Xasan Shiikh amuur culus baa hortaal!

Askariga Masar ee uu taleefanka kula hadlay waxa uu maxbuus u yahay dhiiggii Mursi iyo xasuuqyadii uu ka geystay fagaarayaasha Raabica iyo Ramsiis! Tallaabo ma qaadi karo fasax la’aan, xataa Gaza oo dilka iyo dulmiga ku socda aad ogtihiin biyo iyo roodhi aan fasax loo siin xadka Rafax kama gudbin karo.

Biyihii uu Xabashigu ka leexsaday joog hoose kaga hadal baa lagu amray! Isna waxa uu yidhi حاضر يا بيه.

Ereteriya waxa lugta u sudhan aargoosigii Tigreega! Markasta oo Afawerki madaxa sare u taago kaadhka Tigreega ayaa uu Abiy taagaa! Fursadda uu Afawerki ku sii hogaamin karo Ereteriya 33 sano ka dib (1991-2024) aad bay u yartahay!

Soodaan oo ay Xabashiga muddo dheer isku haysteen dhul beereedka hodanka ah, الفشقة, waad ogtahay in aanay ka danbayn wadaadkii askariga ahaa ee 32 ka sano haystay!

Koonfurta Soodaan, marka laga tago dagaalkeega sokeeye ee jiritaankeega la kowsaday waxa madax ka ah nin uu xabashigu siyaasad ahaan dhalay, dhankiisana kaalmo kuma ogid! Sow ma xasuusatid sidii John Garang 2005-tii dayuuradda loogu gubay si uu Salva Kiir-kaa saxaafadda ku hor kaadshayaa xilka u qabto?

Sawaaxiligu wuu kaaga awood iyo taageero badanyahay Jubbaland ! Sida uu Xabashigu kaaga kalsooni iyo awood badanyahay maamulka koonfur Galbeed iyo guutadiisa. Xasanoow waxa qoorta kuu sudhan Lafta Gareen iyo maamulkiisa iyo Gedo!

Jabuuti iyo Ismaaciil Cumar kaadhka Canfarta ayaa horyaalla! Golayaasha siyaasadeed ee uu ka botorin karaa way yaryihiin. In uu sebenkii Farmaajo sigtay wuu is ogyahay!

Deegaanka Soomaalida Itoobiya, dib u milicso qorshaha caasimadda gobolka lagu rarayo? Waa in aan xadka Soomaalilaan iyo Oromiyo jiritaan siyaasadeed oo naflihi u dhaxayn!

Maxaa xal ah ee aan kuu hayaa si aad xeebta ummadda Soomaaliyeed u badbaadiso? Waaba haddii ay, qiiradu, kaa dhabtahaye?

Xalku waa in aad Soomaalilaan aqoonsato! Oo aad adigu cid walba uga horrayso!

Xal aan kaa ahayn ruuxa kugu maaweeliyaa wuxu la midyahay odaygii shalay kursigu la jabay, Cabdi Xaashi, amma kuraydii kale ee mikirifoonada sidatay!

.اللهم هل بلغت

Waxa Qoray: Cabdiraxmaan Alkheyraat

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?