Dhulka uu Ingiriisku u bixiyay Kiiniya sanadkii 1895-kii kahor waxa uu u qaybsanaa 5-shan dhinac, oo kala ah:
- Waqooyi: waxa ku noolaa Soomaalida.
- Galbeed: waxa ku noolaa Oromada.
- Koonfur: waxa ku noolaa Masaayga.
- Bari/Xeebta: waxa ku noolaa Carab.
- Dhexda: oo xilligaasi cidla ahayd.
Taariikhdu markii ay ahayd 1895-kii ayaa uu Ingiriisku yimid dhulkaasi, waxa gobolka Jubba iyo badi gobollada kale ee Kiiniya maamuli jiray saldanadii Sansibaar, kadib Ingiriiska ayaa kala wareegay sanadkii 1895-kii, waxaanu u bixiyay East Africa Protectorate, waxa uu markaa dhulkaasi ka bilaabay mashruuc ahaa dhismaha wado-tareen, kaasi oo muddo badan socday, waxa tareenkaasi uu ka soo bilaabmayay magaalada Mombasa, kadibna waxa uu isku xidhayay Dekeda Mombaasa iyo Yugaandha, gaar ahaan Magaalada Kisumu ee harta Fiktooriya ay ku taalo.
Wuxuu Ingiriisku ka soo qaatay shaqaale badan Suudaanta, Hindida, Bantu, iyo qoomiyado badan oo kale, shaqaalaha uu keenay fara-badnidooda waxa la sheegay inuu 32000 oo hindi ah keenay, waa hindida oo kaliya bal maxaad u maleyni afrikaankii kale oo uu meelo dhow-dhow ka soo daabulayay, waxa ay shaqaalahaasi dhisayeen wadadii tareenka muddo aad u badan, taasi oo keentay in ay ku tafiirmaan, waxa ka mid ah qoomiyadaha aad ugu tafiirmay dhulkaasi Hindida, Luwo, Kikuuyaha, Kelenjiinta iyo qaar kale oo badan, waxa badankoodu ay degsiimooyin ka sameysteen dhulkii dhexe ee wadada tareenku ka socotay, waxa kale oo uu Ingiriis ka sameystay beeraha bunka iyo shaaha oo ilaa imika ay Kiiniya ka hesho dhaqaalaha ugu badan, waxa shaqada beerahaasi uu gaar uga dhigay qoomiyada Kikuuyaha.
Markii wadadii tareenku ay dhamaatay, isla markaana shaqaale badan oo muruq-maal ahi joogo, waxa Ingiriisku reer yurub ugu gacan-haadiyay inay yimaadan dhulkan carro-sanka ah, oo ay beertaan, waxa uu go’doon geliyay dhulalkii ay ku noolaayeen Masaayga, Soomaalida iyo Oromada, waxaanu habeystay dhulkii dhexe oo uu fidiyay ilaa iyo harta Fiktooriya iyo shaqaalihii tirada badnaa, isaga oo weliba dhul-weyn oo koonfurta ah, una badan dhulka sare ee cimilada fiican leh ka eryay Masaaygii kuna ooday hawdka la yidhaa Loieta, xilligaasi waxa la sheegaa in Sixirku aad ugu faafay Kiiniya, oo dadkii dhulka la keenay ee afrikaanka iyo hindida ahaa iyo kuwii dhulkooda laga riixanayay ay isku weerareen, iyaga oo qaarba qaarka kale ku dhibay, una arkayay inuu u yahay Hub ay isku difaaci karaan, kadib sanadkii 1909-kii ayuu Ingiriisku soo saaray xeer uu ku mamnuucayo adeegsiga sixirka, halka sanadkii 1913-kii qoomiyada Kikuuyaha ay sheegatay, oo qabsatay dhul-weyn oo ahaa dhulkii uu Ingiriisku ugu talo-galay reer yurub.
Sanadihii 1914 ilaa 1918-kii oo ahayd xilligii uu socday dagaalkii 1aad ee adduunka, waxa uu Ingiriisku ka sameeyay saldhigyo waaweyn Kiiniya, isaga oo askar badan oo boqolaal kun ah ka qortay afrikaankii shaqaalaha u ahaa, iyo hindi uu ka keenay Hindiya, waxa ay Ingiriiska dagaalo ba’an dhulkaasi ku wada galeen Garmalka oo isna degenaa Saambiya, hadaba markii uu dhamaaday dagaalkii 1aad ee adduunku, iyada oo afrikaan badani ay hub haystaan, waxa bilaabantay in qoomiyadaha Luwo iyo Kisii ee dhulkaasi ku beermay ay adoonsigii Ingiriiska iska diidaan, oo ay kacdoon sameeyaan, xilligaasi aad ayuu u saaray cadaadis, badankoodiina wuu mastaafuriyay.
Hadaba sanadku markii uu marayay 1921-kii ayaa Ingiriisku bilaabay inuu sameeyo dalkan maanta loo yaqaano Kiiniya, waxa uu magacii hore ee East Africa Protectorate u badalay Kenya Colony, isaga oo ereyga Camp oo af-kukuuyaha ku noqonaya Kenya magaca ka soo dheegtay, waa sida uu qabo Suldaan Sanbul oo ka mid ah wax-garadka soomaaliyeed ee xog-ogaalka ah, kuna nool ilaa maanta Jubbada Hoose.
Xilligaasi gobolka Jubba wuxuu ka tirsanaa mustacmarada Ingiriisku haysto ee Kenya Colony, waxaanu ka koobnaa Jubbada Sare oo maanta loo yaqaano Jubbaland iyo sadexda degmo ee Wajeer, Gaarisa iyo Mandheera oo loo yaqaanay xilligaasi Jubbada Hoose.
Hadaba sanadku markii uu ahaa 1925-kii ayaa Ingiriisku isaga oo uga abaal-gudaya Talyaaniga sidii uu ugu hiiliyay xulafada dagaalkii 1aad ee adduunka, uu Ingiriisku hadyad ahaan u siiyay Talyaaniga Jubbada Sare (Upper Jubba), waa qaybta haatan ka tirsan Soomaaliya ee la yidhaa JubbaLand, bal hadda eeg! Waxa hore loo yidh Mar Bay Adoo Itaal Daran Iddo Ku Jiidhaane, dad nool oo naftu ku jirto, oo weliba dhulkoodii ku nool, ayaa iyaga oo aan war ka haynin, waxna laga weydiinin waxa dushooda ka dhacaya ee baayacaad ah, ay laba gaal oo dhul dheer ka yimid isu hadyeynayaan.
Wixii ka dambeeyay 1930-kii waxa xawli ku socday, oo marba marka ka dambeysa isa soo tarayay kacdoonada ay shaqaalihii afrikaanka ahaa ee Ingiriisku ay sameynayeen, iyada oo la xuso in uu kacdoonkaasi salka ku hayay markii uu Ingiriisku dhimay musharkii ay shaqaaluhu ku shaqeyn jireen, isla markaana uu kor u qaaday cashuurtii uu ka qaadayay, waxa taa u dheerayd in aanay wax sheegasho ah ku lahayn xilligaasi dhulkaa ay xoogooda ku beeraan, kadibna qoomiyada Kikuuyaha ayaa ku soo biirtay kacdoonkii Luwo iyo Kisii-ga, waxa sameysmay ururo leh nidaam habeysan oo ay hogaaminayeen rag gumeysi-diidyo ah, sida; Harry Thuku, Joseph Keng’ethe, Jesse Kariuki.
Dagaalkii 2aad ee adduunku markii uu dhamaaday, waxa sii xoogeystay kacdoonadii ay sameynayeen shaqaalihii Ingiriiska ee afrikaanka ahaa, waxa markan kacdoonadaasi hogaaminayay rag badan oo ka mid ahaa askartii ka dhinac dagaalantay Ingiriiska ee ka mid ahaa qoomiyadaha Kikuuyaha, Luwo iyo Kisii-ga, waxa markaa bilaabmay jabhad hubeysan oo la magac baxday Maw-Maw, taasi oo ay hogaaminayeen rag u badan Kikuuyaha, oo ay ka mid ahaayeen Jomo Kenyatta, Paul Ngei, Kungu Karumba, Bildad Kaggia, Fred Kubai iyo Achieng Oneko.
