Wuxuu Ku Diray Kuu Wax Weydiisanayay

Nin ayaa soo galay Masaajid si uu Alle wax u weydiisto, kadibna intii uu weydiisan karayay markii uu dhameystay, ayuu waraaq ku qoray ducadii, kadibna kitaab Quraan ah ayuu ku dhex riday warqadii, isaga oo u qasdiyaya inuu Alle u diray ducadiisii, kadibna wuxuu u baxay istijo iyo weyso.

Mid kale oo masaajidka isna fadhiyay, oo arkayay markii uu warqada ku dhex ridayay kitaabka, ayaa inta uu soo kacay kitaabkii kala furay, warqadiina ka soo saaray, oo akhriyay, mise waxa ku qoray: “Alloow Wax I Sii” kadibna…

wuxuu ugu qoray warqadii: “Waxba Ku Siin Meynee Ka Bax Masaajidka…” kitaabkii ayuu warqadii ku celiyay, waxaanu ku noqday halkii uu ka fadhiyay markii hore masaajidka.

Ninkii duceysanayay ee ducadiisa inta uu waraaqda ku qoray, kitaabka ku dhex riday, ayaa soo noqday, oo kitaabkii kala furay, kadibna waxa uu arkay warqadii oo ay ku qoran tahay: “Waxba Ku Siin Meynee Nooga Bax Masaajidka…”

Kadib inta uu kitaabkii iska dhigay ayuu baxay, deeto kiiyoo sii baxaya ayuu ku turaanturooday roogii masaajidka, kuye: “Naga daa tukhaantukhada waanu kaaga baxaynaaye”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *