Waanu Heshiinoo Inagu Soo Noqon Maayo !

Odey iyo islaan meel miyi ah degan ayaa waxay u tashadeen waraabe in muddo ah xoolaha ka cuni jiray, waxay ku heshiiyeen inay dabin u dhigaan, kadibna intay qodeen god ayay dusha ka saareen ood, waraabihii oo ordaya ayaa godkii ku dhacay, odeygii ayaa soo cararay oo is-yidhi intaanu kasoo bixin wax adag dusha ka saar hogga, markii uu odeygii hoggii isa soo dul taagay ayuu ku siibtay, in cabaar ah markii waraabihii iyo odeygii hoggii ku dhex rafanayeen, ayaa uu waraabihii dibada uga soo booday, markaasay islaantii aragtay waraabihii oo sii ordaya, intay qayliday ayay tidhi: “waar sowka baxsaday qabo waraabaha”, kadibna odeygii oo aanay nafi ku jirin ayaa yidhi “Naa… iska daa… waanu heshiinoo dib inoogu soo noqon maayee…

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?