Huwanta Awdal & Qumbuladdooda Laba Erey O Adag 💣

Waxa la yidhi beri beryaha ka mid ah, laba nin ayaa geel isugu jiray, way wada maalan jireen, isla markaana way wada ilaashan jireen.

Muddo kadib; labadii nin midkood ayaa wax u sanqadheen, wax tafaafulay ba signal baa u baxay, oo wax baa hoos ugu yidhi “Sanadka geellaagu wuu dhalayaa…” qiyaastii awrkii cirka ayuu arkayoo dabeeto dameerkiisii ayuu damcay inuu jarka ka tuuro, se wax baanu garanayne, inuu iska haysto dameerkiisaa xaasilka u ah ee gacantiisa ku jira weeyi saxdu, maahmaahi na waa tii ahayd “Lama huraan waa caws jiilaal…

Si ay la noqotay ba; ninkii wuxuu ku adkeystay oo go’aan uu ku gaadhay, inuu geelliisa ka soocdo geellii ninka kale.

Hadaba si uu geelliisa u soocdo, waa inuu keenaa sabab macquul ah, oo uu marmarsiiyo uga dhigo soocashadiisa, ileyn inoo kala sooc qayaxan, oo aan sababaysnayn, si bay afkii ugu adag tahay dhihitaankeeduye.

Ninkii soocashada geelliisa rabay, wuxuu maskaxda tuujiyo oo fikirka rogrogo ba, waxa uu keenay xeeladan:

Ninkii geel-soocde ayaa u tagay ninkii kale ee geellu isugu jiray, oo geelli la jooga, kadibna wuxuu ku yidhi: “Hebeloow geedkaa miyaad garanaysaa“, waa geed ku yaalla keyntii ay kolkaa dhex joogeen.

Ninkii kale ayaa isaga oo yar dhoolacadeynaya ugu hal celiyay “Miyaad kaftamaysaa?” ileyn garo’oo geedkan uu weydiiyay, ayaa ah mid caan ah, oo la wada garanayo.

Ninkii geel-soocde ayaa ugu jawaabay “Mayee waa iga dhab bal sheeg hadii aad garanayso?

Ninkii waa kaa ku yidhi “Dee waa GALOOL”

Ninkii Geel-soocde kuye “Ma kaasaa Galool ah, waar bal iska hubso!”

Ninkii kale “dee maxaan ka hubsan wuu yahaye…

Ninkii Geel-soocde kuye “Waar ileyn dhirtaba ma kala taqaanid, geedkaasi GALOOL maaha’e waa QUDHAC, sidaa u kala baro dhirta…

Ninkii kale inta uu geedkii is-hoos taagay, oo weliba taabtay, ayuu ku yidhi “Geedka aad sheegaysaa miyaanu kan ahayn, mise waa mid kale?

Ninkii Geel-soocde kuye “Haa; kaa aad taabatay weeyi kaan ku weydiiyay…

Ninkii kale “Dee kani waa GALOOL

Geel-Soocde “maahee waa QUDHAC

Markii labadii nin ay woxogaa ku murmeen wuu yahay iyo maaha, hadalkiina ka dhaadheeraaday, ayaa uu ninkii geel-soocde xaaladii dejiyay, oo yidhi “Kuu raacay taadabee inaga daa hadalkan badan iyo muranka hadaba !

Ninkan Geel-soocde, geedka uu ninka weydiiyay waa GALOOL, oo ninku wuu saxan yahaye, ujeedadiisu waa inuu abuuro muran.

Hadana maalin kale ayaa ninkii geel-soocashada rabay uu bilaabay murankii, weliba maalinkan waxa ka go’an inuu dhallaaxda soo qaado, oo halkii uu la rabay uu murankaasi gaadhsiiyo.

Sidii caadada u ahayd; labadii nin iyaga oo geellii la jooga keyntii, ayaa ninkii geel-soocde uu ninkii kale ku yidhi: “Hebeloow, koley dhirta waaweyn ma kala taqaanid oo, maalinkii dhawaa waa tii aad garan weyday QUDHAC ay xataa caruurtu garanayso’e, waad se is-yeelyeelaysay baan u malayne, bal geedkaa sheeg?

Ninkii kale inta uu yar qoslay, ayuu ku yidhi “Waar adigaan waxba garanayn, ma ninkaaga Galoolkii yidhi waa Qudhac !

