Si aad bulshada ugu dhex yeelato QIIMO iyo QAAYO ama MAGAC iyo MAAMUUS, una gaadhi karto horumar dhakhso ah, waa in aad ku dadaashaa sidii aad u yeelan lahayd XOOG ama XOOLO.
XOOG
Hadii aad xoog leedahay, waxaad u adeegsan kartaa horumarka noloshaada, adiga oo aan cidna u daba-fadhiisanay oo waa tii la yidhi ” isku haye, iskama hakrado ” , marka aad naftaada horumariso waxaad dadka u noqonaysaa tusaale lagu soo hirto, waxaanad yeelanaysaa Magac iyo Maamuus, xooggu wuxuu u qaybsamaa laba nooc oo kala ah Awood iyo Aqoon, markaa qofku mid ahaan wuu ku horumari karaa hadii uu heer sare ka gaadho, waxaa se ka horumar badan qofka labadaba isku darsada.
a. Aqoon: aqoontu waxay u kala baxdaa laba nooc oo kala ah Aqoon Diineed iyo Aqoon Duunyo, qofka labadan isku darsada, ee waliba meel sare ka gaadhaa, wuxuu u badan yahay in magaciisu jiri doono qarniyo badan.
i. Aqoon Diineed: hadii aad aqoon diineed leedahay, oo aad si fiican u baratay, waxaad darajo sare ka helaysaa Illaahay Weynaa oo Wanaagsanaaye agtiisa, hadii Illaahay agtiisa aad ku weynaatana, waxaad aduunyada ku yeelanaysaa Magac iyo Maamuus.
ii. Aqoon Duunyo: hadii aad aqoon maadi ah barato, oo aad meel sare ka gaadho, kadibna aad xaga wanaaga iyo samo-falka u adeegsato, waxaad dadka ku dhex yeelanaysaa Magac iyo Maamuus.
b. Awood: awoodu waxay u kala baxdaa laba nooc, oo kala ah Muruq iyo Maskax, iyana mid kaliya hadii aad heer sare ka gaadho waad ku meel mari kartaa, se waxa ka sii fiican in aad ku dadaasho sidii aad labadaba u yeelan laheyd.
i. Muruq: waa in aad tahay qof awoodii jidhka leh, oo aan lagu soo dhacayn marka dulmiga iyo doqoniimadu bataan.
ii. Maskax: waa in aad tahay qof awoodii maskaxda leh, oo wixii kala soo gudboonaada waayaha nolosha, ku maareyn karaya maskax fiican, haba noqdo qof jidh ahaan itaal darane.
XOOLO
Hadii aad xoolo leedahay, inta ay xoolahaasi kuu joogaan, waxaad shaqaaleysiin kartaa dad badan oo xooga noocyadiisa kala duwan leh, kadibna waxaad taasi ku mutaysanaysaa in aad yeelato Magac iyo Maamuus, xooluhu waxay u qaybsamaan laba nooc oo kala ah:
a. Mood:
Lacag, Dahab, Dheeman, Gaadiid(Gawaadhi, Diyaarado,Maraakiib),Iwm…
b. Nool:
i.Ishin(Geel iyo Lo’)
ii.Adhi(Ido iyo Riyo)
iii.Gamaan (Fardo, Dameero)
iv.Shimbiro(Digaag, Digirin, Iwm…)