SOOMAALIDA BIDIXDA FOG (PRO-ETHIOBIANS)

Maxay yihiin? Maxayse Rabaan?

Laga soo bilaabo sanadki 1974-kii wixii ka horeeyay xabashidu siyaasada ay ku shaqeynayeen waxay ahayd mid ku dhisan ciidan xabashi ah oo weerara magaalooyinka iyo deegaanada soomaalida, kadibna dhulkaa ay qabsadaan ka taagaan calankooda, nidaamkooda ku dhisan gumeynta dadka la qabsadana ay ka hirgeliyaan, hadaba markii uu Xayle Salaase qabsaday talada xabashida 1974-kii waxa uu badalay siyaasadii ay hore ugu shaqeyn jireen, waxaanu sameeyay dalkan haatan loo yaqaan Itoobiya, maxaa yeelay; intii hore magacii ay ku shaqeyn jireen waxa uu ahaa Abisiiniya, oo ay muwaadiniin ka yihiin Axmaaro, Tigray iyo Agaw(yuhuud madaw), dhulalka ay qabsadaanna dadka ku nooli adoomo ayay ka dhigi jireen iyaga u shaqeeya, se markii uu xayle salaase yimid, waxa uu sameeyay Itoobiya, deegaanadii ay ku noolaayeen dadkii ay xabashidu qabsadeen sida; Oromada, Canfarta, Dhabuubka, Soomaalida, iyo qaar kale oo badanba u ogolaaday in ay nidaamkii ka mid noqdaan, qoomiyadihii kale badankoodii siyaasadaa way qaateen, se soomaalida ayaa diiday, oo dagaal kala hor tagtay, kadibna si ay soomaalida u soo xero-geliyaan waxa ay sameeyeen in ay la heshiiyaan, oo soo dhaweystaan qabiil kasta iyo deegaan kasta in ka mid ah, weliba inta ugu firfircoon ama ugu xooga badan hadba intii ay ka helaan, kadibna dadkaa ay soomaalida ka heleen waxa ay koox kasta kula heshiiyeen, in ay soo qabtaan dalkoodii ama deegaankoodii, oo iyagu ay noqdaan kuwo hormuud ka noqda halkaasi, kadibna si fudud oo aayar aayar ah, oo farsameysan loo hoos geeyo Itoobiya, waa kooxahaasi kuwa aan u bixiyay Bidixda Fog.

Waxa ay xabashidu hawlgeliyeen dibjirtii ay soomaalida ka dhex urursadeen, oo rag iyo dumarba leh, weliba dumarku u badan yihiin, aynu u bixinno Bidixda Fog maadaama oo ay xaga taban u badan yihiin, dibjirtani wax kasta oo xun ayaa u ah dhaqan, kaasi oo uu ugu horeeyo naceybka ay u qabaan diinta iyo Rabbigoodii abuuray Fanacuudu Bilaahi, Wa Subxaan Allaah.

Hadaba Dibjirku sida caadiga ah waa qofka ka xuubsiibta barbaarinta iyo la noolaanshaha waalidkii ama cidda mas’uuliyadiisa leh, kadibna u banbaxa inuu noloshiisa ku maamulo rabitaankiisa, qofkaasi waxa uu halis u yahay in uu dumiyo noloshiisa ama nolosha dadka kale, maxaa yeelay; wanaaga iyo si-wacan-u-noolaanshuhu waa wax laga dhaxlo sooyaalka nolosha iyo tagtada tijaabooyinkii nololeed ee laga qaaday ama laga helay, taana qofku waxa uu ka heli kara qof jecel, oo si hagar la’aan ah ugaga warama ama ugu gudbiya wixii uu u soo joogay iyo wixii kale ee uu waayaha ka hayo, hadal ahaan iyo ficil ahaanba (af iyo adin labadaba).

Daab-Cadaawahan ama Dibjirtani waxay caan ku yihiin, in ay ka xuubsiibtaan wanaaga iyo wax-wada-lahaanshaha bulshada, waxaad sidoo kale ogaataa in bulsho kasta oo dunida ku nool deegaan gaar u ah: –

  • Wax wey wada leeyihiin, oo waxa la yidhaahdaa Aaye, waxa ka mid ah jiritaanka, isirka, nabadgelyada, is-garabsiga iwm, oo si guud hoos imanaya hawlaha Dad-dhiska, Dal-dhiska iyo Dawlad-dhiska.
  • Waxna wey kala leeyihiin, oo waxa la yidhaahdaa Dan, waxa ka mid ah horumarka qofeed iyo danaha shakhsiga ah, waxaana haga oo qaabeeya dookha iyo dareenka qofka.