Geel-soocde inta uu dul-fadhiistay geed yar oo geed gaab ah, kuye: “Ka soo gudub wixii hore oo, bal sheeg geedkani?

Ninkii kale markuu geedkii sidaa u eegay, waa kaa yidhi “Dee waa Jaleelo…

Ninkii Geel-soocde kuye: “Ma kaa saa Jaleelo ah, miyaanu Guryafan ahayn…

Ninkii kale: “Waar waa Jaleelo, Guryafanku caleentaas ba ma isagaa leh…

Geel-Soocde “Waar ma kaas baan Guryafan ahayn, hada waa geedkaas!!!

Ninkii kale oo yaaban ayaa ku adkaystay “Waa Jaleelo…” waana runtii oo geedku waa Jaleelo’e, ninkan geel-soocde ayaa ujeedo ka leh muranka.

Halkii ayaa muran dheeri uga bilaabmay, woxogaa kadibna murankii wuxuu isku badalay, in midba midka kale ku sheego aqoon-gaab iyo qof aan waxba garanaynin.

Halkaa marka xaal marayo; ninkii geel-soocde oo goorahaaba dul-fadhiyay geedkii yaraa, isaga oo kolna taabanayay kolna caleentiisa inta uu gacanta ku bururiyo ursanayay, si uu ugu xaqiijiyo inuu Guryafan yahay, ayaa fadhigii ka kacay oo kor isku taagay, kadibna inta uu dhiiga isku-kiciyay hadalkiina kulayliyay, ayuu yidhi: “Horta maxaad iila murantaa… murankaagan ayaaban khaati ka joogaa in-dhaweyd… waar sidan ku wada joogi maynoo anigu kuma fahmayee, geella inoo kala sooc…

Kadibna keyntii geellu daaqayay inta uu tegay, ayaabu geella qaybtiisii dareersaday oo xagaa ula baxay, waxaanu bartii ka huleelay isaga oo aan xataa maca-salaama odhan ninkii geellu isugu jireen.

Waxaa dhacday Illaahay Amarkii, ninkii geelliisa soocday in aanu u dhalin geellii sanadkaasi, oo uu ku hungoobay qorshihiisii uu ku sar-jaray, timaado arrinkeedu gacanta Illaahay ku jiro.

Halka ninkii kale ee geella laga soocdayna, Illaahay Amarkii uu sanadkaasi geellii u wada dhalay, oo uu cad iyo caano ba ka dhargay.


Hal Diidaysaa Geed Ay Ku Xoqato Ma Weydo

Mushkiladda ugu weyn ee haysata dalkan Somaliland waxa weeyi, waxa jira dad badan oo qabiil walba leh (Isaaq, Gadabuursi, Ciise, Dhulbahante, Warsangeli iyo qabiilooyin kale ba) oo iyagoo ku sugan gudaha Somaliland, hadana dagaal kula jira horumarka iyo in Somaliland ay wax u soo kordhaan, oo aan ogoleyn in Somaliland ay dal madax banaan noqoto, dadkaasi dagaalkoodu wuu ujeedo badan yahay:

  • Qaarkood waxay aaminsan yihiin Soomaali-weyn iyo in shantii gobol la mideeyo
  • Qaarkood waxay ka tirsan yihiin ururrada argagixisada iyo budhcad-diimeedyada
  • Qaarkood waa damiir-laaweyaal ku-shubasho ah, oo lacag lagu iibsaday
  • Qaarkood waa basaasiin dawlado shisheeye ku shaqaystaan
  • Qaarkood dagaalkooduba waa xaasidnimo iyo ku-xumeyn
  • Iyo qaar kale oo dagaalka ay Somaliland kula jiraan kala wada ujeedo yahay

Dadkaa Somaliland-diidka ah ee diidmadoodu kala ujeedooyinka tahay, gobol iyo magaalo kasta oo Somaliland ka tirsan way joogaan, midba tiro ay ku yihiinba.

