KHIYAAMADII INGIRIISKA EE HESHIISYADII UU LA GALAY SOOMAALI-WAQOOYI.

Tan iyo markii uu Khadiif Ismaaciil kala baxay ciidamadii cusmaaniyiinta dhul-weynihii soomaali-galbeed ilaa iyo xeebaha badda cas ee soomaaliyeed, waxay ciidamadii xabashidu u soo durkayeen bari iyo waqooyi, xilligaa dhulkii soomaali-galbeed iyo walaalihii soomaaliyeed ee ku noolaaba waxaa u soo galay gabbal baas, waxa maalinba waa’a xumi u beryaa dad soomaaliyeed, oo uu waraabihii miciyaha dheeraa ee xabashiga ahaa iyo axmaqii minilik ay cidla iyo wehel la’aan ku helayeen, taasina waxa ay keentay in badi dhulkii Soomaali-Galbeed ay wada qaataan xabashida iyo adoontii ay wateen.

Sidii aynu hore u soo xusnay heshiiyadii ay odeyadii Soomaali-Waqooyi ay la galeen Ingiriiska waxa ku xusnaa dhulka ay qabaa’ilkaasi degaan, in aan cid la siin karin, laga kireyn karin isla markaana aan la dejin karin, dhulka ay odeyadu ka hadlayaan ee qabiil kastaa Ingiriis kula heshiiyay, waxa uu ahaa dhulka ay qabiilkaasi degaan oo dhan, tusaale ahaan soomaali iyada oo ay dhulkoodii rasmiga ahaa ee ay deganaayeen uu ahaa laga soo bilaabo Shewa Haadaamo ilaa iyo Harar iyo guud ahaan dhul-weynihii soomaali-galbeed, markii ay soomaalidu cidla ku dhaceen, xabashigiina iska celin kari waayeen, waxa ay qabaa’ilku u soo riixmayeen, oo kolba ay u soo hayaamayeen bari, ha noqoto jihada soomaali-galbeed ka xigta waqooyi bari ama koonfur bari, kolkaa shantii qabiil ee soomaaliyeed ee Ingiriis heshiiska la galay waxa ay badi deganaayeen, oo ku soo urureen dhulkan ku muujisan khariirada hoose.

Inta gaarka u soocan, ee ay ku qoran tahay Scheduled Territories, waa dhulka uu Xabashida ku siiyay khiyaamada Ingiriisku.

Ingiriis sanadkii 1897-kii waxa uu sameeyay in uu heshiis qarsoon la galo xabashida, isaga oo aan ogeysiinin qabaa’ilkii uu hore heshiisyada ula galay, heshiiskaasi oo uu xabashida ku siiyay dhulka hawdka ah, iyo weliba dhulkii ay deganaayeen qabaa’ilka Absame oo aan iyagu wax heshiis ah la gelin Ingiriis, sida oo kalena helin walaalo soomaaliyeed oo isa soo barbar taaga, xabashiga dhulkoodii dhacayana uga gurmadta.

Hadaba markii ay taariikhdu ahayd Nov 1934-kii ayaa soomaali-waqooyi ay ku baraarugeen in guddi ka kala socota Ingiriis iyo xabashidu ay tageen magaalada Walwaal, iyaga oo meel marinaya heshiiskii qarsoodiga ahaa ee ay wada galeen 1897-kii, gudidaasi oo soo calaamadineysay dhulkii ay kala sheeganayeen, iyada oo horena ay geel-jireyaasha iyo dadka reer miyiguba ku soo warami jireen inay dhulkii hawdka ku arkayaan xabashi gaagaaban oo qoryohoodii sidata, oo dhex lugaynaaya duurka, taasi waxa ay keentay in ardaydii xilligaasi dugsiyada dhigan jirtay iyo macalimiintii soomaalida ahaa, ay maamulkii Ingiriiska ka dalbadaan in ay soo arkaan, oo dalxiis loogu geeyo hawdka iyo dhulka uu Ingiriisku u bixiyey Reserved Area.

