Dagaalka bariga Sool, diintu maxay ka qabtaa?

Dagaalka bariga Sool, diintu maxay ka qabtaa?

Sida aynu wada ognahay; soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “Dagaal wiil baa ku dhintee, wiil kuma dhasho“, xaqiiq weeyi nuxurka ay gudbinayso maahmaahdaasi, se waxa jirta mar aan dagaal mooyee wax kale nabadda xal u noqoneynin, waxaana tusaale inoogu filan; iyada oo Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu naxariis badan yahay, oo ina amray in wanaagga aakhiro iyo badhaadhaha adduunkaba aynu ku goosanno isu-naxariisashada iyo waxtarka dad iyo duunyaba, in hadana uu Raxmaanku Qur’aanka dhexdiisa dhowr meelood ku xusan in la dagaalamo, waxa ay taasi cadeyn u tahay in dagaalku mararka qaarkood lagama-maarmaan yahay.

Iyada oo weliba dadka lala dagaalamayaa ay dhowr nooc u qaybsan yihiin, halka ujeedka dagaalkuna uu isna dhowr nooc oo kala duwan u qaybsamayo, hadii aynu si guud u soo ururrino dagaalada ku xusan Qur’aanka:

  • Mar qof ama cid kugu xadgudubtay, oo kula dagaalamaysa ayaad iska celinaysaa (أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَٰتَلُونَ بِأَنَّهُمۡ ظُلِمُواْۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ نَصۡرِهِمۡ لَقَدِيرٌ)
  • Marna waxa lala dagaalamayaa gaalo duulaan badheedh ah ku soo qaaday muslimiinta, oo la iska dhicinnayaa (وَقَٰتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ يُقَٰتِلُونَكُمۡ وَلَا تَعۡتَدُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُعۡتَدِينَ)
  • Marna dad itaal daran, oo rag iyo dumar iyo carruurba leh, oo la tun-jileecsaday, lana gumeysannayo, ayaa gumeysiga iyo addoonsiga laga dhicinnayaa (وَمَا لَكُمۡ لَا تُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلرِّجَالِ وَٱلنِّسَآءِ وَٱلۡوِلۡدَٰنِ ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَخۡرِجۡنَا مِنۡ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلظَّالِمِ أَهۡلُهَا وَٱجۡعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ وَلِيّٗا وَٱجۡعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ نَصِيرًا )
  • Marna wanaagga waxyiga in la baahiyo, oo dadku meel ay joogaanba la gaadhsiiyo wixii Rabbigood amray, cidda diida faafintaasi waxyiga ee salmiga ah ayaa lala dagaalamayaa (قَٰتِلُواْ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَلَا بِٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَلَا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَلَا يَدِينُونَ دِينَ ٱلۡحَقِّ مِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ حَتَّىٰ يُعۡطُواْ ٱلۡجِزۡيَةَ عَن يَدٖ وَهُمۡ صَٰغِرُونَ)
  • Mar kalena waxa lala dagaalamayaa dad muslimiin ah, oo xadgudbay ama diiday nabadda iyo kala-dambeynta umaddu ku nooshahay, iyada oo aan gaalnimo loola dagaalamaynine, la-dagaalankooda looga jeedo in xadkii nabadda iyo wanaagga lagu soo celiyo (وَإِن طَآئِفَتَانِ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱقۡتَتَلُواْ فَأَصۡلِحُواْ بَيۡنَهُمَاۖ فَإِنۢ بَغَتۡ إِحۡدَىٰهُمَا عَلَى ٱلۡأُخۡرَىٰ فَقَٰتِلُواْ ٱلَّتِي تَبۡغِي حَتَّىٰ تَفِيٓءَ إِلَىٰٓ أَمۡرِ ٱللَّهِۚ فَإِن فَآءَتۡ فَأَصۡلِحُواْ بَيۡنَهُمَا بِٱلۡعَدۡلِ وَأَقۡسِطُوٓاْۖ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُقۡسِطِينَ)

Bal hadaba u fiirso qodobka u dambeeya, hadii aynu ku dhererinno dagaalka ka socda gobolka Sool ilaa bariga Togdheer, waxaynu u daliishanaynaa dagaalkaasi aayadaasi oo Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye inagu amray inaynu la dagaalanno kuwa nabadda diida, ee xadgudba, iyada oo marka hore waxsheeg iyo waanno iyo wax kasta oo lagu qancin karo la yeelayo, si looga baaqsaddo dagaal.

