Maalin maalmaha ka mid ah, aniga oo ku tukanaya masaajid ka mid ah masaajiddada Hargeysa gaar ahaan xaafada Jigjiga-yar, ayaa markii salaadii jamaca aanu dhameysannay, waxa istaagay mid ka mid ah colaalka direys-wadaadleyaasha ah, isaga oo iska dhigaya inuu wacdi ama nasteexo dadka la wadaagayo, waxa uu dhowr goor ku celceliyay “Ma sixir baa cid wax yeela, ma jin ayaa qof muslim ah dardari kara, car bal waa kaase aniga ha i sixraan, walaahi waa taxadi qofka u arka in sixir cid wax yeelo, aniga ha i sixro !!!” tookha ayuu isla joogaa! waxa uu ku diganayaa dadka muslimiinta ah ee midig-go’ooyinku ku sixreen magaalada, ee laga yaabo in ay qaarkood masaajidka jaar la yihiin, oo makarafoonka uu ku hadlayo codkiisu gaadhayo, weliba maalmahaasi waxa ay ahaayeen mar uu nin Sh. Rusheeye la odhan jiray uu Hargeysa joogay, oo la yaabay tirada dadka u tagtay, deyr hal block ah ayaa buuxsamey, oo uu biyo ku rusheynayay dadkaa u dhiban sixirka, waxa uu ninkaa dul-ka-sheekha ahi daliishanaya Aaayadda 124aad ee Suurada Daaha (وَمَنْ أَعْرَضَ عَنْ ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنكاً وَنَحْشُرُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَعْمَى ) oo sheegaysa qofka ka jeesta xuska Illaahay inuu adduunyada la kulmayo nolol adag oo cidhiidhi ah, se isagu wiirsi iyo digasho ayuu u soo qaatay aayadaasi, foolkiisa ayaanay ka muuqatay, wuxuu u jeedaa qofkii la sixro ee sixirkaasi qabtaa waa faasiq ama murtad ama munaafaq, qof muslim ah sideyda oo kale sixirku ma qabto ayaa ujeedkiisu ahaa, faan weynaa! oo faataa-dhug badanaa dul-ka-sheekhyadu, wuxuuse ilaaway ama aanu garaneynin in Nebi Muxamad Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e la sixray, oo weliba sixirkii qabtay, isaga oo Nebigu scw gaadhay heer uu kala garan waayay inuu wax sameeyay iyo in kale, waxa Nebiga scw sixray nin yahuudi ah oo la odhan jiray Labiid Ibnu Acsam, dabiibkiisii waxa Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu samada uga soo diray laba malag, oo Nebiga scw oo hurda soo ag-fadhiistay, kadibna u sheegay halka yahuudigu sixirka dhigay, oo ahayd ceel-biyood laga cabi jiray oo magaaladii madiina ku yaalay, waanu tagay Nebigu scw sixirka halkii loogu sheegay, waxa kale oo Nebiga scw lagu soo dejiyay labada suuradood ee Suuratu Al-Naas iyo Suuratu Al-Falaq oo dawo u ah sixirka.
عَنْ عَائِشَةَ قَالَتْ : «سُحِرَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ حَتَّى كَانَ يُخَيَّلُ إِلَيْهِ أَنَّهُ يَفْعَلُ الشَّيْءَ وَمَا يَفْعَلُهُ , حَتَّى كَانَ ذَاتَ يَوْمٍ دَعَا , وَدَعَا ثُمَّ قَالَ : أَشَعَرْتِ أَنَّ اللَّهَ أَفْتَانِي فِيمَا فِيهِ شِفَائِي ؟ أَتَانِي رَجُلانِ فَقَعَدَ أَحَدُهُمَا عِنْدَ رَأْسِي وَالآخَرُ عِنْدَ رِجْلَيَّ , فَقَالَ أَحَدُهُمَا لِلآخَرِ : مَا وَجَعُ الرَّجُلِ ؟ قَالَ : مَطْبُوبٌ ؟ قَالَ : وَمَنْ طَبَّهُ ؟ قَالَ : لَبِيدُ بْنُ الأَعْصَمِ . قَالَ : فِيمَا ذَا ؟ قَالَ : فِي مُشُطٍ وَمُشَاقَةٍ وَجُفِّ طَلْعَةٍ ذَكَرٍ . قَالَ فَأَيْنَ هُوَ ؟ قَالَ : فِي بِئْرِ ذَرْوَانَ . فَخَرَجَ إِلَيْهَا النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ثُمَّ رَجَعَ فَقَالَ لِعَائِشَةَ حِينَ رَجَعَ : نَخْلُهَا كَأَنَّهُ رُءُوسُ الشَّيَاطِينِ . فَقُلْتُ : اسْتَخْرَجْتَهُ ؟ فَقَالَ : لا , أَمَّا أَنَا فَقَدْ شَفَانِي اللَّهُ , وَخَشِيتُ أَنْ يُثِيرَ ذَلِكَ عَلَى النَّاسِ شَرًّا , ثُمَّ دُفِنَتْ الْبِئْرُ
Ma Ogtahay? Sixirku inuu yahay hub qarsoon oo lagu dhibaateeyo dadka, duunyada iyo deegaankaba.