Markaa waa in danta qofka ee shakhsiga ahi aanay noqon mid mija-xaabisa aayihii bulshada, ama wixii bulshadu wada-lahayd, hadaba dabaajiirta waaweyni iyaga oo dantooda shakhsiga ah eeganaya ayaa ay talada iyo jaangoynta arrimaha bulshada maroorsadaan, waxay si farsameysan dalka taladiisa u hoos-geystaan gacantooda iyo go’aankooda, dibjirtaasi wuxuun bay ka faa’iideystaan markay dadku ilduufaan ama gunnimada ogolaadaan.

Dadyowga caalamka oo dhami halis ayay ugu jiraan dabaajiirta, waxaana dadyowga horumaray ay intii noloshu jirtayba soo kala dhaxlayeen xogaha laga helay raadinta habka looga gaashaaman karo dabaajiirta, ilaa imikana xalka ugu haboon ee lagaga hortagi karo dabaajiirtu waa talo-wadaaga.

Qaarada ay dabaajiirtu ugu badan yihiin waa Afrika guud ahaan, waana ta keentay in afrikaanku kaga hooseeyaan dadyowga kale dhinacyada:

  • Dad-dhiska {akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba}
  • Dal-dhiska {dhismaha kaabeyaasha nolosha iyo dhaqaalaha}
  • Dawlad-dhiska {sameynta xeerar adag oo isla-xisaabtan leh}

Soomaalida bidixda fog tan iyo xilligii ay xabashidu sameeyeen, waxaa ay fuliyeen hawlgallo ay ku bartilmaameedsadeen la dagaalanka dawladnimada iyo in ay bulshada soomaaliyeed helaan nolol habaysan oo gaar u ah, waana siyaasada guud ee xabashidu ku shaqeeyaan, taas oo yar iyo wayn aaminsan yihiin soomaali dhisantaa waa burburka Itoobiya, waxa ay kooxdan bidixda fog ku guuleysteen:

  • In ay dumiyaan ama gacan-togaaleeyaan dhamaan dawladihii ka dhismay dhulka soomaalida, oo ay ugu dambeysay dawladii kacaanka oo ay hilfaha u qaadeen, markii ay gudaha u galeen kuna yeesheen saraakiil firfircoon ciidamadii xoogii soomaaliya, xisbigii kacaanka iyo xafiisyadii dawlada, kuwaasi oo dadkii soomaaliyeed nacsiiyey dawladnimada, kadibna kiciyay jabhado ay iyagu abaabuleen oo ka sameysmay dadkii soomaaliyeed ee ay iyagu soo qanjiidhiyeen.
  • Kadibna waxay ku xigsiiyeen in bulshada soomaaliyeed ay u diidaan inay madaxa kor ula kacaan, iyaga oo gudaha deegaanada soomaalida ka abuuray dagaal-midgaanno iyo colaado sokeeye, taas oo keentay in ay soomaalidu is-nacaan, dhulkoodana nacaan.
  • Kadibna waxay ku xigsiiyeen in ay deegaankii kharibaan, oo ay isugu daraan xaalufin iyo nabaad-guurin, qashinkana ay si badheedh ah ugu dhex qubaan, si deegaankii u noqdo gudaafad aan lagu noolaan karin, oo aan nafis iyo nasasho lahayn, taasoo keentay in da’yartii dalkooda ku faani lahayd, ee dhismihiisa iyo adeegiisa la garab joogsan lahayd xoogoodu ay iskaga huleelaan, oo ka tagaan.
  • Kadibna waxa ay ku xigsiiyeen in ay soo dejiyaan kumanaan itoobiyaan ah oo Oromo u badan, magaalooyinka waaweyn ee soomaaliyeed gaar ahaan Hargeysa, Boorama, Wajaale ilaa Boosaaso, kuwaasi oo ay ugu talo-galeen in ay ku tarmaan, oo beritoole ay muran geliyaan soo-gelitaankoodii dhowr jiil kadib, halka gobolkii oromiya ee Itoobiyana uu soo siqayo, oo degmadii u dambeysay ee ay la wareegeen 2023 oo ay u bixiyeen Makaniis, waxa ay Boorama u jirtaa wax ka yar 100km.