Xukuumadda Somaliland waxa ay Laascaanood u dirtay weftigii ugu cuslaa, si ay ugala soo hadlaan nabadda iyo waxa ay tabannayaan reer-laascaanood, muddo bil ah ayay fadhiyeen Laascaanood, oo ay waayeen cid ka hoos-qaadda nabadda ay wadaan, iyo wada-hadalka weftigu u socdo, aakhirkiina xabad ayaa lagaga soo saaray magaaladii, oo dirqi ayay kaga soo baxeen, iyada oo lagu soo qaaday aroor hore weerar gaadmo ah.

Waxa hadanna is-xilqaamay madax-dhaqameedkii Somaliland badankood, waxa ay isugu tageen magaalada Caynaba, waxa ay ka dalbadeen Garaadada Dhulbahante inay la kulmaan, oo ay ka wada-hadlaan waxa ay tabanayaan, weftigaa madax-dhaqameedka ahna Garaadadii way diideen, oo umay iman.

Ciidamadii Qaranka qaybihii joogay gobolka Sool, markii dablaydii hubeysnayd kula dagaalameen fadhiisinnadoodii Laascaanood, waa laga soo saaray, oo waxa la geeyay Gooja-Cadde, oo u jirta Laascaanood ilaa 10km, Ciidamadii nabada gobolkaasi ilaalinayay halkii ay u guureen laguma deynine, inta ay dableydii hubeysnayd kaga daba tageen Gooja-Cadde, ayay 25-August-2023 ku qaadeen dagaal gaadmo ah, kadibna dhibaato aad u laxaad weyn ayay u geysteen Ciidamadii Qaranka ee nabadooda ka shaqeynayay.

Dableydii hubeysnayd haatan waxa ay marayaan inay geelii reer miyiga dhacaan, magaalooyinkii iyo tuulooyinkiina gubaan, halka dadkii maatida ahaa ee aan hubeysnaynna ay dilayaan, waxa ay aaseen ama dalooliyeen baraagihii biyaha laga cabayay, waxay diyaar u yihiin, oo weli u soo milikhsanayaan dagaallo hor leh, oo ay ku soo qaadaan gobolka Togdheer iyo galbeedka Sool, iyaga oo aan garawshiiyo iyo raaligelin ka bixinin, waxaasi oo tacaddi iyo xadgudub ah ee ay sameynayaan, se muujiyay inay diyaar u yihiin inay sii wadayaan dhibka ay wadaan.

Bal hadda ninkaasi waxa uu shubayo iyo nacaybka uu fidinayo u fiirso, waxa uu yidhi ninkaasi: “Ninna yuu ka xishoon in uu wax dilo…” miyaanu kaasi argagixisadii ahayn !!!

Hadaba marka xaal halkaasi marayo, maxaa Qaranka Somaliland la gudboon?

Waxa xukuumadda iyo shacabka Somaliland la gudboon, in ay dableydaa hubeysan gacanta ka qabtaan dhibaatooyinkaa ay wadaan, iyo xadgudubka ay u geysanayaan dadka maatida ah, oo loo hiiliyo shacabka Dhulbahante ee dableyda hubeysani magacoodii adeegsanayaan, kuna laynayaan dadka, oo la fuliyo amarkii Illaahay sida ku xusan aayadda aan qormada ku bilaabay, oo ah (فَإِنۢ بَغَتۡ إِحۡدَىٰهُمَا عَلَى ٱلۡأُخۡرَىٰ فَقَٰتِلُواْ ٱلَّتِي تَبۡغِي حَتَّىٰ تَفِيٓءَ إِلَىٰٓ أَمۡرِ ٱللَّهِۚ), qofkii ku dhinta dagaalkuna, isaga oo amarkii Illaahay fulinaya ayaa uu dhimanayaa.

