Rumeyso: Qofka Dabeecadiisa Dhabta Ah Marnaba Isma Badesho Wax Walba oo Dhaca,
Nin Ayaa Arkay Mas Ku Dhacay Dab, una Dhaw Inuu Ku Dhinto Dabka, Wuxuu Go’aansaday Ninkii Inuu badbaadiyo Maska, markuu u dhaqaaqay badbaadintii Maska, banaankana uga soo saaray dabkii, ayaa Maskii wuxuu qaniinay gacantii naxariista u fidisay, kana badbaadisay dhimashada, ninkii xanuunkii qaniinyada Maska darteed wuxuu sii daayay Maskii, oo hadana mar kale ku dhacay dabkii. Ninkii wuxuu u qaatay in markan uu isagu sabab u yahay dhimashada Maska, oo uu isagu ku riday dabka, wuxuuna go’aansaday inuu mar kale ka soo badbaadiyo, laakiin jid aan aheyn kii hore inuu ku badbaadiyo, wuxuu soo qaatay ul dheer, sidaas ayuuna uga soo saaray Maskii dabka, una badbaadiyay naftiisa iyo naftii Maskaba. Sheekada ninka iyo Maska waxaa arkayay nin kale, inta uu u yimid ayuu ku yidhi “Markii kowaad waxaad rabtay inaad badbaadiso Maska, wuu ku qaniinay, waxaad ku sii deysay dabkii, mar kale maxaad u badbaadisay adiga oo og inuu ku qaniinay? Ninkii Maska badbaadiyey wuxuu ku jawaabay jawaab cajiib ah, wuxuu yidhi/dhahay: dabeecada Maska waa in uu qaniino wuxuu arko, balse dabeecadiisa noocaas ah marnaba ma baddelayso dabeecadeena naxariista iyo insaannimadu ku dheehan tahay.
Ku Tusaale Qaado…
Marnaba yay iska kaa bedelin dabeecadaada iyo dhaqankaaga bini-aadannimo si fudud, qofkii ku dhibaateeya adigoo ka aar-gudan kara iska cafi, adiga oo ku sameyn kara intii uu ku yeelay in ka badan iska saamax. Xumaanta Wanaag Ku Qaabil – Dambigana Cafis Ku Qaabil Dadka Waxaa Ugu Kheyr Badan Ruuxa Naftiisa Ka Reeba Aar-Gudashada, Xanaaqiisana Ilaaliya, Waa La I Yeelay Darteedna Aan Wax Dhibaato Ah Ugu Geysan Dadkale Iyo Bulshadaba.
Waxa Qoray.: Ibrahim Mursal Kulmiye