SALDANADA AJUURAAN

Saldanada Ajuuraan oo marka aynu magacaas fudeydino noqonaya dawladii cashuur-qaadada ama cashuurta qaadi jirtay, waxa ay ka talin jirtay dhulka koonfur ka xiga majeerteeniya ilaa iyo gobolka Jubba, xaga galbeedna waxa ay bari uga soo rogmaysay, oo uu weliba inbadan xadkeedu ka shisheeyay magaalada Qalaafo ee dhulka soomaali-galbeed ilaa iyo badweynta Hindiya, waxa caasimad u ahayd, oo ay dawlada Ajuuraan ku shaqeyn jirtay dhowr magaalo oo kala ah Mareeg, Marka iyo Qalaafo, waxa kale oo ay lahayd magaalooyin waaweyn  oo qaarkoodna imika jiraan, halka kuwa kalena ay baaba’een, sida; Gondarshe, Baraawe, Muqdisho, War-Sheekh, Hobyo, Kismaayo, Afgooye, Baydhabo iyo Hanasa.

Saldanada Ajuuraan waxa ay ahayd dawlada keliya ee qaarada afrika oo dhan lahayd nidaam cashuureed, kaasi oo ay dawladu ka qaadi jirtay dadka, kuna bixin jirtay baylahda dawladnimo, inkasta oo nidaamka dawladeed uu ahaa boqortooyo, kalana dhaxli jireen qoyska reer gareen, waxaa ay dawlada Ajuuraan bilaabantay sida taariikhyahannadu sheegayaan qarnigii 14aad, waxa ay badashay oo horteed ilaa qarnigii 9aad dhulkaasi xukumi jirtay, gaar ahaan magaalooyinka saaran badweynta hindiya Saldanadii Muqdisho, oo ay aasaaseen Carab ka timid dhulka jasiirada Carabta, dadka loo talinayaana ahaayeen Soomaali, waxa ay isticmaali jireen lacag qadaadiic ah oo la odhan jiray Shilin Muqdisho.

Saldanada Ajuuraan waxa kale oo ay ahaayeen dawlada keliya ee afrika oo dhan xilligaasi lahayd nidaam biyood ay dadku ku haraad baxeen, halka beeruhuna ku barwaaqoobeen, kaasi oo ilaa maanta ay jiraan, lagana cabo ceelashii ay ka qodeen magaalooyinkii ay ka talin jireen, kuwaasi oo habka ay u farsameeyeen sameyntooda iyo dhagaxa ay ku xidheen uu taariikhda ku reebay layaab.

Waxyaabaha xusid mudan waxa ka mid ah in sanadkii 1346 ilaa 1388-kii ay rag ka tirsan qoyska maamula Saldanada Ajuuraan ka aasaaseen jasiiradaha aadka u quruxda badan ee Malidives boqortooyadii Hilawle, taasi oo uu bilaabay Hilawle Qaali Xasan, waxa uu dhul-mareenkii Ibnu-batuta sheegay in uu Cabdicasiis oo ahaa reer muqdisho, isla markaana ahaa gudoomiye gobol oo jasiiradaha Maldives ah uu ku soo dhaweeyay halkaasi, kuna siiyay sooryo.

Waxa iyana xusid mudan in koonfurta Baali oo imikana ka tirsan gobolka Oromiya ee Itoobiya, oo ay deganaan jireen qoomiyadda Sidaamo, uu Sheekh Xuseen oo ahaa culimadii Saldanada Ajuuraan ka aasaasay dawlad la odhan jiray Saldanadii Baali, waxa sheekhu sabab u noqday muslimiinta reer Sidaamo ee ilaa imika joogaa in ay ku soo muslimaan dacwadii uu halkaa gaadhsiiyay, sheikh Xuseen waxa uu ku aasan yahay tuulada Sheekh Xuseen oo ku taala gobolka Baali ee Oromiya/toobiya.

