Waxa Qoray: Yuusuf Shaacir
Qisadan waxaa iiga sheekeeyay Xuseen Yalaxle oo aan maanta kula kulmay magaalada Burco waxaanu yidhi
Xiligaa madaxwaynaha la dilay waxaan hudheel cunto ku haystay magaalan Burco, Waxaana xidhiidh fiicani naga dhaxeeyay ciidanka Bilayska Burco, saraakiishii bilayska ayaa waxay ii keeneen askarigan dilka gaysan doona, waxaanay ii sheegeen in ay bixinayaan kharashkiisa, hudheelkana aan buug uga furo.
Xiligaa ay ii keeneen waxa uu ahaa nin buuran, laakiin modooyinkii danbe waxa uu noqday nin dhuuban oo caato ah, Waxa uu ahaa nin kaligii meel fadhiista oo had iyo jeer fakara, taasoo dhalisay in aanu mar marka qaar ka shakino, waxaanu u muuqday nin tababar u socdo.
Safarkii madaxwaynaha ee Laas-caanood ayuu ii yimi, waxaanu ii sheegay in loo diray Laas-caanood, sidaa daraadeed aan lacag amaahiyo balse waan kadiiday, waxaanu u tagay nin kale oo meherada ila hayay, ninkaas ayaa siiyay wixii uu doonayay.
Subaxdii madaxwaynu laascaanood noo dhaafay, waxaa ii yimi sarkaal boolis ah iyo nin kale oo la socday, agtayda ayay ku sheekaysteen, sarkaalkii ayaa yidhi tola’ay ma maantaa Cabdirashiid na dhaafay, waan naxay oo hareeraha eegay, waxaanan ku idhi waar maxaad hadalkan ku keentay, waxa uu iigu jawaabay waa ninka booliska bakhtiiyay, ee janankayagii xidhay.
Galabnimadii markii aanu qaadka u fadhiisanay, ayaa BBC-du sheegtay dilka madaxwaynaha, anna waxaan xasuustay hadalkii sarkaalka iyo askarigii hudheelka ku xidhnaa ee dilka gaystay.
Sheekadan oo intan ka faahfaahsan waxaa saaka iiga sheekeeyay Xuseen Yalaxle oo adeer ii ah.