Dee bilee hadana ay dhexda kuu galaan?

Waa meel luuq ah, oo wadada ay dadku marayaan aad uga qarsoon, waxa jooga sadex ciyaal ah, laba ayaa dilaya kuyar oo labadoodaba ka itaal yar, ka yari ma ooyayo, laakiin midba meel ayaa uu kaga dhagan yahay, waxa uu ku jiraa difaac adag, wayse ka itaal roonaayeen, oo aad ayay u garaaceen, wuu ku cararay, si uu uga qabto, kadibna way baxsadeen, kii yaraa ayaa soo kacay isaga oo cag dhulka ka qaadi kari la’a, intii ay kolba legdayeen ayaa cagtaa jilibkeeda uu dhagax salax ah ku dhuftay, wuu ilmaynayaa laakiin marka uu ku soo eegayo waxa aad moodaa in aanu waxbaba qabin, wuxuu weydiiyay: Sideed wax u qabtaa? Hore wuu ula hadli waayay, inta uu joojiyay ayuu ku yidhi: Adeer cagtu xagee ayay wax kaa qabtaa? Markii uu  arkay in uu dhibkiisa diidan yahay, oo uu u naxayo, ayaa uu u jawaabay, wuxuu ku yidhi: jilibka ayaan dhagaxaasi ku dhuftay… kadib jidhkiisa ayaa uu kolba meel taabtay, oo uu eeg-eegay, waxa uu ku yidhi: miyaad meel kale wax ka qabtaa? Wuxuu si fiican u yidhi: May… Wuxuu ku yidhi: ina mari aan ku sii raacee? Wuxuu ku yidhi: Adeer iska joog waan tagi karayaaye… wuxuu ku yidhi: Dee bilee hadana ay dhexda kuu galaan? inta uu yar qoslay ayuu ku yidhi: waan ka baxsani… kadibna wuu ka dhaqaaqay, nasiib wanaag waxa uu u dhaqaaqay xagii uu isna u socday, isaga oo wali cagtii jiidaya, oo dhulka dhigi kari la’a, wuxu ku leexday aqal jiingad ah, markii uu albaabkii gal is-yidhi, sufur bir ah, oo duulaya, ayaa laabta kaga dhacay, waaka dib u soo cararay, waxa ka soo baxday jiingadii qof dumar ah, oo loox dheer sidata, waxay leedahay “waar xageed maanta oo dhan ku maqneyd… dibjiryahaw… bal aad soo gashid…” kadib gidaar jiingada ka soo horjeeda ayaa uu soo istaagay, inta ay u soo dhukustay, ayay qabatay isaga oo aan arkaynin, looxii ayay aad ugu garaacday, qaylo iyo cabaad ayaa kii yaraa ka dhamaatay, aqalkii ayay la gashay iyada oo wali sidii u garaacaysa.

Maalin dambe ayay is-arkeen kii yaraa, waxaa uu ku yidhi “waar jilibkii ka waran, ma ku bogsadey…” kii yaraa inta uu u soo jeestay si quman, ayaa uu isaga oo aad u ixtiraamaya ku yidhi: “Adeer! wuu I bogsadey…” dareenka uu su’aashaa ka qaatay waxa uga soo baxay, in aan waligii cidiba ku odhanin iska waran, oo aanu arag cid dhibkiisa ka naxaysa, su’aal ayuu weydiiyay, wuxuu ku yidhi: Adeer! Xageed ka timid? Wuxuu ugu jawaabay: Hargeysa! Inta uu yar qoslay ayaa uu ku yidhi: Dee aniguba sownigan Hargeysa jooga… markaas ayuu weydiiyay: hadaa maxaad u jeedaa? Wuxuu yidhi: ma dibada ayaad ka timid?

Mar uu weydiiyay, markii labadii ay ku dilayeen, maxaad u qaylin weyday, si dadka wadada marayaa kuugu soo yaacaan? waxa uu siiyay jawaab ay uga soo baxday, in uu kaa yari gebi-ahaanba ka quustay taageeradii bulshada, qofka marka ay dhibi ku dhacdo, ee uu qaylada iyo oohinta is-raaciyo, ileyn waa qof rejo qaba, oo filaya inuu helayo gurmad ama cid ku-mara-tuurta.

