Adduunyo Waa Loo Dad Badsadaa !!!

Nin oday ah baa maanta wuxuu iiga sheekeeyay sababta uu ugu hal-qabsado markasta Aduun waa loo dad badsadaa…

Wuxuu ii sheegay in sannadkii 1980-kii isagoo jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar, oo ay hal qol ku degen yihiin 4 wiil, bishuna ay dabayaaqo tahay, oo aysan ijaarkii/kiradii gurigana aysan haysan, ileyn ma shaqeeyaan cid dibada wax uga soo dirtana aysan jirin, oo uu walaac xoogan hayo oo ku saabsan sidii wax la yeeli lahaa, ayaa wiilashii mid ka mid ah goor subax ah, ayuu wuxuu aaday/tagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Qaahira, oo ay maalintaas imaneysay Dayuurada Somali Airline, si uu dadka imanaya uga wareysto xaalada dalka ka jirta.

Wiilkii ayaa Airport-kii kula kulmay gabadh Soomaaliyad ah oo meel ay aado/tagto iyo cid ay ka taqaano Qaahira aysan jirin, wiilkii baa gabadhii soo kaxeeyay, oo sadexdii wiil oo guriga jooga u keenay.

Wiilashii baa aad u farxay, iyaga oo mooday gabadhu in ay wiilka ehel yihiin, ayna dibada ka timid, kana bixin doonta kirada/Ijaarka, Gabadhii bay qolkii uga soo baxeen, wax yar ka dib gabadhiibaa maydhasho/qubeys gashay, intii ay maydhaneysay bay wiilkii weydiiyeen, qoftii naga bixin lahayd lahayd maad noo keentay? Sidee wax u jiraan? Gabadhu maxay kuu tahay?

Wiilkii baa yiri gabadhan waa gabar Soomaaliyeed, oo aan maanta airport-ka kula kulmay, oo meel ay aado iyo cid ay ka garaneyso meesha ma jirto, gabar walaasheen ah oo dayacan, cidla ugama tegi karno buu yidhi.

Wiilashii mid ka mid ah baa yidhi: ma ogtahay in gurigan ay 10 cisho keliya nooga dhiman tahay kiradii, xagee geyn doontaa marka, wiilkii baa yiri gabadhan dhib ma arkeyso, oo Soomaali kale oo naga dhaqaale fiican baan u geynayaa, inta ka horeysana waxaan qabno beey nala qabtaa.

Habeenkii markii ay wada casheeyeen bay seexdeen, subaxdii markii la soo toosay ayuu wiilkii gabadha wareystay xaladeeda iyo sida ay Qaahira ku timid.

Gabadhii baa u sheegtay wiilkii in Airpot-ka Roma laga soo celiyay, oo ay Talyaaniga u socotay, halkaas oo uu ku sugayay walaalkeed oo degan Magaalada Torino, sababta loo soo celiyayna ay ahayd iyadoon wadan lacagta passpor-ka ugu qoran oo dhameyd $2000.

Gabadhii ayaa wiilkii weydiisay in uu ka caawiyo in uu telephone ugu diro walaalkeed oo Italy jooga, ka dibna Post-aha ayeey isku raaceen, Gabadhii baa walaalkeed la hadashay, walaalkeed wuxuu ahaa wiil Iskadhal ah (Soomaali iyo Talyaani) oo isku hooyo bay ahaayeen, weligoodna ismay arag, wiilkii Taliyaaniga ahaa ayaa gabadhii ku yiri aniga ayaa Qaahira kuugu imanaaya 7 maalmood kadib, waana ku soo kaxeynayaa.

Wiilkii ayeey asbuuc/todobaad kadib Airport-ka ka dooneen, markii uu soo degay ayuu wiilkii walaashiis xabadka ku qabtay, isaga oo ilmo ka socoto, oo af Taliyaani ku leh: Hooyo ayaa igu dardaartay inta aan dunida joogo in aanad dhib arag...

Ka dibna way isa soo raaceen, oo waxay yimaadeen xaafadii wiilasha, wiilkii Taliyaaniga ahaa ayaa walaashiis ka wareystay xiriirka ka dhexeeya iyada iyo wiilasha, isaga oo mooday in ay qaraabo yihiin, markaas bay ku tidhi: wiilashan aniga oo Qaahira airport meel aan ka aado garan la’ bay iga soo kaxeeyeen, oo wax aan Soomaalinimo aheyn nagama dhaxeyso, Alle ka sakow way i badbaadiyeen, wiilkii baa walaashii ku yidhi: abaal bay inagu leeyihiin, ee maxaan u sameeyaa?

Markaas bay ku tidhi: gurigan ay degan yihiin kiradiisa/ijaarkiisa ma haystaan, bishana waxaa ka dhiman 4 maalmood, culayskaas baa haysta, wiilkii Talyaaniga ahaa baa ilmo ka soo daadatay, isaga oo la yaaban dad iyaguba dhib ku jira, oo haddana u gurmanaya gabadh ayna garanaynin, markaas buu yidhi: kiradu imisa weeyi, waxaa loo sheegay in ay kiradu tahay $150 bishii, markaas buu walaashiis ku yidhi: u sheeg wiilasha, waxba yeysan welwelin, aniga ayaa sanad ka bixinaya kirada’e.

Markaa haddii uuna wiilkaasi gabadhaasi noo keeni lahayn, xaalkeenu ma fiicnayn lahayn, markaa sidaasi ayaan ugu halqabsadaa Aduun waa loo dad badsadaa.

Dhacdadan waxaan ka fahmi karnaa in ummadda Soomaaliyeed ay yahiin dad walaalo ah, oo is-jecel oo is caawiya, isu gacan furan, oo isu gurmada.

Qalinkii: Abdi Aziz Arale

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?