Xilligaasi Soomaalidii Jubbada Hoose ayaa iyaguna kacdoon sameeyay, oo diiday kamid ahaanshaha maamulkii Ingiriiska, waxaanay dalbadeen in ay raacayaan walaalahood soomaali-koonfureed iyo gobolkoodii hore ee Jubba, kadibna waxa uu Ingiriisku dhulkii Soomaalida geliyay karantiin, si gaar ah ayaa uu u maamuli jiray, oo qofka soomaaliga ah ee wax uga baahda Kiiniyada kale, wuxu u bixi jiray sidii qof wadan kale ka yimid, oo ogolaansho ayaa uu ka qaadanayay barta waaxda socdaalka (Immigration Center) ee ugu horeysa.
Hadaba markii jabhadii Maw-Maw ay dagaal dhiig-bax ah la galeen Ingiriis, waxa uu ka soo degay bartii fogeyd ee uu joogay markii hore, waxaanu ku qancay inuu afrikaankana wax uga ogolaado dhulka, kadib May/1960 waxa uu Ingiriisku u fasaxay afrikaankii ururo-siyaasadeed inay sameysan karaan, waxaana ugu hor sameysmay ururkii KANU(Kenya African National Union) iyo KADU(Kenya African Democratic Union) oo ay kala lahaayeen Kikuuyaha iyo Luwo, hada ogow oo hadii uu Ingiriis baxo, waxa barwaaqadii iyo tacabkii badnaa ee uu dhulkaasi geliyay u hadhaya afrikaankii adoonta u ahayd markii hore, halka qoomiyadihii Soomaalida, Oromada iyo Masaayga ee loogu yimid dhulku, aan iyaga iyo dhulkoodaba wax horumar ah Ingiriis ka sameynin, ee ay weli ku jiraan go’doon.
Sanadkii 1961-kii waxa la qabtay doorasho ay labadii xisbi ee KANU iyo KADU oo is-bahaystay galeen, kadibna waxa ay dhiseen golle baarlamaan, doorashadaasi soomaalidii jubada hoose way diideen in ay ka qayb qaataan, kadibna feb/1962 ayaa ay wefti u direen soomaalidu Ingiriiska, si ay ugala soo hadlaan in loo sameeyo is-maamul u gaar ah soomaalida, kadibna Ingiriisku waxa uu isna soo direy wefti xaqiiqo-raadin u yimid, waxa weftigaa Ingiriisku soo wareysteen dadkii ku noolaa lixda degmo ee markaa loo yaqaanay North Front District NFD oo kala ah Gaarisa, Wajeer, Mandheera, Marsabiit, Isiyoola iyo Mooyaale, aftidii Ingiriisku ka qaaday dadkuna waxay noqotay in %87 ay doonayaan in ay ka go’aan Kiiniya, oo aanay ka sii mid ahaanin nidaamka loo dhisayo dalkaa Kiiniya, kadibna halkii laga filayay in weftigii Ingiriisku ay warbixintii soo saaraan, oo fullin u badalaan, waxa ay ka gaws-adaygeen in ay ku dhiiradaan soo-bandhigida aftidii soomaalida Jubada Hoose, iyaga oo u xagliyay doodii xisbiyada KANU & KADU oo ahayd in hadii soomaalida laga gooyo Kiiniya ay Masaayduna dalban doonaan go’itaan.
Halkan waxa ku jirta wax u baahan in woxogaa la fahmo, 6-da degmo ee NFD soomaalidu ma wada laha, sadexda jubada hoose ee Wajeer, Gaarisa iyo Mandheera ayaa ay soomaalidu gaar u leeyihiin, 3-da kale laba Oromada/Borana ayaa iska leh waana Isiyoola iyo Marsabiit, inkasta oo qabiilka Rendiilaha laftiisu uu la dego, degmada Mooyaale waxa wada degan Soomaali iyo Oromo, kolkaa sida ay xaqiijinayaan dad xog-ogaal ahi, raysal wasaarihii UK ee xilligaasi oo ahaa Macmillan wuu ogolaa sadexda degmo ee Jubada Hoose in Jamhuuriyada Soomaalida uu raaciyo, se waxa uu diidanaa in 6-da degmaba laga jaro Kiiniya, Jamhuuriyaddii Soomaaliduna waxa ay doonayeen 6-da degmaba in la raaciyo Soomaalida, maxaa yeelay; dhulkii Soomaali-Galbeed ee ay xabashidu dhacceen waxa degay Oromo, dhulkaasi oo maanta Oromadu ula baxday magacyada Hararge, Aarsi iyo Waqooyiga Baali, hadaba dhibaatadu waxa ay imanaysaa marka dhulkii soomaalida laga dhacay la is-yidhaa soo xoreeya, waxa la waajahayaa oo ay tahay in dagaal lala galo Oromo, dushana waxa ka ilaalinaya Xabashidii, kolkaa Jamhuuriyadii Soomaalidu waxa ay go’aansatay in Oromada la qarameeyo, oo Kiiniya degmooyinka ay ku nool yihiin iyo Xabashidaba laga soo hoos saaro, laguna soo daro Jamhuuriyada Soomaalida, waana tii xeeladaasi ilaa xad shaqeysay ee loo bixiyay Soomaali-Abboo.