Ma Ogtahay? Sixirku inuu qofka u horseedi karo dhibaatooyin kala duwan oo naf iyo maalba leh.
Ma Ogtahay? Sixirka Madaw inuu yahay gaalnimo ay adag tahay sida looga tawbad keeno, bal ila yar eeg arrimahan hoose:
Illaahay wanaagsanaaye waxa uu Qur’aanka inoogu soo bandhigay Sixirka iyo cidii keentay dunida, iyo waliba fariintii uu u soo dhiibay labadii malag ee sidday, oo ahayd; in ay qof kasta oo baranaya u sheegayeen “In lagu gaaloobayo oo qofku diinta kaga baxayo, iyaguna ay dadka ku yihiin balaayo ama imtixaan lagu kala saarayo dad-xunka iyo dad-sanka…”
وَاتَّبَعُوا مَا تَتْلُو الشَّيَاطِينُ عَلَىٰ مُلْكِ سُلَيْمَانَ ۖ وَمَا كَفَرَ سُلَيْمَانُ وَلَٰكِنَّ الشَّيَاطِينَ كَفَرُوا يُعَلِّمُونَ النَّاسَ السِّحْرَ وَمَا أُنزِلَ عَلَى الْمَلَكَيْنِ بِبَابِلَ هَارُوتَ وَمَارُوتَ ۚ وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنْ أَحَدٍ حَتَّىٰ يَقُولَا إِنَّمَا نَحْنُ فِتْنَةٌ فَلَا تَكْفُرْ ۖ فَيَتَعَلَّمُونَ مِنْهُمَا مَا يُفَرِّقُونَ بِهِ بَيْنَ الْمَرْءِ وَزَوْجِهِ ۚ وَمَا هُم بِضَارِّينَ بِهِ مِنْ أَحَدٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ ۚ وَيَتَعَلَّمُونَ مَا يَضُرُّهُمْ وَلَا يَنفَعُهُمْ ۚ وَلَقَدْ عَلِمُوا لَمَنِ اشْتَرَاهُ مَا لَهُ فِي الْآخِرَةِ مِنْ خَلَاقٍ ۚ وَلَبِئْسَ مَا شَرَوْا بِهِ أَنفُسَهُمْ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ
Bal u fiirso aayada ka dambeysa, waxa uu Illaahay Wanaagsanaaye ula hadlayaa qofkii sixirku noqday dhaqankiisa ama adeegsanayay, sidii qof gaaloobay oo Raxmaanku uu u sheegayo in xumaantaasi uu sameeyay ama bartay ay u dhaami lahayd isaga oo qofku ku gaabsada cabsida Alle iyo iimaanka.
وَلَوْ أَنَّهُمْ آمَنُوا وَاتَّقَوْا لَمَثُوبَةٌ مِّنْ عِندِ اللَّهِ خَيْرٌ ۖ لَّوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ
Mar kale sixirku inuu yahay gaalnimo ama xumaan qofka jahannama geynaysa, waxa inooga markhaati-kacay sixirooleyaashii dadka u sixri jiray mujrimkii weynaa ee Fircoon, bal u fiirso aayadan uu Illaahay inoogu soo bandhigay weedhihii ay ku tiraabeen markii ay xaqqa fahmeen, hadii aan hadalkoodu run ahayn, oo sidaa ay wax u sheegeen xaqiiq ahayn Illaahay Qur’aanka inooguma soo bandhigeen hadalladoodii, waa tan hadalladii sixirooleyaashii fircoon ku tiraabeen:
إِنَّهُ مَن يَأْتِ رَبَّهُ مُجْرِمًا فَإِنَّ لَهُ جَهَنَّمَ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ
Eeg ijraamka ama dembigaa ay sixirooleyaashii fircoon sheegeen, ee qofka jahanama geynayaa waa sixirkii, maxaa yeelay; iyaga camalkooda ayaa ahaa sixir iyo khuraafaad, aayadanina waxa ay ka mid tahay ama u dambeysay aayadihii uu Raxmaanku inoogu soo bandhigay dagaalkii dhex maray Nebi Muuse Rabbi Ha Sharfee iyo Sixirooleyaashii fircoon, kadibna markii ay sixirooleyaashu ogaadeen ama indhahooda ku arkeen weynaanta iyo wanaaga Illaahay ayay muslimeen, kadibna ku hadaaqeen aayadan sare oo macnaheedu yahay “qofkii dhinta isaga oo sixirku camal u yahay, waxa huran Jahannama…”
Bal eeg hadda xasanoow! Sixirka hadii aad adigu adeegsato iyo hadii aad qof yaqaana ku dirto dadka aad xaasideyso ama aad naceyb u hayso (dadkaasi ha noqdaan dad fahamkaagu kugu diray, oo aad u bixisay faasiqiin ama munaafiqiin ama murtadiinba’e), sixirku inuu gaalnimo yahay waxa kuugu filan, miyaanad ogeyn; sixirka yuhuud kula dagaalami meysid, oo ugama aqoon badnid! Qudusna ku xoreyn maysid! Meel kale oo gaal cadeystay joogana waxba kaaga tari maayo!
Laakiin sixirka yaad u adeegsan kartaa, oo aad dhib ugu geysan kartaa, bal eeg hadda! Waa aqalkan dhinaca kugu haya, aqalkan kaa sii jeeda, aqalkan kugu soo jeeda, reerkiina, saaxiibkaa, qofka aad wada-shaqeysaan, dadka aad isku xaafada tihiin, intaa kugu xeeran ama nolosha aad si uun u wadaageysaan, ayaa aad ku dhibi kartaa sixirka, isku soo wada duuboo sixirka waxa aad ku dhibaateyn kartaa Jaarkaaga iyo Ehelkaaga, bal eeg hada jaarka sida Illaahay uga hadlay:
وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا ۖ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا وَبِذِي الْقُرْبَىٰ وَالْيَتَامَىٰ وَالْمَسَاكِينِ وَالْجَارِ ذِي الْقُرْبَىٰ وَالْجَارِ الْجُنُبِ وَالصَّاحِبِ بِالْجَنبِ وَابْنِ السَّبِيلِ وَمَا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ مَن كَانَ مُخْتَالًا فَخُورًا
Aayadan sare waxa Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye inoogu soo bandhigay amarro dhowr ah, oo waajib ku noqonaya qof kasta oo ibnu-aadam ah, waxa amarradaasi uu Raxmaanku ku bilaabay:
- In qofku Illaahay caabudo, oo aanu cid kale ku lamaaneyn.
- Waxa uu ku xigsiiyay in qofku wanaajiyo waalidkii, u samo-falo.
- Waxa uu ku xigsiiyay Raxmaanku in jaarka la wanaajiyo, oo iyagana loo samo-falo, waa amar Rabbi ku amray dul-ka-sheekhoow, jaarku waa ka kugu aqal xiga, ka aad wada shaqeysaan, ka aad isku dal iyo dan tihiin, iyo ka intaaba kaaga dhow ee aad saaxiibka tihiin.
- Waxa iyagana loo samo-falayaa musaafirka iyo inta aad masuulka ka tahay.
Bal eeg hadda xadiiskanna! Waxa Nebi Muxamad Rabi Naxariis iyo Nabadgelyo ha siiyo’e la inooga soo weriyay: In Nebigu sadex goor dhaartay, oo uu ku dhaartay qofka jaarkiisa dhibaateeya af iyo addinba in aanu rumeynin wixii lagu soo dejiyay Nebiga, haba sheegto inuu muslim yahay ama ha tukado oo masaajidada iyo goobaha kheyrka aynu ku dhex aragno’e, waa beenaala mar hadii jaarkiisuba aanay aamin ka ahayn dhibkiisa, isla xadiiskaasi oo Muslim soo weriyayna, waxaabu Nebigu yidhi Jannada geli maayo qofka jaarkiisa dhiba, waa war culus, oo u baahan dhugasho, waa kan xadiiskaasinee bal ila arag:
حديث أبي هريرة أن النبي ﷺ قال: والله لا يؤمن، والله لا يؤمن، والله لا يؤمن، قيل: من يا رسول الله؟ قال: الذي لا يأمن جاره بوائقه .متفق عليه
وفي رواية لمسلم: لا يدخل الجنة من لا يأمن جاره بوائقه
Ma Ogtahay? Ereyga Sixir wuxuu Aayadaha Qur’aanka ku soo noqnoqday 60-goor, halka ereyga Fitnah oo la macno ah dhibaato, uu isna Aayadaha Qur’aanka ku soo noqnoqday 60-goor, taasi oo aynu ka dhex fahmayno, in sixirka balaayo ka weyn oo aduunka taalaa aanay jirin, oo maxaanu sixirku balaayo weyn u ahayn, isaga oo kaalinta labaad kaga jira todobada lagu halaagsamo adduun iyo aakhiroba.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «اجتنبوا السبع الموبقات قيل يا رسول الله ما هن؟ قال الشرك بالله والسحر وقتل النفس التي حرم الله إلا بالحق وأكل مال اليتيم وأكل الربا والتولي يوم الزحف وقذف المحصنات الغافلات المؤمنات» مسلم 89
Mar hadiiba sixirku aanu wax kale oo faa’iido ah kuu qabanneyn, oo aan ka ahayn in aad ku dhibto intan kugu hareeraysan jaarkaaga iyo ehelkaaga uun, mar hadii uu sixirku yahay wax bulshadii ku abuuraya shaki iyo irdho soo kala dhex gasha, mar hadii uu sixirku yahay mid bulshadii wada deganeyd ka luminaya degenaanshaha iyo wada-noolaashaha, mar hadii uu sixirku yahay mid dadka ka dhex abuuraya cadaawad iyo naceyb ay isu qaadaan, bal ku weydiiyaye miyuu jiraa dul-ka-sheekhoow balaayo ka weyn oo bulsho la noolaato?
