Markii ay saldanadii Ajuuraan ay burburtay, waxa sameysmay saldanaddo iyo maamulo kala gaar-gaar ah, oo ay kala sameysteen qabaa’ilkii ku wada jiray Saldanadii Ajuuraan ee balaadhneyd, maamuladaasi waxa ka mid ahaa Saldanadii Geledi, oo ka talineysay dhul-balaadhan oo ka kooban gobolada maanta loo yaqaano Baay, Bakool iyo Jubooyinka.
Waxa kale oo ka mid ahaa maamuladii sameysmay burburkii Saldanada Ajuuraan kadib Saldanadii Hobyo, oo ka talineysay gobolada maanta loo yaqaan Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan qaarkeed, taasi oo caasimadeedu ahayd magaalada Hobyo, waxa Saldanadanina uu maamulkeedu socday laga soo bilaabo sanadkii 1884 ilaa iyo 1927-kii.
Burburkii saldanada Ajuuraan kadib, laga bilaabo magaalooyinka Muqdisho, Marka, Baraawe ilaa iyo xeebta Laamu ee Jubada Hoose, waxa la wareegay oo maamuli jiray saldanadii Sansibaar, taasi oo ay caasimadeedu ahayd jasiirada sansibaar ee haatan ka tirsan wadanka tansaaniya, saldanada sansibaar waxay ka talin jirtay xeebaha ka bilaabma Muqdisho ilaa iyo xeebta Muusaambiig, waxa bilaabay oo maamuli jiray carab reer cumaan ah.
Hadaba sanadkii 1889-kii ayaa suldaankii Hobyo ee Cali Yuusuf Keenadiid iyo suldaankii Sansibaar waxa ay heshiis wada-jir ah la galeen Talyaaniga, si uu dhulka saldanadahooda u ilaaliyo, muddo kadibna waxa uu suldaankii sansibaar talyaaniga ku wareejiyay laga bilaabo magaalada Warsheekh ilaa iyo magaalada Baraawe muddo 25 sanadood ah, isaga oo kaga kireeyay sanadkii lacag lagu sheegay 160,000 oo liire.
Sanadku markii uu ahaa 1902-dii ayaa uu talyaanigu doonay inuu magaalada Marka soo dego, oo maamul iyo nidaamkiisii ka sameeyo, se qabiilka Biimaal oo deegoonkoodii uu yahay dhulkaasi ayaa dagaal iyo jihaad kala hortagay talyaanigii, iyaga oo diidan in gaal soo dego dhulkooda, waxa talyaanigu urursadey ciidamo badan oo uu kula dagaalamo qabiilkaasi, Biimaalkiina way is-abaabuleen, hogaankoodiina waxa ay u doorteen laba wadaad oo la kala yidhaahdo Sheekh Cabdi Abiikar Gaafle iyo Macalin Kabtooli.
Dagaalkii u horeeyay ee Biimaal iyo talyaanigu waxa uu dhacay sanadkii 1904-tii, waxaanu ka dhacay deegaanka Fiinloow, waxa ciidamadii biimaalku jabiyeen talyaanigii, hadana mar kale ayuu talyaanigu duulaan kale ku soo qaaday biimaalka, dagaalkaasi oo ka dhacay deegaanka Cadcaddey, markii labaadna waa laga guuleystay, mar sadexaad ayaa uu talyaanigu weerar soo qaaday, waxa la isaga hor yimid deegaanka Xaar-xaar, markii sadexaadna Biimaalka ayaa ka adkaaday talyaaniga, hadana mar afraad ayaa uu talyaanigu soo weerar tagay, iyada oo markanna la isaga hor yimid deegaanka Jilib, kii afraadna lagu jebi talyaanigii.
Waxa dagaalkii isku bedelay Jihaad iyo in gaalka la eryo, iyada oo dadka muslimiinta ah loo ilaalinayo diintooda, si aanu gaalku u fitneynin, waxa markaa soo galay Jihaadkii oo biimaalkii xoojiyey qabiilka Sheekhaashta, oo deganaa magaalada Gandarshe, kuwaasi oo ahaa culimo aad loo ixtiraami jiray, markii uu talyaanigu cag soo dhigi waayay dhulka xeebta ah, ee uu iibsadey, waxa uu qaylo-dhaan u dirsadey ciidankiisii fadhiyay Ereteriya iyo Liibiya, waxa uu soo urursadey ciidan aad u tiro badan, kadib sanadkii 1908-dii wuxu duulaan ku qaaday magaalooyinka Jilib iyo Gandarshe oo uu go’doomiyay, waxaanu halkaa ku dilay soomaali aad u tiro-badan, oo ahaa kuwii maamulkiisa diidanaa, dabadeed ciidankii biimaalkii iyo sheekhaashtu waxa ay ka carareen dhulka xeebta ah, iyaga oo fuuley buuraha iyo dhulka taagaga ah, intaa kadib talyaanigu kama daba tegin, waxa uu isku fidiyey dhulka u dhaxeeya magaalooyinka Aw-dheegle ilaa iyo Afgooye ee webigu maro, sidaana waxaa uu talyaanigu ku degay koonfur, isaga oo kolba dhinac u durkayey, ilaa uu wada gaadhay koonfur oo dhan, kana sameystay maamul u gaar ah.
Waxa uu talyaanigu bilaabay inuu heshiis la galo nin la yidhaahdo Olol-Diin oo ka mid ahaa tafiirta qoyskii maamuli jiray saldanadii Ajuuraan, hub iyo lacagna uu siiyay si uu maamulkiisa u gaadhsiiyo ilaa iyo magaalada Qalaafo, ee caasimada u ahaan jirtay Saldanadii Ajuuraan.
Taasi waxa ay keentay in uu bilaabmo dagaalka nooca loo yaqaano Proxy War, oo ah mid shisheeye isu adeegsado dad walaalo ah, waxa ay Xabashidii iyaguna soo kiciyeen qabaa’illadii ku noolaa dhulkii soomaali-galbeed ee ay qabsadeen, si ay dib ugu riixaan talyaaniga u soo durkaya dhanka galbeed, dadkii ay soo kiciyeen waxa ka mid ahaa nin la yidhaahdo Cumar Samater oo talyaaniga ku weeraray magaalada Ceelbuur sanadkii 1926-kii, una diiday talyaaniga inuu hore ugu soo durko dhinaca galbeedka.

Isu-adeegsigii soomaalida markii labada dhinacba ay guul ka gadhi waayeen, waxay ka fursan weydan in ay toos isu waajahaan talyaaniga iyo xabashidu, halkaasi oo uu talyaanigu laba jiho ka soo weeraray xabashida, labadaa jiho oo kala ah xaga Ereteriya iyo xaga Soomaali-Koonfureed, kadibna bishii May 1936-kii ayaa uu talyaanigu si buuxda u wada qabsadey dhulkii ay xabashidu ka arriminayeen oo dhan ilaa Addis ababa.
Markii uu bilaabmay dagaalkii labaad ee adduunku August 1940-kii, waxa talyaanigii haystay soomaali-koonfureed uu duulaan ku soo qaaday Ingiriiskii haystay soomaali-waqooyi, waanu ka adkaaday Ingiriiskii, muddo 7-bilood ah ayuu talyaanigu ka talinayay dhulka soomaali-waqooyi, kadibna Ingiriis ayaa dib isu soo abaabulay oo talyaanigii ka saaray dhulkii soomaali-waqooyi iyo soomaali-koonfureedba, hadaba intii uu Ingiriisku haystay soomaali-koonfureed waxa bilaabmay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay hormuud u ahaayeen dhallinyaro soomaaliyeed oo is-abaabulay, waxa ugu xoog roonaa taariikhdu markii ay ahayd 13/May/1943 naadi ay ku baaqeen sadexda nin ee la kala yidhaa CabdulQaadir Sakhaawe-Diin, Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharma’arke iyo Xaaji Maxamed Xuseen, waxay Ingiriiskii ka codsadeen inuu u ogolaado inay sameystaan xafiis ama bar-kulan kaasi oo ay u bixiyeen Somali Youth Club(syc), kaasi oo ay muddo todobaado ah kala xaajoonayeen Ingiriiska furitaankiisa iyo xeer-hoosaadkiisaba, kadibna waa uu u ogolaaday inay furtaan.
