Magacani Midigta–Fog waxa aan ka soo dheegtay halkan; sida aynu wada og-nahay wanaaga waxa aynu mar kasta astaan uga dhignaa wixii qofka ka xiga dhinaca midigta, oo mar kasta wanaagu midigta qofka ayuu joogaa, kooxdanina sidii aynu ugu ogeyn inay joogaan midigteena, ayuun baynu ku war helnay iyaga oo ina dhabar-jebiyay, oo si’I iyo wax aynaan ka filayn inagula foogan, Nebiga naxariis iyo nabadgelyo Rabbi ha siiyo’e waa kii xadiis ku yidhi isago khawaarijta ka hadlayay: “Kuwaasi waxa ay ka mudheen xayn-daabkii wanaaga”, almacnaa way ka baxeen xadkii wanaaga, iyaga oo is-leh wax-badsada, soomaaliduna hore ayaa ay u tidhi “Wax Badso Wax Beel ayay leedahay”
Si aynu u ogaano soomaalida midigta fog, waxaynu u baahannahay in aynu dib ugu noqono sanadkii 1969-ka dabayaaqadiisii, waxa magaalada Hargeysa ka bilaabmay kacdoon diini ah, kaasi oo ay hogaaminayeen dad u badan dhallinyar, magaca kacdoonkaasina waxa ay u bixiyeen Waxdatu Shabaab Al-Muslimiin, waxa kacdoonka aasaasay kooxdii Ansaaru Shariica la odhan jiray, oo ahaa koox u badan suufiyo iyo dariiqooyinkii qaadiriyada, waxa kacdoonka abaabulay odeyo ka tirsan Ansaaru Shariica, waxa ay isugu yeedheen dhallinar ay ku dhiirigeliyeen in ay diinta bartaan siina faafiyaan.
Si fiican ayaa ay hawshaasi u aqbaleen dhallinyartaasi, waxa ay kireysteen dhisme ku yaalla suuqa hoose ee magaalada Hargeysa, waxaanay bartaa ka taageen calan iyaga iyo hawshooda gaar u ah, waxa ay ku bilaabeen in ay dadka baraan culuumta diinta iyo maadigaba si bilaash ah, qaabkii ay xilligaa hawsha u wadeen waxa weli u wada, oo maanta oo aan qormadani qorayo weli ku jira hawshaasi macalin loo garan-ogyahay Cabdillaahi Muuse.
Waxa dhallinyaradii Waxdatu Shabaab Al-Muslimiin ku soo biiray dad aad u tiro badan, oo ay waalidiintoodu ku qanceen in ay ku biiraan, aad ayay ugu baaheen geyiga Soomaali-Waqooyi kooxdii Waxdadu, waxaanay gaadheen gobollada oo dhan, iyaga oo xilligaasi gudagalay hawlo badan oo kheyri ah, dadka dhexdoodiina waxa ay ku yeesheen saameyn iyo magac wanaagsan, waxa ay ka khudbadeyn jireen masaajidada, casharo diini ahna way ka dhigi jireen, waxa kale oo ay qaybtii Hargeysi ku dhiiradeen in masjid-jaamaca weyn oo xilligaasi qabyo ahaa, isla markaana wasakh badan iyo gudaafad dhexdiisa ay taalay ay soo xaadhaan, oo nadiifiyaan, kadibna shacabkii reer Hargeysa iyo ganacsatadii suuqa hoosena ay la qabteen, masjidkii iyaga ayaa Illaahay sabab uga dhigay inay albaabad u furaan, una diyaariyaan in lagu tukado.
Dhanka soomaali-koonfureed waxa ka jiray dhaqdhaqaaqyo noocaasi oo kale ah, kuna bilaabmay soo-nooleynta ku-dhaqanka diinta Islaamka iyo in dadka la baraarujiyo, waxa ugu xooganaa koonfur kooxdii la odhan jiray Jameecatu Islaam, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen xubno aad u tiro badan oo ah dadkii soomaaliyeed ee koonfurta, hadaba muddo markii ay hawshaasi wadeen, isla markaana ay culeysyo badan oo lagu cabudhinayo kala kulmi jireen nidaamkii Maxamed Siyaad Barre, ayaa sida la sheegay waxa soo dhex galay manhaj ka duwan kii ay hore ugu shaqeyn jireen, waxa kala qaybsamay kooxdii Jaceecatu Islaam, iyaga oo ay ka dhex sameysmeen koox loo bixiyay Takfiir, waxa ay ahaayeen kuwo u adkeysan kari waayay dhibaatooyinkii kaga imanayay dhanka dawladii kacaankii soomaaliyeed ee uu Maxamed Siyaad Barre hogaamin jiray, kadibna waxa ay Takfiirku bilaabeen in ay ku xukumaan gaalnimo, oo dhiigooda baneystaan, cid kasta oo ay u arkaan khatar inay ku yihiin jiritaankooda.
