Qormadani waxay daaran tahay baraarujin iyo wacyigelin, waxaanay toos ugu socotaa reerkaa aanu tolka nahay ee Garxejis, ee uu taajkii Sheekh Isaxaaq saaran yahay, maxaa yeelay; iyaga ayaa maanta taladii Qaranka Somaliland uu gacantooda ku jiraa, kolkaa Saldanadii Sheekh Isaxaaq oo ay hore u sideen, hadii loogu daray Madaxweynihii Qaranka Somaliland na, talo iyo tilmaan ka maarmi maayaan.
Reerna laga waayi maayo in xun, oo si xun wax u wadda, mana aha qofka si xun wax u wadaa inuu abuur ahaan xun yahaye, dhaqan ahaan weeyi xumaantu, Illaahay ayaana weynaa oo wanaagsanaaye inoo sheegay, in abuur ahaan ilma-aadan oo dhami ay wada wanaagsan yihiin muslim iyo gaalba.

Qormadeydani waxa aan kaga hadlayaa waa inta kooban ee sida qaldan wax u wada, ee dooneysa in ay mar kale lumiyaan gobonimadeena iyo xoriyadeena.
Garxejis intiisa badan ee damiirkoodu nool yahay, ee xorta ka ah saameynta walaweynta, ee ay intaa kooban ee sida qaldan wax u wadaa ay magacoodii adeegsanayaan, isku duruuf ayaanu nahay, waxaanan filayaa in ay qasdigayga judhiiba fahmayaan, oo aanay igu qoonsanayn inaan marar badan magacoodii qiimaha badnaa ku xusay qormadani, ilmaadeerayaal sharaf iyo karaamo ayaad naga mudan tihiin, waanu idinla dareemaynaa culeyska aadka ah ee idinka haysta magaciinaa ay inta koobani dhulka jiideen, dareenkaasi ayuun buu qoraalkeyganina ka dhashay.
Rag Is Gurayee !
Ma maqashay hal-ku-dhigga ah Maska Madaxaa Laga Dilaa, madaxu waa halka uu nooluhu uga dhiman og yahay.
Kooxihii Isaaq-naceybku dhaamiyay iyo xulafadoodu ba, si ay u legdaan Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan reer Sheekh Isaxaaq, waxay ka soo weerareen madaxa, waxay la dagaalameen madaxdeenii iyo dadkeenii wanaagsanaa ee midba boos iyo meel muhiim ah inoogu gudbanaa, kadibna waxay inoo sameeyeen oo ay madax inooga dhigeen, kuwo ay iyagu wataan, oo ay buunbuunin iyo maalgelin la daba joogaan, sida; Madax-dhaqameedyo, Culimo, Ganacsato, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno iyo Weriyayaal.
Iyada oo weerarkaasi uu Isaaq jilib iyo jufo kasta saameeyay, hadana sida muuqata waxa aad loo weeraray reerka sharaftii Isaaq sida ee Garxejis, taasi oo sababta loo bar-tilmaameedsadayna ay u badan tahay:
- Garxejis oo haya Saldanadii guud ee reer Sheekh Isaxaaq, kolkaa madaxda Garxejis wixii ay u go’aamiyaan, ayaa Isaaq u go’an, oo hadal ku soo celin maayaan ayay qiyaastii is-yidhaahdeen.
- Garxejis oo ah dad dhiiranaan badankoodu u dhashay, waxaana tusaale kuugu filan, iyada oo reeraha kale ee Isaaq reer walba koox lagu dhex sameystay, badanka reerahaa kale inta lagu dhex yeeshay mid waliba shakhsiyadiisa iyo afkiisa ayuu ugu adeegaa, yacnii calooshood-u-shaqeystayaal weeyi, laakiin dhiiranaanta ninka Garxejis, isaga oo laabta garaacaya oo Garxejis baan ahay leh, ama annaga oo Garxejis ah, ayuu wixii la soo amray odhanayaa ama fulinayaa.
Sheeko Gaaban oo xikmadi ku jirto;
Waxaan xasuustaa hooyo nuse-saacelay ahayd, oo ciyaalnimadii goob aanu wax ka baran jirnay iyana ku iibin jirtay snack-food (saambuuse iyo qureec iyo malashaan iyo iwm…) ayaa waxa jiray inan ay dhashay, oo ay ku dhibanayd habdhaqankiisa.