Hadaba sanadkii 1945-kii markii dagaalkii labaad ee adduunka laga adkaaday xulafadii Talyaaniga, Jarmalka iyo Jabaan waxa lagu khasbay in ay ka baxaan dhamaan dhulalkii ay haysteen oo dhan, kolkaasi waxa uu talyaanigii ka baxay Itoobiya, Soomaaliya, Eretariya iyo Liibiya, waxaana lagu wareejiyay oo dhulalkii ay ka baxeen la wareegay UN-ta.
Markii talyaanigu ka baxay guud ahaan Itoobiya, waxa ay xabashidu hoosta soo gashadeen dhamaan dhulweynihii soomaali-galbeed, iyaga oo indhaha caalamka tusay kana dhigay in qabaa’ilkii la dagaalamayay talyaanigii ka soo durkayay xaga soomaali-koonfureed ay u dagaalamayeen Itoobiyaanimo, xeeladaasi waxay ku muquuniyeen rabitaankii shacabka ku nool guud ahaan intii ka hadhay dhulkii Oromadu liqday ee soomaali-galbeed.
Xabashidu waxaa ay ku doodeen in aanay xoog ku qabsanin qabaa’illadaa soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya, se ay heshiisyo kula midoobeen kuna saxeexeen kamid ahaanshaha Itoobiya, waxase aynu ognahay goorta la odhan karo heshiis ayaa dhacay, waa marka dhinacyada heshiiska wada galayaa ay xor u yihiin diidmo iyo yeelid labadaba, iyaga oo aan cabsi iyo werwer ka qabin, hadii ay diidaan in dhibi soo gaadhi doonto.
Sida la sheego intii uu talyaanigu soomaali-koonfureed haystay, waxa uu dhulkaa ka sameeyay tacadi badan, maxaa yeelay; talyaaniga iyo garmalku la mid may ahayn dalalka kale ee reer yurub, waxa haystay nidaamyo macangag ah oo kaligood-taliyeyaal hogaamiyaan, kolkaa dadkii soomaali-koonfureed aad ayaa ay ugu dhib qabeen nidaamkii talyaaniga, waxa talyaanigu ka sameystay beero waaweyn dhulka webiyadu maraan, isaga oo kala soo bixi jiray midho badan oo kala duwan, waxa aynu ka xusi karnaa beeraha muuska ee ilaa maanta ku baahsan dhulka webiyada ah, dadka soomaali-koonfureed umay furfurneyn badankoodu in ay u adeegaan gaalka, oo uu ku shaqeysto, taasi waxa ay keentay in talyaanigu uu keensado dad badan oo ka mid ah qoomiyada Baantuuga, kuwaasi oo tafiirtoodii ay ilaa maanta ku nool yihiin deegaannada koonfurta soomaaliya, loona yaqaano soomaali-baantu.
Sanadkii 1947-kiina waxa naadigii SYC uu isku bedelay Somali Youth League, waxa ay gudoomiye u doorteen Cabdulaahi Ciise Maxamuud, xilligaasi waxa xubno ka ahaa dad lagu qiyaasay 25000 oo qof, waxa ay xarumo ka furteen deegaanada Soomaali-Koonfureed, Soomaali-Waqooyi, Waqooyiga Kiiniya, Soomaali-Galbeed, Hawdkii la siiyay xabashida iyo magaalada Harar, waxa ay bilaabeen dugsiyo waxbarasho, iyago dhiirigeliyay in wax lagu qoro far-soomaaligii cusmaaniyada, waxa ay SYL halgan u gashay inay soomaalida ku baraarujiso wadaniyada iyo ka-xoroobida reer-yurub, xubnihii aasaasay ururkaasi SYL ee 13-ka ahaa, waxa ay kala ahaayeen:

- CabdulQaadir Sakhaawe-Diin
- Xaaji Maxamed Xuseen
- Dheere Xaaji Dheere
- Yaasiin Xaaji Cusmaan
- Daahir Xaaji Cusmaan
- Maxamed Xirsi Nuur
- Cali Xasan Maxamuud
- Maxamed Cali Nuur
- Cismaan Geedi Raage
- Maxamed Faarax Hilowle
- Maxamed Cusmaan Baarbe
- Huudoow Macalin Cabdile
- Maxamed Xaaji Cabdulaahi “Xayeysi”
Markii talyaaniga lagu jebiyay dagaalkii labaad ee adduunka, ee laga eryay dhulalkii uu haystay oo dhan, oo soomaali-koonfureedna ay ka mid ahayd meelihii uu ka baxay, ayaa Jimciyada Qaramada Midoobay ay wefti u soo direen Muqdisho, si ay dadka uga soo wareystaan waxa ay rabaan iyo sida ay yeelayaan talyaaniga kadib, ururadii siyaasadeed ee aasaasmay intii uu Ingiriisku haystay soomaali-koonfureed sida; SYL, Xisbiya Digil & Mirifle iyo kuwo kaleba ayaa weftigu wareysteen, kolkaa waxa soo baxday xilligaasi kala qaybsanaan, SYL waxa ay yidhaahdeen aan anagu isu talino, halka ururadii kale oo u badnaa kuwo qabiil oo si dhow ula shaqeynayay maamulkii talyaaniga, laguna xanto inuu talyaanigu soo abaabulay, ay dalbadeen in talyaanigu sii haysto soomaali-koonfureed muddo lagu sheegay ilaa 30-sanadood oo kale.
Nov/1949-kii ayaa Qaramada Midoobay UN waxay soo saareen go’aan ama qaraar tirsigiisu yahay (resolution 289-IV) kaasi oo sheegayay in Talyaanigu sii haysto soomaali-koonfureed muddo 10-sanno ah, 1959-kana uu gobonimada siiyo, isla markaa soomaali-koonfureedna ay muddadaasi isu diyaariyaan ciddii kala wareegi lahayd talada, waxa inta kadib talyaanigu ra’iisal-wasaare ka dhigeen Cabdilaahi Ciise Maxamuud Feb/29/1956, oo ahaa gudoomiyii ururkii SYL.

Si aynu hadaba wax uga ogaano qaabkii uu maamulku ahaa, aynu eegno xog-ururin ay sameeyeen gollaha shacabka federaalka soomaaliya, kuna baahiyeen bartooda https://gsh.parliament.gov.so taariikhdu markii ay ahayd 10/May/2018, waxa ay kaga waramayaan taxanihii gollaha sharci-dejinta soomaaliya, warbixintaasi waxa ay u dhigan tahay sidan:
Soomaali-Koonfureed; markii ugu horreysay ee Soomaalida ku nool dalkii loo yiqiin “Somalia Italiana” laga qayb-geliyey aayaha dalkooda, loona dhisay golle u habaysan qaab baarlamaan, wuxuu ahaa xilligii Talyaanigu uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya ee ay Qarammada Midoobay u dhiibtay.
1951-kii golihii u horreeyey oo qaab barlamaan u dhisan ayaa laga aasaasay Muqdisho, waxaana la odhan jiray “Consiglio Territoriale” ama “Al-majlis Al-Iqliimi”, magaca rasmiga ah ee xubnuhuna wuxuu ahaa “Consiglieri Territoriali”.
Xubnuhu waxay ku iman jireen hab magacaabid (nomina), may ahayn kuwo doorasho toos ah ku yimaada, magacaabiddaas oo uu xeer ku meelmarin jiray xaakimkii Talyaaniga ahaa ee Soomaaliya (Amministratore), soo-jeedinta se waxa lahaa qaybaha bulshada ee xubnahaasi ay matalayeen.
Xubnaha Golluhu “Consiglio Territoriale” waxay ka iman jireen 5 qaybood oo kala ahaa:
- Xubno ka socda Gobollada dalka (Rappresentanza Regionale)
- Xubno ka socda Xisbiyo siyasadeed (Rappresentanza politica)
- Xubno ka socda qaybta dhaqaalaha (Rappresentanza economica)
- Xubno ka socda hiddaha iyo dhaqanka (Rappresentanza cultrtale)
- Xubno ka socda jaaliyadihii shisheeyaha ahaa ee degganaa dalka (Rappresentanza delle Comunita’ minori).