Hadaba markii ay soomaalidu ku adkeysteen in 6-da degmo ee NFD la soo raaciyo Jamhuuriyadii Soomaalida, waxa Ingiriisku soomaalida u sheegay in ay KANU & KADU kala hadlaan arrinka go’itaanka ee ay doonayaan, taariikhdu markii ay ahayd 12/Dec/1963 Ingiriis faraha ayaa uu kala baxay Kiiniya iyo maamulkeedii, waxaana u hadhay adoontii uu isagu keenay, kuwaasi oo gacanta ku dhigay siyaasadii iyo dhaqaalihii Ingiriis ka tagayba, waxa xilligaasi gebi ahaanba isaga baxay dhulka kiiniya Hindidii shaqaalaha u ahayd Ingiriiska, oo aad u tiro badneyd, nasiib daro; iyada oo soomaalidii Jubada Hoose ay weli sugayaan inay ka go’aan Kiiniya ayaa 12/Dec/1964-kii waxay Kenya noqotay Jamhuuriyad xor ah oo ka mida Qaramada Midoobay.
Jomo Kenyata markii la doortay 1963-kii waxa uu jeediyay khudbad uu ku weeraray soomaalidii go’itaanka dooneysay, waxaanu yidhi: “Soomaalidu ha heeryaystaan Awrtooda, oo ha ku noqdaan halkii ay ka yimaadeen…”, bal hada eeg! Kenyata isaga oo adoonnimo ku yimid dhulkaa Kiiniya, ayaa uu dafiray soomaalida Jubbada Hoose oo ku nooleyd ka-awaw ka-awaw.
Halkaa marka xaal marayo; waxa soomaalidii sameysteen jabhad loo bixiyay Shufto, taasi oo dagaalo ba’an la gashay dawladii cusbeyd ee dhulka laga sameeyay, waxa xasuuqyo xun-xun loogu geystay soomaalidii Jubada Hoose jabhadaasi darteed, waxa ka mid ahaa xasuuqii Waagala iyo xasuuqii magaalada gaarisa lagu gubay, iyada oo dilka dadka soomaalida ahina uu ahaa xiligaasi mid joogto ah, kolkii dhiigii soomaaliyeed uu noqday mid aan kala joogsi lahayn daadashadiisu, isla markaana Soomaalidii kale ay taladii ka baahday oo Itoobiya iyo Kiiniya ta ay hor weeraryaan talo joogto, ayaa sanadkii 1967 uu Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ahaa Ra’iisal-wasaarihii Jamhuuriyadii Soomaalidu waxa uu magaalada Caruusha kula saxeexday Kiiniya heshiis dhigayay in ay joojiyaan xasuuqa soomaalida. Waa kan Suldaan Deeqoow Macalin Muxumed Sanbul, oo ka mid ahaa hogaankii Shuftada, sida oo kalena xubin ka ahaa ururkii SYL, Sanbul waxa uu ku dhashay imikana degan yahay magaalada Gaarisa, suldaanku waxa uu ka mid yahay odeyada soomaaliyeed ee tirada yar, ee xog-ogaalka ah, kana sii nool dadka sida saxda ah u haya taariikhda dhulkaasi iyo waayihii ka jirayba, suldaanku isaga oo ilmada xejisan kari la’a, oo aad uga murugaysan wixii loo geystay dadkii soomaaliyeed ee jubada hoose, una waramaya youtube channel-ka HaNoolaato, waxa uu yidhi: “Aabo waa gumownay, dadkii aan anigu sababta u ahaa geeridooda, ee aan kiciyay, si ay uga go’aan Kiiniya, wixii ay doonayeen maanta ma hayaan, waxaan dareemayaa in aan dembiile ahay…”