Ma Ogtahay? Sixirku waxa uu kaga duwan yahay dembiyada kale oo dhan waa qarsoonaanta, oo qofkii la sixray ama lagu dhibaateeyay kama dhex garan karo bulshada uu la nool yahay kii sixray, kadibna waxa uu colaad u qaadayaa dhamaan inta ku hareeraysan, kadibna marka bulshadii maalinba qof ama qoys ay u cadhoodaan dadkii kale oo dhan, waxa abuurmaya jawi iyo xaalad aanay nolol iyo wada-noolaansho suurtogal ahayn, halka dembiyada kale inta badan qofka ama qoysku ay indhahooda ku arkayaan cidii u geysatay dhibta, oo aanay markaa jirin sabab ay cid kale ugu cadhoodaan ama colaad ugu qaadaan, taasi waxa ay inoo muujinaysaa inuu sixirku yahay qudhun dila qiimaha bulshada iyo qarannimada.
Midig-go’ooyinka godobtoodu dadanaa, miyaan eedi daba ool !!!
Waxa iyaduna is-weydiin leh, dadka isticmaala sixirku waxay inta badan ku marmarsiyoodaan waanu isku difaacaynaa, kolkaa bal ka waran; hadii qofkii ama qoyskii ay la kulmaan cid dhibaato u geysanaysa, oo aaney iskana celin kareynin, ama ciddaasi ka xoog badan tahay, dawlad iyo ciidan difaacanna aanay haynin, maxaa qofkii ama qoyskii yeelayaan?
Waxa kale oo iyaduna isweydiin mudan, hadii magaaladii ama xaafadii ama jaarkiiba aad ku aragto qof ama qoys xumaan sameynaya, weliba xumaan diintu aanay ogoleyn oo aanad ka adkeysan kareynin, oo ay tahay in aad diintaada wanaagsan u hiiliso, ciddaa xumaanta sameynaysaana ay kaa xoog badan tahay, ama ay haystaan hiil ay kugu muquunin karaan, waa sida imika ka jirta wadamada ay ka taliyaan qolyaha yidhaahda xoriyadu waa mudlaq aan xeer iyo xayndaab lahayn, bal maxaad yeelaysaa Iyana?
Ogow marnaba qiil iyo marin kuu noqon mayso, xumaan in aad naftaada u qurxiso, oo aad ugu sheegto wax wanaagsan, ama wax aad ku dhaafeyso dhibaato kooban, hadii aad rabto in aad ka fal-celiso dhibaato kugu dhacdey ama aad fileyso in ay kugu dhaceyso, adeegso hab iyo hub xalaal ah, oo aan aakhiradaada iyo wada-jirka dadkaaga waxba yeelaynin, dee gacantaba kula dagaalan aad aragtid halka itaalkaa ku dhigo’e, ma geeri baad ka baqaysaa, mise nolol-jaceyl ayaad u bu’aysaa, ogow hadii aad dhimato adiga oo naftaada ama hantidaada ama ehelkaaga ama diintaadaba difaacaya, keligaana aad noqotide, in dhiigaa lagaa daadiyay markhaati kuu galayo, oo aad Raxmaanka agtiisa qiimo weyn ka yeelanayso Inshaaa’a Allaah, diyaar u ahaw mar walba difaaca naftaada, ehelkaaga, hantidaada iyo diintaadaba, ubadkaagana bar oo ku ababi inay diyaar ahaadaan xaalad walba, hadii kale wuxuun baad ku maraateyn meel dhaw ama halis kugu ah.
Bal u fiirso sheekadani: “waxa beri beryaha ka mid ah nagu soo booqday goob aanu ku baran jirnay sayniska iyo xisaabta, sheekh Hargeysa caan ka ah, waxa uu kolba dul istaagay arday, oo kolba mid ka qaaday buugii uu wax ku qorayay, kadibna kolba ardeyga uu buuga ka qaado, waxa uu ku yidhaahdaa marka qabriga lagu dhigo chemistry iyo physics waxba kuu tari maayaan…”
Maanta waxa aynu marag iyo markhaati ka nahay, qofka intu Physics ama Chemistry barto, kadibna muslimiinta u sameeya hub iyo gantaallo ay Qudus ku xoreeyaan ama ugu hiiliyaan dhulalka muslimiinta lagu dhibaateynayo, inuu ka kheyr iyo ajar badan yahay inteena kale oo dhan, xataa dul-ka-sheekhaa af ku-xooglaha ah, maxaa yeelay; maanta mujaahidka dhabta ahi waa ka science-ka iyo technology-da ka haqabtira muslimiinta, calashaan mujaahidka dhabta ahi maanta waa qalin-ku-dirirka, si kasta oo aad u feedho weyn tahay, si kasta oo aad u xujo caddahay, si kasta oo aad u tahay mid aan goobaha dagaalka baqasho aqoonin, waxaas oo dhami maanta waxba ka tari maayaan Jihaadka iyo dagaallada dad-xunka lagula jiro, waxa waxtaraya oo jihaadka kaabaya marka laga yimaado talo-saarashada Rabbi waa Diyaarado, Gawaadhi-Gaashaaman, Maraakiib iyo Qalab kala duwan oo ku dhisan cilmiga sayniska iyo tignoolojiyadda, kuwaasi ayaa maanta mujaahidiinta ka kaabaya in ay gaadhi karaan guul ama dagaalka muddo wadi karaan.