Woxoga ayay sii wada socdeen, oo ay sii sheekaysanayeen, waxa uu kaa yar ka ogaaday arrimo badan… nolol adag oo aad u adag ayaa uu ku nool yahay, waxa uu noloshaasi ka faa’iiday waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin kuwani:

  • Waa qof baraarugsan, oo dareenkiisu soo jeedo, marka uu kula hadlayo, indhahaaga iyo gacmahaaga ayuu si joogto ah ugu fiir-fiirsanayaa, aad buu u diyaarsan yahay, oo dhaqdhaqaaqiisa iyo socodkiisa oo dhami waxaa ay ku tusayaan in uu difaac ku jiro.
  • Hadalkiisu wuu miisaaman yahay, inkasta oo da’diisu aanay weynayn, hadana hadal lagagama badinayo, oo lagu khiyaamayn kari maayo, wuxuu u sheegay in marar badan lagu khiyaameeyay, laakiin imika uu waayo-arkay, oo aan la khiyaameyn kareynin.

Noloshani dhib weyn ayuu iyana ka dhaxlay, noloshaa adag cid uu la kaashado ma haysto, dhibka ku dhaca xalkiisa isaga ayaa u fikiraya, oo maskaxdiisa ka baadhaya, maskaxdu waa xubinka jidhka ugu shaqada badan, xubnaha kale oo dhan ayaa ay kala hagaysaa, waxa ay isticmaasha tamar badan, maskaxdaa uu aadka u adeegsadey wuxuu ka dhaxlay:

  • Laftii iyo diirkii ayaa isku dhagay.
  • Lafihiisii ayaa yar-yaraaday, oo aan koriin ku filan helin.
  • Xubnaha kale ee jidhkiisa badankoodu may helin koritaankii ku haboonaa, oo isha ayaad markaaba ku arkaysaa.
  • Iyada oo da’diisu weli ku jirto xiligii dhererkiisu kala bixi lahaa, ee uu kor u dheeraan lahaa, hadana waxa uu u muuqaal eeg yahay, in uu halkaa dhererkiisu ku istaagay, wada seedo ayaa uu noqday.

Isla xaafadaasi waxa maalin kale uu kula kulmay, ku yar oo aad u buuran, oo si fiican u koray, Maashaa Allaah! waxaabad moodaa jidhkiisa xubnaha qaarkood in ay koritaan dheeraad ah heleen, markii uu la kulmay, ka yari wuu ooyayay, ilmo ayaa ka qubanaysa, indhihii ayaa bararay sidii uu u ooyayay, xagiisa ayu u soo cararay, wuxuu ku yidhi: maxaa ku helay? Kii yaraa hadal wuu ka soo bixi waayay, Hiq! Hiq! Ayuu leeyahay, kadib markii uu u sii fiirsaday, waxa uu arkay cidhibta oo uu dhulka kor uga hayo, waxaa uu arkay qodax ku mudan cidhibtiisa, inta uu fadhiistay ayaa uu cagtii kayar dhabtiisa soo saaray, isaga oo doonaya in u qodaxda ka gooyo, kii yaraa waa ka aad u qaylyay, kuye! I daa! I daa! Qodaxdu aad ugumay wada jirin, laakiin cidhibtiisa ayaa aheyd mid nool, oo aad u jilicsan, nadiifteeda iyo cadaankeeduba badan yihiin, oo dareenkeeda ayaa noolaa, ileyn kolka ay cidhibtu adkaato, ee ay qalafto, dareenka ayaa ka taga’e, kii yaraa isaga oo sidii bahalka uga ordaya ayaa uu ka dhaqaaqay.

Wuxuu cag kaliya ku sii bood-boodaba, waxa uu ku leexday guri weyn, oo aad u qurux badan, markii uu u dhawaaday ayuu oohintii sii libin laabay, aad ayuu u sii qaylayay, dadkii aqalka ku jiray, oo aad u tiro badnaa ayaa soo wada yaacay, naxdinta iyo argagaxa wejigooda ka muuqda ma malayni kareysid, Alla! Maxaa Ku Helay! Kolba midi yidhi, hadana Alla! Hayaay! Qodax Weyn Baa Ku Mudan! Mid baa telefoon qabsatay, kute! haloo haloohaa aabo… intaa way ooyaysaa! Qodax weyn baa ku jirta, inanku waa khalaas!

