“Islaamku wuu guulaysanayaa la jirkaaga iyo la’aantaada ba; laakiin Adigu (qof-yohow) waad guul-darraysanaysaa Islaamka la’aantii…”
Hadal nuxurkiisu sidaa yahay, waxaa hore u sheegay Daacigii waynaa ee reer South Africa asalkiisuna Hindiga ahaa – Allaah haw naxariistee – Sheekh Axmed H. Diidaat (1918 – 2005). Axmed Diidaat, waxa uu kusoo barbaaray nolol danyarnimo oo ay ku lammaan-yihiin duruufo kale oo qalafsan.
Ma uusan fursad u helin waxbarasho nidaamiya (formal education), waxa uuna Iskuulka kaga tagay galaaska lixaad (standard six). Waafajinta Rabbi dabadeed, helitaankii Kitaabka ‘إظهار الحق’, shakhsiyaddiisii ku sunsanayd maddaalanimada, bir-jeexnimada iyo xaq-baadhista ayaa sababay in uu wax is baro heer uu gaadho daaciwayn oo caalamka oo dhan laga yaqaan lagana qaddariyo, kaas oo faafiya islaamka isla markaana ku takhakhusay ‘isbarbar-dhigga diimaha’ (Comparative Religion), taas oo u sahashay in uu si fudud u burburiyo doodaha ama sheegashooyinka kuwa baadil-faafiyayaasha ah Kiristaanka.
Halgankiisii xaq-muujinta ahaa iyo shakhsiyaddiisii dhifka ahayd, waxay saamaysay oo kasii dhimbiil qaatay qof kale oo is leh shakhsiyad dhifa (Dr. Zakir Naik), kaas oo uu laftiisu ( Diidaat) ugu yeedhay ‘Deedat+’.
Rabbi naxariis waasaca ha siiyee, waxa aynu Sh. Axmed Diidaat ka baran karraa in aadan shahaadooyin waawayn u baahnayn si aad Islaamka ugu adeegto; laakiin aad u baahantay ka-go’naansho waxbarasho iyo wax-siibarid. Taas oo ah shaqada ugu qiimaha badan ee dunidan korkeeda uu qof qabto. Rabbi Innaga iyo ubadkeennaba hayna dhigo kuwo Diintiisa u adeega.
Waxa Qoray: Ismaaciil Cali Ismaaciil