Sida aynu wada ognahay gaalo-qadhmuuntu(Sixirooleyaasha) dagaal joogto ah ayay inagula jiraan, weerarkooduna waa mid goor kasta iyo goob kasta aad filan karto, kalana kulmayso, kolka ay kugu soo waajahan yihiin ama ay ku soo weerarayaan ma sii garan kartid, markaa waxa muhiim ah in qof kastaa difaac adag ka sii sameysto gunnimo-dagaallankooda.
Difaacca ama kahor-tagga sixirka, shayaadiinta iyo cawrida waxa ugu horeeya, uguna weyn xadhiga Illaahay oo aad qabsato, tusaale ahaan:
- Inaad mar kasta nadiif ahaato jidh ahaan iyo dhar ahaanba, oo dharkaagu wasakh ama nijaas lahayn, maydhashadaada guud iyo weyso-qabkaaguna joogto yahay.
- Inaad cibaadada Rabbigaa ku adkaato, oo shanta salaadood xil iska saarto gudashadooda, dhamaan cibaadooyinka kale ee Rabbigaa ku amrayna, kolba kariinkaagu inta uu yahay aad sida ugu haboon u gudato.
- In ducada iyo Alle-bariga aad badiso, oo Rabbigaa wuu ku farxayaaye aad isaga tabashadaada iyo cabashadaadaba u bandhigto si gaar ah, oo aan cid kale ku ogeyn.
Taa macnaheedu maaha inaad dul-ka-sheekhyada iyo collaalka direys-wadaadleyaasha ah ku dagganto raadgadashada iyo afgobaadsigooda, oo hadalkooda ku dhisan xaraf-akhrinta Qur’aanka iyo sukhrufal-qowlka aan afka mooyee waxba uga hooseyn aad u noqoto maxbuus, Maya! ha u noqon maxbuus kuwaasi, waxay kaa dhigi mid adduun iyo aakhiraba seega, fanacuudubilaah, Alloow nooga soo gurmo… nin ka mid ahaa raggii waxgaradka ahaa ee dunida soo maray, ayaa laga hayay “Xaqqa iyo wanaaga baro horta, markaas waxaad ogaan doontaa cidda xaqqa ku taagan ama wanaagsan“, almacnaa; tooshka aad xaqqa iyo dadkiisa ku baadheysaa yuu kaa noqonin Sheekh hebel ayaa sidaa yidhi.
Hadaba aan kula wadaago akhriste dhowr wax oo aad sameyso, Allaa wax badbaadshee si aad uga badbaaddo weerarka gaadmada ah, ee kaaga imanaya adiga oo aan is-ogayn gaallo-qadhmuunta(Sixirooleyaasha) ah Idamka Alle, ogow waa waxyaabo mujarrab ah, oo la soo tijaabiyay, guulna laga gaadhay Illaahay fadligii, waxa ka mid ah:
Difaaca Aqallada.
In aad sameecad yar soo iibsato, oo aqalka meel ka mid ah dhigto, sida; qolalka muhiimka ah, kolkaa codka uun naaqus, ilaa xad maqalkiisa qofka ag-jooga uun uu maqli karo, codka ka baxayaa ha noqdo ruqyo, sheekha akhrinayaa kuu doono ha noqdo, adiga oo akhriya oo ku duuba codkaaga ayaaba kuu fiican, waxa muhiim ah; in ruqyadaasi ama codkaa sameecadda ka baxayaa ka koobnaado: 1: Suuradaha Faatixada, Albaqarra, Alnaas iyo Alfalaq. 2: Eedaanka. 3: Ducooyin.
Kadibna meel nadiif ah, oo fiish(socket) dabka u dhaw ha taalo sameecaddu, ha shidnaato 24/7 ama waligeed ilaa inta ay ka xumaanayso, mar kasta oo shayaadiintii ku soo weeraraan, codkaasi ha buufiyo, oo dhabida ha u qabto, hana ka saaro aqalka, ileyn goor lagugu soo maqan yahay garan mayside, gaalo-qadhmuuntiina way fara bateen.