Waxa hadaba wadaadoow wanaagsan; in ardeydan tobanaanka sanno aad ku haysaan madarasadaha, aad ugu soo koobtaan barashada diinta Tafsiirka Qur’aanka iyo Axaadiista, kadibna aad ugu xigsiisaan in ay galaan Laboratory-da iyo Computer Lab-yada, si ay u noqdaan kuwo ina dhaama, oo timaadadooda ama beri hela wax ay dad-xunka iskaga waabiyaan, xalaalna ah.
Ma Ogtahay Xasannoow? Science-ka in aan gaalku inaga lahayn, oo aynu mudan nahay in aynu inagu ka sheegano gaalka, kagana fiicnaano weliba, maxaa yeelay; gaalku ma aaminsana waxyiga, Science-kuna waxa uu bini-aadamka ugu yimid markiisii hore waxyi, miyaad ila yaabtay? Ma waxa aad aaminsan tahay in Galileo, Newton, Aristotle iyo kuwii la midka ahaa ay ugu horeeyeen cid Science-ka adeegsata, maya waad khaldan tahay hadii aad sidaa aaminto, miyaanad ogeyn in Physics-ka iyo Chemistry-gu bilowgoodii ay ku soo degeen Nebi Nuux cs, bal u fiirso aayadani:
وَاصْنَعِ الْفُلْكَ بِأَعْيُنِنَا وَوَحْيِنَا وَلَا تُخَاطِبْنِي فِي الَّذِينَ ظَلَمُوا ۚ إِنَّهُم مُّغْرَقُونَ
Miyaanad ogeyn doonidu; iyada oo dooni ah in aanay dhulka iska dul oolin, geedahana aanay ka bixin, ee waa wax ku dhisan aqoonta la yidhaahdo Physics, aayadan sare waxa inooga muuqata Nebi Nuux cs oo Raxmaanku ku yidhi samee dooni, anaga ayaa ku barayna, oo ku tilmaameyna’e, marka doonidaa uu Nebi Nuux sameeyay waxa ay ahayd mid ka kooban Looxaan iyo Masaabiir ama Safeexado, waxa aynu halkaasi ka arkeynaa in Nebi Nuux isaga oo adeegsanaya aqoonta Physics oo waxyi ugu timid, uu geedaha ka soo dilaacsadey alwaaxda, dhagaxa buurta ku jirana inta uu dhalaaliyay uu ka sameeyay masaabiir iyo safeexado, maxaa yeelay; miyay jiraan masaabiir dhulka iska dul taalaa, miyay jiraan safeexado ama jiingado dhulka dushiisa bini-aadamku ugu yimaadeen, mise waxa aad is-leedahay doonidii Nebi Nuux cs iyada oo diyaarsan ayuunbay koreen, maya sida waxyiga inooga muuqata Nebi Nuux cs isaga oo adeegsanaya aqoonta Physics iyo Chemistry oo waxyi ugu timid ayuu sameeyay doonidaa weyn, ee qaaday dad iyo duurjoogba, dadkii ka dambeeyayna wixii ay ka barteen Nebiga ayay sii rogrogeen, oo jiilba jiil u sii dhiibay, ilaa la soo gaadhsiiyay heerka ay maanta sayniska iyo tiknoolojiyadu joogto.
وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ مِنَّا فَضْلًا ۖ يَا جِبَالُ أَوِّبِي مَعَهُ وَالطَّيْرَ ۖ وَأَلَنَّا لَهُ الْحَدِيدَ – أَنِ اعْمَلْ سَابِغَاتٍ وَقَدِّرْ فِي السَّرْدِ ۖ وَاعْمَلُوا صَالِحًا ۖ إِنِّي بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
Miyaanad ogeyn in mar kale uu Chemistry-gu uu waxyi ahaan ugu soo degay Nebi Daa’uud cs, sida aayada sare ka muuqata, waxa uu Nebi Daa’uud sameyn jiray silsiladaha dharka laga dhigto iyo seefta lagu dagaal galo, maxaa yeelay; waxa uu yaqaanay sida dhagaxa Iron-ta ama xadiidka ah looga dhigo dareere, hadii aynu afka sayniska ku hadalnana, waxa Raxmaanku baray Nebi Daa’uud heerka uu xadiidku ku noqonayo dareere la qaabeyn karo, oo kolba sidii la doono ama shakligii la doono loo dhigi karo, calashaan waxa uu yaqaanay boiling point-ka iyo melting point-ka xadiidka.
