Siyaasadu waa aqoonta lagu dhiso nidaamka dawladnimo iyo habka ay u soo baxayaan go’aamada xukuumadi ku hageyso bulshadeeda.
Waxa jira qeexid kale oo caan ah oo noqonaysa: Siyaasadu waa aqoonta lagu go’aamiyo sida loo qaybsanayo waxa bulshada ka dhexeeya, si loo helo wada-noolaansho aan xafiiltan lahayn.
Siyaasiguna waa qofka daraaseeya cilmigan, kaasi oo ka jawaabi kara weydiimaha la xidhiidha saameynta dawladu ku yeelanayso bulshadeeda iyo qaab-dhismeedyada kala duwan ee xukuumadu yeelan karto.
Qarniyadii u dambeeyay waxa si togan isu soo tarayay horumarka lagu sameynayay cilmigan siyaasada, kaasi oo sare u qaaday xirfadii siyaasiyiinta ee gudashada xilalka siyaasadeed ee ay u hayaan bulshooyinkooda, iyo weliba hanashada bulshada xilliga doorashooyinka, waxaana ka mid ah dhinacyada togan ee soo kordhay ee cilmigan la xidhiidha:
- Ka qaybgalka doodaha la xidhiidha arrimaha masiiriga ah ee ka socda warbaahinta, halkaasi oo siyaasigu ku soo bandhigo heerka xog-ogaalnimadiisa iyo sida wax loo qaban karo, halka bulshaduna ay doodahaasi ka ogaadaan, oo ka qiimeeyaan siyaasiga iyo wacyigiisa siyaasinimo halka uu joogo, taasina waxay go’aamisaa mustaqbalka siyaasadeed ee siyaasigu leeyahay.
- Adeegsiga xisaabta gaar ahaan Statistics ka, taasi oo u fudeydinaysa siyaasiga, inuu kala shaandheeyo, oo ay khaanado ugu kala jiraan arrimaha isku murugsan, ee u baahan in si qoto-dheer loo dhex dhunbado.
Qaybaha muhiimka ah ee cilmiga siyaasadu ka warramo waxa ka mid ah:
Power oo noqonaya awooda uu siyaasigu u leeyahay inuu bulshada u jiheeyo halka uu la rabo, taasi oo ku iman karta labadan midood (Inuu qanciyo bulshada oo iyaga ogol ay u hogaansamaan iyo Inuu khasbo bulshada oo iyaga oo dirqiyan ay u hogaansamaan)
Government oo noqonaysa hay’ada bulshadu ay u hogaansan yihiin ha qanciso ama ha khasabto’e.
Regime oo noqonaya Xeerarka, Dhaqamada iyo Caadooyinka ay dawladu ku hageyso ama ku hogaamineyso bulshadeeda.
Legitimacy oo noqonaysa adeecida iyo ogolaanshaha bulshadu ogol yihiin go’aanada ka soo baxa dawlada, dawladi waxa ay legitimate tahay marka bulshada ay hogaaminaysaa raacayaan wadooyinka ay u jeexdo ama aqbalayaan amarada ka soo fula, in dad badani adeeci waayaan dawladu waxa ay halis gelisaa jiritaanka dawladaasi.
Authority oo noqonaysa kalsoonida fulineed ee ay dawladi leedahay, ogow mar kasta oo adeecida bulshadu sareyso ama badato, waa mar kasta oo kalsoonida fulineed ee dawladu kor u kacdo, oo ay dawladu kula dhiiran karto bulshadeeda waxyaabo badan in ay ku fuliso ama la hor timaado, waxaasi haba noqdaan kuwo adag ama suuragalnimadoodu shaki leedahay’e.