Markii tuhunnadaasi ay xoogeysteen, waxa dadkii soomaali-waqooyi intii waxbaratay iyo ganacsatadii bilaabeen in sanadkii 1935-kii ay sameystaan ururo siyaasadeed, waxaa ugu horeeyay oo la sameeyay ururkii loo bixiyay Midowga Bulshada Soomaalida (Somali National Society) oo markii dambena magacii ay u bedeleen Somali Nation League (SNL), ururkaasi oo ujeedadiisu aheyd horumarinta waxbarashada iyo xallinta khilaafyada qabaa’ilka soo dhex gala.

Waxa ku xigay oo iyaguna urur sameystay shaqaalihii soomaalida ahaa ee ka tirsanaa maamulkii Ingiriiska sanadkii 1937-kii, ururkaasi oo ay u bixiyeen Ururka Shaqaalaha Soomaalida (Somali Official Union – SOU)

Waa kan AHU Cumar Carte Qaalib oo ka mid ahaa macalimiintii dalbatay in la soo daawadsiiyo dhulkoodii hawdka, waa intii aanu Ingiriisku si rasmi ah ugu dhawaaqin wareejinta, sida oo kale wuxu Cumar Carte ka waramaya markii la wareejiyay dhulkaasi, sidii ay noqotay xaaladii soomaali-waqooyi, waxaanu yidhi:

Cumar Carte Qaalib (AHU)

Waxaanu dawladii Ingiriiska weydiisanay, in aanu soo baranno dhulkayaga, maxaa yeelay; intani Somaliland waanu naqaanaaye, Hawd iyo Reserve Area ayaanu dooneynaa in aanu soo barano, ha na loo diyaariyo baabuur iyo sidii aanu u tegi lahayn, waayahay ayaa Ingiriis yidhi, markaa meelihii Reserved Area ee Burco, Boorama iyo Hargeysa ku toosnaa ayaanu soo wada marnay, sida; Walwaal, Wardheer, Qabridahare, Dhagax-buur, Mirimiri iyo Awaare.

Markaanu soo dhameysanay safarkayagii ayaanu ku soo noqonay Hargeysa, kadib maamulkii Ingiriisku waxa ay yidhaahdeen Report ama warbixin ka soo qora, wixii aad soo aragteen.

Kadib waanu soo qornay, inta hore waxaanu kaga warameynay uun meelihi aanu tagney iyo sidii naloo soo dhaweeyay iyo waxyaalo caynkaasi ah, laakiin sadex su’aalood ayaanu ku khatinnay warbixinta, oo kala ahaa:

  1. Maxay dawladu iskuulo uga sameyn weyday meelihii aanu soo marnay, inta ay kolba dhowr ardey ka soo kaxeynayaan Dhagaxbuur ama Awaare iyo meelahaasi, oo iskuulka Sheekh ama iskuulka Camuud keenayaan?
  2. Waxaanu aragnay saraakiil iyo askar xabashi ah, maxay meesha ka qabanayeen ileyn waa dalkayagiiye?
  3. Macnaha Reserved Area waa maxay? Hawd waanu garanay, oo marka Hargeysa la joogo Hawd waa dhulka koonfur ka xiga Hargeysa’e? Maxay Reserve Area ay Reserved u tahay?

Ninkii maamulka Ingiriiska u sareeyay markii loo geeyay warqadii aanu warbixinta ku qorney, markiiba London ayuu la xidhiidhay wuxu u sheegay sidan: nimankii macalimiinta ka ahaa iskuuladu waxay soo mareen Reserved Area, dabeeto waxay na weydiiyeen Why? Macnuhu waa maxay Reserved Area, su’aalihii aanu weydiinay oo dhan ayay u gudbiyeen London.

Markiiba dawladii Ingiriisku wey soo jawaabtay, waxaanay ku soo tidhi maamulkii Ingiriiska ee Somaliland u sheega, wakhtigii baa la gaadhay ay waajib inagu noqotay in loo sheego, in uu jiray heshiis sir ah, oo inaga dhexeeyay innaga (Ingiriis) iyo Xabashida oo la kala saxeexday 1944-kii, kaas oo tixraacayay heshiis kale oo Ingiriis iyo Xabashidu wada galeen 1897-kii, markaa lix bilood ayaa ay qaadatay maamulkii Ingiriiska ee Somaliland joogay intii ay isu diyaarinayeen sidii ay noogu sheegi lahaayeen amarka ka yimid London.

Maalin dambe ayaa badhasaabkii Ingiriis u joogay Somaliland uu laftiisu ku dhawaaqay taariikhdu markii ay ahayd 28 Feb 1955, oo uu yidhi dhulkaa la yidhaa Hawd iyo Reserve Area ma lihidin hadii aad tihiin soomaali-waqooyi, Xabashida ayaanu ku wareejinay dhulkaasi.

Markii warkaasi la helay, magaalo kasta waxa laga sameeyay mudaharaad, nin kasta oo hadlaana wuu ku hal-qabsadey oo wuxuu yidhi Ingiriis wuu na khiyaameeyay, waxa dhacdey in dadkii wada kacay, markaasaa waxa la diyaariyey wefti la yidhi London ha loo diro… … …

Ugu dambeyn sidii marka horeba tuhunka lagu hayay, taariikhdu markii ay ahayd 29 Nov 1954-kii ayaa uu si rasmi ah magaalada Jigjiga Ingiriisku ku saxeexay heshiis uu Hawd iyo Reserve Area ku siiyay Xabashida, isla markaana uu kaga soo baxay dhulkaasi, kadibna waxa abuurantay xaalad kacsanaan ah, oo ay dadku dalbanayeen soo celinta dhulkaasi.

Markii ay xaqiiq noqotay in Ingiriis uu jabiyay heshiiskii uu soomaali-waqooyi la galay, dhulkii ilaalintiisa lagula heshiiyayna uu qayb ka mid ah xabashidii siiyay, waxa bilaabmay in la colaadiyo oo lagu kacco maamulkii Ingiriiska, waxa dadkii soomaali-waqooyi bilaabeen in badhkoodba badhka kale ku qanciyaan, in la saaro Ingiriis, oo la joojiyo heshiiskii lala galay, intii madaxda bulshada u ahaydna waxa ay iyaguna dhinacooda ka wadeen, bal in ay horta helaan xal ay ku soo celiyaan dhulkaa Hawdka ee Ingiriis bixiyay, waxa ay odeyadii hormuudka u ahaa soomaali-waqooyi qabanqaabiyeen guddi ka kooban salaadiin iyo aqoonyahanno, si ay ugu diraan caasimadii Ingiriiska ee London, si gudidaasi ay baarlamaanka iyo madaxda Ingiriiska ugu qanciyaan inuu u soo celiyo dhulka uu khiyaamada ku siiyay xabashida, se gudidii waxay kala kulmeen gacmo-madhan, iyadoo maamulkii boqortooyada Biritishku ugu soo quus-gooyeen anagu hadii aanu nahay Ingiriis waxba kama qaban karno soo celinta dhulkaasi, laakiin idinka soomaali-waqooyi iyo xabashidu ka wada hadla, sida aad ka yeelaysaan dhulkaasi, guddidii la diray waxay kala ahaayeen:

  • Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye (Suldaankii Habar Awal)
  • Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye (Suldaankii Garxajis)
  • Suldaan Biixi Fooley (Suldaan Ogaadeen Ah)
  • Maykal Maryaano (Ruug-Cadaa & Aqoonyahan Habar Jeclo ah)
  • Cabdiraxmaan Cali Dube (Ruug-Cadaa & Aqoonyahan Habar Jeclo ah)

Hadaba markii ay Ingiriisku arkeen sida xaaladii bulshada soomaali-waqooyi noqotay, iyo sida adag ee ay uga dareen-celiyeen khiyaamadaasi, waxa London laga soo diray bishii April 1956-kii guddi ka kooban xubno baarlamaankooda ah, gaar ahaan guddida u qaabilsan xidhiidhka arrimaha dibeda, waxaa ay guddidaasi u tageen maamulkii xabashida, iyaga oo ujeedkoodu yahay in ay dib uga iibsadaan dhulkii Hawd iyo Reserve Area ee ay hore u siiyeen, xataa waxa ay u soo bandhigeen in ay deegaanka Saylac ugu bedelaan, ma waxay is-yidhaahdeen Isaaqan idinku dhegen, dadka reer Saylac ayaan iyagu waxaa waxba u arki doonin, mooyaan! se qorshe kasta oo Ingiriis ku doonayay inuu kaga soo celiyo dhulkii hawdka ee uu hore u siiyay xabashida, waxa diiday xabashidii oo ku gacan saydhay.

