la saxeexdeen, oo dhulka lagu dabaqayaa yahay dhulka Ciise taariikhdu markii ay ahayd 31-disambar 1884-tii, waxa heshiiskaasi kala saxeexday odeyadii Ciise hormuudka u ahaa iyo madaxii siyaasada ee Ingiriiska u fadhiyay Cadan Frederick Mercer Hunter.
Waxa ku xigay reer Sheekh Isaxaaq gaar ahaan Garxajis, oo iyaguna sida walaaladoodii soomaaliyeed ee hore u dareemay khatarta ka soo waajahan galbeed, iyo habacsanaanta & xafiiltanka liita ee ka dhex jira qabaa’ilka soomaalida, ee diidan in ay u midoobaan sida cadawgoodu ugu mideysan yahay, iyaga oo la saxeexday Ingiriis heshiis ka kooban isla shanti qodob ee afartii qabiil ee hore ay la saxeexdeen, oo dhulka lagu dabaqayaa yahay dhulka Garxajis dego taariikhdu markii ay ahayd 13-Jeenuwari 1885-tii, waxa heshiiskaasi kala saxeexday odeyadii Garxajis hormuudka u ahaa iyo madaxii siyaasada ee Ingiriiska u fadhiyay Cadan Frederick Mercer Hunter.
Waxa u dambeeyay Soomaali Waqooyi qabiilka Warsan-Geli, oo iyaguna sida walaaladoodii soomaaliyeed ee hore u dareemay khatarta ka soo waajahan galbeed, iyo habacsanaanta iyo xafiiltanka liita ee ka dhex jira qabaa’ilka soomaalida, ee diidan in ay u midoobaan sida cadawgoodu ugu mideysan yahay, iyaga oo la saxeexday Ingiriis heshiis ka kooban isla lix qodob, oo shan qodob yihiin shantii qodob ee hore ay ula saxeexdeen shanti qabiil ee soomaali waqooyi, halka qodobka lixaad ee ay Warsan-geli gaarka ku yihiin uu yahay:
- Inuu warsangeli kala qaybgalo Ingiriis dhismaha nidaamka iyo kala-dambeynta dhulka iyo ganacsiga, kuna kaabo wixii ay talo iyo tusaale ka hayaan horusocodka iyo ilbaxnimada.
Waxa heshiiskaasi kala saxeexday odeyadii Warsangeli hormuudka u ahaa iyo madaxii siyaasada ee Ingiriiska u fadhiyay Cadan Frederick Mercer Hunter, taariikhdu markii ay ahayd 15-Mey 1886-dii.
Waa kani calankii uu ku shaqeynayay maamulka Ingiriiska ee magaciisu ahaa Somaliland British Protectorate |
Heshiisyadaasi siyaabo kala duwan ayaa loo arkay, dadkii Soomaaliyeedna waxa ay uga falceliyeen siyaabo kala duwan, iyada oo lagu cambaareeyay odeyadii iyo qabaa’ilkii la galay heshiisyadaasi Ingiriiska, laguna sheegay gaalo-raacyo iyo naaneyso xunxun oo kale, waxayse ku soo idlaatay in la mahadiyay go’aankoodii, oo tafiirtoodii ay maanta ku nool yihiin gobanimo iyo dhul ka madax banaan gumeystaha madaw ee xabashida, waloow ay jiraan khiyaamooyin iyo dhagaro uu si qarsoon u sameeyay Ingiriis, oo uu heshiisyadii ay odeyadu la galeen uu qodobo ka mid ah jebiyay, lana ogaaday beri dambe, hadana siba si’ ayay dhaantaa, oo balaayoba balaayo kale ayay ka subxaan alleysataaye, xaqiiq waxa ah in go’aankoodii uu midho dhalay. Hadaba markii uu Menelik maqlay in Soomaali-Waqooyi ay Ingiriis heshiisyo la galeen, waxa sanadkii 1887-kii uu si toos ah dhinaca bari uga soo talaabay webiga Dir, waxaanu soo degay caasimadii Harar kambalkeeda.