Labada kooxood ee Waxdada iyo Jameecatu Islaamkuba waxa ay yeesheen, oo ka mid ahaa muddo kadib tiro aad u badan oo qoysaskii soomaaliyeed ah waxa ay sameeyeen in ay isku biiraan labadii kooxood, iyaga oo mideeyay dhamaan qoysaskii ku jiray labada urur (Damji), waxaanay la baxeen magaca Al-Itixaad Al-Islaami, halkaa marka xaal marayo; waxa ay ku beegnayd xilliyadii ay sii daciifeysay dawladii Maxamed Siyaad Barre, ee ay sameysmeen jabhadaha hubeysan ee mucaaridka ku ah Maxamed Siyaad Barre, hadaba maalmahaasi waxa ay kooxdii Itixaadku ku dhiiradeen in ay isku fidiyaan guud ahaan dhulalka soomaaliyeed oo dhan, oo ay fadhiisinno ku yeeshaan meelo badan sida; soomaali-koonfureed, soomaali-waqooyi iyo soomaali-galbeedba.
Isla xilligaasi waxa caalamka ka socday dhaqdhaqaaqyo la mid ah kuwan dalka ka socday, oo yoolkoodu ahaa inay dhisaan dawlad Islaam, oo mideysa muslimiinta caalamka gaar ahaan dhulalka muslimiintu ku badan yihiin, waxa dhaqdhaqaaqyadaasi ugu xoog badnaa, oo si dardar leh ku socday kooxda Al-Qaacida, oo ku bilawday halgankooda dhaqaale badan oo ay heleen, iyo weliba hub badan oo ay ku haysteen Afgaanistaan, kadibna kooxdii Al-qaacida waxa ay xidhiidh la soo sameysay kooxdii Al-Itixaad xubno ka mid ah, halkaasi oo uu ka aasaasmay xidhiidh qarsoon, oo u dhexeeya xubno ka mid ah Al-Itixaad iyo Al-Qaacidaha oo aanay ogeyn badi kooxda Itixaadku.
Markii dawladii Maxamed Siyaad Barre ay duntay waxa ay heleen Itixaadku kanshe ay ku urursadan ciidan badan, iyaga oo u furay xarumo ay ku qaataan tababar askarinimo, xarumahaasi waxa gacanta ku hayay oo tababarka bixinayay xubno ka tirsan ururkii Al-Qaacidah, isla markaana waxa kale oo ay fadhiisinno muuqda ku yeesheen badi dhulkii soomaali-koonfureed, soomaali-waqooyi iyo soomaali-galbeedba, waxaanay diyaariyeen nidaam maamul oo ay ku hananayaan talada guud ahaan soomaalida.
Xabashida oo si dhow ula socotay soomaalida iyo dhaqdhaqaaqyadoodaba ayaa ka war helay hawlaha uu Itixaadku wado, kadibna iyaga oo adeegsanay ciidamadoodii bidixda fog ee ay ku dhex lahaayeen soomaalida, waxa ay ku qaadeen duulaanno ay ku mija-xaabinayaan dadaalkii curdinka ahaa ee Itixaadku ka wadeen dhulalka soomaalida, waxaanay dagaaladaasi ku bartilmaameedsadeen meelihii uu Itixaadka xoogoodu yaallay, waxa ay xidheen badi xarumihii ay ku lahaayeen soomaali-waqooyi iyo soomaali-galbeed, iyaga oo adeegsanaya saraakiishoodii u hayay deegaanadaasi, xaga soomaali-koonfureedna waxa ay dagaal kaga dileen tiro badan oo ciidan ah.
Intaa kadib ururkii Itixaad Al-Islaami wuu kala qaybsamay, waxaanu u kala jabay laba qaybood oo ilaa imika aan kala soocneyn afkaar ahaan, se hadalka iyo halganka uun ku kala qaybsamay, waxa labadii qaybood la kala baxeen laba magac oo kala ah Al-Ictisaam iyo qayb magacoodu is-badbadalo, oo maray dariiq aad u dhib badan, dhiig bandanna kaga daatay soomaali, kaasi oo magacan u dambeeyay ee ay ilaa imika oo aan qormadani qorayo ay ku shaqeeyaan uu yahay Al-Shabaab.
