Dibjirta Waxa Dawo Ka Ah Maxkamada Dastuuriga ama Badbaadada

Dibjirku sida caadiga ah waa qofka ka xuubsiibta barbaarinta iyo la noolaanshaha waalidkii ama cida mas’uuliyadiisa leh, kadibna u banbaxa inuu noloshiisa ku maamulo rabitaankiisa, qofkaasi waxa uu halis u yahay in uu dumiyo noloshiisa ama nolosha dadka kale, maxaa yeelay; wanaaga iyo si-wacan-u-noolaanshuhu waa wax laga dhaxlo sooyaalka nolosha iyo tagtada tijaabooyinkii nololeed ee laga qaaday ama laga helay, taana qofku waxa uu ka heli kara qof jecel, oo si hagar la’aan ah ugaga warama ama ugu gudbiya wixii uu u soo joogay iyo wixii kale ee uu waayaha ka hayoba, hadal ahaan iyo ficil ahaanba (af iyo adin labadaba).

Hadaba waxa jira kooxo dabaajiir waaweynaatay ah, oo iyagu caan ku ah in ay ka xuubsiibtaan wanaaga iyo wax-wada-lahaanshaha bulshada, ogow oo bulsho kasta oo dunida ku nool deegaan gaar u ah:

  • Wax wey wada leeyihiin, oo waxa la yidhaahdaa Aaye, waxa ka mid ah jiritaanka, isirka, nabadgelyada, is-garabsiga iwm, oo si guud hoos imanaya Dad-dhiska, Dal-dhiska iyo Dawlad-dhiska.
  • Waxna wey kala leeyihiin, oo waxa la yidhaahdaa Dan, waxa ka mid ah horumarka qofeed iyo danaha shakhsiga ah, waxaana haga oo qaabeeya dookha iyo dareenka qofka.

Markaa waa in danta qofka ee shakhsiga ahi aanay noqon mid mija-xaabisa aayihii bulshada, ama wixii bulshadu wada-lahayd, hadaba dabaajiirta waaweyni iyaga oo dantooda shakhsiga ah eeganaya, ayaa ay talada iyo jaangoynta arrimaha bulshada maroorsadaan, waxay si farsameysan dalka taladiisa u hoos-geystaan gacantooda iyo go’aankooda, dibjirtaasi wuxuun bay ka faa’iideystaan meelaha ay dadku ilduufaan ama gunnimada ogolaadaan.

Dadyowga caalamka oo dhami halis ayay ugu jiraan dabaajiirtaasi, waxaana dadyowga horumaray ay intii noloshu jirtayba ay soo kala dhaxlayeen, xogaha laga helay raadinta habka looga gaashaaman karo dabaajiirtaasi, ilaa imikana xalka ugu haboon ee lagaga hortagi karo dabaajiirtaasi, waa dimuqraadiyada lagu dabro xeerarka baarlamaaniga ah.

Qaarada ay dabaajiirta waaweyni ugu badan yihiin waa Afrika guud ahaan, waana ta keentay in afrikaanku kaga hooseeyaan dadka ku nool qaaradaha kale dhinacyada:

  • Dad-dhiska {akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba}
  • Dal-dhiska {dhismaha kaabeyaasha nolosha iyo dhaqaalaha}
  • Dawlad-dhiska {sameynta xeerar adag oo isla-xisaabtan leh}
Hab-Maamulka Xayla-Maryan Style

Hadaba si aynu wax uga ogaano, inaga dhulkeena qaabka ay uga hawlgalaan, waxa ay dibjirta waaweyni sameeyan in ay xafiisyada dawlada oo dhan dadka jooga yeeshaan ama ugu yaraan xafiis kasta cid ku dhex yeeshaan, ha noqdaan shaqaalaha wasaaradaha ama hay’adaha madaxa banaan ee bulshada u adeega ama ha noqdaan ciidamada kala duwan, gaar ahaan; ciidanka sirdoonka, booliska, iyo kuwa asluubtaba, iyo weliba maxkamadaha.

Dadka meelahaa aynu soo xusnay ay dhigteen waa kuwo iyaga ogol sida; ehelkooda iyo qaraabadooda, ama waa kuwo ay ka adag yihiin oo qorigooda ay hayaan, qofkaasi waxa uu u fulinayaa ama fudeydinayaa ama ugu yaraan xog ka keenayaa wixii hawl ah ee soo gasha halkaa uu u joogo, ama xafiisyada iyo shaqada ka ag-dhaw booskiisa, ee uu wax ka qaban karo, tusaale ahaan;