Sida oo kale aqallkaaga qolalkiisa waxa aad ku dhajisaa kadar ama sawir lagu xardhay ducooyinka hoosta ka muuqda ama labada suuradood ee Alnaas iyo Alfalaq.
Kaasi waa xisnigii ama difaacii aqalka.
Difaacii Qofka.
Ma jiraa shay aad sidatid ama xidhan tahay goor kasta iyo goob kasta, oo aan kaa hadheynin, hadii aad huruddo iyo hadii aad soo jeedo, hadii aad suuliga gasho iyo hadii aanad daahir ahaynba, yacnii 24/7 korkaaga ka muuqda?
Way jiraa waxyaabo dadku aanay dhigin ama iska furin badanka, waxaana aynu ka xusi karnaa saacada, fargalka iyo qoorxidhka ama (silis/qardhaas).
Hadaba shaygaa aanad bixinin ka dhigo xirsi-xidh iyo difaacaagii shakhsiga ahaa.
Sameyso qoor-xidh ama qardhaas ama silis, kolba kii aad u taqaan, taasi oo mar kasta qoortaada ama gacantaada ku jiraysa, xataa hadii aad suuliga gasho ama aad huruddo iyo hadii aanad daahir ahaynba, sidoo kale waxan aad qoorta gashanaysaa ha noqdo dun ama silsilad ama tusbax, waxa muhiimka ahi waa carabka waxaasi aad ku xidhaysaa, inuu ahaado mid ay ku qoran yihiin labadan duco:
Waxaad kollay isweydiinaysaa, sawiradan sare ee aan ducada ku sheegay, oo aad u taqaanno laba suuradood oo la kala yidhaa Suuratu alnaas iyo Suuratu alfalaq, ogow; marka kalmadda u horeysa ee “Qul” laga reebo, suuradahaasi duco ayay isku badalaan, hadaba ducooyinkani ayaad ku dhajinaysaa ama ku qoraysaa, labada dhinac ee carabka ka laalaada dunta ama tusbaxa ama siliskaba, waana in uu mar kasta qoortaada ku jiro, xilli kasta iyo xaalad kastaba, ileyn ma ogid goor ay shayaadiintii kugu soo maqan yihiinne, xataa inta aad huruddo waa inuu qoortaada ku jiraa.
Hadiiba aad weydo carrab ay ku qoran yihiin labadan duco, oo aad ku xidhato tusbaxa ama siliska ama dunta qoorta kuugu jirta, soo qaado carrabkan hoose, oo gacantaada ku qor labadaa duco, kadibna ku xidho ama carrab aad ka laalaadiso uga dhig qoor-xidhkaaga, marka aad ducooyinkan qoreyso, hadii aad sidii suurad ahaan u qorto, oo bisinkii iyo shaydaan-ka-naaridiiba raaciso iyo hadii aad inta ducada ah uun ku koobto qoraalka, labadaba waa la tijaabiyay, oo idamka Alle guul ayaad ka gaadhi, waxase anigu aan doorbidayaa in aad duco ahaan uun ugu qorto.
Dad badan ayaa u dhibban waxyeellada sixirka iyo jimanka, kuwaasi oo qaarkood uu gaadhsiiyay waali ama khalkhal maskaxeed, halka qaar kalena ay la ildaran yihiin xanuuno noocyo badan, oo uu ka mid yahay madax-xanuun aan painkiller-ka ama baarasitimoolku bogsiinin.
Akhriste waa kuu muhiim xogtani adiga iyo inta aad jeceshahayba, waana mid la soo tijaabiyay oo guul laga gaadhay Illaahay fadligii, kolkaa fadlan u sheeg intii kale ee aad gaadhsiin karto, oo badbaadi dadkeenna daalimiintu dagaalka kula jiraan, gaar ahaan sii gudbi qaybta difaaca shakhsiga ah, ee qof kastaa u baahan yahay.