Ingiriisku wuxuu ka sameeyay dhulka Soomaali-Waqooyi nidaam habeysan, kaasi oo uu dalkii u kala qeybiyay lix degmo, oo degmo kasta ay hoos imanayaan maamulka tuulooyinka ku hareeraysan oo dhan.
Waxa uu sameeyay dugsiyo wax lagu barto, in kasta oo diidmooyin badan lagala hor yimid, iyada oo loo arkayay inuu dadka ku gaaleysiinayo, waxa uu diidmadii lagala hor yimid ee ay wadaadadu hogaaminayeen uu ku daweeyay Ingiriisku, inuu dhallinyar uu ka soo xulay magaalooyinka u diro Cadan iyo Suudaan oo uu iskuulo ku lahaa, dhalinyartii ayaa markay wax-soo-barteen, dib ugu soo noqday dalka, oo halgan u galay in dadka ay ku dhiiri geliyaan waxbarashada, si carruuraha loo geeyo dugsiyada waxbarashada, hadaba ragii halgankaa waxbarashada hogaaminayay waxa ka mid ahaa:
- Maxamuud Axmed Cali
- Maxamed Shire Maxamed
- Yuusuf Ismaaciil Samatar “Gaandi”
- Cabdisalaan Xasan Suudaani
- Yuusuf Xaaji Aadan
Halgankaasi waxa uu keenay in waalidiintii ay ku dhiiradaan, in ay caruurta geeyaan dugsiyada waxbarasho, taas oo dhallinyartii ka aflaxday dugsiyadaasi ay noqdeen hormuudkii dadka iyo dalka hogaamintiisa Ingiriis uga dambeeyay, oo qaarkood ilaa maanta oo aan qormadani qorayo ay nool yihiin, midhihii waxbarashadoodana laga goostay yididiilo horseeday horumar ay markhaati ka yihiin wadaad iyo waranleba.
Waxa uu Ingiriis sameeyay ciidamo nidaamkoodu habeysan yahay, oo u xilsaaran illaalinta dadka iyo dawladnimada.
Waxa kale oo Ingiriis uu sameeyay, maxkamado dadka loogu garsooro, kuwaasi oo dadka ugu garsoori jiray xeerka la yidhaahdo Indian Penal Cord.
Waxa uu sameeyay nidaam maaliyadeed, kaasi oo dawladu ay ka heli jirtay dhaqaalaha ay ku wadeyso hawlaheeda, iyada oo nidaamkaasi maaliyadeed uu lahaa lacag u gaar ah, oo dadku ay wax ku kala iibsan jireen.
Waxa kale oo Ingiriisku uu u sameeyay dadkii soomaali-waqooyi waraaqihii aqoonsiga qofka, ee safarrada ama socdaallada lagu galayay.
Hadaba iyadoo dadkii soomaali-waqooyi een hore u lahayn nidaam mideeya ay ku reeyeen dawladnimadii uu Ingiriis u sameeyay, oo ay qabaa’ilkii si wacan ula shaqeynayaan Ingiriiska, ayaa waxa magaalada Berbera ka soo degay wadaad soomaali ah, oo la yidhaa Maxamed Cabdulaahi Xasan, kaasi oo ka yimid dhulka barakeysan ee Makka sanadku markii uu ahaa 1895-kii.
Markii doontii uu saarnaa u ka soo degay wadaadku, ayaa maamulkii dekedu weydiiyeen cashuurtii soo-degida, kadibna Maxamed Cabdulaahi aad ayuu uga cadhooday arrintaasi, isaga oo ka damqadey in nin cad, oo Ingiriis ahi uu dhulkii soomaaliyeed ku cashuuro, kadibna sida la xuso ninkii cadaa ayaa uu dhagax ku dhuftay, isaga oo markaa Maxamed Cabdule Xasan ku tiraabay “…Illahayoow maanta intaasi ayaan awoodaa…”, ninkii Ingiriiska ahaa ee wadaadku dakhray ayaa warsaday dadkii, oo yidhi Muxuu ninku igu dilay? waxa loogu war-celiyay Waa Wadaad Waalan, taasi oo noqotay naaneys uu Ingiriisku u yaqaanay Maxamed Cabdullaahi Xasan mudooyinkii dambe oo dhan “Mad Mullah”
Maxamed Cabdule Xasan waxa uu qaaday olole ka dhan ah Ingiriiska, isaga oo reer Berbera weydiinaya sababta ay gaalka ugu ogolaadeen dhulkooda, kuna hoos qarinaya mas’allooyin diini ah, oo uu markaasi lahaa waad ku gefteen, kadibna culimadii iyo aqoonyahankii diinta ee reer sheekh isaxaaq oo uu hogaaminayay Alle Ha U Naxariistee Sheekh Madar ayaa kulan ay kula garnaqsanayaan Maxamed Cabdule Xasan kula galay Berbera, markii ay is-fahmi waayeen, wuu iskaga baxay magaaladii Berbera.