Dadkaa Somaliland-diidka ahi ma cadeystaan mabda’a diidmadooda iyo dagaalka ay kula jiraan Somaliland, waxaa bay badankoodu filimka ku matalaan inay iska dhig-dhigaan kuwo u wanaagsan dadka iyo dalka Somaliland, tusaale ahaan;

  • Qaar badani waxay ku jiraan qaybaha dawlada Somaliland, oo xafiisyada iyo xilalka dawladda ayaa bay joogaan,
  • Qaar kale wadaadnimada iyo goobaha diinta ayay diidmada la joogaan,
  • Qaar kale na bulshada caadiga ah ayay ka mid yihiin, iyaga oo calankii Somaliland gacanta ugu wada xidhan yahay,

Somaliland-diidku inay cadeysan waayaan diidmadooda iyo dagaalka ay kula jiraan Somaliland, oo arrinkoodu noqdo dhuumasho dhabarku muuqdaa waxay keentay, in ilaa maanta reer Somaliland madax iyo shacab ba, ay fahmi waayaan ciriqqa ama halka ay ka dhaqaaqi la’a dahay dawladnimada Somaliland, oo horumarkii iyo wada-jirkii bulshadu gaabiska ama dheeliga ka yeeshay, ileyn waa dal cagaha la hayo oo kuwo aynu dadkeenii moodaynaa dagaal hoose kula jiraan, hore ayaa loo yidhi:

  • Baadida ninbaa kula daydayoo daalna kaa badin
  • Aan se dooneyn inaad hesho daa’in abidkaayoo
  • Dadkuna idin moodeyaan duul wada dhashay
  • Oo aanay wax u kala dahsooneyn

Sidaa darteed; waxa dhaqankii bulshada ku batay is-laba-rogga iyo kolba dhinac u cararka, maxaa yeelay; qofkii maanta wuxuu la joogaa oo lagu dhex arkayaa koox, muddo yar kadibna isaga oo qofkii kooxdii uu la joogay ka cararay oo haaraamaya, oo dhaliilaya ayaa la arkayaa, waxa weeyaan qofkii intan uu la joogay waxba muu ogeyn, ileyn kooxihii Somaliland-diidka ahaa waa kuwan waayahooda laabta ku haysta, ee qarsanaya mabda’ooda’e, marka uu qofkii ogaado dadkan uu jaalka la noqday waxay maagan yihiin, iyo sida ay wax u wadaan, ayaa uun buu baraarugayaa oo is-ogaanayaa inuu meel khaldan dhex joogo, weliba kooxahaa qorshayaashooda qarsadaa si ay u helaan dad aan iyaga ahayn, oo hawsha la wada, waxay dadka uga faa’iideystaan inta badan xaalad ay iyagu abuureen, oo furaheeda ay iyagu hayaan, kadibna marka ay xaliyaan ileyn iyagaa kolka horeba bilaabaye, ayaa qofkii u arkayaa dad waxtar leh, oo wax qaban karaya, qofkii na ma oga in ay iyagu yihiin kuwa marka horeba bilaabay waxani, mararka qaarkoodna waxa ay dadka uga faa’iideystaan dhacdooyinka caadiga ah ee u dhaca sida filan-waaga ah ama jahligu keeno, tusaale ahaan;

Maalin laba gaadhi ay is-jiidheen, mid baan ag-joogay dhoosha ka qoslaya marna hadalka adkeynaya, oo iska dhigayay mid xog iyo cilmi-baadhis xaqiiqo ku fadhida sheegaya, wuxuu lahaa “wadada weeyi ciladu, wadada ayaa markii la dhisayay la kala shaxaaday, oo la cunay, hadii wadadu tahay mid qaro leh, dadkaasi halkaa kumay naf waayeen, intay xoolihii umada cuneen ayaa dadkiina gaadhi ku dhamaaday, Illaahay hay naga qabto kuwan baas…” ku aan aqaanay oo isagu iska daacad ahaa, se hadalkaasi ku dhaadhacay, ayaan arkayay isaga oo dad meel kale jooga intii ugu sheegaya hadal adag, oo ka dhigaya cilmi-baadhis aqoonyahanno isugu tageen ogaanshaheeda.

