Oday reer miyi ah (reer baadiye), ayaa Salaadii Maqrib oo laga baxay kolkaasi, masaajidkii isna markaas uun soo galay.
Kadib keligii buu iska tukaday, Oo Salaadii iska xidhay.
Dadkii sii baxayay, ayaa mid kamid ahi garabka ka yar taabtay, si uu odaygu meesha lamarayo uu uga yar durko, oo dadku u helaan meel ay ka baxaan.
Odaygii Salaada ku jiray, waxa uu mooday in lagu daba xidhay jamac kale.
Kadib faataxadii ayuu kor u akhriyay, sidii qof jamac tujinaaya, ayuu ku dhamaystay salaadii, dadkiina ay wada eegayaaan, odayga sidii imaamka salaada u tukanaaya.
Markii uu salaadii ka baxay, ee uu salaama naqsaday, ayuu waayay dad ku daba tukanaya,
Waa uu yaabay, nin ag marayey ayuu waydiiyey aaway jamacii aan tujinaayay
Markaas ayuu ku yidhi “Adiga uun baa is tujinaayay Salaada Xaaji, ee iska sunayso kuuma shaqaynaysee!!!”
Waxa qoray: Abdirashiid Daacad