Kooxihii ku bilaabmay rajada wanaagsan iyo yididiilada togan ee ay u muujiyeen soomaalida, isla markaa shicaarkooda iyo hal-ku-dhigyadooduna ahaayeen hadalladii wan-wanaagsana ee inooga yimid Rabbigeen weynaa oo wanaagsanaaye, khudbadahooda iyo wacdigooduna ku qotomay sidii Rabbigeen inaga rabay ee ahayd sidan:
الَّذِينَ إِن مَّكَّنَّاهُمْ فِي الْأَرْضِ أَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ وَأَمَرُوا بِالْمَعْرُوفِ وَنَهَوْا عَنِ الْمُنكَرِ ۗ وَلِلَّهِ عَاقِبَةُ الْأُمُورِ..
وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا..
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّبِعُوا خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ ۚ وَمَن يَتَّبِعْ خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ فَإِنَّهُ يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ..
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ ۖ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا..
Waxaas oo wanaag ah kuwii aynu ka filaynay, kuna ogeyn inay ku joogaan, waxay ku dambeeyeen sidii muslimiintii noolaa xilligii Nebi Muuse cs, oo waxa ceeb ugu filan in aan Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye aanu qur’aanka dhexdiisa mar qudha ku odhanin Muslimiin, waxa Illaahay magacooda ku soo koobay reer banii-Israa’iil iyo yuhuud, hada ogow oo waxa ay lahaayeen, oo dushooda ka muuqday muuqaal muslimnimo, oo gadh-weyn oo dheer iyo, midigta oo ay ku siteen kitaabkoodii tawraad iyo, hadaladooda oo ay ku soo dhex darayeen aayadihii wanwanaagsanaa ee ku qornaa kitaabkii tawraad, hadana waxaasi oo dul-wanaag ahi umay goynin in Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu ugu yeedho muslimiin, kuwanina dariiqyadii ay qaadeen yuhuudu oo kale ayay ku dambeeyeen.
وَاتَّبَعُوا مَا تَتْلُو الشَّيَاطِينُ عَلَىٰ مُلْكِ سُلَيْمَانَ ۖ وَمَا كَفَرَ سُلَيْمَانُ وَلَٰكِنَّ الشَّيَاطِينَ كَفَرُوا يُعَلِّمُونَ النَّاسَ السِّحْرَ وَمَا أُنزِلَ عَلَى الْمَلَكَيْنِ بِبَابِلَ هَارُوتَ وَمَارُوتَ ۚ وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنْ أَحَدٍ حَتَّىٰ يَقُولَا إِنَّمَا نَحْنُ فِتْنَةٌ فَلَا تَكْفُرْ ۖ فَيَتَعَلَّمُونَ مِنْهُمَا مَا يُفَرِّقُونَ بِهِ بَيْنَ الْمَرْءِ وَزَوْجِهِ ۚ وَمَا هُم بِضَارِّينَ بِهِ مِنْ أَحَدٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ ۚ وَيَتَعَلَّمُونَ مَا يَضُرُّهُمْ وَلَا يَنفَعُهُمْ
Hada ogow oo goor iyo ayaan waxay akhriyaan digniintani, oo afar iyo toban boqol oo sanno ka hor uu Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye inoo dhigay:
وَلَقَدْ عَلِمُوا لَمَنِ اشْتَرَاهُ مَا لَهُ فِي الْآخِرَةِ مِنْ خَلَاقٍ ۚ وَلَبِئْسَ مَا شَرَوْا بِهِ أَنفُسَهُمْ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ
Falsafada Gunnimada ee Ciwaankeedu Yahay:
“Ta Xun Ayey Ku Alle Taqaan“
Waxaa ay dhibaato dadka u geysanayaan waxa ay uga jeedaan in ay dadka nacsiiyaan nidaamyada casriga ah ee dawladnimada, waxaa ay rabaan inay dumiyaan nidaamyada ka jira dhulka soomaalida, si ay u helaan kanshe ay ku sameeyaan nidaamka gumeynta iyo cabudhinta ku dhisan, ee ay ku hoos-qariyaan magaca wanaagsan ee dawlad-Islaami ah, iyaga oo raba in ay abuuraan nidaam xidhxidhan oo dadka u qadhiidha nolosha (Af iyo Addinba in qofka tasarufkiisa loo xadido kaasi oo ah cabudhin iyo xoriyad-la’aan), si ay nidaamkaa u helaan waa in ay dawladaha hadda jira dumiyaan, kolkaa waxa ay maqleen in markii uu Nebigu csw uu dawladii Islaamka dhisayay, uu ka bilaabay dhul aan dawlad hore ka jirin, oo dadku dayacan yihiin, kolkaa waxa ay is-tusiyeen in ay ceebo ay iyagu alifeen iyo shirqoolo ay soo maleegeen u dhigaan dadka, si dadku ugu kacaan kolba maamulka jira, isla markaana dadku ku qancaan in dul-ka-sheekhyada iyo collaalka direys-wadaadleyaashu u dhaamaan siyaasiyiinta, taasi oo u muuqata in ay 20-kii sanno ee u dambeeyay ay qayb ka mid ah hirgeliyeen, maxaa yeelay; kolkii dibjirti bidixda fog ay dhib badan u geysteen soomaalida, waxa aad loogu biiray oo soomaali badani ku lug-go’een kamid-noqoshada iyo xoojinta hawlgallada Midigta Fog.