Xayla-Maryan Style

Hadaba si aynu wax uga ogaano, qaabka ay xabashidu u hawlgaliyeen dibjirtoodii, markii ay dawladii soomaaliyeed dumiyeen, waxa ay sameeyeen in ay xafiisyada dawlada oo dhan dadka jooga yeeshaan ama ugu yaraan xafiis kasta cid ku dhex yeeshaan, ha noqdaan shaqaalaha wasaaradaha ama hay’adaha madaxa banaan ee bulshada u adeega ama ha noqdaan ciidamada kala duwan, gaar ahaan; ciidanka sirdoonka, booliska, asluubta, iyo weliba maxkamadaha.

Qawda Maqashii Waxna Ha U Qaban: (wasaarada heblaayo, wasiir hebel, agaasime hebel, xoghaye hebel, gaashaanle, laba xidigle, sadex xidigle, sareeyo guuto, sareeye gaas), magacyadii iyo xilalkii dadka wax loogu qabanayay way buuxiyeen, se waxba lagu qaban maayo waxaan ahayn af nag-nagleynaya iyo suudh-madaw, booskii way xanibeen hadii la is-odhan lahaa halkaasi ayaa inaga maqan ee ha la sameeyo, cidna ha loo dhiibo, si wax-qabadkii loo helo. Alloow Nooga Soo Gurmo!

Dibjirta ay meelahaa aynu soo xusnay dhigteen, waa kuwo iyaga ogol sida; ehelkooda iyo carruurahooda, ama waa kuwo ay ka adag yihiin oo qorigooda ay hayaan si ay u qabteenba, qofkaasi waxa uu u fulinayaa ama fudeydinayaa ama ugu yaraan xog ka keenayaa wixii hawl ah ee soo gasha halkaa uu u joogo, ama xafiisyada iyo shaqada ka ag-dhaw booskiisa, ee uu wax ka qaban karo, waxaanay meelahaasi ka fuliyaan hawlgallo qarsoon, tusaale ahaan;

  • Qof ka mid ah bulshadii soomaaliyeed ee markii dawladnimadoodii ay xabashidu dumiyeen dayacmay, ayaa ay dibjirtu rabaan inay dalka iyo dawladnimadaba nacsiiyaan, xafiis kasta oo uu wax uga baahdaba waa in ay kii u joogay ku balamiyaan, kadibna qofkii la shirqoolayay xafiiskii uu galaba waxa uu kala kulmayaa wax la’aan, oo diidayna la odhan maayo, waxna loo qaban maayo, af-macaan iyo handadaad, kolba kii ku haboon ayaa lagu wadayaa ilaa uu gaadhayo sidii laga doonayay inuu yeelo, dalka iskaga cararyaa ama dawlada ku kacyaaba.
  • Qofka hantidiisa la dhacayo, kan dhacaya ee lagu dirayo, xafiis kasta oo arrinkaa dhacca ah fudeydin kara kii u joogay ayay ku balaminayaan dibjirtu, oo hawshaa fudeydinaya, raad-tirna ku sameynaya wixii uu qabtay, si aan looga daba iman, kadibna qofkii la dhacayay isaga oo indhihiisu shan yihiin, oo jooga dhexdeena, oo aynu wada arkayno, ayaa hantidiisii ama wixii laga dhacay lagu ag-cunayaa ama lagu ag-haysanayaa, iyada oo hadii uu wax samee is-yidhaahdana dembi lagu soo oogayo, oo loo adeegsanayo isla dawladii magaceeda lagu dhacay.
  • Qof ayaa ay dibjirtu doonayaan inay dadka nacsiiyaan, oo ka dhex saaraan, si ay ceeb iyo magac-dil ugu sameeyaan, waxa ay ku balaminayaan oo ay daba dhigayaan dibjirta inta ciidamada sirdoonka iyo booliska ugu jirta, meeshii uu galaba wey ka daba galayaan, iyaga oo kolba halka uu joogo cida joogta u sheegaya, in lagu daba-jiro oo hawli soo gashay, mana jirto ee iyagaa u sameynaya, xafiisyadii iyo adeegyadii dawlada ayaa ay ka wada xanibayaan, meelaha uu dhaqaalaha ka helo ayay culeys saarayaan, ilaa uu qofku gaadho heer ah Nin cunaha lagu dhagay dhan uunbuu wax ka sii deyn, marka uu qofkii is-difaac yidhaa, ee uu wax sameeyo ayay ku soo jeedinayaan dibjirta qaybtii fadeexadeynta iyo baahinta ceebaha u qaabilsan, oo bulshadii kale ay daawadsiinayaan qofkii, halka dadkii arkayaan uun qofkan wejigiisa cadheysan, ee raba inuu wax sameeyo, ma oga dadku wixii keenay cadhada qofkan ka muuqata iyo inuu halkaa gaadho.

Hadaba qodobadaa aynu soo xusnay, waa tusaaleyaal kooban oo ka mid ah dhibaatooyinka ay u geysteen dibjirta bidixda fog dalka iyo dawladnimadaba.

Kolka waxan oo dhibaato ah ay sameynayaan dibjirtu, iyaga oo adeegsanaya isla nidaamkii dawladnimo ee sharciga, mee madaxweynihii iyo xukuumadii la doortay ee bulshadu ay xilka u dhiibteen? Waa su’aasha u horeysa ee markaaba maskaxdaada ku soo dhaceysa, xeeladan waxaan u bixiyay Xayle-Maryan Style, oo aan ka soo dheegtay taariikh u raadkeedu qoyan yahay, waa hab-talintii Xayle Maryan Dhisaalem, ra’iisal wasaarihii hore ee Itoobiya, kii ka horeeyay Abiy-Axmed, sida itoobiyaanka iyo guud ahaan caalamka u muuqatay, Xayle Maryan waxa uu ahaa ninka u sareeya dalka Itoobiya, go’aankiisuna yahay midka jaangooya arrimaha dhaqan-dhaqaale ama siyaasadeed ee dalka Itoobiya, laakiin markii Oromadu ay mudaharaadada rabshadaha wata ku rideen dawladiisi, waxa uu sheegay in uu ahaa magac kaliya, intii uu xilka hayay wixii itoobiya ka dhacayay oo dhanna ay kooxda TPLF ee isaga xukunka saartay ay lahayd fikir ahaan iyo fulin ahaanba.

Dibjirta bidixda fog; madaxweynaha ama ninka ku fadhiya kursiga u sareeya dalka, waxa ay u calaamadiyaan cirka, waxay u diraan shaqo adag oo wakhti badan ka qaadata ama uu ku ilaawo isla-xisaabtankii, waa shaqooyin aan nuuxsi lahayn oo uu isagu isu arkayo marka uu xilka ka dego in taalo loogu dhisi doono, waxay u sameeyaan kooxo ku haysta kursiga oo dhalanteed ah, iyo dad ku mucaarid ah oo ceebihiisa soo faqa, laga yaabo ama ay u dhowdahayba inay isla dibjirta ka mid yihiin, oo ay is-og yihiin kuwan la socda isaga iyo kuwa ku mucaaridka ahi, ujeedaduna waa si ay uga mashquuliyaan adeegii iyo tabantaabadii bulshada ka sugaysa waxqabadka, iyo weliba xubnaha ku magacaaban xilalka dawlada ee uu isla isagu magacaabay, la-xisaabtankoodii shaqada ay u hayaan bulshada.

Si guud hadii aynu isu dul taagno, marka horeba madaxweynaha fulintiisu waa soo saarida waraaqo ay ku qoran yihiin go’aanadiisa iyo taladiisu, se cida sida dhabta ah hawsha dawlada qabata, ee gacantooda ula tagtaa waa shaqaalaha iyo ciidamada ka shaqeeya qaybaha kala duwan ee dawladu ka kooban tahay, kuwaana waxa aynu soo sheegnay; waa halka ay biyo-dhigteen dibjirta bidixda fog.