Waar Hooy! Culimo Aw-Diinoow ha iska fogeynina Culimo Aw-Maadiga, oo dhakhaatiirta, saynisyahannada, ingineerada iyo aqoonyahannada maadi oo dhan soo dhaweysta, xumaan kasta oo ay leeyihiina ku qaata, waxa ay diinta tarayaan ayaa ka badane!!!
Hadii aan intaa ku dhaafo hubka xalaasha ah iyo raadsashadiisa, qoraalkeenan bilawgiisii waxa aan ku sheegay, in Sixirka Madaw uu yahay gaalnimo ay adag tahay sida looga tawbad keenaa, maxaan uga jeedaa?
Ma Ogtahay? Tawbaddu in ay leedahay shuruudo, shuruudahaasi waxa ka mid ah:
- In horta qofku joojiyo si kama dambeys ah dembiga uu galay,
- In uu niyad ahaan ka qoomamoonayo oo uu garwaaqsan yahay xumaanta dembigaasi lahaa,
- In uu go’aan ku gaadho in aanu ku noqonaynin dembigaasi mar dambe,
- Waxa sadexdaa shuruudood ee hore afar ku noqonaya, hadii dembigu uu noqdo mid xidhiidh la leh dadka, oo aad dadka dembi ka gashay, in aad cafis weydiisato, oo aad u sheegto qofkii aad dembiga ka gashay, kadibna xumaantii aad ku sameysay dib u hagaajiso, sida;
- Hadii aad sixirtay, waa in aad sixirkii ka furto,
- Hadii aad dhacdey ama xaddey, waa in aad hantidii u soo celiso,
- Hadii aad dhib jidhkiisa u geysatay, in aad ogolaato in uu kaa goosto, iwm…
( فَمَنْ تَابَ مِنْ بَعْدِ ظُلْمِهِ وَأَصْلَحَ فَإِنَّ اللَّهَ يَتُوبُ عَلَيْهِ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ )
( إِلَّا الَّذِينَ تَابُوا وَأَصْلَحُوا وَاعْتَصَمُوا بِاللَّهِ وَأَخْلَصُوا دِينَهُمْ لِلَّهِ فَأُولَئِكَ مَعَ الْمُؤْمِنِينَ وَسَوْفَ يُؤْتِ اللَّهُ الْمُؤْمِنِينَ أَجْرًا عَظِيمًا )
( إِلَّا الَّذِينَ تَابُوا وَأَصْلَحُوا وَبَيَّنُوا فَأُولَئِكَ أَتُوبُ عَلَيْهِمْ وَأَنَا التَّوَّابُ الرَّحِيمُ )
Hadaba suurtagal ma tahay qofkii wax sixray in uu ku dhiiran karo, inuu u tago qofkii uu sixray, kadibna ku odhan karo, I saamax anigaa dhibkaa kuu geystaye, mase ka suurtogal tahay qofkii wax sixray, in uu cafis wada weydiisan karo dadkii ku noolaa, deegaankii uu ku abuuray shakiga iyo naceybka ka sameysmay sixirkii uu dadka ku dhibaateynayay, aniga ilama aha in dumar badan oo maanta deegaankeena wax ku sixraa ay arrintaasi ku dhiiran karaan, hada ogow aakhiradoodiina waxa ay ku xidhan tahay in sidaa adag ay sameeyaan, oo ay la yimaadaan tawbad dhameystiran, kii ay waaleen iyo kii ay faaliga ama dhanqalalka ku sababeen iyo qoysaskii ay dumiyeen, hadiiba ay dhacdo in ay ku dhiiradaan in ay cafis weydiistaan, dadkii ay sixirka ku dileen sidee ayay cafis u weydiisan karaan, Dee aakhiro ayaa uunbay kala bixi doonaan, Iska-jir midig-go’dooy sixirku waa todobada adduun iyo aakhiraba dadka halaaga, ha fudedsan war-moogeey, oo yaan dul-ka-sheekh ciil qabaa kuu qurxinin xumaan aad ku aakhiro-seegayso.
Ma Ogtahay aayada 137aad ee Suurada Al-Nisaa, taasi oo ka warameysa dad Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye aanu dembiga ay galeen ka dhaafaynin almacnaa tawbadda kaba aqbalaynin, isla markaanna aanu ku hanuunin doonin jidka toosan, dadkaasi tusaalaha ugu haboon ee aynu maanta haynaa inuu yahay qofka sixiroolaha ah, bal u fiirso; sixirooleydii qof ayay sixirtay oo diintii way ka baxday, hadana woxogaa kadib ayay salaadii tukatay, taasi oo ka dhigan in ay soo muslimtay, hadana maalin ama muddo kadib ayaa dacartu ku kacday, oo ay qof kale sixirtay diintiina sidaa kaga baxday, kolkii la eedaamay ayay hadana weyso qaadatay, oo tukatay salaadii, diintii ayay ku soo noqotay qiyaastii, hadana dhowr cisho kadib ayaa sidii hore oo kale la hor-maray, oo wiqiyaddu ku kacday, kadibna ciddii ay saniftay sixirtay, diintiina sidaa kaga baxday, hadana kolkii la eedaamay ayaa ay salaadii u kacday, oo soo tukatay, diintiina ku soo noqotay, bal u fiirso; inkaar qabtadu waxay u dhaxeysaa gaalnimo iyo islaamnimo, wey gaalawday hadana wey soo muslimtay, wey gaalawday hadana wey soo muslimtay, wey gaalawday hadana wey soo muslimtay, dee miyay ku ciyaareysaa diinta! Haa, waana ta keenaysa in la filan karo boqollaal goor oo dambe iyo ka badanba in ay ku celceliso, taasi oo ka dhigan tawbad dhameystiran qofkaasi ma hayo.
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا ثُمَّ كَفَرُوا ثُمَّ آمَنُوا ثُمَّ كَفَرُوا ثُمَّ ازْدَادُوا كُفْرًا لَمْ يَكُنِ اللَّهُ لِيَغْفِرَ لَهُمْ وَلَا لِيَهْدِيَهُمْ سَبِيلً
Ogow oo; sinada, tuugnimada, khamrada iyo gefaf badan oo kale oo diiniya, midkoodna qofku diinta kagama baxayo, xeer-ciqaabeedkii loo jideeyay ayuunbaa la marinayaa qofkii, halka sixirka diinta lagaga baxayo, Illaahayna Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu kufri iyo gaalnimo inoogu sheegay, sida aynu hore u soo xusnay.
Ma Ogtahay; qofkii sixiroolaha noqday inuu xumaantaasi ku waayayo dhamaan xuquuqdii uu ku lahaa dadka muslimiinta ah dhexdooda, oo xidhiidhinta iyo weheshigu ugu horeeyo, lagana xidhiidh-goosanayo, dhaxalkii aanay waxba ku lahayn, meydkooda aan lagu tukaneynin, qodobadaasi waxa culeyskoodu haystaa sixiroolaha ama sixirooleyda dadka ugu dhaw ee og, ileyn dadkii kale waxa sixirooleyaashii ugu muuqdaan muslimiine, ninkii sixiroolaha noqday xaaskiisii wey ka furmaysaa, waa marka ay ogtahay ama ogaato waxa ninkeedu yahay ama ahaa, dhamaan ragga qaangaadhka ama mas’uulka ah, ee ehelka u ah gabadhii sixirooleyda noqotay, waxay naftooda markhaati uga yihiin in magacoodu yahay Dayuus.
.الديوث هو الذي لا يغار على حرمة أهل بيته ولا يغار عليهم
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ثلاثة لا ينظر الله عز وجل إليهم يوم القيامة: العاق لوالديه، والمرأة المترجلة، والديوث: رواه أحمد والنسائي
Ma Ogtahay; in qofka sixiroolaha ahi uu yahay gaal-xarbi ah, almacnaa waa gaal muslimiinta dagaal kula jira, waana gaalkii Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu waxyiga inoogu sheegay in la-dagaalankiisa iyo jihaadka lala galayaa yahay waajib, laguna goosanayo jannada, qofkii soo dhaweysta ama quudiya/biiliya ama guri uga dhisa xoolihiisa ama talo iyo tilmaan siiya gaalkaa xarbiga ah, ee dadka muslimiinta ah dagaalka kula jira, waxa uu noqonayaa qof muslimiinta khiyaameeyay, safkoodiina ka baxay, gaalkiina la soo saftay, Rabbina waa arkayaa oo iskama qarin karo.