Hadii dadka qaarkood u fikirayaan si kale, oo ay leeyihiin “Miyaa loo daayo maamulkooda hadii ay dhulbahante tashadeen?” bal ila eeg waa kuwan kuwa dagaal-geliyay dhulbahante, ee ku guuraya, iyaga oo si khiyaamo ah ugu shaqeysanaya, oo dhiiga wax-magaratada Dhulbahante ku bedelanaya dano gaar u ah iyaga.

Ninkaasi oo Majeerteen ah, waxa uu ka hadlayo iyo wixii Dhulbahante lagu kiciyay, way kala duwan yihiin, raggii dhallinyarta u badnaa ee Dhulbahante, ee dagaalkaa khiyaamada ku dhisan ku dhintay, hadii ay ogaan lahaayeen in ujeedada laga leeyahay dagaalku tahay intaa uu maanta sheegay Jibriil Qoobay, waxa aan aaminsannahay in aanay dagaal galeen ama aanay qori qaateen.

Bal ninkan kalena eeg ee hoosta ka muuqda sida uu u hadlayo, isna waa Majeerteen, waxa lagu magacaabaa Kabtan Ayuub, waa ragga abaabulka ugu badan sameeyay, ee Dhulbahante kiciyay, isaga oo baraha bulshada aad uga soo dhex hadli jiray, ninkani wuxuu taagan yahay {Kabaha Noo Qaada, wixii aanu sameynana xataa hadii uu xumaan yahay Ha Noo Qabanina, Cajiib}

Waa kan mar kale Kabtan Ayuub oo ay maatidii Dhulbahante aad u daba yaacayaan, iyaga oo taageero weyn u muujinaya, hada waa ninka garaadkiisu halka uu joogo iyo sida uu u fikirayo ay kaaga filan tahay muuqaalkan sare, bal ila eeg sida ay u soo dhaweeyeen, miyaanay u muuqan hadii uu isa soo sharaxo kaasi inay u codeyn doonaan, oo umadda hogaan uga dhigi doonaan.

Ogow: Dhulbahante waa maati lagu shaqeysanayo, oo waxa daaha dabadiisa kusoo jira kooxo kala mabaadii’i ah, oo ku mideysan duminta Somaliland, kuwaasi oo ay ugu halis badan tahay koox aragti fog leh, oo diinta ku dhuunta ama daah ay xumaantooda ku qariyaan ka dhigta diinta(Col Direys Wadaad Leh), kooxdaasi weeyi kooxda dableyda hubeysan maalgelisa, una ah maskaxda hageysa habdhaqannada dableydaasi adeegsadaan, waa kooxda haatan ka sameysatay Laascaanood maamulka, una magacaabay maamulkaasi xubin iyaga ka tirsan, oo lagu naaneyso Firdhiye.

Hadaba kooxdan Firdhiye u habeeyay Laascaanood, ha moodin in ay halkaasi ku joogsanayaan, waxa yoolkoodu yahay inay dalka oo dhan qabsadaan, oo hunguri-baaskii ayaa halkaasi ka soo galay, muddadii ay soomaalidu habqanka ku jireen, ee Somaliland maamulkeedu liitay, Soomaaliyana dagaallada sokeeye ka socdeen, waxa u suurto-gashay kooxdan diinta ku dhuumata, inay xoolo badan heleen, oo ganacsiyo badan oo khiyaamo ku dhisan, ay kaga lacageysteen soomaalida dhexdooda, kolkii ay waayeen dawlad qabatana, waa kuwaa ku dhiiraday inay dalka oo dhan fikirkooda iyo gacantooda hoos geystaan, waxa hubaal ah; hadii ay u marto in maamulka Laascaanood ay ka sameeyeen uu sidaa ku taabagalo, inay gobollada kalena gudagali doonaan, oo Fajaciye u magacaabi doonaan Boorame, Fogeeyana Ceerigaabo, Feyte iyo Falaalugyanna ay meelo kale oo dalka ka mid ah u habeyn doonaan, ka akhri kooxdan diinta ku dhuumata halkani.

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?