DHUL-BALAADHSIGII XABASHIDA IYO CADAAWADII GUUNKA AHAYD EE MENELIK II

Yohanes waxa uu dagaalo ba’an la galay kacaankii Mahdiyiinta ee suudaan, isaga oo yoolkiisu yahay dhul-balaadhsi, kadibna sanadkii 1889 bishii March ayay suudaantu ku dileen Yohanes dhulka beeraha ku fiican ee carro-sanka ah lana yidhaahdo Metema, dhulkaasi oo ilaa maanta xuduud kala qaybisa u ah Suudaanta iyo Xabashida.

Taariikhdu markii ay ahayd March 10, 1889 waxa si rasmi ah ula wareegay boqortooyadii Xabashida ninkii axmaqa ahaa ee Menelik, kaasi oo noqday boqorkii guud ee maamulka xabashida, waxa uu markaasi sii dardar-geliyay duulaannadii uu ku soo qaadayay dhulkii Soomaalida, waxa uu sameystay ciidan aad u tiro badan, oo ka kooban adoomo iyo dadkii kale ee uu gumeeyay, kuwaasi oo ku noolaa dhulalkii uu qabsaday.

Sanadkii 1889-ka dabayaaqadiisiina waxa uu qabsaday magaaladii Harar iyo badi dhulkii ku hareeraysnaa, waxaanu u soo jiheystay inuu si aad ah gudaha ugu soo galo dhul-weynihii Soomaali-Galbeed, isaga oo xaga koonfureedna gaadhay ilaa Goba, waxa uu jihada waqooyi gaadhay ilaa iyo dhulka maanta loo yaqaan Ereteriya, jihada galbeed waxa uu gaadhsiiyay maamulkii xabashida ilaa iyo gobolka ay ku nool yihiin qoomiyadaha Benishangulka, Gumuska iyo Gambeelaha oo dhamaantood uu ka soo goostay Suudaanta.

Sanadkii 1891-kiina waxa Minilik uu reer yurub iyo ruushka u diray warqad uu ku sheeganayo soomaali iyo dhulkoodaba, gaar ahaan soomaali-waqooyi iyo soomaali-galbeed labadaba, warqadaasi waxay u dhigneyd sidan:

Being desirous to make known to our friends the Powers (Sovereigns) of Europe the boundaries of Ethiopia, we have addressed also to you (your Majesty) the present letter.

These are the boundaries of Ethiopia: –

Starting from the Italian boundary of Arafale, which is situated on the sea, the line goes westward over the plain (Meda) of Gegra towards Mahio, Halai, Digsa, and Gura up to Adibaro. From Adibaro to the junction of the Rivers Mareb and Arated.

From this point the line runs southward to the junction of the Atbara and Setit Rivers, where is situated the town known as Tomat.

From Tomat the frontier embraces the Province of Gederef up to Karkoj on the Blue Nile. From Karkoj the line passes to the junction of the Sobat River with the White Nile. From thence the frontier follows the River Sobat including the country of Arbore, Gallas and reaches Samburu.

Towards the east are included within the frontier the country of the Borana Gallas and Arussi country up to the limits of the Somalis, including also the Province of Ogaden. To the northward the line of the frontier includes the Habar Awal, the Gadabursi, and Essa Somalisand reaches Ambos.

Leaving Ambos, the line includes Lake Assal, the province of our ancient vassal Mohamed Anfari, skirts the coast of the sea, and rejoins Arafale.

While tracing today the actual boundaries of my Empire, I shall endeavour, if God gives me life and strength, to re-establish the ancient frontiers (tributaries) of Ethiopia up to Khartoum, and as Lake Nyanza with all the Gallas.

Ethiopia has been for fourteen centuries a Christian island in a sea of pagans. If powers at a distance come forward to partition Africa between them, I do not intend to be an indifferent spectator.

As the Almighty has protected Ethiopia up to this day, I have confidence He will continue to protect her, and increase her borders in the futureI am certain He will not suffer her to be divided among other Powers.

Formerly the boundary of Ethiopia was the sea. Having lacked strength sufficient, and having received no help from Christian Powers, our frontier on the sea coast fell into the power of the Muslim-man.

At present we do not intend to regain our sea frontier by force, but we trust that the Christian Power, guided by our Saviour, will restore to us our sea-coast line, at any rate, certain points on the coast.

Written at Addis Ababa, the 14th Mazir, 1883

(10th April, 1891).

(Translated direct from the Amharic.)

Adis Ababa, 4th May, 1897.

This letter was addressed to Britain, France, Germany,

Italy and Russia.Public Records Office (London), Foreign Office 1/32 Rodd to Sallisbury, No. 15, 4th May.

Qoraalkani waxa uu Minilik ku sheegay dhulalka uu doonayo in uu qabsado, isaga oo si gaar ah u xusay dhulka ay ku nool yihiin qabaa’ilka Awal-Isaaq, Gadabursi, Ciise, Ogadeen iyo guud ahaan dhul-weynihii Soomaali-Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?