Sida warqadan sare ka muuqata waxa Ingiriisku 6-dii August 1946 xabashida uu la galay heshiis is-fahan, oo ah qorshe uu dhulkii Hawd ugu badalayo Saylac iyo deegaanka ku xeeran, balse sida ay dadka xog-ogaalka ahi sheegayaan xabashidu way ogolaadeen markii hore, maxaa yeelay; xeebtii badda cas ayaa ay ka helayeen dhul, laakiin markii ay ogaadeen in dhulkaa hawdka uu ku jiro shiidaal badan, oo u badan gaasta dabiiciga ahi, way ku diideen Ingiriiska qorshihii uu Saylac ku siinayay, ee bedelaada ahaa.

Taariikhdu markii ay ahayd 25 Aug 1956-kii ayaa boqorkii Xabashida ee la odhan jiray Xayle Salaase, oo qabtay xilka boqornimo markii uu Minilik dhintay, waxa uu yimid magaalada Qabridahare, kadibna waxa uu halkaasi ka sheegay hadal uu ku soo af-jaray rajadii ahayd in ay xabashidu dib uga baxaan dhulkii Hawdka, isaga oo af-labadii kaga dhawaaqay magaaladaasi waxa uu yidhi: Soomaalidu waa qoys ka mid ah qoyska weyn ee Itoobiya.

Boqor Xayle Salaase

Markii uu Ingiriis bixinta dhulkaasi ku sheegay, in ay ahayd heshiis iyaga iyo Itoobiya dhex maray 1897-kii (Anglo-Ethiopian Treaty), oo sida keliya ee dhulkaasi ugu soo noqon karo Soomaaliduna ay tahay, in ay toos ugala hadlaan Itoobiya, oo ay isku af-gartaan, waxay soomaalidu u direen Itoobiya wefti Soomaali ah, oo uu hogaaminayay Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxay la kulmeen boqorkii xabashida, kadibna waxaa uu Boqorkii Xayle Salaase si cad ugu sheegay weftigaasi, in Soomaalidu yihiin qoomiyad Itoobiyaana oo falaagowday, taas oo muujinaysa inay doonayaan; in ay Soomaalida iyo dhulkoodaba wada qabsadaan, goor ay noqotaba ha dhawaato ama ha fogaato’e, waxa uu Danjire Qaybe oo ka mid ahaa xubnihii weftigaasi la socday uu ku qoray buugiisa la yidhaa Qaybe iyo Caalamka {Xayle Salaase ayaa farta ku fiiqay mid ka mid ahaa xubnihii weftigayaga kadibna waxa uu ku yidhi Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal …imika ninkaasi hadii uu Itoobiya dhex maro, laga garan maayo Itoobiyaanka, kolkaa naga mid ayaad tihiin…}

Halkaa marka ay marayso, waxa ay talo joogtaa soomaali iyo sidii ay yeeli lahaayeen, waxa kale oo markii ugu horeysay laga ogaaday khudbadii Xayle Salaase uu ka jeediyay Qabridahare magaca Itoobiya, taasi oo muujisay in xabashidu ay bedeleen siyaasadoodii maamul ee ay hore ugu shaqeyn jireen, magacii ay hore ugu hawlgeli jireen wuxu ahaa Abysinia, magacaasi oo gaar ku ahaa Axmaarada, Tigrayga iyo Agaw, se waxaa cadaatay in maamulkii xabashidu ay wadaan diyaarinta qorshe iyo magac ka wada dhaxeyn kara dhamaan qoomiyadaha iyo qabaa’illada ku wada nool dhulalkii ay qabsadeen qorshahaasi iyo siyaasadaa cusub oo qarsooneyd, ayay xilligaasi soomaalidii waqooyigu ku baraarugtay inay ku jiraan liiska dadka lagu soo maqan yahay.