Dadkaa Somaliland-diidka ahi waxay qarsashadaa ama qarinta dagaalkooda ka dheefeen, dulli, daalinnimo iyo inay ahaadaan il-miliqleyaal cabsi ku nool, ileyn waa tii la yidhi waxaad qarsataa way ku qarsadaane, bal ka warran qofka ama dadka noloshoodii maalinlaha ahayd noqotay mid ka kooban:

  • Dulmigii oo caadi u noqday,
  • Khiyaamooyin la hindisayo,
  • Shirqoollo la maleegayo,
  • Khaawisaad iyo daba-dhukusid (waa ka halkaa maray… waa ka halkaa sii galaya… halkanuu fadhiistay… iwm…)
  • Dad dhiigooda la xalaashado ama dhibaato aanay xaq ugu lahayn ay u geystaan,
  • Wararka ay raadiyaan ee ay dhegtoodu xiiseysaa yihiin (waa la dilay, waa la eryay, wuu dhintay, waa la sixray, waa loo diiday, wuu waashay, waa laga xumeeyay, waa la qabtay, wuu waayay, wuu ooyay, iyo wixii balo & baas ah oo miidhan)
  • Wararka in ay maqlaan ay neceb yihiin (waa la faraxsan yahay, way caafimaad qabaan, way shaqeystaan, way horumareen, way guuleysteen, way tarmeen, wax bay barteen, iyo wixii kheyr & wanaag ah oo idil)
  • Cabsi joogto ah iyo baalla-deymood ku noolaan (lagu qabay, lagu fahan, armaa lagu arkaa, armaa lagugu qabtaa khiyaamada, armaa lagugu soo maqan yahay, armaad ku fashilantaa dulmiga… )

Dadka noloshaasi duliga miidhan ah ku nool, yar iyo weyn rag iyo dumar, badankoodu waxay xidhaan muraayadda hadhka leh (Photocromic), si aan loo arag indhahooda warwareegaya, iyo baalla-deymoodka aad moodo sidii muraayad-haada gaadhiga.

Bal ka waran; qofka isaga oo da’da dhexe ku jira bilaabay la-dagaalanka Somaliland, ee dhowr iyo sodonkaa sanadood ee ay Somaliland jirtay, noloshaa aynu ka soo warannay cirradu ugu soo baxday, qiyaastii dadkaasi waxay noqdeen sidii; waraabe doonaya inuu u soo dhaco xoolo xero ku jira, oo wid iyo yurtaa la hayo, isna aan qancayn oon quusanayne, halkan muska dushiisa uun muu’a iyo fadhadhaq la soo taagan.

Waraabenimaduna waa maxsuulka iyo waxa laga dhaxlo dhuumashada dhabarku muuqdo, iyo in qofka ama dadku ay mabda’ooda la badheedhi waayaan, marka se mabda’aaga iyo dagaalkaaguba cad yihiin, ee aad cadayso waxaad diidan tahay iyo waxa aad doonayso ba, waxaad noqonaysaa qof sharaf iyo cisi ku nool, oo madaxiisu kor u taagan yahay hadii uu qofku mabda’aa ku dhinto iyo hadii uu ku guuleysto oo uu u hirgalo ba.

Hadaba kooxahan kala ujeedooyinka duwan ee Somaliland-diidka ahi, dagaalkii ay ka bilaabeen bariga gobolka Sool dhamaadkii 2022, waxay Somaliland la dagaalameen iyaga oo saf qudha ku wada jira ama hal koox isku ah, halkaasi waxa ugu baxay naanaysta ah Huwan, oo looga jeedo kooxo iyo dadyow ujeedada ay Somaliland ula dagaalamayaan kala du-duwan tahay, hadana hal dhinac uga soo wada jeestay la dagaalanka Somaliland.

Hadaba dadkii reer Somaliland qabiil ay yihiinba iyo gobol ay joogaan ba, waxay u kala baxeen in kooban oo Huwantaa imtixaaman ah, iyo inta badan oo Hagaagsan oo Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu ka badbaadiyay gunnimadaasi iyo noloshaa foolsha-xun.

Bal ila eeg muuqaalkan hoose;

Wuxuu isaga oo is-xariifinaya yidhi: “Eeg… Laba erey oo adag uun dheh, gobolkan Awdal ka sii mid ahaan maayo Somaliland, besba… waaba intaa…

Hadii aad muuqaalkaasi u fiirsato, oo aad akhrido wejiyada raggaa ka muuqda meesha, badankoodu waa dad iska daacad ah, oo la soo kalifay, looga na faa’iideysanayo xaalad jirta ama arrintaa taagan, midhadh Huwantii ah ayaa ku dhex jira, oo iyagu fuufta iyo gaas ku-shubidda u badinaya, si arrinkaasi u sii qarxo oo ololku isu gaadho.

