Damaacigii Dabinka Galay !

Laba nin oo wada socda ayaa waxa ka soo horbaxay nin sita Kaal (Kaal=waranka nooc ka mid ah), kadib labada nin mid ka mid ah ayaa damcay inuu ninkan kaalka ka qaato, kadibna wuxuu saaxiibkii ku yidhi waar waan kaga murmayaaye aduu markhaati ii noqo, saaxiibkiina wuu ka ogolaaday markhaati been ah inuu u furo, waxay iskula tageen odayo u gar qaada, waxaanay u bilaabantay gartii sidan:-
ODAYO: maxaad isku haysataan.
DAMAACI: ninkani kaalkan uu sito anigaa leh, waxaana ii markhaati ah ninkan (saaxiibkii ayuu sheegayaa).
ODAYO: waar adna kaal-sitoow bal hadal…
KAAL-SITE: horta kaalkani anigu ma lihi, aanse idiin sheego sidii uu igu soo galay, maalin maalmaha ka mid ah ayaan ka daba imid aabahay oo geellayaga la socday, kadib waxaan arkay aabahay oo meyd ah, oo geed hoos yaalla, oo kaalkani wadnaha kaga taagan yahay, markaa hadii uu ninkani sheegay inuu leeyahay kaalkani, dee ha la ii qabto wuxuu dilay aabahaye…

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?