Qaab-xeeladeedka ay u khiyaameeyeen midigta fogi dad badan, waxa aan idinku fahamsiin karaa sidan; waxa ay sameeyeen in ay isu qaybiyaan laba dhinac oo ah sida; talaagadii qaybna qaboojisada ahayd, qaybna kuleylisada ahayd oo kale, qofka ay soo xero-gelinayaan waxa loo dirayaa kooxdii qaabilsaneyd dhibaateynta iyo naxli abuurka, marka qofkii ay aad u dhibaateeyaan kooxdaasi, ayaa hadana loo dirayaa qaybtii wax-hagaajinta iyo naxariis-muujinta u qaabilsaneyd, qofkii isaga oo moodaya kuwan dambe inay nasteex u yihiin, oo ay u soo gurmadeen, kana soo saareen ceel dheer oo lagu riday, ayaa uu u qaadayaa jaceyl iyo qadarin aad u xeel-dheer, kadibna sidaasi ayaa ay qofkaasi ku yeesheen fikirkiisii iyo xoogiisiiba, maxaa yeelay; wax kasta oo ay u soo bandhigaan diiday odhan maayo, ileyn halka ay ka keeneen ayuu ogyahaye.
Qaybta kuleylisadu marka ay soo bayliso dadka, ee dhib iyo baas ku qarqiyaan, ayaa qaybtii qaboojisadu inta ay Masaajidada xaafadaha ku yaala iyo warbaahinta ka hadlaan, iyaga oo ku diganaya dadkii basanbaaska iyo diifta ay badeen yidhaahdaan: “Illaahay sw waxa uu yidhi qofka ka jeesta xuskayga waxa uu leeyahay nolol cidhiidhi badan…” ((وَمَنْ أَعْرَضَ عَنْ ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنكاً وَنَحْشُرُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَعْمَى (124)) isaga oo ilmo been ah qubaya ileyn hadii ay run ka tahay isaga ayay aayaduhu qaban lahaayeen, bal hada eeg dadkan iyaga ayaa dhibta u abuuray, hadana waxa ay ka dhigayaan in ay gef iyo dembi ka galeen dadku Rabbigood, dadkii ayay ku dirayaan Rabbigood, oo qofkii aan wax dembi ah isku ogeyni wuxuu is-weydiinayaa “waadiganoo waad dhiban tahay, muxuu Illaahay kugu haystaa, oo aad u geysatay?”, (وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِهِۦٓ ۗ إِنَّهُۥ لَا يُفْلِحُ ٱلظَّٰلِمُونَ)
Rabboow Dul-Ka-Sheekh Habawsan
Rabboow Col Direys Wadaadle
Kitaabkana Nagu Dillaala
Rabboow Naga Demi Sharkooda
Addaa Ballanqaaday Diinta
Inaan Ruux Duwi Kareyne
Rabboow Yaannaan Darjiidhin.
Ereyadii: Weedhsame
Xaraamtii oo afka dadka qaarkood ku badatay kadibna cidhiidhi keentay!
