Xoogsade taariikhdiisa oo kooban

Taariikhdu markii ay ahayd 1925, waxa ku dhashay magaalada Gabiley wiil yar oo Maxamed loogu magac daray, Maxamed aabihii oo lagu magacaabo cabdillaahi kaahin waxa uu geeriyooday isaga oo yar, waxana soo korisay hooyadii oo u noqotay aabe iyo hooyo, Maxamed waxa la dhashay Afar wiil (Cali, cabdillaahi, aadam iyo askar) iyo Gabadh (Xaliimo).

Sannado kadib, Markii ay kacaameen si ay u raadiyaan shaqo iyo mustaqbal fiican, Maxamed iyo laba walaaladii ah (Cali iyo Aadam) ayaa waxa ay u guureen itoobiya gaar ahaan magaalada Diridhaba, Maxamed waxa uu ahaa nin furfuran oo shaqo jecel, waxana uu muddo yar kadib magaalada diridhaba ka bilaabay shaqo darawalnimo ah, isaga oo kaxayn jiray baabuurta waawayn ee xamuulka ah, waxa uu ku suntanaa shaqo wanaag, dad jacayl iyo inuu muruqiisa maalo waana halka uu kula baxay Magaciisii caanka baxay ee XOOGSADE oo macnaheedu yahay ninkii maalay muruqiisa.

Sannadkii 1942, waxa uu xoogsade iyo walaaladii bilaabeen sharikad lagu magacaabo M.A.O. oo ah magaca Mohamed Abdullah Ogsade oo lasoo gaabiyay.
“Walaal hadii shirikadan ay kacdo maxaan samaynaa, Diridhaba sideen ugu noolaanaa? Waa su’aal uu weydiiyey xoogsade walaalkii aadam oo ka walaacsanaa maalmihii ay sharikaddu bilaabeen !! Xoogsade waxa uu ugu jawaabay “Walaal gacantayda barakaysan waa mid doolarku uu soo raadsado ee ha warwarin”.
M.A.O. wakhtigeedii waxa ay noqotay shirkadda ugu wayn itoobiya iyo bariga afrika, walaalkii Cali waxa uu masuul ka ahaa maamulka iyo waxkala iibsiga maalinlaha ah (Transactions) halka uu Aadam masuulka ahaa qaybta alaabaha iyo gaadiidka shirkadda.

1980yadii Xoogsade waxa uu noqday maalqabeenka ugu lacagta iyo hantida badanleh itoobiya, Shirkaddiisa M.A.O waxa hoos imanjiray shirkado iyo warshado badan oo uu xaajigu lahaa, waxana kamid ahayd HARAR-HORSE oo ahaa companygii ugu horreeyay ee dhoofiya bunka itoobiya gaar ahaan dalka marayka, iyada oo xukuumadii Mengistu Haile Mariam ay ka qaaday ganacsiga bunka sanadkii 1977 kadib dagaalkii soomaaliya iyo itoobiya, iyada oo hanti kale iyo dhul aad u ballaadhan oo malaayiin doolar ah kala wareegtay wakhtigaa.
Xoogsade waxa la aaminsan yahay in uu ahaa qofkii 1aad ee lahaa saamiga ugu weyn ee baanka lagu magacaabo Wegagen Bank, Maalgalinta uu ku sameeyey Baanka Wegagen oo kaliya ayaa ahayd boqolaal malyuun oo dollar.
Xoogsade waxa uu magaalo kasta oo itoobiya ah ka dhisay iskuulo, usbitaalo waddooyin, iyo goobo cibaado, isaga oo kafaalo qaaday tartanka baaskiilka iyo kubada cagta Itoobiya, si ay ula soo ciyaaraan wadamada kale.
Intii uu xoogsade ku guda jiray ganacsigiisa ayaa waxa uu yeeshay warshado kala duwan iyo hanti ma guurto ah oo ay ka mid yihiin kaalmo shidaal, bangiyo iyo dhismayaal badan oo ku yaala illaa Maraykanka.
Samafalkii ugu dambeeyey ayaa waxa uu ku bixiyey cisbitaalka Dil Chora oo ku yaala magaalada Dire Dawa, waxana uu siiyey lacag dhan $254,000.00.

9 February 2006 maalin khamiis ah, Ganacsade maxamed cabdillaahi xoogsade isaga oo kasoo baxay magaalada diridhaba si uu uga qaybgalo aaska walaashii xaliimo cabdillaahi oo ku geeriyootay magaalada gabiley, ayaa isaga oo maraya duleedka magaalada jigjiga waxa kusoo booday wadne xanuun aad u daran, waxyar kadib na uu u geeriyooday alle naxariistiisa janno haka waraabiyo e.

Xoogsade waxa uu dhalay 20 caruur ah, waligii waxa uu la noolaa dadkiisa, ma uu jeclayn in uu dibada ku noolaado, marka kaliya ee uu dibada tagayana waxa ay ahayd marka uu soo baadhayo caafimaadkiisa ama uu soo eegayo ganacsiga dibaddu sida uu u socdo, Marna fagaare kagama uu hadlin hantidiisu inta ay le’egtahay, Waxa se jira dood weyn oo ku saabsan inta ay leekayd hantida uu haystay, qiyaas ahaan waxa la sheegay in ay ahayd $1.8billion US Dollar.

Hamza Awaale

https://www.facebook.com/share/p/1DhkFoRH2F

error: Fadlan Lama Ogola !!