Muddada xilku waxay ahayd hal sano, xubnuhu may lahayn mushahar ama gunno-bileed, waxay qaadan jireen gunno-fadhi, la siiyo marka ay shirka ka soo qayb galaan, si ay uga dabarto kharashka kaga baxa safarka ilaa Xamar, uguna soo dhiiradaan inay fadhiyada golaha ka soo qayb galaan.
Fadhiyada gollaha “Consiglio Territoriale” waxaa guddoomin jiray madaxa maamulka AFIS (Amministratore) ee dawladda Talyaaniga ama sarkaal uu isagu soo wakiishay.
Laba guddoomiye ku-xigeen ayaa uu goluhu lahaa waagaas, waxayna kala ahaayeen Aaden Cabdulle Cusmaan iyo Cabdinuur Maxamad Xuseen oo ka kala tirsanaa xisbiyadii SYL iyo Hizbiya Digil & Mirifle (HDM), goluhu wuxuu ku shaqeyn jiray xaruntii hore ee “Comando di Polizia” oo ku tiil meeshii markii dambe laga dhisay daarta “Banca Commerciale”
Intii uu jiray golihii lagu magacaabi jiray “Consiglio Territoriale”, tirada xubnaha golaha isbeddello ayaa hadba ku dhacayey, sanadkii 1951 oo la dhisay golihii u horreeyey, xubnuhu waxay ahaayeen 35 xubnood, oo isugu jiray soomaali iyo ajaanib ka wakiil ah jaaliyadihii shisheeye, ee dalka degenaa oo ay ka mid ahaayeen Carab, Talyaani, Hindi iyo Baakistaan.
Sanadkii 1952 gollaha oo weli wata isla magicii ahaa “Consiglio Territoriale” tiradii xubnaha waa la kordhiyey, waxaana la gaadhsiiyey 44 xildhibaan, halka sanadkii 1953 xubnihii golaha la gaadhsiiyey 51 xubnood, se sanadihii 1954 iyo 1955 tiradii xubnaha wax isbeddel ah laguma samayn.
Kolkaa sanadihii 1951 ilaa 1955 waxaa soomaali-koonfureed ka hirgalay shan gole oo mid kastaba muddadiisu ahayd hal sano, oo ilaa xad talo ka dhiiban jiray shuruucda iyo xeerarka cusub ee dalka loo dejin jiray, ra’yina laga weydiin jiray tallaabooyinka muhiimka ah ee maamulkii AFIS.
Sanadkii 1956 waxaa la qabtay doorasho baarlamaan tii ugu horreysey ee soomaali-koonfureed ka dhacda, xubnaha golluhu waxay noqdeen kuwa dadweynuhu soo doorteen, tartanna loo galay, tiradii xubnaha golluhuna way korodhay, oo waxaa ay gaadhey 70 xubnood, oo isugu jira lixdan (60) soomaali ah iyo toban (10) shisheeye ah, xubnaha ka socda jaaliyadaha shisheeye waxa si gaar ah u soo xulan jiray wakiiladooda.
Doorashada dhacday Feb/29/1956 kadib, magacii gollaha waa la badaley, waxaanu noqday “Assemblea Legislativa / Golaha sharci-dejinta”, kolkaa waxaa dhismay baarlamaan dhab ah, oo ka mas’uul ah dejinta shuruucda dalka, waxaa loogu waqlalay inuu yahay gollihii koowaad ee sharci-dejinta soomaali-koonfureed (Prima Legislatura della Soomalia), xubnihii la soo doortay waxay noqdeen “Deputati”, magacii hore loo yaqaaney “Consiglieri Territoriali” sidaas ayuu ku joogsaday, waxaa xarun u noqotay daartii caseyd, ee loo yaqaaney Daarta Barlamaanka, taasi oo ku taalay badhtamaha Xamar.
Kal-fadhigii koowaad ee gollaha waxa guddoomiye loo doortay Mudane Aden Cabdulle Cusmaan oo ka tirsanaa Xisbiga SYL, guddoomiye ku-xigeenna waxaa loo doortay Mudane Cabdinuur Maxamed Xussein oo ka tirsanaa Hizbiya Digil Mirifle (HDM).