Inankaasi nuse-saacaha ayuu ka xadi jiray hooyadii, oo marka ay kaga tagto nuse-saacaha, xataa saaxiibadii ayuu u xadi jiray, oo uu hoos ka siin jiray, marka ay la joogto na kolba si iyo xeelad uu soo alifay ayuu ku jeediyaa islaanta, markaas ayuu wax qaataa iyada oo aan arkeyn, oo la dhuuntaa midhii saambuusaha ahayd ama malashaanka ahayd.
Waxaa se waxaaba ka darnayd, markaad maqasho isagoo uga sheekeynaya sidii uu hooyadii u soo xaday, saaxiibadii oo la cunaya wixii uu u soo xaday, oo sida uu isu xariifinayo ee uu hadalka u xarakaynayo, marka uu sheeg-sheegayo sida uu u jeediyay ama u kaarteeyay hooyadii, yacnii libaax shaash leh iyo balaayo-balaayo ayuu iska dhigaa.
Saaxiibadaa la cuna, ee uu uga sheekeeyaa, waxay isugu jireen sadex qaybood:
- Intooda badan oo ah kuwa inanka ku dhiirigeliya ficilkan qaldan, oo qosolka ay jaanta wadhaan kolka uu hadlayo iyada oo aanu odhanin ba wax lagu qoslo, iyo iyaga oo ku sheega inanka xariif iyo balaayo khadyaan ah iyo nin kaarto badan, si uu berina ugu soo xado wax ay la cunaan.
- Qaar aan hadal iyo hugun toona ku darsanin intaa uu inanku sheekeynayo, se la cuna uun waxan uu soo xaday.
- Mid mid jiciirooda, oo inanka u muujiya inuu qaldan yahay, kol ay hadal ugu sheegaan, iyo kol ay ishaaro ama wejiga oo ay ururiyaan ku qaabilaanba.
Hadaba inankaasi hadii aynu ficilkaa uu sameeyo u fiirsanno, waxa aynu ku masaali karnaa, isaga oo gacantiisa intuu xaga dhabarka ka wareejiyay, jeebadiisa gacanta kale xigta, uu laba farood iyo sanqadh la’aan, ka gala soo baxay lacag ugu jirtay, kadibna la orday ama la dhuuntay, kadibna saaxiibadii uu uga sheekeeyay sidii xariifnimada ahayd, ee uu jeebadiisa ugala soo baxay lacagtiisa.
Ileyn waxan ay hooyadii iibinaysaa, waa uun wixiisii, oo wixii ka soo baxa iyo raasamaalkaba, isaga iyo walaaladii iyo qoyskooda ayuun bay ku korinaysaa, oo hadii ganacsigaa yar ee hooyadii wadaa bato oo barakoobo, isaga ayaa wanaagiisa leh, hadii uu ka xumaado ama uu kharibo inanku, oo uu wada cunana, inankani isaga ayaa ku wax la’a, oo beri qeyrkii oo dheregsan isha ka quudi.
Waxa suuragal ah; in inanku doonayo, inuu u cuno nuse-saace ahaan, sidaa qayrkii u cunayaan, hooyadiina ay u diiday inay siiso, iyada oo ka fikiraysa beri iyo timaadadiisa, si ay lacagta ka soo baxda snack-food ka ama nusesaacaha, ay uga dhigto quraacdiisii, qadadiisii, cashadiisii, lacagtii fee-ga, buugtiisii iyo dirayskiisii waxbarashada.
Sheekadani waxaan u soo qaatay, bal inaan ku dhereriyo waayaha iyo wadciga aynu ku jirno maanta, iyo halka xaalkeenu marayo.
Reerkii taajka aynu saarnay ee talada inoo hayay, kolka ay sidan yeelayaan, miyaanay ka dhignayn inay yihiin niman woxoodii xumaynaya, oo cumaamadii Sheekh Isaxaaq ee la saaray ceebaynaya.


Reer Sheekh Isaxaaq muddo haatan laga joogo qiyaastii 400 ilaa 500 oo sanno ka hor, waxay doorteen ama sameysteen Saldanad ama hogaan dhaqan, taasi oo si guud ay taashka ama cumaamadoodii saareen Ismaaciil Sheekh Isaxaaq oo loo garan-og yahay Gar-Xejis, gaar ahaan Daa’uud Ismaaciil Sh. Isaxaaq.