Labadaa erey ee ay adayga ku sheegaan, waa qumbullada ay ku hubaysan yihiin Huwanta Gadabuursigu, mar kasta waxay raadiyaan xaalad jirta ama dhacdo ay ku dhex dhuuntaan, si ay u ridaan labadan erey ee iyaga u ah qumbuladihii fat man iyo little boy ee Maraykanku ku riday Japan.

Huwantu tashkiilinta waxay uga soo bilaabaan qofka yaraantiisa, oo malcaamadaha iyo madarasadda iyo iskuullada iyo goobaha waxbarashada badankooda, oo ay iyagu gacanta ku hayaan, ayaa u ah warshadihii u soo saarayay ciidamada muraaqaysan, ee ay kula dagaalamayaan Somaliland.

Waa kan madaxweyne hore Mudane Daahir Riyaale Kaahin, oo markii uu ka yaabay sida Huwantu ugu dhex jirto dadkiisii, iyo sida qaldan ee ay wax ugu sheegeen ama uga dhaadhiciyeen, u xaqiijinaya in Gadabuursi uu Somaliland yahay, Somaliland na aanay Isaaqnimada ahayne ay dalka tahay, Gadabuursina uu dalkan Somaliland qayb ka yahay, oo ay sidaa wax u fahmaan, wixii dhibaato ku soo kordha Somaliland na aanay Isaaq uun ku koobnaanaynine Gadabuursina la qabayo, hadaanu kaba badsanin.

Bal muuqaalkan kalena ila eeg;

Cali Xaamud Jibriil oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Gollaha Wakiilada Somaliland, wuxuu yidhi: “Cabashada Awdal Cali ha ugu dambeeyo…” isaga oo ujeedkiisa ama qasdigiisuna uu ahaa “Gadabuursiyoow yaan mar dambe la idinka maqlin saami ayaa nagaga maqan Somaliland“, wuxuu muuqaalkaasi Cali Xaamud cabasho ka muujiyay Xildhibaan Maxamed Abiib iyo qaar kale oo ka mid ah Xildhibaanada Gadabuursiga ugu jira Gollaha Wakiilada, oo ku taageeri waayay codkooda, si uu u noqdo Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada.

Bal muuqaalkan kale na ila eeg;

Waa isla Cali Xaamudkii muuqaalka hore ina lahaa Xildhibaannada gadabuursi qaarkood, oo uu ku jiro Xil. Maxamed Abiib ayaa danta urur/xisbi-siyaasadeedyadooda raacay, oo Awdal u diiday inay noqdaan Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada, ayaa hadana sidan kale ina leh, oo shacabka Gadabuursi ugu baaqaya sidan:

Alloow Alleh, siyaasadaha iska hor iyo daba imaatinka ah, dadka qaarna ku sheegaan shuban-siyaasadeedku, waa wax dadka jaha-wareeriya oo nacsiiya dawladnimada iyo qarannimada.

Alle ha u naxariistee Abwaan Gaariye ayaa laga hayay:

  • Diin baa god goray galay
  • Goray baa god diin galay
  • Is daba wareeg iyo
  • Hebello isu duur xula

Xildhibaanno dhowr ah, oo uu xil. Maxamed Abiib ku jiraa, waa kuwo gefafkoodii sharciyeed bateen, oo ku dagmay debecsanaanta iyo tudhaalaha Qaranka Somaliland lagu maamulo, waana Xildhibaanno ka gudbay xadkii xasaanada xildhibaannimo ay lahayd, inay sharciga waajahaan, oo wixii lagu helo lagu fuliyaana ay mudan tahay.

Bal u fiirso hab-dhaqanka Xildhibaankani;

Waa mar kale iyo Xildhibaan Maxamed Abiib oo farta lulaya, isla markaana Somaliland ugu goodinaya qumbuladii labada erey ka koobnayd, ee Huwanta Gadabuursigu ku hubaysnaayeen.

Tanina waa inan gadabuursi ah, oo inoo sheegaysa inay ku og yihiin Xildhibaan Maxamed Abiib waxa sharcigu ku haysto, isla markaana ay ku taageersan yihiin inuu sidaa u dhaqmo.

Kuwanina waa qaar ka mid ah shacabka reer Boorama oo makarafoonka lala dhex maray, si ay uga waramaan bal sida ay u arkaan in Xil. Maxamed Abiib sharciga la horgeeyo, oo wixii lagu soo eedeeyay uu iska difaaco.

