Xasan waxa uu ahaa Nin Hargeisa ka tegay isaga oo aad u yar, dabadeedna Caddan edadii loogu geeyey, Xasan mudo markuu Magaalada Caddan ee Junuubka Yeman deganaa ayuu halkaa iskuul ay edadii geysay uu cabaar ku dhigtay, Xasan wuxuu jeclaa inuu Markaakiibta raaco oo uu Dalalka Yurub tago, Xasan Magaaladii Caddan wuu ka tacabiray, markiibana waxa uu noqday Raga maraakiibta ka shaqeeya ee Dunida isaga goosha.
Xasan isaga oo lacagtii uu soo shaqaystay walwaalaya, ayaa uu muddo kadib Hargeisa ku soo noqday, markiiba Qoyskoodii ayaa Xasan ugu taliyey in Sabeeno & Geel dhaqan ah iyo weliba Awrtii lagu guurayey loo iibiyo, dabadeedna Gaaroodiga Gabadh Dheg badan oo Reer la yaqaan ka dhalatay loogu dhiso.
Xasan halkii ayaa Xoolo miyi oo Adhi & woxoogaa Geel ahba leh loogu sameeyey oo Reero Qoyskooda ah ayuu Xasan la degay.
Xasan waa Nin Reer Magaal ah oo weliba Xanfasi ah, oo Geela markuu doono Af Ingiriisi ku caayaya, Xasan nolosha Miyiga ee uu bilaabay waa Nin aan waxba ka aqoonin, Dadkii uu meesha ugu yimina waabay ka riwaayadsan jireen, calashaan noloshan uu badawga ka yahay.
Maalintii danbe ayuu Gabadhiisii ku yidhi “Naa Aqalka inoo fur waynu guuraynaaye”, Gabadhii cusbayd ayuu Xasan geedi galiyey, oo Reerihii intuu sanifay ayuu iskaga guuray.
Xasan Reeraha uu la degan yahay aad ayuu runtii ugu ladnaa, oo nolosha cusub ee aanu waxba ka garanayn, ayey kuwa yaqaana ee uu la deganaa ay ka caawin jireen, laakiin xasan waxa uu diiday in laga riwaayadsado, oo waxa uu isku dayey inuu noqdo Nin kaligii is bixin kara, oo aan cidna u baahnayn.
Xasan isaga oo gaar u degan ayaa habeenkii danbe Adhigii uu Waraabe u soo dhacay, markaasay islaantiisii oo marka horeba Reer miyi iyadu ahayd ay fahamtay in Adhigii uu Waraabe u soo dhacay, intay qaylo kaga kacday ayey tidhi Xasanoow Waraabaha ka rid Adhiga.
Habeenku waa Gudcur uu Roobna tiixayo oo Xasan Dhulka ayuu isku dhejiyey, islaantii oo lexojeclo ay hayso ayaa Xasan ka dul qaylisay oo tidhi “Ee ka kac meesha oo Adhiga Waraabaha ka rid“, Xasan islaantiisii wuxuu ugu jawaabay “Haweeyaay iska seexo Waraabaha anigaa jab la maagan, oo Dacwad ayaan Maxkamada Ingiriiska ee Hargeisa aan kaga furayaa, oo Kiis buu inoogu jiraaye” Islaantii way la yaabtay Odaygeedan dhulka isku dhejinaya, Waraabihii Neefkii intuu qaatay oo Waraabayaal kale oo Qoyskooda ah oo dibada joogay uu u geeyey ayuu hadana soo noqday, sanqadhii danbe ayey hadana islaantii ay maqashay markaasay ku tidhi “Ee waa ka soo noqdaye ka carar meeshoo Adhiga Waraabaha inooga rid” Xasan wuxuu ku jawaabay “Naa Ninkan soo noqnoqonaya Waarankiisu waa diyaar, oo anigaa dhamaynayee naga fadhiiso” Islaanti waxay tidhi ee anigu Tuug sheegi maayee Waraabaha ayaan sheegayaa.
Xasan wuxuu ku jawaabay Naa anaba isagaanu sheegaynaayo Ninka waanu garanaynaaye naga seexo.
Haweeyi waxay tidhi “Ninku muxuu ahaa“
Xasan wuxuu yidhi “Alla Ninkani waa Waraabihii Cali lug yare, oo waa Laangadhe Macruuf, oo waa la yaqaanaaye naga seexo“
Xigasho: Ibraahim Caydiid