Hadaba waa halkan kobta ay ka bilaabmayaan Soomaalida Bidixda Fog, waa xilliga ay aasaasmayaan soomaali badan oo u gumowday tabashooyin ay qabaan iyo dareenadooda gurracan oo looga faa’iideystay, waxay xabashidu soomaalida ka dhex urursanayaan dad badan oo iyaga ogol, oo ina-duuf-ma-ceshade iyo ina-shaadh-madoobe iyo ina-manaxe iyo ina-afbuurba lahaa, kuwaasi oo ku shaqeeya fikirka xabashida, waxay badankooda ku kasbadeen midabka iyo muuqa.

Kacdoonkii iyo diidmadii ay soomaali-waqooyi diidanaayeen joogitaanka Ingiriis ayaa sii xoogeysatay, waxa markaasi Ingiriis ku qancay in aanu sii joogi karin dhulkii soomaali-waqooyi, kadibna taariikhdu markii ay ahayd May/1959-kii ayaa ay boqortooyadii Ingiriisku soo saartay go’aankii ay ku joojiyeen heshiisyadii iyo wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Soomaali-Waqooyi, kadibna urur-siyaasadeedyadii xilligaa jiray waxaa ay bilaabeen inay isu-diyaariyaan doorashada cidda maamulka dalka uga dambeynaysa Ingiriis.

Waa kan AHU Cumar Carte Qaalib oo mar kale ka waramaya xaaladaasi, wuxuu yidhi: boqortooyadii Ingiriiska ayaa soo saartay qaraar May/1959-kii, iyaga oo yidhi waxaanu soomaali-waqooyi siinaynaa madaxbanaani, markaa 17/feb/1960 waa in doorasho loo qabto xisbiyada reer waqooyiga, si uu u soo baxo xisbigii talada kala wareegi lahaa Ingiriiska, markii warkaa ay dadkii maqleen ayaa farxad iyo rayn-rayni bilaabantay, oo dadkii reer waqooyi ay shucuurtoodii samada tagtay, marka afar xisbi oo ay lahaayeen reer waqooyi oo kala ahaa SNL, NUF, USP iyo SOU ayaa ka qayb-galay doorashadaasi, markii xilligii loo ballansanaa la gaadhay.

Markii ay doorashadii dhacday, waxa ku guuleystay kuraastii baarlamaanka intoodii badneyd, xisbigii Somali National League SNL oo helay 20-kursi, waxa xisbigii United Somali Party USP ay heleen 12-kursi, halka National United Front NUF uu ka helay 1-kursi, taasi oo ka dhigan in SNL & USP ay heleen codadka boqolkiiba 55% halka NUF ay heleen boqolkiiba 45%

Hadaba sidii aynu hore uga soo warrannay, wixii keenay in soomaali-waqooyi ay Ingiriis eryaan, waxa ay ahayd dhulkii hawdka ee uu xabashida siiyay, kolkaa waxa kalo iyana jirtay in Xayle Salaase si cad u sheegay in xabashidu ay ku soo maqan yihiin qabsashada dhulka soomaali-waqooyi, taasi waxa ay ku keliftay in baarlamaankii soomaali-waqooyi doorteen ay shiraan maalinkii labaadba, ayna go’aan ku gaadheen in lala midoobo soomaali-koonfureed, kadib waxay taar u direen ama tilifoon kula xidhiidheen soomaali-koonfureed oo uu hogaaminayey xilligaasi Cabdulaahi Ciise & Aadan Cade, una sheegeen in ay doonayaan in soomaali is-xulafeysato, oo ay gaashaanbuur sameystaan, weliba aan wax shuruud ahi ku xidhneyn midowgaasi xagooda, go’aankaasi waxaa ka muuqda degdeg, kaasi oo aynu ka dhex arkeyno, in ay jirtay wax halis ku ah jiritaanka soomaali-waqooyi, oo keenay in ay qaataan go’aankaas degdegu uu ku jiro.