Sanadkaas xildhibaannada waxaa u billowday mushahar bishiiba ahaa shan boqol 500-shilin oo gunno-bileed ah, hal sanno kaddib gunnadii waa la kordhiyay, waxa laga dhigay lix boqol iyo konton shilin (650shilin), 1959kii gunnada waxa la gaadhsiiyay kun shilin (Sh.So.1000), sanadkii u dambeeyay ee 1969-kana gunnadii waxa ay gaadhay laba kun oo shilin (Sh.So.2000), intaasi waxa u dheeraa gunno-fadhi, oo ahayd labaatan shilin (Sh.So.20) fadhigiiba (gettone di presenza).
Dhanka kale 1956kii waxaa loo dhisay soomaali-koonfureed xukuumaddii u horreysay, oo u xilsaarneyd maamulka dalka, marka laga reebo arrimaha dibedda iyo gaashaandhigga.
Bishii Maarso 1959 waxaa la qabtay doorasho labaad, tiradii xubnaha golleha waxa la gaadhsiiyey 90 oo dhamaantood soomaali ahaa, waxaa meesha ka baxay xubnihii ka socday jaaliyadaha shisheeye ee dalka deganaa.
Waxa gudoomiye loo doortay mar labaad Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan, oo xilkaa hayey ilaa 30-kii Juun 1960, gudoomiye ku-xigeenna waxaa loo doortay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aaden “soobe”.
Markii gollaha sharci-dejinta la sameeyay, xukuumad ay hogaaminayaan haldoor soomaaliyeedna dhalatay, waxa loo baahday calan, Abwaan Cali Dhoof isaga oo ka waramaya sidii uu calanka cawaale ku yimid, waxa uu u sheegay laanta afka soomaaliga ee BBC: Calanka waxaa naqshadiisa la keenay 12-kii Oktoobar 1952, labadii sanno ee xigtay dood baa ka jirtay Qaramada Midoobay, se 1954-kii markii Cabdullaahi Ciise uu tagay Qaramada Midoobay waa la ogolaaday, isla sannadkaas 12-kii oktoobar ayaa la arkay isaga oo sudhan Fiisho Gufeerno, oo u dhaxeeya calankii Qaramada Midoobay iyo kii Talyaaniga, se wax yar ka gaaban, 1956-kii markii dowladdii Cabdullaahi Ciise la dhisayna waxa lala simay kii Talyaaniga iyo kii Qaramada Midoobay, 26-kii June 1960-kiina waxa laga taagay beerta xoriyadda ee Hargeysa, waa markii la yidhi kaana siib – kanna saar, ugu dambeyntiina 1-dii luulyo 1960-kii ayaa Muqdisho laga taagay kaligii.

10-kii sanno ee trusteeship-ka ahaa ee UN-tu talyaaniga u fasaxday inuu sii joogo, waxa ay ku eekayd Dec/1959, markaa sababo jiray awgood waxa dib loogu riixay lix bilood ilaa July/1960, kadibna markii la gaadhay maalinkii ay bisha June ahayd 30, ayaa habeenimadii dabaaldegyo, farxad iyo rayn-rayni ka bilaabantay guud ahaan soomaali-koonfureed, subixii ay bishu noqotay 1/July/1960 waxa magaalada Muqdisho laga taagay calankii cawaale ee buluuga ahaa, kaasi oo afar cisho kahorna(26/June/1960) laga taagay magaalada Hargeysa.



Halka marka xaalkii soomaali-koonfureed marayo, waxa ku soo dhex dhacay arrinkii soomaali-waqooyi iyo dhulkii hawd ee Ingiriisku siiyay xabashida, kadibna halkaasi ayaa uu ka bilaabmayaa hayaankii helitaanka soomaali-weyn, si halkan wixii ka dambeeyay aad u ogaato ama u hesho ku noqo ciwaanka sare Bilawgii Soomaali-Weyn iyo Midowgii Soomaalida Waqooyiga iyo Koonfurta.
Warqadii Xorriyadda Ee Uu Talyaanigu U Qoray Qaramada Midoobay, Si Soomaaliya Loogu Ogolaado In Ay Xubin Ka Noqoto UN-ta