  • Qof ka mid ah bulshada ayay dibjirta waaweyni rabaan inay dalka iyo dawladaba nacsiiyaan, xafiis kasta oo uu wax uga baahdaba waa in ay kii u joogay ku balamiyaan, kadibna qofkii la shirqoolayay xafiiskii uu galaba waxa uu kala kulmayaa wax la’aan, oo diidayna la odhan maayo, waxna loo qaban maayo, af-macaan iyo kaftan ayaa lagu wadayaa ilaa uu gaadhayo sidii laga doonayay inuu yeelo, dalka inuu iskaga cararo ama dawlada uu ku kaco oo mucaarado.
  • Qofka hantidiisa la dhacayo, kan dhacaya ee lagu dirayo, xafiis kasta oo arrinkaa dhacca ah u fudeydin kara, kii u joogay ayay ku balaminayaan dibjirta waaweyni, oo hawshaa fudeydinaya, raad-tirna ku sameynaya wixii uu qabtay, si aan looga daba iman, kadibna qofkii la dhacayay isaga oo indhihiisu shan yihiin, oo jooga dhexdeena, oo aynu wada arkayno, ayaa hantidiisii ama wixii laga dhacay lagu ag-cunayaa ama lagu ag-haysanayaa, iyada oo hadii uu wax samee is-yidhaahdana dembi lagu soo oogayo, oo loo adeegsanayo dawlada.
  • Qof ayay dibjirta waaweyni doonayaan inay dadka nacsiiyaan, oo ka dhex saaraan, si ay ceeb iyo magac-dil ugu sameeyaan, waxa ay ku balaminayaan oo ay daba dhigayaan ciidamada sirdoonka iyo booliska kuwa ugu jira, meeshii uu galaba wey ka daba galayaan, iyaga oo kolba halka uu joogo cida joogta u sheegaya in lagu daba-jiro oo hawli soo gashay, mana jirto ee iyagaa u sameynaya, xafiisyadii iyo adeegyadii dawlada ayay ka wada xanibayaan, ilaa uu qofku gaadho heer ah (Nin cunaha lagu dhagay dhan uunbuu wax ka sii deyn) kadibna marka uu qofkii is-difaac is-yidhaa ee uu wax sameeyo ayay ku soo jeedinayaan kooxihii wax baahin jiray, oo bulshadii kale lala wadaagayaa, laakiin dadku waxa ay arkayaan uun wejiga cadheysan ee raba inuu wax sameeyo, ma oga wixii keenay cadhada qofkan ka muuqata iyo inuu qofku halkaa gaadho.

Hadaba qodobadaa aynu soo xusnay, waa tusaaleyaal kooban oo ka mid ah dhibka ay u leeyihiin dibjirta waaweyni dadka, dalka iyo dawladnimada, kolka waxaas oo dhibaato ah ay sameynayaan dibjirtu, iyaga oo adeegsanaya nidaamkii dawladnimo ee sharciga, mee madaxweynihii la doortay ee bulshadu ay xilka u dhiibteen? Waa su’aasha u horeysa ee markaaba maskaxdaada ku soo dhaceysa, xeeladan waxaan u bixiyay Xayle-Maryan Style, oo aan ka soo dheegtay taariikh u raadkeedu qoyan yahay, waa hab-talintii Xayle Maryan Dhisaalem raysal wasaarihii hore ee Itoobiya kii ka horeeyay Abi Axmed, sida itoobiyaanka iyo guud ahaan caalamka u muuqatay, Xayle Maryan waxa uu ahaa ninka u sareeya dalka Itoobiya, go’aankiisuna yahay midka jaangooya arrimaha dhaqan dhaqaale ama siyaasadeed ee dalka Itoobiya, laakiin markii Oromadu ay mudaharaadada rabshadaha wata ku rideen dawladiisi waxa uu sheegay in uu ahaa magac kaliya, intii uu xilka hayay wixii itoobiya ka dhacayay oo dhana ay kooxda TPLF ee isaga xukunka saartay ay lahayd.

Dibjirta waaweyni madaxweynaha ama ninka ku fadhiya kursiga u sareeya dalka waxa ay u diraan in uu tiriyo xidigaha ama shaqo adag oo wakhti badan ka qaadata ama uu ku ilaawo la-xisaabtankii xubnaha dawlada, waa shaqooyin aan nuuxsi lahayn, oo uu isagu isu arkayo marka uu xilka ka dego in taalo loogu dhisi doono, waxay u sameeyaan kooxo ku haysta kursiga oo dhalanteed ah, iyo dad ku mucaarid ah oo ceebihiisa soo faqa, laga yaabo ama ay u dhowdahayba inay isla dibjirta ka mid yihiin, oo ay is-og yihiin kuwan la socda isaga iyo kuwa ku mucaaridka ahi, ujeedaduna waa si ay uga mashquuliyaan adeegii iyo tabantaabadii bulshada iyo la-xisaabtankii xubnaha ku magacaaban xilalka dawladu shaqada ay u hayaan bulshada.