Abwaan Gaariye ayaa Rabbi naxariistii janno ha siiyee, wuxuu yidhi:

  • Nin kasta oo dakano galay
  • Qoluu dabada geliyoo
  • Dembi dhacay mas’uul ma leh
  • Markaad hebel duqaysaa
  • Reer hebel damqanayaan

Shacabka Gadabuursi hadii ay dhageysan waayaan talada waxgaradka iyo aqoonyahankooda, oo ay mudantooda matalaad ka dhigan waayaan, taa bedelkeeda na ay dhageystaan siyaasiyiinta da’a yarta ah, ee degdega badani ku jiro, isla markaana sida loo duufsan karaa ay fududahay, wixii ay kala kulmaan ee dheg-xumo iyo dhibaato ah, cidna yay ku eersan.


Waxa fiican in bulshada reer Somaliland ay ogaadaan;

1- Argagixisadu markii ay koonfur qabsanayeen, dad reer-koonfureed ah oo magacyo wan-wanaagsan sita, isla markaana af-miishaarnimo iyo qabiilnimo hawsha ku waday, ayaa gogosha u dhigay argagixisada, oo koonfur ku soo dhaweeyay, shacabkii ku dagmay ee iska daba-galay kuwaa dhibaatada u soo hooyayna, maanta waxay taagan yihiin Alloow yaa harageedii nagaga celiya.

2- Fikirka Soomaaliweyn na muu ahayn mid caqli iyo cilmi toona ku dhisan, se jibbo degdeg mooyee aan miyir loogu kuur-gelin xaqiiqada suuragalnimadeeda ayuu ahaa, bal ila eeg muuqaalladan hoose;

Kani waa hogaanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo si cad u sheegay in aanay marnaba Soomaaliweyn ku qanacsanayn.

3- Kuwanina waa soomaalida ku nool gobollada waqooyi bari ee Dalka Kiiniya, in kasta oo hadaladaa ay leeyihiin ay ka keentay xanuunka iyo dhibaatada lagu hayaa, hadana waxaynu og nahay maanta madaxdii ugu jirtay dawlada Kiiniya, ee iyagu u hadli lahaa dadkaa dhibaataysan, kana shaqeyn lahaa sidii ay nabad iyo horumar u heli lahaayeen, in badankoodu ay 24/7 ku mashquulsan yihiin waxyeelada iyo dibin-daabyaynta Qarannimada Somaliland.

4- Soomaali-galbeedna badi qabaa’ilka Soomaalida ee ku nool, marka laga reebo Isaaq iyo Ogaadeenka qaarkood, wax hore u diidanaa amaba maanta diidan ka-mid ahaanshaha Itoobiya maynu arag, way ku qanacsan yihiin badidoodu Itoobiyaanimada, kolkaa sabab inaguna aynu Itoobiya uga dhiganno cadaw, oo colaad aan joogsaneyn iyo keeb-la-yuurur uun u ahaanno ma jirto, waa in aynu heshiis iyo wada-noolaansho la yeelanno wadama aynu jaarka nahay, dadkeena ku nool Itoobiyana aynu halkoodaa nabad iyo horumar ugu raadinno, kuna ogaanno.



Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye (Alle ha u naxariisto) isaga oo ka digaya is-maqiiqa iyo biimaha, dhibaatada ka dhalata is-xariifintana inoogu sheegaya hab farshaxamaysan, oo cajiib ah, wuxuu yidhi:

-Laga waani biimaha,
-Waar aayar lagu yidhi,
-Soo joogso laga waa,
-Waayeelki loo diray,
-Walag way ka quusteen,
-Wax kalaa ka salag lee,
-Wiyil qooqan heensee,
-Baabuurki weetee,
-Waddadii taraarsii,
-Wabadaran afka u saar,
-Qardo-jeex waraaraha,
-Waalalowte kala dhacan,

-Wuxu wadhadhac leeyoo,
-Wirdi maalin oo leyl,
-Hadba doc isku waababa,
-Wuxu qaw ka weecdaba,
-Wax la yidhi Hadraawoow,
-Maantaa war joogaa,
-Wiriq oodan buu galay,
-Shilna wayna daan-weyn,
-Immikay wargeysyada,
-Bogga hore far waaweyn,
-Si wanaagsan ugu taal,

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?