Waxaa xilligaasi isa soo tarayay dadka soomaaliyeed ee ay xabashidu ka dhex urursanayeen qabaa’ilka soomaalida, gaar ahaan qabaa’ilkii soomaali-waqooyi, kuwaasi oo ay ugu talogaleen in ay iyagu u qabtaan soomaalida, waxaana jiritaanka soomaalidaasi xusay Ingiriis, oo xilligii uu doonayay in uu ka soo celiyo dhulkii hawdka ee uu hore u siiyay, wuxuu soo rogay go’aan ah inaan soomaalida ku nool dhulka hawdku aanay qaadanin ruqsadaha dhulka iyo beeraha ee xabashidu bixiyaan, se waxa la ogaaday soomaali badan oo qaatay ruqsadii xabashida, iyaga oo qaadacay go’aankii Ingiriiska.

Taarkii baarlamaankii soomaali-waqooyi u direen koonfurta kadib, waxaa ay soomaali-koonfureed soo direen wefti arrinkaasi reer waqooyi ka soo wareysata, iyo sida ay wax u rabaan soomaali-waqooyi, weftigaasi waxa ay ku soo horeeyeen oo ay la kulmeen ururkii Somali Official Union oo uu Cumar Carte Qaalib u ahaa gudoomiye, si ay uga wareystaan arrinkaa midowga ee ay soo bandhigeen baarlamaankii soomaali-waqooyi, waa kan Cumar Carte Qaalib oo ka waramaya wixii dhex maray iyaga iyo weftigii soomaali-koonfureed wareysi uu siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC, waxaanu yidhi:

Waxaanu u sheegnay weftigii; in hadii la midoobayo loo baahan yahay in loo qaybsado dawlada si cadaalad ah, taasi oo aanu ku soo ururinay qodobadan:

  • In hadii dhinac madaxweynaha qaato, dhinaca kalena qaato ra’iisal wasaaraha.
  • In wasaaradaha loo qaybsado si cadaalad ah.
  • In tirada baarlamaanka labada dhinacba laga dhigo tiro is-leeg 60-kursi dhinac kastaa yeesho.
  • In hadii caasimadu dhinac noqoto, waa in safaaraduhu dhinaca kale ka furtaan xafiisyo.
  • In madaxda ciidanka dhinacna qaato hogaanka militariga, dhinaca kalena qaato hogaanka booliska.
  • In mushaharka shaqaalaha laga dhigo kan waqooyiga, maadaama oo ay ka mushahar fiicnaayeen kuwa koonfurta.

Qodobadaasi ay soo jeediyeen ururkii SOU waxaa ay ahayd uun talo, laakiin go’aanka siyaasiga ah ee jaangoynaya masiirka soomaali-waqooyi waxa iska lahaa baarlamaankii dadku doorteen, oo aanay wax kuraas ah ka helin ururkii SOU, kolkaa markii weftigii soomaali-koonfureed ay u tageen baarlamaankii soomaali-waqooyi, qodobadaasi may noqon kuwo tixgelin leh, waxaanay ku adkeysteen baarlamaankii in midowgu u dhaco si shuruud la’aan ah, bal u fiirso akhriste; waxan ay ka ordayeen, ee ka indho-saabay xildhibaanadii baarlamaanku inay kula midoobaan soomaali-koonfureed shuruuddo, muxuu kuula muuqdaa? Kolay wax yar maaha!

Xog-Ururin ay sameeyeen gollaha shacabka federaalka soomaaliya kuna baahiyeen bartooda https://gsh.parliament.gov.so taariikhdu markay ahayd 10/May/2018, ayaa waxay kaga waramayaan taxanihii gollaha sharci-dejinta soomaalida, warbixintaasi waxa ay u dhigan tahay sidan:

Soomaali-Waqooyi marka laga billaabo sanadkii 1946 waxaa la dhisay gole lagu magacaabo Golaha La-tashiga (Advisory Council) oo sanakiiba hal mar shiri jiray.