Hadaba halkee ayaa ay sartu ka qudhuntay, maxaa keenay kooxihii ku bilaabmay Allaahu Akbar iyo in dadka wanaagooda laga shaqeeyo, ay u xuub-siibtaan sameyntii xumaanta iyo daadinta dhiiga bulshada, bal hadaba ila eeg intan:
Markii xaraamtii noqotay kaadh-cas, oo jeebada sare ugu jira dul-ka-sheekh cadheysan, kadibna kaadhkaa cas uu ku xannibay dhamaan;
- Wixii isaga ku xun ama la xun,
- Wixii aanu xiiso u haynin,
- Wixii aanu karti u haynin ama sameyn kareynin,
- Wixii aanu amateed u haynin,
- Wixii aanu jecleysan ama uu neceb yahay,
- Iyo dhamaan wixii dantiisu aanay ku jirin.
Ha noqdo waxaasi wax cid kale la wanaagsan ama dantoodu ku jirto’e, waxa dadkii muslimiinta ahaa ku habsaday cidhiidhi nololeed iyo nuuxsi la’aan, iyaga oo is-weydiinaya muxuu Illaahay idiinku diiday waxani adiga kuu wanaagsan ama dantaadu ku jirto, taasi waxa ay keentay in dad badani ka dhago adeygeen, in ay fuliyaan wixii uu dul-ka-sheekha habawsani kaadhka cas(xaaraameynta) u taagay ama ku xanibay, kadibna markii in badan oo dadka ka mid ahi ka aqbali waayeen kaadhkii casaa, dul-ka-sheekhiina wixii uu kaadhka cas u taagay, uu arkayo iyada oo la sameynayo, weliba lagu celcelinayo sameyntiisa, waxa uu u arkay in isaga lala ficiltamayo, oo la dhafoor-taabanayo, kadibna waxa uu ku xigsiiyay in uu yidhaa: “Kuwani waa gaalo mar hadii ay amarkii Illaahay diideen, hala dhibo… oo hala laayo… ta xun bay ku Alle taqaanaaye…”
Waxa muhiim ah akhriste xaraamta ama waxan aan u bixiyay kaadhka-cas, macnihiisa guud iyo sida uu ku hirgallo in aynu isla fahanno;
Maadaama oo Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu iska leeyahay, oo uu isagu abuuray adduunyada iyo wixii dul saaranba, ha noqdo noole iyo ma-noole labadaba, ha noqdo dad ama duunyo labadaba, iyo ashyaa’da oo idil, waxa uu Illaahay awood u leeyahay inuu dadka u diidi karo wixii uu doono, oo waxaasi ha iiga dhawaan, ama ha taaban uu odhan karo, waanay jiraan waxyaabo uu Illaahay dadka u diidan, oo yidhi yaan loo dhawaan, qofkii u dhawaada ama sameeya ama qabtana uu ciqaab la kulmayo ha noqoto mid uu aduunyada kula kulmo ama mid uu nolosha dambe ee aakhiro la kulmo, waxyaabahaasi uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye inoo diidayna waxa ay ka kooban yihiin Ashyaa’a, Aqwaal iyo Afcaal intaba.
Hadaba sidee ayaa uu Illaahay dadka ugu sheegaa wixii uu u diiday, Nebi kasta iyo Rasuul kasta oo uu Illaahay soo direy waxa uu u soo dhiibi jiray, dhamaan waxyaabaha uu dadka u diiday sameyntooda ama qabashadooda, kolkaa waxyaabahaasi waa in ay ku cad yihiin waxyiga, oo aanay noqonin wax xaqiiqadooda uu mad-madaw ku jiro, innagana waxa uu Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu inoo soo diray 114-suuradood, oo uu u soo dhiibay Rasuulkii Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo ha siiyo’e, wixii 114-kaa suuradood ku cad ee xaraam ah ama diidmo Rabbi ku xusan ayuun baa xaraam ah, waxa aan uga jeedaa xaraamtu waa in ay tahay mid ku cad oo ku qoran Qur’aanka, waa in aanay noqonin mid qiyaas ah, oo laga soo dheegtay mid kale, maxaa yeelay; Nebigu qiyaas wuu sameeyay, oo qiyaasu-tashbiih iyo qiyaasu-caksi labadaba weynu ka haynaa, se Nebiga Illaahay ayaa la soo hadli jiray, wixii uu la seego ka joojinayay, sida dhacday markii uu Nebigu u diiday qoladii geedka timirta bacriminaysay, iyo ninkii indhaha la’aa ee asxaabta ka mid ahaa ee uu yar dhibsaday la joogitaankiisa, iyo markii uu Nebigu naftiisa ku haaraamay in ay dadka badankiisii soo raaci waayeen ama muslimi waayeen, mararkaasi oo dhan Nebiga scw waxa caawinayay, oo la talinayay Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye, una sheegayay sida toosan ee saxda ah, bal hadaba waxa aad is-weydiisaa marka mid dul-ka-sheekh ah, oo halkan iska fadhiyaa inta uu ka kaco masaajid, uu xaaraantimeeyo wax ka mid ah waxyaabaha bulshada uu ku arkey, isaga oo ka soo qiyaas qaadanaya ama xaaraanimada waxaasi ka soo dhex jiidaya Aayado iyo Axaadiis aanay ku cadeyn waxani, hadiiba waxaasi uu yahay mid aan ahayn sida uu dul-ka-sheekhu u sheegayo, bal yaa isbaaradaasi ka horqaadaya dadkii rumeystay? Hadaba xaraam waxa la yidhaahdaa wixii uu Illaahay ku sheegay xaaraannimadooda Qur’aanka, sida oo kale Xaraamtu waa in ay ku caddahay Aayadda magac ahaan iyo macne ahaanba.