Wax yar kadib waxa aqalkii soo hor istaagay gaadhi, nin ayaa ka soo degay, wuxuu leeyahay Miyaad ka saarteen? Maya… Haa… qodaxda uskageeda waxa laga yaabaa in… Kolkaa dhakhtarka ayaa ka saari… Aamus Aabo! waxba ma noqonayside… gaadhigii ayaa lagu qaaday, isaga oo kii yaraa beerkii cadaaday! markii ay iyaguna ka sii nixiyeen.

Maalin dambe ayay kii yaraa ku kulmeen wadada, waxa uu ku yidhi: cagtii siday ku tahay?, inta uu si xanuunsan u soo eegay ayuu ku yidhi: way I xanuunaysaa…, in woxoga ah ayay sii wada sheekaysanayeen, waxa ka ogaaday in uu kan yari ku nool yahay nolol aad u fiican, oo ay ku hareeraysan yihiin dad badan oo jecel, oo ka qosliya, ka farxiya, dhib oo dhanna la neceb.

Hadaba noloshan fiicani waxay ka yar u horseeday waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin:

  • Wuu quruxaystay, oo si fiican ayaa jidhkiisu u koray.
  • Waa farxaan, wax ka nixiya iyo wax ka cabsiiya midna muu arag weligii.
  • Cay iyo dagaal midna ma yaqaanno.
  • Waa qof yar oo wanaagsan, oo ku fiican in uu mar walba ka ag dhawaado dad wan-wanaagsan, oo aan dhib u lahayn.

Noloshani waxa kale oo ay u horseeday dhibaatooyin noloshiisa dumin kara, waxa ka mid ah:

  • Waxaa uu isku-haleyn buuxda ka helay qoyskiisa, wixii ku dhaca isagu u fikiri maayo’e, waxa uu u xawilayaa dadkan badan ee ku hareeraysan, wuxuu noqday mid oohin badan, oo oohin wax ku goosta, marka uu wax u baahdo wuu ooyayaa, kadibna si loo aamusiiyo ayaa la kala boobayaa, u fulinta waxani uu u baahday.
  • Wuu daggan yahay, isaga oo waliba il-qabatin leh, qof kasta oo arkaa wuxuu ku soo dhiiranayaa in uu la hadlo, mid kaftan iyo ciyaar ula hadla ama mid khiyaamo iyo waxyeelo ula hadla, iyada oo ay sidaa tahay, hadana sida ugu fudud ayaa loo khiyaamayn karaa, oo ma baraarugsana, maxaa yeelay; maskaxdiisu waa nadiif, wax dhacdooyin ah ama khiyaamo ah oo ugu keydsani ma jirto, ileyn waa kan wax kasta oo ku dhaca u xawilaya qoyskiisa’e, waxa ka sii daran, hadii la khiyaameeyo ama dhib loo geysto, maskaxdiisu ma carbisna, uma tababarna in ay xal keeni karto, oohin mooyee xal kale hore uma heli karo, dhulkan uu degan yahayna waa meel dhib badan, dad badan oo xun ayaa ku nool, hadii uu sidaa ku weynaado, waxa suurtogal ah, in uu la kulmo nolol adag, oo dhib badan.

Waxa uu is-weydiiyay: Bal waxaad is-barbar-dhigta labadan carruur ah, kii hore iyo kan dambe? waa isku magaalo, waxay ku kala duwan yihiin xaga koriinka, mid aad buu u balaayeystay, oo Imtixaan-Illaahay ayaa uu ku jiraa, midna aad ayaa uu u barwaaqeysta, oo Nimco-Illaahay ayaa uu ku jiraa, suurtogal ma tahay labada carruur ah, marka ay weynaadaan, hadii uu xidhiidh dhex maro in ay is-fahmaan, waxa aynu odhan karnaa; hadii uu midiba midka kale kula dhaqmo, hab-dhaqankii uu ka dhaxlay noloshii uu la soo noolaa, way adkaanaysaa markaa in ay is-fahmaan, maxaa yeelay; midba hees ayaa uu ku heesaya:

  • Kii barwaaqeysnaa wuxuu qaadayaa Badh-Badhaadhnay…
  • Kii balaayeysnaa-na wuxuu qaadayaa Maxaa Dembi Layga Galayeey…”

In ay is-fahmaan iska daaye, waxaa suurto-gal ah in ay isku xad-gudbaan, oo uu dulmi dhexdooda ka soo baxo.