Magaca ama naanaystan Gar-Xejis, in kasta oo aanan haynin sida uu reerkaa ugu baxay, hadana marka aan eego labada erey ee uu ka kooban yahay, waxaan u malaynayaa; in markii taashka la saarayay, reer sheekh isaxaaqii kalee cumaamada saarayay ay ku yidhaahdeen “Ismaaciil-oow adigu garta noo xeji“, yacni talada reerka adigu hay, ileyn dowladnimada la sheegaba asalkeedu waa Garsoorka, qaybaha kale oo dhami waa faracyo.
Tan iyo xilligaa Garxejis loo doortay hogaanka guud ee Saldanadda reer Sheekh Isaxaaq, taasi oo haatan noqonaysa dhowr boqol oo sanadood, waxa talada ama title-ka Suldaanka guud ee Isaaq isaga kala dambeeyay rag aad u badan, oo uu ugu horeeyay Suldaan Guuleed Cabdi Ciise, oo ahaa ninkii taajka loogu hor saaray, iyo ilaa maanta oo uu xilkaasi hayo Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan CabdiQaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise

Bal ibtilo ba waa tane;
Reerkii Garxejis ee ay ahayd; in xilkaa culus ee ay ilmaadeeradood ku maamuuseen uu dhibo, oo ay culeyskiisa dareemaan, oo ay ahayd inay u xusul-duubtaan sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen xilkaasi, isla markaana tolkii doortay ugu abaal-guddi lahaayeen inay ururiyaan, oo ay wanaagooda iyo horumarkooda ka shaqeeyaan, fikirkooda oo dhanna geliyaan taasi, oo ay Isaaqnimada iyagu uga lexo-jeclo badnaadaan Isaaqa kale, ileyn wanaaga iyo sharafta Isaaq yeesho, iyaga (Garxejis) mar kasta ribxi iyo dheeraad ayaa u saarnaanaya, oo waa reerkii wanaagaa iyo sharaftaasi hogaanka u hayay, xataa hadaanay sababin iyagu oo aanay keeninba, dheeraadkaasi waa u saaran yahay’oo waxa u soo jiidaya taajkan madaxooda saarane, iska daa in xilkii loo dhiibay damqo ama ay wax taraan tolkood’e, waxay maanta reer Sheekh Isaxaaqii doortay ku tiraabayaan badadkii suugaaneed ee ahaa:
- Waxba yaanu xeerkay i marin, xoolana i siine, xaashe nin libin kaa xistiyay, xumihii waa yaab !
Iyo…
- Kolba kooxda orgoota, ma asooli karaynee, abaal baanu ku qabnaaye, ammaan uun ma idinka helnaa !
Waxay ahayd inay reerka dhisaan, oo sideedii Isaaq dhalay ay mid kasta hogaankiisa dhaqanka wanaajiyaan, oo ay u qabtaan shir-weynayaal reerku ku tashanayo, oo arrimihiisa dhaqan-dhaqaale ku lafo-guro, oo ay qorsheyaal iyo mashaariic horumarineed oo ay soo hindiseen ku soo bandhigaan, oo ay reerka gaadhka ka hayaan, wixii dhibaato ku ahna ku baraarujiyaan.
Taladii guud ee reer Sheekh Isaxaaq, way fadhiisiyeen Garxajis, oo tan iyo xilligii loo dhiibay xilkaasi, magac mooyee macno kale Isaaq umay yeelan Saldanaddaasi, yacni in ay jirto iyo in kale la kala garan maayo, waxaanay u badan tahay in aanay jirinba maanta.
Waxaa se taa kaba sii daran, reerkii Garxejis ee ay ahayd inay isu arkaan inay iyagu masuul ka yihiin 7-da reer sheekh Isaxaaq ee kale, ileyn iyagaa hogaankoodii ahe, waabay la tartamayaan oo la ficiltamayaan, yacni way garab ordayaane garsoore uma aha, isumana haystaanba.