Sovereignity oo noqonaysa xaqqa ay dawladi kalsoonideeda fulineed ugu soo bandhigto bulshadeeda iyo dalkeeda, ama madax-banaanida fulineed ee ay dawladi u leedahay dadkeeda iyo dalkeeda, waxa ay dawladi sovereign tahay marka amarkeeda iyo fulinteedu ka shaqeynayaan xuduudaheeda si aan habrasho lahayn, hadii go’aankii ama fulintii dawladu sii marayo cid kale oo bulshadu uga soo fasax-qaadato adeecideeda ama aqbalaadeeda, ogow dawladaasi ma madax-banaana.
Dawladda iyo Jaadadkeeda/Noocyadeeda
Si aynu u fahanno ama u baranno jaadadka dawladnimo iyo qaab-dhismeedyada kala duwan ee loo dhiso dawlad, waxa aynu ka soo istaagaynaa laba dhinac:
- Mar waxa aynu dawladda ka soo eegaynaa inta qof ee leh awoodda fulinneed.
- Marna waxa aynu ka eegaynaa awooda ay dawladdu ku fuliso go’aamadeedu ilaa xad halka ay gaadhsiisan tahay.
Marka aynu eegno dawladda inta qof ee awooda fulineed leh, waxa inoo soo baxaya dhowr jaad oo dawladnimo.
Dawlad Nooceedu Yahay: | Inta Qof Ee Awood Fulineed Leh: | Dalalka Leh Noocan Dawladeed: |
---|---|---|
Talo-Wadaag (Dimuqraadiyad) | Taladu waa u dhex guud ahaan bulshada, waxaana lagu xakameeyaa xeerar-bulsho, oo iyaguna soo mara wada-tashi bulsho. | Badi dalalka caalamka ayaa qaatay noocan. |
Boqortooyo | Waxa taliya hal qof, waana boqorka. | Sacuudiga iyo Jordan ayaa u ah tusaale fiican. |
Kali-Talisnimo | Waxa taliya hal qof, waana ninka u sareeya, kaasi oo badanka xoog iyo af-gembi ku qabsada talada. | Maxamed Siyaad Barre, Sadaam Xuseen, Macamar Qadaafi, IQK… |
Saldannad | Waxa taladu gaar u tahay koox ama qoys dhaxal u leh talada. | Madax-dhaqameedka qabaa’illada |
Tala-Maroorsi | Waxa taliya koox isku heer ama isku madarasad ah. | Nidaamyada ay dhisaan kooxaha budhcad diimeedka ah. |
Marka aynu ka soo joogsanno ama ka soo eegno dawlada awoodeedda fulineed ilaa heerka ay gaadhsiisan tahay, waxa inoo soo baxaya dhowr jaad oo dawladnimo
Dawlad Nooceedu Yahay: | Awoodeeda Fulintuna Tahay: | Tusaaleyaal Nooca Dawladaasi ah: |
---|---|---|
Totalitarian | Waa dawlad aaminsan in ay maamusho gabi ahaanba nolosha bulshada, taasi oo dhaqdhaqaaq kasta oo qofku sameynayaa uu yahay mid ay dawladu jihaynayso, tasarufka dadka oo ku jaan go’an inta dawladu ogoshahay. | Waqooyiga Kuuriya, waxa soo raaca nidaamyada macangaga ah, ee talo-maroorsigu u yahay mabda’a. |
Constitutional | Waa dawlad maamulkeedu ku eeg yahay inta xeerarkeedu u jideynayo, arrin kasta iyo qayb kasta oo nolosha bulshada ka mid ah oo ay dawladaasi iyo bulshadeedu isla gartaan in xeer loo sameeyo, ayaa ay dawlada awoodeeda fulineed ku joogtaa. | Waxa tusaale u ah wadamada reer galbeedka iyo badi dalalka qaatay Dimuqraadiyada xeerarka ku dabran. |
Anarchist | Waa dawlad taag daran, oo aan lahayn awood fulineed, taasi oo dadkeeda badankiisu aanay u hogaansanayn. | Noocan dawladnimo waxa adduunka dadyowga ku nooli tusaale u soo qaataan Soomaaliya ama Soomaalida. |