Ogow oo waxa jira waxyaabo aan xaraam ahayn, se xeer bulsho iyo is-af-garad bulsho-wanaajin ah lagu joojin karo, iyaga oo dadku dawlad ah oo waxaasi yahay mid ku wada dul-dhacaya bulshadii oo dhan, tusaale ahaan; in wadada gaadhi kastaa midigta ka maro, waxa weeyi xeer bulsho, oo xaaraan maaha in gaadhigu wadada xaga bidix ama dhexda ka maro, se si wadadii inoogu wada filnaato, oo aynu u wada mari karno, waa in gaadhi kastaa dhanka midigta ka maraa wadada, waa xeer-bulsho oo keenay in dadkii isku dhici lahaa, ee mid waliba ku doodi lahaa adiga ayaa I jiidhay iyo mayee adiga ayaa isku kay soo beegay, ay ku kala badbaadeen, sidaasi oo kale waxa jira, jirinna doona waxyaabo badan oo xeer bulsho lagu joojin karo, hadii dadka iyo dawladoodu u arkaan in wanaagii iyo wada-noolaanshihii ku jiro, sida oo kale qofku waxbaa jiri kara uu jidh-diido ama aanu xiiseyneynin ama aanu amateed u haynin, waa in uu aayar isaga fogaado ama iska daayo ama iska joojiyo isaga oo aan xumaan ku sheegeynin, kuna hiifaynin ama ku haaraamaynin qofkii xiiso u haya ama sameynaya ama la haysta, tusaale; Nebi Muxamad Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e ayaa la soo hor dhigay hilib maso-cagaley, kadibna wuu iska riixay, khaalid binu waliid oo cunay isla hilibkii maso-cagaleyda ayaa weydiiyay Nebiga: “Nebigii Illaahayoow ma xaaraanbaa…” Nebigu naxariis iyo nabadgelyo Rabbi ha siiyo’e wuxuu ugu jawaabay: “Xaaraam maaha, se wax aan u bartay maaha oo deegaankayaga laga cunno, almacna amateed aan ku cuno uma hayo…”
روى البخاري في صحيحه عن عبد الله بن عباس عن خالد بن الوليد : أنه دخل مع رسول الله صلى الله عليه وسلم بيت ميمونة فأتي بضب محنوذ فأهوى إليه رسول الله صلى الله عليه وسلم بيده ، فقال بعض النسوة أخبروا رسول الله صلى الله عليه وسلم بما يريد أن يأكل ، فقالوا : هو ضب يا رسول الله ، فرفع يده ، فقلت : أحرام هو يا رسول الله ؟ قال : ” لا ولكن لم يكن بأرض قومي فأجدني أعافه ” ، قال خالد : فاجتررته فأكلته ورسول الله صلى الله عليه وسلم ينظر . قال الحافظ قوله : فأجدني أعافه أي أكره أكله
Kolkaa waxa jira wax badan oo dadka qaar la xun, qaarna la wanaagsan, waxa kale oo jira wax badan oo deegaanada qaarkood laga yaqaano halka deegaanada qaarkoodna aan laga aqoonin ama laga xiiseynin, waxa sidaa oo kale jira waxyaabo waayuhu keenayo in la joojiyo ama la habeeyo, si noloshii u wanaagsanaato, sida gawaadhidaa wadada maraysa oo kale, oo marka dadku wadada marayaan dee midig iyo bidix loo kala soocaa muhiim maaha, se markii gawaadhi timid waxa waayuhu khasab ka dhigay in wadadii xeer loo sameeyo, hadabaa waxyaabahaasi aynu ka soo warrannay hadii Xaraam lagu sheego cidii u baahneyd iyo marka waayuhu baahidii loo qabay dibada u soo saaroba, waxa dadka oo dhan ama qaarkood soo food-saaraya cidhiidhi nololeed.
