JIBBADU DAWLADNIMADA WAY DUMISAA
Dhaqan ahaan; ma dembi ka weyn baa jira, in reeraha arrimahooda dhaqanka la farageliyo, ama in reer magacoodii guud matalaad looga dhigo qof cuqaashii reerku aanay dooran
Mar hadii ay cuqaashii reerku hore ula hadleen dawlada, oo uga digeen magacaabida suldaankaa aanay iyagu wadanin, Wasaarada arrimaha guduhu maxay ka tidhi arrinkani, ileyn waa shaqooyinka wasaaradaasi kuwa ugu muhiimsan, oo isku-dhac iyo kala-qaybsanaan bulsho ayaa arrinkaasi sababayaaye.
Waxa ku jira Youtube, Axmed Saleebaan Dafle oo madaxii NSS-ta faqashta ahaa, oo la weydiinayo, dawladii aad ka tirsaneyd in ay dembiyo ama xadgudubyo gashay ma aaminsan tahay, kadibna wuxuu tirinayaa waxyaabihii ay sameeyeen ee qaladaadka ahaa, kadibna weriyuhu wuxuu weydiinayaa, markaa maxaa idinku kalifay inaad waxaa aad sheegtay sameysaan, hadii ba aad og tihiin, wuxuu ku jawaabayaa hadal cajiib ah, oo dul imanaya uun aayadan Qur’aanka ku jirta ee ah ( كَلاَّ إِنَّ الإِنسَانَ لَيَطْغَى أَن رَّآهُ اسْتَغْنَى)
Wuxuu odhanayaa “Dee waa iska jibaysnaynoo, wax qabta oo… kan qabta oo… kan kale qabta’oo, dee aduu waa iska jibaysnayn…“
Nidaamyada macangaga ahee aan dimuqraadiga ahayn, ceebta ugu weyn ee ay leeyihiin waxa weeyi, marka ay dadka aamusiiyaan, waxay waayaan cid khaladaadka ka qabata, oo ku tidhaa “Waar ka daaya…” kadibna waxa ku dhaca cudurada dawladnimada gala ka ugu xun, waa cudurkii Fircoon iyo dawladiisii galay ee ILLAAHAY weynaa oo wanaagsanaaye uu Qur’aanka in badan inoogaga sheekeeyay, waxa cudurkaa magaciisa la yidhaa JIBBO & IS-MAHADIN, marka dawladu aanay lahayn nidaam Mucaarid ah oo toosin u noqda, wuxuun bay dawladaasi ku baraarugtaa, iyaga oo badda gunteeda rafanaya, wuxuun bay noqdaan sidii Islaantii inankeeda ku tidhi “Hooyo cabdoow yaanu baaskiilku badda kula gelin…“
Wadani baaskiilkii way ku badhi-kaceen’oo, jibbo ayay cirkaa marayaane haloo gurmado, waxaan u malayn baaskiilkii baduu kula sii socdaaye, waar bi’i waayee haloo kaco, nimanku way la cadiban yihiin dawladnimadiiye, oo haloo sheego in mandate-koodu yahay intaa ku qoran dastuurka, xadka shaqadooduna ku kooban yahay intaa dastuurka ugu qoran.
Mar hadii arrimihii dhaqanka ee reeraha gaarka u ahaa, ay sidan ka yeelayaan, waxaaba ii sawirmay bakhaarkii daahir-yaa-shamis ee ilma-bahalkii, oo uu yimid mid digreeto lagu magacaabay sita, kuye “waa isbadalkiiyoo… anigaa la ii soo magacaabay bakhaarka’e goormaynu qabanaa xafladii xil-wareejinta“, ina-bahalkii oo yaabanina ku leeyahay: “Waar dee haaye tukaankan anigaa iska lehe, dee isaga isbadalkiisa la idiinma dirine…, oo isbadal idiinkama baahna’e… **** nagala taga baajuunnimada…“