Hadaba waxa is-weydiin mudan qaabkee ayay xabashidu ku heleen dibjirta bidixda fog, ama side ayay ugu suurtogashay in ay helaan dad soomaaliyeed, oo dhinaca la qabta gumeynta umadda soomaaliyeed? Aan idin la wadaago xogtani:

Sidaan hore soo xusay weftigii uu Maxamed Ibraahim Cigaal hogaaminayay ee la kulmay boqorkii xabashida Xayle Salaase, waa kii ku yidhi soomaalidu waa qoys naga mid ah, isaga oo midabka iyo muuqa ka dhigay daliilka uu ku xaqiijinayo hadalkiisa, hadaba soomaalidu midab ahaan waxa ay leeyihiin maariin, casaan iyo madawba, inkasta oo soomaalidu u badan tahay midabka maariinka ah, ee u dhexeeya madawga iyo casaanka, kala-duwanaantaasi xaga midabku waxa ay soomaalida u horseeday khilaaf ba’an.

Soomaalida dhexdeeda waxa jirta dood aad u xasaasi ah, oo dhinacyadeedu ay aad isu diidan yihiin, iyada oo doodaasi dadka soomaaliyeed ka dhigtay cadaw wada yaal, isla markaasna galaafatay wadajirkoodii, doodaasi waa midda uu nuxurkeedu yahay Meel-Ka-Soo-Jeedka umada soomaaliyeed, ama halka ay ku abtirsadaan soomaalidu, ma odey kaliya ayaa ay ka soo wada farcameen, mise soomaalidu waa is-bahaysi ka kooban qabaa’illo kala abtirsiin duwan?

Doodani waa mid si baahsan u dhex taala soomaalida, iyada oo dhinacyada soomaaliyeed ee ay doodani dhex taalaa ay kala aaminsan yihiin labadani:

  1. Soomaalidu waxa ay ka soo jeedaan Carab…
  2. Soomaalidu waxa ay ka soo jeedaan Afrikaan (aragtidan waxa ku hoos qarsoon soomaalidu waa Itoobiyaan, soomaali badan ayaana qabta)

Doodani labadeeda dhinacba daliilka ama xujada ay ku xoojinayaan aragtidoodu waa midabka iyo muuqa, inkasta oo maanta ay jiraan dad keenay cadaymo kale, oo ay ka mid yihiin qormooyin waa’a hore laga qoray odayadii laga soo farcamay qaarkood iyo abtirsigoodii, halka qaar kalena heleen astaamo iyo sumado waa’a hore la dhigay, oo ku xardhan godad iyo dhagxaan qadiimi ah, se ilaa maanta doodaasi waa la isku maan-dhaafsan yahay.

Waagii hore doodan saameynteedu may ba’neyn, walaw ay daalin jirtay ama xiijin jirtay kolba kooxdii ama dadkii doodaasi dhex gala ee isku furfura ka hadalkeeda, hayeeshee taariikhdu markii ay aheyd 16/02/1974 ayaa doodani yeelatay weji cusub, maxaa yeelay; xilligaasi waxa ay dawladii soomaaliyeed ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare si rasmi ah ugu biirtay ama ay ka mid noqotay midawgii carabta.

Xilligaa laga soo bilaabo, doodani waxa ay noqotay mid saameyn xun ku leh bulshada soomaaliyeed, waxa ay horseeday khilaaf iyo cadaawad qarsoon oo soo kala dhex gashay dadkii walaalaha ahaa, ee xididka iyo xigaalka ahaa, waxa ay sabab u noqotay burburkii dawladii dhexe ee soomaaliya, waxa kale oo ay horseeday irdhowga iyo kala-fogaanshaha umadii soomaaliyeed ku dhacay, taasi oo ilaa iyo maanta dhibteedu socoto, maxaa yeelay; dadkii iyagu qabay ama aaminsanaa in meel-ka-soo-jeedka soomaalidu yahay afrikaan, ayaa isu arkay in laga guuleystay, oo dhinacii ay is-hayeen ka gacan-sareeyeen, waxaabad moodaa in ay isku arkeen, in lagu yidhi: khasab ku noqda wax aanay ogoleyn, lagana dhigay, kadibna iyaga oo aarsi iyo iska-caabin wada, waxa ay sameeyeen wax kasta oo ay ku hor-istaagi karayeen sii-socoshada dawlad soomaaliyeed oo ka mid ah midawga carabta.

Waxa dagaalkaasi si adag uga qayb qaatay dadka diidan abuurtooda, ama diiqad kaga jira sida wejigoodu u eeg yahay, dadkaasi iyaga oo aad moodo in ay Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye dagaal kula jiraan ama u cadheysan yihiin, ayaa waxa ay sameeyaan dhamaan xumaanta noocyadeeda kala duwan, waxa ay col la yihiin dadka midabkoodu cas yahay ama il-qabatin leh, qabaa’illada soomaaliyeedna way ku kala duwan yihiin saameyntooda, dadkaasi cadheysan waxay aad ugu tiro badan yihiin qaba’ilka soomaaliyeed kuwooda aaminsan in ay ka soo tafiirmeen carabta, sida (Reer Sheekh Isaxaaq & Reer Sheekh Ismaaciil Jabarti).

Waxa iyaguna ku soo biiray, oo aad ula xoojiyay sannadahan u dambeeyay dagaalka, laba qaybood oo ka tirsan qurba-joogtii dalka ku soo noqotay, oo kala ah:

  • Dadkii soomaaliyeed ee u tacabiray dhulalka carabta, kadibna halkii ay tageen kula soo kulmay faquuq iyo cunsuriyad kaga timid carabtii ay u qaxeen, waxa ay dadkani qaarkood naceenba diintii Islaamka iyaga oo yidhi waxaa iska leh carabta, ee tuurnay waxooda!
  • Dadkii soomaaliyeed ee u qaxay dhulalka reer-galbeedka, kadibna aad ula soo qabsaday hab-dhaqankii gaalada ay ka soo barteen, kolkaa markii ay ka waayeen dhaqannadaasi ay la soo qabsadeen deegaankeena, isla markaana ay ogaadeen in diinta Islaamku aanay ogoleyn wax badan oo ay rabaan sameyntiisa, waxa ay taasi u horseeday colaad ay u qaadeen Diinta iyo cidii ku dhaqantaba.

Sheeko: waxaan galay maqaaxi, markii aan kursigii dabada saaray, ayaa waxa aan maqlay laba qof oo sheekaysanaya, way ii dhow yihiin codkoodana waan maqlayaa, inkasta oo ay codka kolba hoos u dhigayeen, midbaa ka kale tashkiilinaya, waxa uu ku leeyahay: waad arkeysaa halkan waxba kuma hayno, waa la ina wada dhaafay, Itoobiya imika shiidaalna way heshay, iyaga ayaynu u shaqo tageynaa, hadalkiisu faseex muu ahayn, hab-u-hadalkiisa waxa ku jiray laaxin, sida ay u hadlaan dadka qurbaha ku raagay oo kale, kan kale waxa uu iila muuqday ehlu-mirqaan, wuu ka gurayaa isagu, oo wuu u nacamleynayaa, in woxogaa ah ayaanu is-ag-fadhinay, ninkaasi waxa uu ninkaa kale ku qancinayay, in uu ka aqbalo in aan soomaali isu talin kareynin ee ay ku biiraan dalkaa Itoobiya, olole Itoobiyaanimo ayuu waday!

Ku-biiritaankii Jaamacadda Carabta kadib, waxay dadkani xidhiidh dhow, oo aad u dhagaraysan la sameysteen xabashidii, iyada oo xidhiidhkoodana ay fudeydiyeen dibjirtii uga horeysay, ee hore ula safneyd xabashidu, waxa ay isbaheysigaa bidixda fog xoog iyo xoolaba la garab is-taageen qorshayaashii ay Itoobiyaanku ku doonayeen in lagu dumiyo soomaalida.