Bal eeg hadda;
- 1960-kii markii Ingiriisku soo gaba-gabeeyay heshiiskii uu Somaliland ahaan inagula jiray, ee uu inoo soo celiyay taladii, niman Garxajis ah oo ay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal isku hayeen arrimo siyaasadeed iyo dano shakhsi, ayaa iyaga oo ka ordaya in Cigaal madaxweyne ka noqdo Somaliland marka uu Ingiriis baxo, waxay gobonimadeenii ku dhex tuureen Wallaweyntii, oo iyagaba xilligaas uu xifaaltan qabiil halakeeyay, nimankaa Garxejis waxay xiligaasi shiidaal uga dhigeen qorshahoodii Cigaal-diidnimo dhacdo markaa taagnayd, oo ahayd dhul-weynihii Hawd and Reserve Area oo Somaliland ka tirsanaa, oo Ingiriisku siiyay Itoobiya, kadibna kacdoon lagu ladhay qiiro Soomaali-jaceyl oo nimankaa Garxejis abaabuleen ayaa gobonimadeenii ku halawday, muddo 30-sanadood ahna ay reer sheekh Isaxaaq ugu noolaayeen dil iyo cabudhin.
- Gunnimadii Isaaq ka dhaxlay gobonimadii ay haleeyeen dhowrkii nin 1960-kii, waxa ka dhashay halgan socday muddo 20-sanno qiyaas ahaan noqonaya, halgankaasi oo reer sheekh Isaxaaq gudo iyo dibad aanay u kala hadhin madax iyo mijo ba, halgankaasi oo ujeedkiisu ahaa in la baadi-doono hashii maandeeq (Gobonimadii) ee ay nimanka Garxejis ku lumiyeen caadifadda iyo danaysiga.
- Illaahay mahaddii reer Sh.Isaxaaq way ku guuleysteen halgankii, oo baadidii ka maqnayd way soo heleen, taariikhdu markii ay ahayd 18-May-1991 ayay ku hubsadeen hashii Maandeeq xeradeedii, waxaana dib loo dhidbay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, oo Isaaq iyo qabaa’ilka kale ee ay dalka wadaagaan ku mideysan yihiin, waxaa se uu ku tagay halgankaasi qiime aad u sareeya oo naf iyo maalba leh, soo helidda hashii Maandeeq ee ay kuwii lumiyeen, waxay Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland Isaaq ku joogtaa 50000 ilaa 250000 qof oo dhimasho ah, hanti malaayiin ah oo ay ku waayeen, qax iyo qaxoonti silic badan.
- SNM oo ahayd mishiinkii ama gaadiidkii loo adeegsaday baadidoonku, xaqiiqatan waxay Garxejis ka mudan yihiin inay madaxa saartaan, oo ay siiyaan maamuus ka badan ka Isaaqa kale siiyaan, maxaa yeelay; SNM waxay gufeysay amaba ka dulqaaday Garxejis ceeb weyn oo dushood hogan lahayd ilal abad, waxaad se khajilaysaa markaad aragto mid Garxejis ah oo dhaleecaynaya SNM ama liidaya, ama ka sheeganaya Isaaqa kale, oo muujinaya inay uga dadaal badnaayeen.
- 1960-kii afar maalmood ayaynu haysanay gobonimada intaanay nimankii Garxejis luminin, bal itixaankani; markii aynu halgankaa qiimaha sare innagu jooga ku soo ceshanay gobonimadeenii 18-may-1991, Cabdiraxmaan Tuur oo noqday madaxweynihii u horeeyay iyo koox ay isku fikir ahaayeen oo dhamaantood Garxejis ah, ayaa si ay ka noqotayba waxay dooneen inay mar kale lumiyaan gobonimadii qaaliga inagu joogtay, oo ay khasab taladeena ku hoos geeyaan wallaweyntii wixii xilka lahaa inna baday, nin baa laga hayay “Maxaydin igaga faani beri ba waan lumiye !” taasi na way u cuntami wayday reer Sheekh Isaxaaqii iyo weliba reerihii kale ee aynu Jamhuuriyadda Somaliland wada lahayn, Ma hadana Garxejis-oow !!! ayaa ka dhacday, waxaana halkaasi ka bilaabmay dagaal sokeeye, oo lagaga joojinayay Garxejis inay lumiyaan gobonimadeena mar kale, dagaalkaa sokeeye reer sheekh Isaxaaq wuxuu ka galaaftay nafo iyo hanti badan, Illaahay mahadiina waa lagu guuleystay hor-joogsiga isku deygii kooxdaa Garxejiska ahi ku doonayeen inay mar kale lumiyaan gobonimadeena.