Si guud hadii aynu isu dul taagno, marka horeba madaxweynaha fulintiisu waa soo saarida waraaqo ay ku qoran yihiin go’aanadiisa iyo taladiisu, laakiin cida sida dhabta ah hawsha dawlada qabata, ee gacantooda ula tagtaa waa shaqaalaha iyo ciidamada ka shaqeeya qaybaha kala duwan ee dawladu ka kooban tahay, kuwaana waxa aynu soo sheegnay; waa halka ay biyo-dhigtaan dibjirta waaweyni.

Aragtideyda gaarka ahi waxa ay I siisay, laga soo bilaabo dawladii Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya ilaa iyo maanta oo ay Soomaali yeelatay maamulo kala gaargaar ah, horumar la’aanta iyo burburka bulsho ee ina haysta waxa sabab u ah dibjir waaweyn oo taladeenii hantiyay, gacantoodana gashay, ilaa imikana tab iyo xeel aynu kaga hoos saarno ma hayno, markaynu jalaafooyinkooda mid ogaanaba mid kale ama tabco kale ayay inoo dhigayaan, oo ina legde, dawladii Maxamed Siyaad Bare marka aad u fiirsato ama aad qiimeyso aragtidii iyo hab-fikirkii Maxamed Siyaad Bare waxaad ogaaneysaa in halka dhibka oo dhami ka socday uu ahaa xafiisyadii dawlada iyo cidii gacanta ku haysay, ee sida taabashada ah u qabaneysay shaqada dawladu u hayso bulshada, dibjirtii waagaasi waxa ay ahaayeen daab-cadaw (Gudineey Imaad Goyseen Hadaan Badhkey Kugu Jirin), oo waxa laga soo hagayay Itoobiya iyo Keenya sida taariikhda ku cad maanta, su’aashu waxa ay tahay; maanta dibjirta inala joogta halkee ayaa ay ku dabo leeyihiin? Ma kuwii waagaa horeba ina legday ayuunbaa weli ina daba socda, oo inala jooga mise waa kuwo cusub?

Hadii aad maqasho iyaga oo leh “hebel talada laguma aamini karo“, waa mid dibjirtu ay is-leeyihiin Xayle Maryan idiin noqon maayo, oo wuu ogaan doonaa sidaad wax u wadaan, ku kasta oo ay dibjirtu taageero u muujiyaanna waa mid uu nidaamka Xayle Maryan Style waafaqay.

Ogow dibjirta waaweyn badankooda ama waaweynkoodu dawlada xilal kama qabtaan, se daaha dabadiisa ayay ka maamulaan, waxa laga yaabaa xafiiska ay cid ku haboon u waayaan in mid ka mid ah ay si kumeelgaadh ah ugu sii dhiibaan, inta ay ka helayaan Xayle Maryankii ku haboonaa, sababta ayna xilalka u qabanin miyaad garneysaa? waa si aan wejiyadooda loo baran, oo aan dadku ula yaabin sababta ay mar kasta dawlada ugu jiraan, ileyn waxa uu dhigayaa nidaamkooda Xayle Maryan Style, in ay weligoodba iyagu talada hayaan, oo aanu gacantooda ka bixin caynaanku, marka ay mid heeryadooda saartaan muddona uu dadka horjoogo, hadana ka kale ee yimaada ayay heeryada u sii diyaarsadaan, oo xadhkihii iyo karbaashkii ay ku hagayeen u dhiibaan.

Hadaba sidee ayaa looga guuleysan karaa dibjirta waaweyn?

  • In shaqaalaha dawlada nooca uu doono ha noqdee, uu ku yimaado tartan daah-rogan oo bulshada loo bandhigay.
  • In la sameeyo maxkamada badbaadada ama in maxkamada dastuuriga ahi ay xafiis kasta iyo goob kasta oo ay dawladu ka hawlgasho ka furato xafiis, si qof kasta oo bulshada ka mid ah oo cabasho ka qaba xubin ka tirsan xafiiskaasi dawliga ah ama xubin ka tirsan ciidanka, uu uga dacweyn karo, kadibna waxa soo bixi lahaa sharciyo badan oo ay jabiyeen shaqaalaha iyo ciidanka u adeega dibjirta, waxa la ogaan lahaa, oo la qaban lahaa dadka ay ka cadheysiiyaan dibjirtu, inta aanay dhib geysanin.
  • In la adkeeyo sharciyada baarlamaaniga ah, oo adkeynta sharciga waxa kow ka ah isla-xisaabtan, iyo in isla sharciga uu ku xusan yahay waxa laga yeelayo qofka jebiya qodob ka mid ah.
  • In bulshada la wacyi geliyo oo meel kasta oo ay joogaan ay ka heli karaan cid fahamsiisa sharciga iyo xeerarka dalka, maadaama oo dadka inta badan ay dibjirtu ku dagaan aqoon-dari ka haysa xeerarka iyo waxa u banaan ama ka mamnuuca ah ee xeerarka ku xusan.
  • In warbaahintu xor noqoto, oo dadku ay cabashooyinkooda ku soo bandhiga karaan ama gaadhsiin karaan bulshada kale
  • Iyo …
error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?