Laakiin hadii ay ku wada xidhiidhaan hab-dhaqan dhex u ah, oo u horseeda, in uu mid waliba ku qanco sida Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu u qorsheeyay noloshiisa, waxa dhab ah in ay is-fahmayaan, oo ay ku wada noolaanayaan jaceyl iyo ixtiraam uu midiba midka kale u hayo.

Sooyaalkii iyo Soo-Jireenkii adduunku wuxuu ahaa, Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye in aanu marnaba dadka u simeynin nolosha, oo mar walba la kala duwanaanayo, laguna kala sareynayo qaybta & qoraalka Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye,  isaga oo taasi inoo cadeynaya wuxuu Qur’aanka Kariimka ah Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye Inoogu Sheegay:

اعْلَمُوا أَنَّمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا لَعِبٌ وَلَهْوٌ وَزِينَةٌ وَتَفَاخُرٌ بَيْنَكُمْ وَتَكَاثُرٌ فِي الأَمْوَالِ وَالأَوْلادِ كَمَثَلِ غَيْثٍ أَعْجَبَ الْكُفَّارَ نَبَاتُهُ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَاهُ مُصْفَرًّا ثُمَّ يَكُونُ حُطَامًا وَفِي الآخِرَةِ عَذَابٌ شَدِيدٌ وَمَغْفِرَةٌ مِّنَ اللَّهِ وَرِضْوَانٌ وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُورِ|سَابِقُوا إِلَى مَغْفِرَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا كَعَرْضِ السَّمَاء وَالأَرْضِ أُعِدَّتْ لِلَّذِينَ آمَنُوا بِاللَّهِ وَرُسُلِهِ ذَلِكَ فَضْلُ اللَّهِ يُؤْتِيهِ مَن يَشَاء وَاللَّهُ ذُو الْفَضْلِ الْعَظِيمِ|مَا أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ فِي الأَرْضِ وَلا فِي أَنفُسِكُمْ إِلاَّ فِي كِتَابٍ مِّن قَبْلِ أَن نَّبْرَأَهَا إِنَّ ذَلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ|لِكَيْلا تَأْسَوْا عَلَى مَا فَاتَكُمْ وَلا تَفْرَحُوا بِمَا آتَاكُمْ وَاللَّهُ لا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ﴾

سورة الحديد٢٠–٢٣

Waxa uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye mar kale yidhi:

مَّن كَانَ يُرِيدُ الْعَاجِلَةَ عَجَّلْنَا لَهُ فِيهَا مَا نَشَاء لِمَن نُّرِيدُ ثُمَّ جَعَلْنَا لَهُ جَهَنَّمَ يَصْلاهَا مَذْمُومًا مَّدْحُورًا|وَمَنْ أَرَادَ الآخِرَةَ وَسَعَى لَهَا سَعْيَهَا وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَأُولَئِكَ كَانَ سَعْيُهُم مَّشْكُورًا|كُلاًّ نُّمِدُّ هَؤُلاء وَهَؤُلاء مِنْ عَطَاء رَبِّكَ وَمَا كَانَ عَطَاء رَبِّكَ مَحْظُورًا|انظُرْ كَيْفَ فَضَّلْنَا بَعْضَهُمْ عَلَى بَعْضٍ وَلَلآخِرَةُ أَكْبَرُ دَرَجَاتٍ وَأَكْبَرُ تَفْضِيلاً﴾

سورة الإسراء ١٨-٢١

Hadaba sida fiican, ee labadaa carruur ah, uu ku jiro wada-noolaanshahooda iyo is-fahamkoodu waa:

  • Kan balaayaysani; waa in uu ku sabro balaayada, waa inuu wanaag iyo abaal-marin kaga rajeeyo Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye, waa in dhibkaa badan ee uu soo arkay, aanu u horseedin ciil iyo cadho uu la dul koro dadkii kale.

Kan barwaaqeystayna; waa in uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye u mahadnaqo, waa in barwaaqadaasi aanay u horseedin kibir iyo isla-weyni uu dadka kula dhaqmo.

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?