- Tan iyo markii laga hor-joogsaday isku deygii labaad ee luminta gobonimada, waxa dad badan oo Garxejis ahi u dhaqmayeen ama muujinayeen, sidii kuwo laga lib hayo, oo laga guulaystay, waxaanay u muuqdeen amaba qaarkood muujinayeen ba, kuwo debinta ruugaya oo dadaal ugu jira libta laga hayo sidii ay u soo ceshan lahaayeen, cajiib! miyaa laga libeystay mise qalad iyo gunnimo inna masayn lahayd ayaa laga hor joogsaday (gabadh kuwaa ka mid ah oo mar arrin na dhex maray, ayaa marka ay arrinkaa naga dhexeeya igala xaalayso, fursad kasta oo ay af ama addin iiga hesho hub ahaan ayay iigu adeegsan jirtay, yacnii naxariis la’aanta iyo cadhada ay ku ladhayso, waxaan habdhaqankeeda la yaabanaadaba, mar dambe ayaan ogaaday inay Garxejiskii cadheysnaa tahay), wallaweyntii Isaaq-naceybku dhaamiyay ayaa iyaga oo ka faa’iideysanaya cadhadaa humaaga ah, waxay u sameeyeen dacaayado ay ka mid yihiin Garxejis waa la gumeeyay… iyo Garxejis taladaa loo diidan yahay… iyo waxyaabo badan oo kale.
- Halgan dheer oo cidiyo ku dagaalan ah, oo ceeb iyo cay badnaa, oo soo socday dhowr iyo sodonkaa sanadood ee ay Jamhuuriyadda Somaliland jirtay, 13-Nov-2024 doorashadii dhacday ayay ku guuleysteen taladii Qaranka Somaliland, waxaana u codeeyay 400,000 qof oo ka mid ah 6,000,000 qof ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhaxeyso.
Garxejis mucaaridnimada gaamurtay maxaa ku dhaliyay?
Bal u fiirso oo is-weydii, dadka walaweynta xagooda inoo jiidaya, ee doonaya in aynu ku noqono midawgii aynu eednay, maxaa inta muuqata badankooda ka dhigay Garxejis?
Ma maqashay maahmaahdii ahayd Odeyga Islaanta Wax Loo Saar, wallee si ay ka tahayba Garxejis Walaweyn Wax Loo Saar, hadii aynu nahay reer Sheekh Isaxaaq, waxaynu wada ognahay in aan Garxejis waxba ka maqnayn shalay iyo maanta toona, laakiin waxa jira in kooban oo fidmo-wadayaal ah, gacan shisheeyana ay ku dhex jirto, oo lagu inkaaray reerkaa qiimaha badan, magaca na ka dila.
Waxaa se jira, oo iyana ku xisaabtan leh, wax la yidhaa Parallelism, oo ah is-weydaar faham, yacni marka qofku aaminsan yahay in cidi cadaw ku tahay ama dhibaato la damacsan tahay, ciddaasi hadii ay hindhisto, wuxuun buu u malaynaysaa, in hindhisadaasi sumeysnayd, oo isaga loola jeeday, bal dhageyso Abwaan Gaariye (AHU) oo parallelism-ka iyo wuxuu yahay ka waramaya.
Su’aal
Waxaynu inta badan aragnaa in ay Garxejis astaan ka dhigtaan sawir Libaax ah, qiyaastii waxa astaaantaasi daaran tahay Geesinimo, hadaba su’aashu waxay tahay:

🦁 Libaaxan shaashka leh, ee miciyaha dheer, ee aynu aragno Garxejis oo mar kasta astaan ahaanta u sitaa, muxuu ahaa? ma geesinimadooda ayay inoogu tusaaleynayaan 💪💪💪?
Nin baa laga hayay, tu walba arkayoo weligay tanoo kale 😂
Yaah! bal waayahaye, cumaamadeenaa iyo taajkaa aynu saarnay ee aynu ku ixtiraamayno, iyaguna ay sidii usha inoogu karbaashaan iyo gefafkaa qaawan, in ay hadana libaaxnimo iyo geesinimo inoogu sheegtaan ma daw baa? 😂 Waar ileyn tanoo kale 😎
Mise 😕 malaha libaaxan 🦁 waxay uga jeedaan, dagaaladii Isaaq iyo Daaroodka dhex mari jiray waagii hore, iyo geesinimadii ay ka kasbadeen ee Isaaqna taajka ku saaray ba?