Sida ay xusseen inbadan oo ka tirsan saraakiishii soomaaliyeed, ee ka qayb qaatay dagaalkii soo-celinta rajada soomaali-galbeed, ee dhex maray soomaalida iyo xabashida sanadihii 1977-78, waxa ay sheegeen in itoobiya xaga sirdoonka ama xog-helida kaga fiicnayd soomaalida, waa runtood maxaa yeelay; waxa ay itoobiya dadkii ka cadhooday ku biiritaanka jaamacada carabta ka heshay ciidamo muraaqaysan, oo rag iyo dumarba leh, kuwaasi oo si xamaasadeysan ugu adeegay rabitaankii itoobiyaanka, ilaa iyo maantana dadkaasi iyaga oo qoysas aad u tiro badan ah, oo weli ciidan iyo cududba u ah itoobiya, ayaa waxa ay ku dhex nool yihiin, oo ay ku dhex filiqsan yihiin dhamaan degmooyinka iyo deegaamada soomaaliyeed, ma sheegtaan oo ma soo bandhigaan taageeradaasi ay u hayaan Itoobiyaanka, laakiin si qarsoon oo xeeladeedu tahay “abeeso dhul u eeki bay kugu dishaa, daalimna dad u eeki ama lugna baqo ugu joog lugna dirir” ayaa ay u fuliyaan dhagarta itoobiyanku soo qoolaan.

Bidixda-Fog waxa ay gacan weyn ku lahaayeen aasaaskii jabhadihii dumiyay dawladii dhexe ee soomaaliya, iyaga ayaa gudaha iyo dibadaba ka wadey hawlaha, waa iyaga kuwa hirgeliyay in jabhadihii ay hogaaminayeen siyaasiyiinta madaniga ahi ay isu rogaan jabhado hubeysan, oo ciidamo iyo saldhigyo ku leh gudaha dhulka itoobiyaanku haystaan, ololahaasi waxa qaybta u weyn ka qaatay dumarka, oo iyagu ahaa kuwii durbaankii gudaha tumayay, iyaga oo salladda suuqa ay la tagaan raacinayay naxli iyo naceyb ay afka ka faafinayeen, waxa ay sheekooyin been-abuur u badan u sameyn jireen gaas-dhagoolaha, si ay ugu qanciyaan ka-qaybgalka dagaalka ay kula jiraan dawlada, sida afarleydani oo kale:

  • Raggaa dulcad Joogee
  • Daqiiqda xashaaya
  • Iyaba cilmi weeyee
  • Calaamo ha fuusho

Markii ay dumiyeen dawladii dhexe, kadibna uu dadkii noqday dawlad la’aan, halkaa kumay joogsane waxay bilaabeen in ay fuliyaan wixii ay Itoobiyaanku kula soo balameen, waxa ay si xeeladaysan u bilaabeen weeraro qarsoon sida Sixirka iyo Hoos-U-Dilka oo ay ku xasuuqayeen dadkii war-moogta ahaa, ee aan dhaadeyn halka sartu ka qudhuntey! taladii dalkuna iyaga ayaa ay gacanta u gashay, kadibna nidaam kasta oo dawladeed oo ka hirgala guud ahaan Soomaaliya waxa ay u dumiyaan si qarsoon, si ay soomaalida inta soo hadha ugu qanciyaan, in aan soomaali is-maamuli kareynin, oo sida u fiicani ay tahay in ay ku biiraan Itoobiya ama iskaga qaxaan oo cidleeyaan dhulka.

Weerarka qorsheysan ee xabashidu ku dumiyeen soomaalida, hadii aan xuso inta aan ka ogahay, ee aan xogtiisa hayo, waa sidan:

  • Wejiga 1aad: In dadka la isku diro, oo colaado, naxli iyo naceyb la dhex dhigo, si loo yareeyo ama looga hortago is-xulafeysigooda iyo isu-hiilintooda.

Si hawshani ugu fusho, waa in la helo dad ka mid ah cida la doonayo qabiil ahaan iyo qowmiyad ahaan ba, kadibna dadkaasi waxa lagu khasbayaa in ay abuuraan xaalad colaadeed, oo inta ay dadka dhex galaan kolba dhinac u ridaan hubkooda, waliba waa in dagaalkoodu noqdo mid qarsoon, si dadka la doonayaa u kala garan waayaan qofka dhibka wada iyo qofka kale, kadibna uu qof iyo qoys kastaaba uu ka shakiyo ama eedeeyo qoyska ku xiga, waxa qorshahani si hagar la’aan ah ugu fuliyay xabashida, kooxdii inkaarneyd ee bidixda fog.

Xaafadaha iyo sakadaha ku yaala magaalooyinka, waxa ay soo dejiyeen qoysas xaalad-abuur ah amaba sixirooleyaal ah, oo dadka dhib iyo qaxar ku silciya, weliba qoyskaasi marka ay la soo degaan, inta hore waxa ay dadka tusayaan wanaag badan, marka ay dadka shaki tiraan, waxa ay bilaabayaan dagaalkaa qarsoon, kadibna muddo aad u gaaban ayaa xaafadii ama sakada dadkii ku noolaa ay is-wada-nacayaan, oo colaad iyo naceyb ka dhex abuurmayaa, waliba waxa taasi ka sii daran, marka qoys kasta si gaar ah ay dhibtu u soo gaadho, cid dhibkiisa wax ka qabatana uu waayo, ileyn waatan si hoose loo dilayo’e, waxa uu isna si toos ah isaga garab maraya xumaan dhacaysa oo uu arkayo, isaga oo odhanaya “Anigaba waxan iyo wax ka xun ayaa igu dhacaye miyay cidi ii soo gurmatay, maxaa iga galay?”, kadib xaaladaasi waxa ka dhalanaya in dad badani ay xamili kari waayaan dhibta, oo ay miciin bidaan qax iyo tahriib, sidaana ku cidleeyaan dhulkoodii.

  • Wejiga 2aad: Marka dadku is-nacaan, ee ay kala dhintaan, colaadooduna ay badato, ee ay badhna qaxaan, badhna ay noqdaan ciil-ku-nool, waxa lagu bilaabayaa weerarka labaad oo ah Gaajeysiin, in si qarsoon iyo si muuqataba loo weeraro qoys kasta isha uu dhaqaaluhu ka soo galo, kadibna marka dad badan ay xaalad faro-madhnaan ahi la soo deristo, waxa ay cadawgu helayaan dad gumeysiga ogol, oo wixii la faraba yeelaya, oo damiirlaaweyaal ah, oo madiidayaal ah, oo sidii la doono laga yeeli karo.
  • Wejiga 3aad: Marka la-gumeystayaashu ay bataan, waxa cadawgu si fudud uu u fulin karaa Illaahay Amarkii, wax kasta oo uu rabo, hadii ay tahay dhul-balaadhsi, gumeysi, dulmi badheedh ah, axkaamta diinta oo la cebeeyo iyo aqoonyahannada oo lala dagaalamo ama la-sharaf-dilo, wanaaga oo lala dagaalamo, xumaanta oo la faafiyo, dadka oo la gaaleysiiyo ama diin aan Islaamka ahayn oo la faafiyo iyada oo halku-dhig laga dhiganayo: “Ciisaa Bidiinih, Muusaa Bidiinih…” waanay dhacday, oo waxa ay ka hirgeliyeen dhamaan dhulkii soomaali galbeed iyo hawdba kaniisado, sida Harta-sheekh, Wajaale, Hargeysana iyaga oo hawlgelinteedii ku jira ayay dadku ku kaceen.

Sheeko: Wuxuu yidhi: safarkaygaasi Itoobiya cid ila ogeyd may jirin, xata qoyskayaga umaan sheegin, wuxuu ahaa safar aan doonayay, in aan ku soo fushado hawl yar oo aniga gaar ii ahayd, oo aan ku soo dhamaysanayay muddo gaaban, markii aan meeshii tagay, waxaan ugu tagay magacaygii iyo warbixintaydii oo sii taala miiska, waan yaabay ayuu yidhi, oo waxaan is-weydiiyay yaa xabashida sii ogeysiiyay safarkaaga, kadibna markii aan maskaxda baadhay, waxaan xasuustay nin aannu muddo badan saaxiib ahayn, oo weligiiba reer Hargeysa ahaa, oo aannu ku kulannay meeshii ama istaankii aan gaadhiga ka soo raacayay ee Hargeysa, kadibna inta uu I weydiiyay, ayaan u sheegay in gaadhigan aan Itoobiya u raacayo, oo aan markaaba ka soo noqonayo, wuxuu yidhi “Waxa aan illaa imika la yaabanahay, ninkaasi sida uu Itoobiyaanka ugu noqday basaaska…” Laakiin dadka lama saadaalin karo, hadii aanu qofku xidhe lahayn, duruufta ayaa ka adag.

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?