Saldanada Ajuuraan waxa ay colaado joogto ahi dhex mari jireen Oromada oo xaga koonfur-galbeed ka soo weerari jirtay una yaqaaneen Gaalo-Madaw, Boortaqiiska ayaa isna xaga bad-weynta hindiya ka soo weerari jiray, boortaqiisku waxa uu deganaa oo ay ciidankiisu joogeen magaalo xeebeedyada Kilwa, Mombasa, Malindi, Pate iyo Lamu, waxa uu doonayay in uu magaalooyinka ku yaala xeebta ee Saldanada Ajuuraanna uu qabsado, damacaasi oo ay saldanadu ka dhigtay riyo aan rumoobeynin, markii ay dagaalo qadhaadh kala hor tageen, una diideen inuu soo cago-dhigto magaalo-xeebeedyada saldanada, waxa ugu waxyeelo badnaa dagaaladaasi kii uu boortaqiisku ku doonayay inuu ku qabsado magaalada Baraawe, halkaasi oo uu magaaladaasi gubay, hantidii taalayna uu dhacay, kadibna ciidamadii saldanada ajuuraan iyo dadkii reer baraawe ay jilibka u aasteen ciidankii uu hogaaminayay Tristao, kuna khasbeen in ay ku noqdaan doonyihii ay ka soo degeen, hadaba markii ay baraawe ku jabeen, waxa ay isku dayeen in ay muqdisho weeraraan, se saldanadii ajuuraan oo ka sii diyaargarawday una sii diyaarisay ciidamo aad u tiro badan ayaa ay arkeen, kolkii ay ku hungoobeen damacoodii qabsashada magaalo-xeebeedyada saldanadu ay ka taliso, waxa ay ciidamadii boortaqiiska ee uu Tristao de Canhua hogaaminayay geedigoodii ku fureen jasiirada Saqadara (Socotra).

In kasto dagaalladaasi uu boortaqiisku ku doonayay inuu ku qabasado dhulkii ay saldanadu ka talinaysay ay guuldareysteen, waxa ay saldanadu werwer badan ka qabtay boortaqiiska oo xoog badan ku lahaa ganacsiga bad-weynta hindiya, taasi waxa ay halis ku ahayd saldanada ajuuraan iyo macaamilkii ay la lahayd dunida inteeda kale, kadib saldanadu waxay qaylo-dhaan u dirsatay dawladii cusmaaniyiinta oo ka talin jirtay Jasiirada Carabta, waxay soo direen cusmaaniyiintu ciidan iyo hub.

Saldanadii Ajuuraan iyo ciidamadii cusmaaniyiintu waxay weerar ku qaadeen ciidankii boortaqiiska ee fadhiyay xeebaha koonfureed, kadibna waxa ay ka xoreeyeen ilaa dhowr magaalo, oo ay ka mid yihiin Kilwe, Mombasa iyo Pate, intaa kadib waxa uu boortaqiiskii gurmad u dirtay ciidamadiisii joogay dhul-weynaha hindiya, kuwaasi oo duulaan balaadhan ku soo qaaday ciidamadii saldanada ajuuraan iyo cusmaaaniyiinta, waxaanay boortaqiisku dib u qabsadeen dhulkii hore looga saaray, se dagaalkaasi waxa uu muujiyay saldanada cududeedii, waxaanu hirgeliyay in qarniyadii 16aad ilaa iyo 17aad ay si xor ah ugu ganacsanayeen bad-weynta hindiya, oo uu boortaqiisku ka ahaa awood waxa ay doonto ka sameyn jirtay.

Dagaaladii ay saldanadu la gashay Oromada ama Gaalo-Madaw[da] ayaa xoogeystay badhtamihii qarnigii 17aad, xiligaasi oo ahayd fufkii oromada ama markii ay bilaabeen oromadu hayaankoodii dhul-balaadhsiga, saldanadu aad ayay isaga caabisay weeraradii uga imanaya dhanka oromada, waxaana ay saldanadu ku soo qab-qabatay oromo badan, kadibna dacwada islaamka ayaa ay u ban-dhigi jireen, sidaana waxay ku muslimiyeen Oromo badan.

Qarnigii 17aad wixii ka dambeeyay saldanada ajuuraan in ay sii daciifto mooye may lahayn horusocod, maxaa yeelay; dagaalada ay gashay iyo khilaafyo soo kala dhex galay qoyskii xukumayay saldanada, ayaa waxa ay ku keeneen burbur iyo kala-daadasho ku timid hogaankii saldanada, waxa bilaabmay in ay qabaa’ilkii soomaaliyeed ee saldanada kuwada jiray, ay kala sameystaan dawlado u kala gaar-gaar ah, oo qabiilba deegaankiisa la tago qayb ciidankii saldanada ka mid ah.

Dawladihii ka soo dhex baxay burburkii Ajuuraan, waxa ugu xoog weynaa Saldanada Geledi oo ay sameysteen qabiilka RaxanWeynta, taasi oo ka talinaysay gobolada haatan la yidhaa Bay, Bakool ilaa iyo Jubooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!