Waar aniga ilama aha inay sidaa u jeedaan, se waa uun Libaax 🦁 ka turjumaya sida gabasho la’aanta iyo dhiiranaanta leh, ee ay cumaamadeenii inoola dhaceen, hadii libaaxu 🦁 yahay Daarood-la-dagaalankii waagii, dee Garxejis 1994-kii inagu la muu dagaalameen sidii uu Daarood inoo hoos geyn lahaa, oo cagaha inoomay qabteen Walaweyn 34-kaa sanno ee ay Jamhuuriyadda Somaliland jirtay, maxaa yeelay; tan iyo lixdankii Garxejis wuxuu geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushanaa, sidii uu taladeena u hoos geyl lahaa Daarood, oo weli sidii waagii u diidan jiritaankeena, dagaalkiina sidii waagii inoogu wada, iyo guud ahaan Walaweyn oo aan naf inoo hayne, keliya ujeedkoodu yahay, inaynu kula dhacno ceelkaa balaayaysan, ee gunta dheer, ee ay gacmahooda ku qoteen.



Xukuumadda Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland
Halkee ayay taladii la maraysaa Madaxweynihii cusbaa ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mad. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ ⁉️


Iyada oo xukuumadani talada haysay muddo kooban oo laba bilood ku dhaw, waxa soo baxaya ama la soo bandhigayaa dhaliilo badan, iyo tuhunno badan oo laga qabo hab-talinteeda, dhaliilahaasi oo qaarkood ay sheegayaan in Qarannimadii Jamhuuriyadda Somaliland ba halis ku jirto.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku soo socotay dhowr iyo sodonkaa sannadood tanaasulkii mujaahidiintii SNM iyo hab-maamulkii tudhaalaha ku dhisnaa ee madaxdii u kala dambeysay talada dalka, 13-Nov-2024 Somalilanders badan oo ay Habar-Jeclo ugu miisaan culus tahay, ayaa u adkeysan kari waayay qaylada iyo baala-xooftada xisbiga Wadani, oo u codeeyay, xisbigaasi oo mucaaridad qalafsan oo aan hore looga aqoon Somaliland ku ololeynayay.
Muddo yar kadib doorashadii, ka-deyrin iyo Alloow noo sahal amuuruhu ayaa yeedhaysa, baylahsanaan ayaa laga soo sheegayaa, oo durtaba gaabis badan ayaa ka muuqda hanaankii geedi-socodka Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, Bixiyoow Na Bixi Adigaa Awood Lehe, Aamiin.

Habar-Jeclooy ! mar hadii aad taladii u dhiibteen xisbigii mucaariddada qalafsan Qaranka kala hor yimid, ha ku halaynina Madaxweynaha cusub uun talada’e, nasteexada la ag jooga, oo la hinjiya Qaranka, oo u noqda bidaanadii wanaagsaneyd ee uu Nebi Muxamad scw inoo sheegay, si aanay cidla uga helin kuwa Qarannimadeena diidani.
In kasta oo aan anigu aaminsanaa xisbigan talada ku soo baxay, inaanu ku haboonayn talada Qarankeena, maadaama oo uu ku ololeynayay magaca reerka Garxejis, oo aynu ogeyn in Garxejis badan oo aan xisbigaasi taageersanayni jiray, hadana magacoodii guud sidaa qaldan uu xisbigaasi u isticmaalayay, oo weliba maatidii reerkaasna ay ku kiciyeen been iyo borobagaande la allifay, waxaan aaminsanaa xaqiiqduna ahayd, in hadii xisbigaa Garxejisnimada ku ololeynayay la soo saaro, in loo hiiliyay Garxejiskii koobnaa ee sida xun wax u waday, oo laga hiiliyay Garxejiskii ka badnaa ee dadkooda iyo dalkooda ku iimaan qabay, waanay dhacday oo maanta taladii waxay gacanta ugu jirtaa Garxejiskii tuhunka badan laga qabay, iyada oo wixii ay sameeyaan ba uu Garxejis taariikhda u gelayo, halka aanay wax badan ka qaban karin Garxejiskii aan ku raacsanayn sida ay wax u wadaan kooxdaasina.