1955-tii waxaa la soo saaray sharci lagu magacaabay “The Somaliland Constitution Order in Council 1955” oo dhaqangalkiisu dib u dhacay ilaa 1957, xilligaas oo la dhisay golihii u horreeyay ee sharcidejinta Soomaali-Waqooyi oo ka koobnaa xubno isku dhafan.

1959kii waxaa dhaqan galay mar labaad isla sharcigaa sare ee ah “The Somaliland Constitution Order in Council” oo lagu dhisay gole sharcidejin ka kooban xubno la soo doortay iyo qaar ku yimid magacaabid.

1960kii doorasho ku salaysan isla sharcigii ahaa “The Somaliland Constitution Order in Council” ayaa ka dhacday Soomaali-Waqooyi, waxaa doorashada ka qayb galay xisbiyadii halkaa ka jiray, waxaana lagu soo doortay 33 xubnood oo ka kala tirsanaa saddex xisbi-siyaasadeed: SNL 20-kursi, USP 12-kursi iyo NUF 1-kursi.

Bishii April/15/1960-kii ayay baarlamaankii soomaali-waqooyi ay wefti u direen soomaali-koonfureed, kaasi oo ka koobnaa:

  • Maxamed X. Ibraahim Cigaal (Hogaamiyihii weftiga waqooyi)
  • Axmed X. Ducaale (Wasiirkii kheyraadka dabiiciga ah)
  • Cali Garaad Jaamac (Wasiirkii Hawlaha Guud)
  • Xaaji Ibraahim Nuur (Wasiirkii Arrimaha Bulshada)
  • Yuusuf Iimaan (Xildhibaan Baarlamaanka ah)
  • Maxamed Cali Faarax (Xildhibaan Baarlamaanka ah)
  • Cabdilaahi Maxamuud Qablan (Xildhibaan Baarlamaanka ah)
  • Muuse Rabiile (Xildhibaan Baarlamaanka ah)

April 16 ilaa iyo 22-keedii sanadkii 1960-kii ayaa waxa magaalada Muqdisho ku shirayay weftigii soomaali-waqooyi iyo madaxdii soomaali-koonfureed oo ay shirka uga qayb-galeen:

  • Aadan Cabdule Cismaan (Hogaamiyihii weftiga koonfurta)
  • Cabdulaahi Ciise (Ra’iisal Wasaarihii soomaali-koonfureed)
  • Maxamed Sheekh Gabyow (Wasiirkii Arrimaha Dastuurka)
  • Maxamuud Cabdi Nuur “Juuju” (Wasiirkii Hawlaha Guud)
  • Maxamuud Yuusuf Aadan “Muuro” (Wasiirkii Tacliinta)
  • Sheekh Maxamuud Maxamed Faarax (Wasiirkii Cadaalada)
  • Xaaji Bashiir Ismaaciil (Ku-xigeekii gudoomiyaha baarlamaanka)
  • C/Qaadir Maxamuud Aadan “Soobe” (Ku-xigeenka gud. barlamaanka)
  • Xaaji Cabdulaahi Mursal
  • Sheekh Maxamed Isxaaq Salaad
Qaar Ka Mid ah Weftigii Soomaali-Koonfureed uga qayb-galay wada-hadalladii Midowga

Markii labadii wefti soo wada-qaateen heshiis is-afgarad oo ah in la midoobo, waxa kale oo la isla qaatay calanka buluuga ah ee cawaale oo xilligaasi la isku raacay in labada deegaanba isaga taagaan maalinka madaxbanaanida ay helaan, kadibna May/2/1960 waxaa ay soomaali-waqooyi wefti u direen magaalada London, si ay u soo saxeexaan joojinta heshiisyadii ay Odeyadii soomaali-waqooyi hore ula galeen Ingiriiska, waxaanu Ingiriisku sheegay in 26/June/1960-ka ay boqoradu saxeexi doonto go’aanka rasmiga ah ee joojinta wada-shaqeyntii Ingiriisku uu la lahaa soomaali-waqooyi, hadaba weftigaasi oo Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu ka mid ahaa, ayaa waxa uu xilligaasi siiyay warbixin laanta afka soomaaliga ee BBC, waxaanu yidhi:

Waxay ila tahay in la wada maqlay jawaabtii Ingiriis waxa ay noqotay, arrinkii sidii aynu dooneynay inuu u dhacay, koley in aad ka wada dheregsan tihiin ayaan u maleynayaa, maalintii aanu nimid London waxay ahayd Isniintii waxaanu bilawnay hadalkii aanu la soconnay, markaa waxaan u maleynayaa in dawlada Ingiriiska ay awalba u sii go’neyd waxa ay na odhan doonto, hase ahaatee mid baa meesha ku jirtay oo, waxa la hubinayay dawladnimadan la doonayaa ma ka dhabbaa, oo ma tahay mid dadkii wada doonayo, dad u qalmana ay gacantooda gelayso, mise waa iska jibbo uun, dabeeto labadii cisho ee horeba baadhniin uun baa nagu socday, la baadhayay dadka mesha jooga iyo, dadku sida ay wax u doonayaan iyo, in waxani aanu doonaynaa naga dhab yahay iyo in kale, hadalka guntiisiina waxa uu noqday in aynu dowlad noqonno, 1-da Julaayna aynu walaaladeen koonfur is-raacno.

Maxamed X.Ibraahim Cigaal wuxuu sidoo kale yidhi: dawladnimo loo qayliyo, oo la doonaa, wey suurogashaa, oo maantaba weynagaa helnay, hase ahaatee ka ka adagi waxa uu yahay, ee aynu maanta isaga madaxa la galnay waa mas’uuliyadii oo la imanaysa dhib badan, markaa inaga maanta ajanabi aynu dibada u saarno, ama aynu wadankeena ka kaxayno dhameynay kaasi, inagana danteenii, diinteenii iyo dalkeeniiba in aynu u talino ayaa inoo taala, kolkaa nin ay ku hadhay ayay hawli haysaaye, taladaa maanta inoo taalaa talo weyn weeyi, oo in aynu isu talino eegno, wax badan baynu nidhi ajanabi noo talin maayo’e, dantayada anagaa qabsaneyna’e, inaga bax ajanabigii, inagii ayaa maanta la inoo kala tagay, in aynu isu talin kari doonno iyo inkalena, caalamku waa ina eegayaa Illaahayna ha inala qabtee.

Maxamed Ibraahim Cigaal oo Saxeexaya Joojinta Heshiisyadii Hore

Kadibna June 26-keeda 1960-kii waxaa ay boqoradii Ingiriisku soo saartay, qaraar dhigayay in Ingiriis uu gebi-ahaanba soo gaba-gabeeyeen heshiisyadii ay soomaali-waqooyi hore ula galeen.

Heesihii iyo suugaantii xilligaasi qaybta ka ahaa damaashaadka iyo farxadda madax banaanida waxa ka mid ahaa:

Waa mahad Allee!!!

Maantaba dunida kamid baynu nahoo,

Maatidii iyo madaxeenba banaan,

Waa mahad Allee madaxeen banaan,

Waa mahad Allee madaxeen banaan,

… … …

Waa mahad Allee!!!

Mugdigii Ileys lagu meeriyoo,

Maantaba ileyn weynu muuqanaa,

Waa mahad Allee madaxeen banaan,

Waa mahad Allee madaxeen banaan,

Ereyadii: Abwaan Cabdilaahi Qarshe

Calaankaanu sugeynee,

Sahankiisa ahaynoow,

Seermaweydo hilaacdayoow,

Sagal maanta daroorayoo,

Siigadii naga maydhayoow,

Saq-dhexaanu ahayne,

Kii soo saaray cadceedoow,

Samada kii u eekaayee,

Xidigaha mid la siiyayoow,

Saaxirkii kala guurnaye,

Sareeyoow ma nusqaamoow,

Aan siduu yahay eegno’e

Kaana Siib Kanna Saar

Ereyadii: Abwaan Suldaan Timo-Cade

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?