Dul-ka-sheekhu waa kuma? Goormuu se sameysmay?
Markii diintii Islaamku noqotay mid laga hoos-galo cabsi iyo baqdin dad ama adduunyo, sida; Yaan lagu sixrin! Yaan jin ku derderin! Yaan gaal lagu moodin! Ha lagu aamino! Shaqo aad ku heshid! Guur aad ku heshid! Ha lagu amaano! Iyo waxbadan oo kale, oo wada adduunyo doon ah, oo ay noqon weyday diintii mid jaceyl iyo yaqiin iyo aaminaad Rabbi lagu yahay Islaam, waxa sameysmay dad dushana ka muujisanaya Islaamnimo, gudahana ka madhan oo rag iyo dumarba leh.
Sida; Rag iyo Dumar qaybsan 114-ka suuradood ee Qur’aanka oo ku akhrinaya cod is-kelifaad ah oo aan koodii ahayn, axaadiistii macneynaya, qur’aankii tafsiiraya, fiqhigii akhrinaya, se waxaasi oo dhami ay ka yihiin xuruuf ay xiftiyeen iyo kalmaddo ay duubeen sidii cajallada, oo xumaanta ay dadka qaarkood sameynayaan u arka raaxaysi iyagu ay ka dabran yihiin, ayse jeclaan lahaayeen in ay iyaguna dhex dabaalan lahaayeen hadii aanay ka xanibnaan lahayn, waxyaabahaa xun-xun cidda sameynaysa marka ay la dirirayaan, waxay u arkaan walacsi iyo in iyaga loola jeedo oo loogu faanayo, kolkaa waxa ay la-dirirkooda uga jeedaan ka xaasida si aan ciddani u sameynin, ama aragtida aad arkeysaan aan iimaanku idiinka soo dhicin, oo aydaan u hungureynin idinna, hadii ay xumaantu ahaan lahayd mid qalbiga ay ka rumeysan yihiin xumaannimadeeda, cidda sameynaysaa ugumay muuqateen cadaw mudan in la dhibo ama la daadiyo dhiigooda, ee waxa ay u arki lahaayeen qof jar iska tuuraya ama is-dilaya oo kale, qofkaasi mar hadii aan adiga dhib kaa soo gaadheynin, wixii aad u tartaa waa in dhibka uu qofkaasi ku jiro uga nasteexayso ilaa xad inta ay kartidaadu tahay af iyo addinba.
Wuxuu yidhi ninkii gabyay:
- Inkastuu Gadh Weyn Leeyahoo Gaadhay Dhabannada
- Mar Hadaan Garasho Wehelinayn Waa Gaskaa Baxay
Daaquut:
Waa kooxda amar-bixinta, iyaga ayaa hawshan oo dhan isku soo duba-ridtay, waxaana u fudeydiyay in ay hawshani ugu fusho si wacan:
- Waxay heleen, oo haystaan hub qarsoon, oo aan laga qaadi karaynin, geeri mooyee!
- Waxay heleen lacag badan oo muddo badan ay hawsha ku wadi karaan.
- Waxay heleen is-gaadhsiin amaankeedu sugan yahay, oo isku xidhay iyaga iyo hawlahooda, iyaga oo aan wada joogin ama aad u kala fog.
- Waxay heleen muwaafaqo iyo is-fahan dhexdooda ah.
Midgo (Midig Go’ooyin) Bayliso/Kuleyliso:
- Amniyaadka; Waa Dumar Sixirka Aad Loo Baray, Kolba Qofkii Danaha Kooxda Lid Ku Noqda iyo Dadka Bulshada Saameynta Ku Leh Ee Ay Rabaan Inay Soo Xero-Geliyaan Ayaa Loo Diraa, Oo Ay Sixir Qallinka Ugu Rogaan.
