Masaajidka ayaanu salaad duhur ka soo baxnay, kadibna waxa aanu ku aragnay dibadda masaajidka askari jooga, oo aan qori sidan laakiin direyskii ciidanka xidhan.
Askarigii wuxuu la hadlay qaar meel halkeer ah taagnaa, show wuxuu weydiinayay odeyadii masaajidka qaarkood, oo iyagu ahaa kuwii ka dalbaday saldhiga askariga, markii odeyadii loo tilmaamay waxa ay u soo sheegeen nin meel maqaaxi ah oo masjidka u dhow fadhiya, askarigii inta uu ninkii u tagay ayuu doonay inuu kaxeeyo.
Askarigu qori muu sidan; ninkii waa kaa ka diiday askarigii, inuu kaxeeyo iska daaye in uu shaadhkiisa taabto, marka uu kaladhka qabtaba wuu iska furfuraa, walow askarigu itaal ahaan ka xoog roonaa ninka uu qabanayay, hadana kan nin ahi mitid ayuu noqday, askarigiina wuu dhaqaajin waayay, in muddo ah markii ay kolba dhinac isu jiiteen, dadka intii masaajidka hareerihiisa ku soo hadhay, iyo dad kale oo waxna xaafada deganaayeen, qaarna wadada ka soo leexdeen si ay u eegaan dhacdadani, weliba odeyadii askariga soo kaxeeyay markiiba askariga may dirine, intii masaajidka laga kala faaruqayay ayay sugayeen.
Kii nin ahaa cay iyo hanjabaad ayuu miciinsaday, oo askarigii sutida ayuu u qabtay, askarigiina xoog inuu ku kaxeeyo ayuu doonay, laakiin wuu kari waayay dadkiina cidi ugamay soo bixin la qabataa, markii ay dadkii wax qosla iyo qaar yar guuxaba yeesheen, waa kaa isna furka tuuray, cay iyo dhirbaaxo waa kaa kala daalay ninkii, ninkiina weli waa mitid oo in askarigu jiido ama ka dhaqaajiyo inyar halka uu taagan yahay wuu diiday, deetana odeyadii waa kuwaa soo dhaqaaqay ee is-yidhi ninka yar waaniya, oo “Adeer askariga raac… iyo askariga aad la dagaalantay dembigu wuu kugu sii badanayaaye ogow iyo…” odeyadii kolba midi erey ka soo tuur meel halkeer ah, ileyn gacan ula tagi maayaan oo waa nin dagaalamaya’e.
Kolkii askarigii ninkii dhaqaajin waayay, oo dhirbaaxo iyo feedh iyo si walba oo uu ka yeelay ninkii mitid noqday, askarigii waa kaa ka laydhiyay, ee inta ay cadho iyo xanaaq indhuhu casaadeen bilaabay diin iyo nebi cay, oo hidhka iyo feedh-jilibkana darandoori ugu dadajiyay, halka ninkiina intaa mitid yahay, oo diidan yahay in uu raaco.
Halkaa marka xaal marayo, askarigiina dhowr goor diinta caayay (subxaan allaah), ninkiina sanka iyo wejiga meelo ka mid ahi dhiigayaan, ayay odeyadii hoos isula hadleen, iyaga oo qaarkood leeyihiin rabshad uun baynu soo korodhsannaye askariga innaga fasaxa, ninkan inkaar-qabaha ahna wuxuu doono ha sameeyo, waa yeelkiiye…
Deetana odeyadii midkood, ayaa askarigii oo weli xarbigii ku jira, shaadhkiisii dib u soo yar jiiday, oo ku yidhi “Adeer inaga sii daa…“, askarigiina iska gundhi, oo halkii ka sii wad qabashadii iyo caabintii ninka, hadana odeyadii kale ayaa mar askarigii gacmihiisa midba meel qabtay oo yidhaahdeen “Adeer innaga sii daa liibaane…“
Askarigii waa kaa yidhi “Maxaad leedihiin! isaga oo hiinfaadhaya...”.
Kuye odeyadii “Waanu saamaxnay ninka’e iska sii daa…“
Askarigii yidhi “Yaa! maxaad saamaxdeen…“
Odeyadii “Ninkan wixii aanu ku haysannay, ee aanu saldhiga u tagnay, waanu ka saamaxnaye iska sii daa…“
Askarigii oo naftu ku daba yar tahay, kuye “Bal baajuumahan eeg, maxaad hadaa waxaas oo dhib ah noo gelinayseen, hadaad iska saamaxaysaan, miyaad marka horeba saamaxdaan, hadii waxa aad ku haysataan yahay wax intaas ku eeg?“
Odeyadii “Adeer ninkani dhiig nagamuu gelin, xoolana nagamuu dhicin, se caydan diinta iyo nebiga ee aad adiguba dhowrka goor ku celcelisay ayaanu ku haysannay, oo uu masaajidka ka ag yidhaahdo markii ay qof is-qabsadaanba…“
Askarigii inta uu sii daayay ninkii, oo uu xagii saldhiga u dhaqaaqay ayuu yidhi: “Waar naga taga xoolayahow baajuumaha ihi…“, isaga oo shaadhkiisa labadii badhan ee ku hadhay midba daloolkii uu lahaa la raadinaya.