Intii uu dhexda ku sii jiray, ayaa waxa uu la kulmay dugsi ku yaal meel aan Berbera ka fogeyn, kaasi oo ku yaalay deegaanka Dhaymoole, dugsigaasi waxa uu Ingiriisku ku ururiyay caruurta agoonta ah, ee bulshada ku dhex dayacan, kadibna waxa uu wareystay ardeydii dugsiga lagu hayay, isaga oo qaarkood weydiiyay magacyadooda, kadibna ay u sheegeen magacyo Ingiriis in la yidhaa sida; James iyo John, kolkii uu weydiiyay markii hore maxaa la idin odhan jiray, ee ay yidhaahdeen Cali iyo magacyo soomaali oo kale, aad ayaa uu hadana u sii cadhooday, isaga oo gaadhay go’aan noociisu yahay “Fadhi ma yaalee, dagaal iyo jihaad ayaa ina huran…” laakiin sida ay wax u bilaabmeen iyo xaqiiqada taala Maxamed Cabdule Xasan ma uu qiimeynin, caruurtaasi may ahayn kuwo u kas loogu geeyay gaalka, se waa culeys ay bulshadu qaadi kari weyday, maadaama oo aan qoysna dabari kareynin, bal maanta uun sawiro caruuraha masaajidada agtooda ku cabta xabagta iyo mukhaadaraadka, ee iimaamka iyo musaliinta masaajidadu aanay waxba u tarin, iyada oo aad arkeyso masaajid kolba inta la dumiyo lagu dhisayo xoolo badan oo kale, hadii caruurtaasi inta gaal u yimaado uu xanaano u sameeyo, oo gaalkaasi uu daryeel u fidiyo, maalinkaasi ayaa masaajidada oo dhami qaylo isla oogsan, iyaga oo ku tiraabaya ka kacaay waa la ina soo galay, caruurihii ayaa la gaaleysiinayaa… hada waa kuwii ku ag-dayacnaa ee hadh iyo habeen ay dhaafi jireen, ee dhaxamaha iyo kuleylahaba ay ku eegayeen, kolkaa Maxamed Cabdule Xasan hadii uu xiligaa dugsigii Dhaymoole ee Ingiriiska, uu ka ag-furan lahaa mid kale oo Islaami ah, caruurtana uu odhan lahaa aniga ayaa daryeelaya ee igu soo wareejiya, u maleyn maayo in Ingiriis u diidi lahaa, se seef-la-boodnimada iyo hubsiimo la’aantu waa wax ku badan kuwa isu haysta kaligood-islaamka.
Maxamed Cabdule Xasan waxa uu bilaabay dagaal indho-la’aan iyo hubsiimo la’aan uu ku galay, kaasi oo uu ku bartilmaameedsaday Ingiriis iyo qabaa’ilkii heshiisyada kula jirayba, waxa uu socday dagaalkaasi muddo ku dhow 20-sanno, waxa uu dagaalkaasi keenay dhibaatooyin badan, oo naf iyo maalba leh, isaga oo Maxamed Cabdule Xasan kaga baxay dagaalkii hadal mahadho reebay oo ahaa Coomaadi Duulaya Ayaa ay Cirka Nagaga Keeneene, Adiguba Caqlaad Leedahaye Carar Maxaa Dhaama, orodkii uu kaga baxay dhulkii dagaalka, kolkii diyaarado lagu duqeeyay, ayaa uu ugu dambeyn ku geeriyooday, isaga oo aan wax guul ah ka gaadhin dagaalkiisii degdega iyo hubsiimo la’aanta uu ku bilaabay.