Dul-Ka-Sheekhyo (Qaboojiso):
- Dadkii Midguhu Sixirka Ku Xidheen Ayay Ka Rogaan, Oo Inta Ay Hoos Ula Hadlaan Midgaha Ku Yidhaahdaan “Waanu Haynaaye Sidhinka Ka Debci” soomaalidu iyaga oo arrinkaa tuhunsan ayaa waxa ay yidhaahdeen (Jinka ninkii keenaa saara), Kolkaa marka uu caadigiisii ku soo noqdo qofkii la soo bayliyay ee hadana la qaboojiyay, Ayaa lala dul istaagaa takbiir, oo la isla oogsadaa Allaahu Akbar! Allaahu Akbar! deetana waxa hadal farsameysan loogu soo gunaanadaa “U Hiili Diinta, Oo masaajidada iyo culimada ha ka fogaan hadii kale waad arkeysaa halkaad ka soo baxday…” Knighted
- Midguhu marka ay soo sixraan dadka, ee dhib iyo baas ku qarqiyaan, ayaa Dul-Ka-Sheekhyadu inta ay Masaajidada xaafadaha ku yaala iyo warbaahinta ka hadlaan, iyo kolba meesha ay ku og yihiin dadkii la soo bayliyay, iyaga oo ku diganaya dadkii basanbaaska iyo diifta ay badeen yidhaahdaan: “Illaahay sw waxa uu yidhi qofka ka jeesta xuskayga waxa uu leeyahay nolol cidhiidhi badan…”
- Duf ku baxa kuwiiyoow Allaanu idiin barinaye!
Is-Moog (Dhagax u diyaarsan in la tuuro):
- Aad ayay u tiro badan yihiin, oo deegaan iyo qabiil walba ka kooban yihiin, kuna diyaarsan yihiin qayb kastaa deegaankeeda.
- Dhallinyar ayaanay u badan yihiin,
- Waxa laga dhigay madiidayaal cabsi ku nool, oo wixii la faraba yeelaya, oo u dhaga nugul kuwii daggay, Ileyn hadii ay maya yidhaahdaan waxa ku dhacaya ayay og yihiin “Alloow U Gurmo, Oo Nooga Gurmo…”
- Ogowoo! Dhagax la tuuray kii ka cawdoow adigaa qaldan! (Shabaabka, Jamaahiirta, Cayayaanka iyo qaar kale oo soo bixi doona xilliga ku haboon, magacyadooduna ka soo bixi doonaan waayaha ku xeeran…)
- Sanadka 2022 intii ka horeysay, waxa dhagaxaantan tuuri jiray dul-ka-sheekhyada, oo inta ay soo hor-istaagaan, oo iska oohiyaan, odhan jiray: “Nebi Muxamad wuu dhintay… … …, Abu-bakarna wuu ka daba tagay, Cumarna dhimay…” maxaad idinku qabanaysaan, maxaad iga hor fadhidaan, kacoo jihaada, innaga waxeenu aakhiro ayay inoo yaalaan, aduunyo waxba kuma lihin, maxaad ku falaysaan, iska naca, ma jiro mid ku odhanaya geerida Nebiga scw iyo asxaabtiisa ma maanta ayaad ogaatay, mida kale hadii aad adigu tahay meyd lugaynaya, maxaad u xaasidaysaa dadka hankoodu sareeyo, ee raba in aduunyada ay ka noqdaan khaliifkii Alle ka dhigay, oo aduunyada habeynteeda iyo hogaaminteeda u heelanaadaan, isla markaa aakhirana hankoodu yahay in ay firdawsul aclaa kula rafiiqaan anbiyada, sidiiqiinta iyo shuhadada.
- Odhan maayaan oo waa la han-jabiyaye, inta ay gorada laalaadiyaan, oo qamuunyoodaan, ayay sidii dhagax la tuuray dakhraan, oo dilaan dadkii lagu tuuray.
- Markii dad badani fahmeed oohinta beenta ah ee dul-ka-sheekhyada, adduunyadiina aad uga hor-timid dhagaxaantaa la tuurayo, ayaa qorshahaasi ay u arkeen kooxda daaquut-ku in mashruucaasi soo dhamaaday, oo aan mar dambe aanay ku khiyaameyn kareynin dad kale, kadibna waxa ay hindiseen haatan, in dhagaxaanta diyaarsan ay tuuraan madax-dhaqameedku, oo qabiil ahaan loo tuuro, #gala_dagaalka_maxaad_iga_ag_qabanaysaan
- Waxa ay u muuqataa in qorshahani keeni doono cawaaqib xumo ka badan tii hore Illaahay ayaynu ka magan galnaye, maxaa yeelay; waxa ka dhalan kara isku-dhac qabiil, iyo naceyb ka dhex abuurma bulshada wada degan, kala-gurasho iyo kala-fogaansho ayaa ka dhex qarxi kara magaalooyinka iyo deegaanada soomaalida, Alloow naga qabooji, oo biyo nagaga shub.