عن بَجَالَةَ بن عَبَدة قال: كتب عمر بن الخطاب: »أن اقتُلُوا كلّ ساحر وساحرة«. قال: فقتلنا ثلاث سواحر
وعن ابن عمر رضي الله عنه: »أن حفصة سَحَرَتْها جاريتها فاعتَرَفَتْ بسِحْرها، فأمرت عبد الرحمن بن زيد فقتلها
وعن أبي عثمان النهدي: »أنه كان عند الوليد رجل يلعب فذبح إنسانًا، وأبان رأسه؛ فعَجِبْنا، فأعاد رأسه فجاء جُنْدُبٌ الْأَزْديّ فقتله
Ma Ogtahay; in Jihaadka ama dagaalka gaalada lala gelayaa uu leeyahay mid fardul-cayn ah, oo qof kasta oo muslim ah uu ka qayb-qaadanayo, waxa jihaadkaasi Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye inoo jideeyay, in qof kasta uu gaalka xagiisa soo xiga, ee uu gaadhi karayo ama qaban karayo uu kaga filnaado muslimiinta, sixirooleyda dagaalka kula jirta dadka ee sixraysa, qofka ugu dhaw ee ka warhaya waxa ay waddo iyo dadka ay dhibayso, waa kuwa aqalka kula nool, hadii ay muslimiin yihiin oo ogol yihiin Rabbigood, aayadani waa ku waajib, Rabbina waa arkayaa oo eegayaa falcelintooda iyo jawaabta ay ka bixiyaan amarkaa Rabbaaniga ah, cajiib! Maxaa culeys diini ah haysta dadka muslimiinta ah, ee ku nool aqallada ay joogaan dadka sixirooleyaasha ahi, anigu u maleyn maayo in qof muslim ah oo diinta in uun garanaya ama aakhiro rejo ka qabaa, inuu sixirooley ama sixiroole aqal kula noolaanayo.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قَاتِلُوا الَّذِينَ يَلُونَكُم مِّنَ الْكُفَّارِ وَلْيَجِدُوا فِيكُمْ غِلْظَةً ۚ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ
[التوبة:123]
Bal aayadan75aad ee ku jirta Suurada Alnisaa’a ee hoosta ka muuqata u fiirso, waxa ay ka waramaysaa mid ka mid ah mararka jihaadku waajib ku noqdo muslimiinta, bal eeg oo dhugo! Miyaanay ka warameynin xaaladda aynu maanta ku sugannahay, maxaa maanta rag, dumar iyo carruur u dhibban sixirka, oo cilaajyada ka buuxa ama aqallada ku dhex dhibaateysan, maxaa dad wadanka ka cararay, oo balaayadaasi uga tagay, maxaa qof la tun-jileecsaday oo midig-go’ooyinku ka il-heleen agteena ka buuxa, maxaa qof sixirka u dhibanni gacmaha Illaahay hoos haystaa, oo baryayaa, isaga oo Rabbi ka dalbaya inuu uga soo gurmado dulmiga iyo daalimiinta, miyaan aayadani muuqaalkeedu inooga muuqan dalkeenna, hadaba hadii aad ogtahay mid ka mid ah sixirooleyaasha, ogaanshahaasi imtixaan ayuu kugu yahay, waana in aad ka fal-celiso, adigu gacanta ula tagtayaa iyo hay’adaha amaanka ee wax ka qaban karaya u gudbisayaaba, ogow maalinta qiyaame ee xaaladu sidan tahay ( وَجَاءَتْ كُلُّ نَفْسٍ مَعَهَا سَائِقٌ وَشَهِيدٌ ), kuwa sidan loo joojin doono ( وَقِفُوهُمْ ۖ إِنَّهُم مَّسْئُولُونَ ), ee la warsan doono ayaa aad ka mid tahay, waxyaabaha lagu weydiin doonana waa ka mid, wixii aad ogeyd iyo sida aad ka yeeshay.
وَمَا لَكُمْ لَا تُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَالْمُسْتَضْعَفِينَ مِنَ الرِّجَالِ وَالنِّسَاءِ وَالْوِلْدَانِ الَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا أَخْرِجْنَا مِنْ هَٰذِهِ الْقَرْيَةِ الظَّالِمِ أَهْلُهَا وَاجْعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ وَلِيًّا وَاجْعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ نَصِيرًا
[ النساء: 75]
Bal waxaad is-weydiisaa wadaadka isaga oo ka faa’iideysanaya kalsoonida iyo maamuuska aynu u hayno diinta iyo dadka ku hawlan, inta uu hadallo sukhrufal-qawl ah isku soo geegeeyo, hadalkana dhowr aayadood iyo axaadiis ku bilaabo, dumar badan ku khiyaameeya sidaasi intuu u qurxiyo sixirka iyo adeegsigiisa, kadibna ay dumarkaasi aafeeyaan dadkii, deegaankii iyo duunyadiiba, isaga oo odhanaya kula dagaalama sixirka faasiqiinta iyo munaafiqiinta waa la ogol yahay, oo daruuro ayaa jirta’e, fatwo aakhir-samaan dheh!
Bal ila eeg sheekadani: “Habeen aan ka qayb-galay kulan ama muxaadaro uu ku qabtay Masaajidka Cali-Mataan ee magaalada Hargeysa, wadaad caan ka ah deegaanada Soomaalida, ayaa markii uu muxaadarada dhameeyay dadku weydiinayeen su’aalo ay waraaqo ku soo qorayeen, waxa su’aalihii ka mid ahayd, su’aal uu weydiiyay qof ka mid ah dadka sixirka u haysta wax fudud oo diintu ogoshahay, waxa qofkaasi su’aashiisu u dhignayd sidan: “Sheekh hadii aan fallo inankeyga oo jaadka cunistiisa joojin waayey ka waran, maxay diintu ka qabtaa?” Bal adba…
Waxaad is-weydiisaa; qofka ilmihiisii kula dhiiran sixir, miyaa cid kale ka nabadgelaysaa?
Ogow dadkeygoow; midig-go’ooyin gumoobay, oo sidaa xun u fikiraya, garaadkooduna heerkaa joogo, ayaa kula degen, oo kula jooga Hargeysa iyo meelo kale oo dalkeena Somaliland ka mid ah… (Lii Cadawga Gudaha)